Caafimaadka Archives - Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information

Boqollaal qof oo la ildaran shuban-biyood iyo daawo yari ka jirta Jubbada hoose
(ERGO) – Toddobo qof ayaa cudurka shuban-biyoodka ugu dhintay deegaanka Buula Xaaji oo dhinaca galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo. Wuxuu sidoo kale soo ritay tan iyo bartamihii bishii June 235 qof oo isugu jira rag, haween iyo carruur, sida ay noo sheegeen dhakhaatiir deegaanka u tagay caawinka bukaanada.

Dr. Xasan Xuseen Maxamed, oo ka mid ah dhakhaatiirta si mutadawacnimo ah u caawinaya bukaannada, ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee cudurka loo aaneynayo ay tahay biyaha wasakhaysan ee laga cabbo waraha.

Aadan Bakaal Sheekh waxaa cudurka uga dhintay wiil labo jir ah bilowgii July 2026. Wuxuu xusay inuu halmar ku soo booday shuban aan kala joogisi lahayn, ayna Joogeen dhul baadiye ah oo aan lahayn goob cafimaad iyo daawo midna.

“Wuu shubmay. Shubankii wuu Isbeddelay. Quraan ayaan saarnay.  Cunugii indhihii god ayey galeen. Wax daryeel ah ayaan waynay. Waxaa nala dhahay Buula Haaji ayaa daryeel uu jiraa oo cafimaad la keenay. Aniga iyo gabadhii ii dhashay ayaa soo qaadnay. Gabadhii waa qaadi wayday shubankii ayaa iska socda.”

Aadan ayaa sheegay in wiilkiisa uu u waayay lacag uu gaari ku soo saaro, taas oo dib dhigtay. Wuxu xusay in saddex habeen iyo saddex maalin uu la soo lugaynayay. Markii uu u soo dhawaaday deegaanka Buula Haaji nin ayaa ku caawiyey gaari Dameer.

Wuxuu tilmaamay inay jirka kula soo kulmeen culeyso kale oo safarka ku dheereeyay sida roob mahiigaan ah oo jaray waddooyinka. Arrimahaas ayaa keenay in wiilkooda uusan durba helin gargaar badbaado leh.

“Waxaan u soo qaadi waayey gaadiid la’aan. Meesha Gaadiid ma galo.  Waa cir ka dheer dhul dheer. Marka aan soo dhawaanay ayaan qaadmo ku soo dayey. Tiirabi ayaa qabsatay walaalow cunugayagii aan jeclayn.”

Ninkan ayaa sheegay in wiilkiisa uu naf baxay markii ay geeyeen Buula Haaji oo lix saac uu yeelay goob yar oo si ku meelgaar ah loo dhisay. Dhakhaatiirta ayuu xusay inay u sheegeen inuu u god galay cudurka Shuban biyoodka.

Waxaa xannuunka ku kordhinaya in sababta geeridiisu tahay fuuq bax ku socday maalmo, iyada oo aan la siin wax dawayn iyo baxnaano kale ah midna.

“Dhakhtarka waxaa uu yidhi shubanka ayaa dilay.  Haddii uu daryeel caafimaad helli lahaa waa fiicnaan lahaa ayuu nagu yidhi. Anagana waan soo gaadhi waynay. Mar hore maxaad u keeni waydeen ayuu na waydiiyey. Anagana tamarta ayaan u sheegnay sida aan Buula haaji ku keenay, marka xaalka ayaad sidaa noqday.”

Aadan iyo xaaskiisa ayaa dib ugu laabtay tuuladoodii Qurac-dheer iyada oo uusan wehlin yaraankoodii. Waa danyar dhaqda afar sac iyo toban ari ah oo uga soo haray abaaro deegaanka saameeyay.

Buula Xaaji ma laha isbitaal ama xarun caafimaad oo si rasmi ah u shaqeysa. Xarunta caafimaad ee ugu dhow waxay ku taallaa magaalada Kismaayo oo u jirta qiyaastii 90 km. Qoysaska qaar ayaa awoodin inay iska bixiyaan qarashka gaadiidka.

Dadka deegaanka ayaa iskood isu abaabulay, iyagoo dhisay laba teendho oo ku-meel-gaar ah, kuna diyaariyey afar sariirood si loogu dabiibo bukaannada ugu daran. Waxaa sidoo kale la geeyey daawo kooban oo ay bixisay Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland, hase yeeshee dhamaad ah.

DR Xassan Xusseen Maxamed oo ka mid ah dhakhaatiirta dadka ugu shaqaynaysa sida tabaruca ah ayaa sheegay in uu cudurka uu ku faafayo si xawli ah marka loo eego dadka uu soo ridanayo.

Wuxuu intaas ku daray in daawooyinka iyo sariiraha ay ku jiifanayaan bukaanka ay aad u yaryihiin, taas oo hoos u dhigaysa dedaalkooda. Wuxuu tilmaamay inay awoodooda ka baxsan tahay baahida jirta.

“Anagga waxaan siinaynay dadka Oras iyo daawooyin u badan faleenbooyin oo ku xidhaynay dadka. Dadka waxaa ay ka imaanayaan miyi iyo magaalaba. Cudurka waxaa uu ka dhashay biyha wasakhada ee dadka ay cabayaan.”

Marka laga tago reer guuraaga bukanaadda ugu badan waxay ka imaanayaan xeryaha deegaanka. Faadumo Hilowle. Cumar oo ku nool duleedka deegaanka Buula Haaji ayaa sheegtay inay wiil ay dhashay oo labo sano iyo bar jira uu kaga dhacay Shuban 25 June.

Waxay keentay deegaanka balse waxaa loo sheegay inay xaaladdiisu tahay mid aan waxba looga qaban karin. Faadumo ayaa xustay inay wayday $16 oo ay ku gayso magaalada Kismaayo. Nasiib wanaagsan, waxaa ka ogolaaday inuu si dayn ah ugu qaado mid ka mid ah darawallo ay u dan-sheegatay.

“Cunugga markaan qaadaayey magaalada isagga oo nool ma tagaysaan mise dhaxda ayuu ku dhiman-doona ayaa lahaa sida uu u liitay awgeed. Markii aan magaalada tagay oo isbitaalka geeyey waa la isoo dhaweeyey cunuggan daawo ayuu meesha iiga helay.”

Faadumo ayaa sheegtay in wiilkeeda kowdii bishan July laga saaray Isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo isaga oo ay soo hagaagtay xaaladiisa caafimaad ayna dib ugu celisay deegaanka Buula Haaji oo ay ku nool yihiin.

Waxay xustay in daawooyin kala duwan loo siiyey wiilkeeda intii ay kula jirtay Isbitaalka dhakhaatiirtana ay ku bixiyeen dadaal  fiican sidii uu u badbaadi lahaa.

“Markii cunugga ii cafimaaday oo dhiigiisa uu soo noqday shubankiina uu joojiyey oo daawo walba la ii siiyey oo fiicnaaday ayaan soo bixiyey. Dhakhaatiirta waxaa ii sheegeen in cunugay uu aad u liitay oo shuban biyood uu ku dhacay oo xitaa qaybta ilmaha aad u liita la galiyey ayey ii sheegeen.”

Faadumo ayaa sheegtay inay nolol adag ku wajahayaan xeryaha deegaanka oo ay soo galeen Febraayo markii ay roob yari uga dhamaadeen 25 lo’ ah iyo 50 neef oo ari ah oo ay noloshooda ku tiirsanayd.

Nolasha qoyskeeda oo toban ah ayaa ku tiirsan shaqo muruq maal ah oo aan joogta ahayn oo saygeeda uu qabto. Waxy sheegtay in maalintii uu helo $1.5, mararka qaarna uu wayao.

“Nolosha waa iska xuntahay waddanka shaqo la’aan ayaa ka jirta. Ninkii Shaqayn lahaa wax uu ka shaqeeyo ma lahan. Waddanka shaqo mataalo. Wax yar oo lo’ ah iyo adhiya ayaan lahayn. Lodii waa dhamaatay. Adhigiina wuu dhamaaday.”

Qoysaskan oo horay u wajahayay saamayn taban oo ka dhalatay isbeddelka cimilada markii ay ku cayroobeen roob yari soo laalaabatay ayaa hadda waxaa u raacday xaalad caafimaad daro oo ku kordhisay duruufihii nolosha ee ay la halgamayeen.

The post Boqollaal qof oo la ildaran shuban-biyood iyo daawo yari ka jirta Jubbada hoose appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley
(ERGO) – Xaalado adag oo dhanka nolosha ah ayay wajahayaan qoysaska 76 qof oo cudurka sonkorta uu soo ritay shantii bil ee ugu danabaysay, kuwaas oo lagula tacaalay isbitaalka guud ee Gabiley.

Qaarkood sanooyin ayay cudurka la noolaayeen iyagoon isku ogayn. Waxaa sidoo kale u wehliya cuduro kale oo sababay in ay awoodi waayeen xamaalkii ay biilka ka soo saran jireen.

Dadkan oo badankoodu ka soo jeeda qoysas danyar ah waxay muteen dhibaatooyin dhaqaale iyo kuwo nololeed oo sii adkeeyay caafimaad darradii haysay.

Ismaaciil Jaamac Cali oo ka mid ah ayaa sheegay cudurka lagu ogaaday mar uu dhintay wiil uu abti u yahay naxdintaas oo ku keentay in uu miyir beelo.

Baaritaan uu ku sameeyay isbitaalka Gabiley oo la geeyay ayaa looga sheegay cudurka sonkorta bishii Fabraayo ee sanadkaan.

Wuxuu xusay in uusan illaa markaas shaqayn oo xanuun joogto ah uu dareemo horayna uu calaamadaha cudurka isugu arki jiray.

“Markii iigu horaysay waxaan u mooday kalyo xanuun. Haraad iyo kaadi badan ayaa isku arkay illaa 6 bil ma ogayn in uu macaan yahay, waana jiranaa daal badan ayaan isku arkay oo markaan waxyar socodo waa fariisan jiray. Heer aan gaaray markii danbe in aan suuq, waxaana la igeeyay isbitaal”

Ismaaciil ayaa sheegay in xaaladaan ku soo korortay ay nolosha iyo dhaqaalaha ka saamaysay qoyskiisa oo 12 qof ah. Keligiis ayaa u shaqaynayay, maaddaama ay carruurtiisu yar yar yihiin.

Wuxuu awoodi la’yahay cunnada, biyaha iyo baahiyahooda kale. Daruuftan ayaa ku qasabtay in habeennada qaar gaajo ku seexdaan.

Xaaskiisa waxay umushay horraantii May, isna dhul yaal ayuu noqday mana jirto cid kale oo caawimaad joogto ah ay ka heleen.

Waxay hal mar dabka ku shitaan kaalmo aan badnayn oo dariska ama qaraabo ay ku caawiyaan, markii aysan waxbo helin waxay ku qasban yihiin in ay qadaan, maaddaama aysan doorasho kale haysan.

“Reerkayga anaa u shaqayn jiray, anna waxaa igu dhacay cudurkii oo aanan fahamsanayn horraantii, taas oo keentay in aan awoodi wayno saddexdii waqti ee cunnada. Waxaa ii sii nugleeyay cudurka waa gaajada ii raacday.”

Ismaaciil ayaa sheegay intii uu xanuunsanaa in uu ka xirmay harqaan uu nolol maalmeedka uga soo sari jiray qoyskiisa oo Gabiley ugu yaallay, taas oo xaaladooda sii adkaysay.

Wuxuu door biday daawo dhaqameed iyo Qur’aan uu naftiisu isku aqriyo. Wuxuu aaminsan yahay in ay uga fiican yihiin daawooyinka ay dhaqaatiirtu qoraan, ugana qarash yar tahay.

Caqabadaha haysta waxaa ka mid ah 3 carruurtiisa ah oo waxbarashada laga soo eryay dhamaadkii Maarso, markii uu 2 bil bixin waayay $45 oo uu ka dhiibayay.

Waxay dhiganayeen fasallada 3 iyo 5 ee dugsiga hoose dhexe iyo mid sannadkii labaad ku jiray dugsiga sare.

Waxaa intaas u wehliyo daymo isku gaaray oo muddo lagu leeyahay, kuwaas oo waydiimo joogto uu kala kulmo dadkii uu ka qaatay.

“Waxaa la igu leeyahay $1,200. waxaan ku iri waxba ma hayo haddii aan dhinto tolkayga u doonta. Dhaqaale burbur ayaa I soo gaaray meeshii aan ka shaqaysanayay waa xirantay.”

Qoyska Ismaaciil waxay hadda magaalada Hargaysa uga nool yihiin labo qol oo ehelkiisu ku caawiyeen, markii laga saaray gurigii kiro ah oo ay ka deganaayeen Gabiley, kaas oo uu iska bixin $80 oo kiradiisu ahayd.

Cudurrada raaga oo sonkorowgu ka mid yahay saamayntooda dhaqaale iyo nololeed ayaa soo badanaysay muddooyinkii dambe. Bukaannada qaar ayaa awoodi waayay lacagta daawada, halka kuwa kalena ay iska diidaan.

Dhaqtar Bilan Axmed Ismaaciil oo ka tirsan qaybta macaanka ee isbitaallka Gabiley ayaa sheegtay in wacyigalin la’aanta, hab nololeedka qoysaska oo isbeddelay iyo ogaanshaha cudurka oo daaha ay kordhiyeen halistiisa.

Waxay tilmaamtay in ay sii badanayaan dadka macaanka qaba. La tacaalidiisa iyo u hogaamsanka talooyinka dhaqaatiirta ayay xustay in ay kaalin weyn ka qaataan xal u helida, balse inta badan bukaannadu aysan sidaas samayn.

“Talacaalida macaanku waxay u baahan tahay qorshe balaaran oo muhiim u ah dadka la nool. Daawo kali ah ma ahan waa in noloshiisa wax laga beddelo, cunnooyinka u fiican la baro, socodkana lagu dhiiriyo. Xanuun in lala noolaado iyadaaba saamayn ah.”

Bilan ayaa sheegtay in saddexdii bil ee ka horaysay shantaan ay diiwaangaliyeen 30 qof oo macaan leh, taas oo muujinaysa koror labanlaab ka badan.

Waxay u sababaaysay cunnooyinka dabiiciga ah oo aan la cunin, jimicsi la’aan iyo dadka oo aan baarintaan joogto ah samayn.

Dhaqtarka ayaa walaac ka muujisay in iyadoo dadka la siiyo daawooyin iyo la talin bilaash ah haddana qaarkood ay diidaan iyagoo aaminsan geedo dhaqameedka in la isku daaweeyo.

Waxay sharaxaysaa heerarka sonkorta iyo qaababka loola tacaalo.

“Dadka qaar macaan ayay leeyihiin, laakiin daawo uma baahna oo maaddada sonkorta gubaysa ayaa ku filan. Mar ganaca qofku wuxuu shaqada gabayaa konto boqolkiiba oo kaniini ayuu u baahan yahay. Mar kale 70 illaa 80 ayuu gabaya oo heer cirbad ayuu gaaray.”

Bilan ayaa sheegtay in boqolkiiba 7 dadka ay la tacaaleen ay ka yar yihiin sodon sano. Da’da u dhexaysa 30 illaa 60 waa 50 boqolkiiba, halka lixdan illaa sagaashan ay yihiin 30 boqolkiiba.

Dhaqtarka ayaa sheegtay in cudurka macaanku uu saamayn maskaxeed ku yeesho qofka la nool, sida walwal iyo niyad jab. La socodka heerka ay joogto sonkortu ayay xustay in ay daaweynta qayb ka qaadato.

Dhanka kale Sacad Cabdi Yuusuf oo 35 sano jir ah cudurka macaanka ayaa ku sababay in uu araggiisii waayo. Muddo dheer oo uu qabay, balse uusan isku ogayn ayaa keentay in indhihiisu daciifaan illaa uu ka gaaro heer uusan waxba arkayn.

Wuxuu sheegay in xaaladaan ay ku qasabtay in uu awoodi waayo shaqooyin dhismaha guryaha ah oo uu ka qaban jiray magaalada Gabiley. Ugu danbayn isbitaal uu tagay horraantii sanadkan ayaa u sheegay in sonkortu jirkiisa ku jirtay in ka badan 9 sano oo unugyadiisa ay saamaysay.

“Dhowr jeer ayaan qaatay daawo wellina ma bogsoon. Indhaha ayaa iigu daran dalka waxba loogama qaban karo ayaa la I yiri mana awoodo dhaqtar dibadda ah”

Sacad shan bil oo xanuunka uu qabo wuxuu ku dhex nool yahay isbitaalka Gabiley. Wuxuu awoodi waayay kirada iyo noloshiisa, maaddaama uusan shaqayn karin.

Wuxuu waayay $7 oo maalinle uu dhismaha uga qaadan jiray, taas oo uu ku biili jiray 3 walaalihiis ah ka yar oo masuul uu ka ahaa.

Wuxuu tilmaamay in maalmaha qaar uu xaalad adag galo oo la dhigo qaybta gargaarka deg dega ah, markii uu roonaadana qolkiisa lagu celiyo. Sacad ayaa xusay in cudurkaan uu baabi’iyay rajo kasta oo nolosha uu ka lahaa.

Dhibaatooyinka dabiiciga ah oo cudurradu ay ka mid yihiin waxay si adag u saameeyeen nolosha qoysaska danyarta ah oo aan heli karin dhaqaale adag oo ay kula tacaalaan caafimaadkooda, taas oo ku sababtay in ay ku danbeeyaan xaalad quus ah.

The post Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Umulisooyin daryeel iyo talooyin caafimaad u sameeya haweenka ku nool Dhadhaab
(ERGO) – Haween umulisooyin badax-banaan ah ayaa daryeel caafimaad iyo talo siin si bilaash ah guryaha ugu sameeya dumarka uurka leh ee ku nool xeryaha qaxootiga Dhadhaab

Umulisooyinkan oo tiradoodu 30 tahay ayaa sheegay in ujeedadoodu tahay ka hor tagga in hooyada uurka leh ay wajahdo xaalad halis galin karta iyada dhallaanka. Waxay sheegeen inay ka shaqeynayaan sidii haweenku caafimaad iyo hannaan saxan ugu gaari la haayeen xilliga dhalmada.

Faadumo Siidow oo hor-muud u ah xirfadlayaashan caafimaad ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay inay la kulmeen haween wajahaya nafaqo darro, cuduro aysan isku ogeyn oo ay ka mid yihiin dhiig-kar, sonkor iyo xaalado kale oo dhiig yari ay ka mid tahay.

Waxay sheegtay in deg deg ay u geeyeen xarumo caafimaad oo ay ka heleen daryeel ay ku soo kabteen. Waxay xustay in sidaas ay ku caawiyeen 200 oo ah haween uur leh, tan iyo bishii Juun ee sanadkan oo ay wadaan howshan.

Warsan Muuse Jaamac oo ku nool xerada Qaxootiga ee Xagardheer waxay ka mid tahay haweenka la caawiyay. Waxay tilmaantay sheegtay inay wajahaysay dhiig yari iyo nafaqo darro, balse ay ogaatay markii la geeyay xarun caafimaad.

Waxay sheegtay inay garab istaag hagar la’aan ah ka heshay midka mid ah umulisooyinka oo guriga iyo goobta caafimaadka ku baxnaanin jirtay muddo shan bil ah, illaa ay si nabad ah uga umushay 28 bishii November ee sanadkan.

“Si fiican ayaa la ii caawiyay, si fiicanna waan u ku dhalay.  Aniga oo xanuunadan oo matagaya ayay ii timid, buug bay sii jartay, markaa laga billaabo wa isoo kor meeraysay caawimaad fiican ayaan helay.”

Warsan oo 35 jir ah ayaa xustay inay ogaatay halista ay wajaheysay, markii ay heshay hagid iyo aqoon kororsi.

Waxay sheegtay in umulisadu ay mar walba ugu iman jirtay gurigeeda, maadaama aanay marwalba aadi karin goob caafimaad.

Waxay intaas ku dartay in taageerada ay heshay ka caawisay inay caafimaad iyo bad qab ku dhasho gabadha ugu yar carruurteeda oo siddeed ah.

Warsan ayaa tilmaantay ilimihii kan ka horreeyay oo ay dhashay sanadkii 2023 ay dhibaato ka martay, madaama aysan helin wax talo siin ah.

Waxay sheegtay in isbitaalka ay tagtay iyadoo tabar yaridu gaarsiisay heer ay ku dhowaatay in ilmaha lagu qalo oo ay miyir daboolanto.

Waxay aamin saneyd in goobta caafimaad la tago oo kaliya marka ay dareento xanuun ama ay fool qabato, hadase waxay maanka ku haysaa caqabado looga digay.

“Talooyinka aan dhaxlay waxaa ka mid ah inaan guriga ku dhalin oo aan isbitaal tago. Haddii aan sidaas sameyn waxaa igu imaan kara dhiig bax in ilmaha iyo aniguba u dhimano daryeel la’aan ama naafowno. Intaas oo dhan isbitaalku wuu kaa xallinayaa ayay i dhahday.”

Qoyska Warsan waxay noloshoodu ku tiirsantahay dukaan yar oo ninkeedu ku gado bagaash iyo qudaar. Qaxootiga ayay ku nool yihiin tan iyo sanadkii 2010. Miyiga gobolka Jubbada hoose ayay ka soo barakaceen markii abaar ay uga dhinteen 30 neef oo lo’a iyo 120 ari ah.

Umulisoonka caawiya dumarka uurka leh kuma koobna xaafadaha xeryaha ee waxay gaaraan meelo ka baxsan oo ay deggan yihiin qoysas ay ka fog yihiin xarumaha caafimaadku.

Dadkaas waxaa ka mid ah Xabiibo Axmed Taajir oo ku nool meel 6 km ka baxsan xerada Xagardheer. Waxay leedahay uur sagaal bil ah. Uma fududa inay mar kasta dhakhtar la kulanto, balse waxay xaaladeeda la socod siisaa umuliso ugu timaada guriga marka ay war galiso.

“Canugaan oo hadda aan ku jiro bishiisii sagaaleed waxaan go’aansaday inaan isbitaalka ku dhalo, ilaahayna waa ii aqbali doonaa riyadeyda. Hirig hirig dhan iska ilaali ayay tiri umulisada, haddii gaariga gurmadka deg degga ah kaa soo daahana isoo wac ayay tiri aniga ayaa la hadli doona isbitaalka. Marka hadda waxaan ku kalsoonahay inaan isbitaalka ku dhalo.”

Waxay sheegtay inaysan waligeed ku dhalin isbitaal, balse hadda ay qorsheyneyso inay aaddo bisha January oo ay muddadeedu ku beegantahay. Waxaa halkaas ka soo diiwaan galisay umulisada sida gaarka ah uga war qabta.

Xabiibo oo 38-jir ah ayaa xustay inay aamin saneyd in isbitaalku uu lacag yahay, dhaqaale yarida haysata darteedna aysan qorshaha ugu jirin inay tagto.

Qoyskeeda oo halkan soo degay sanadkii 2010 ayaa ka mid ah qoysas ku nool dhul bannaan oo aysan wali gaarin adeegyada caafimaadka, biyaha iyo waxbarashada.

Hal waqti ayay dabka ku shitaan $30 oo ah gunno lacageed oo ay helaan reerkeedu labadii bilba mar.

“Raashiinka aan soo qaadano bisha dhexdeeda ayuu dhammaadaa, dal iyo dibadna cid nooma jirto. Deyn ayaan raadiyaa. Markii aan deyn soo helana in la gudo ayaa ah rafaad iyo silac. Markii aan deyn wayno oo raashiinku naga go’ana waxaan ku seexanaa gaajo.”

Qoyska Xabiibo oo toban qof ka kooban ayaa abaar iyo colaad uga soo barakacay gobolka Bay oo markii ay joogeen noloshoodu ku tiirsaneyd tacabka beeraha.

Umulisooyinkan ayaa ahaa shaqaale mushaar ka qaata hay’adda maamusha isbitaalka Xagardheer ee IRC. Dhaqaale xumo darteed ayaa shaqada laga joojiyay bishii Agoosto ee sanadkii 2024.

Haweenkan ayaa sheegay inya go’aansadeen in shaqada daryeelka hooyooyinka uurka leh ay sii wadaan. Si koox koox ah iyo si keli keli ahba way u howl galaan, sida ay sheegtay Daahiro Macallin Cabdi oo hormuud u ah.

“Ujeedada aan ka leenahay waxa weeye dadku waa dadkeenii, markii horana waa naloo soo tababarey. Haddii aan helno hay’ad wax nagu siisana waan arkeynaa haddii kalena bulshadeena ayaan usii shaqaynaynaa oo sii caawinaynaa. Waa howl aan ku qanacsanahay oo wax weyn iiga dhigan.”

Daahiro oo leh toban sano oo qibrad ah ayaa tilmaantay in dhammaantood ay yihiin xirfadlayaal ay tababartay hay’adda IRC.

Howsha ayay sheegtay inaysan joojin doonin oo ay sii wadayaan inta ay jirto baahidu. Waxay xustay in haweenku u sheegeen inay jiraan dumar badan oo guryaha ku dhintay xilliga umusha, kuwaas oo aan tirakoob laga hayn islamarkaana aan la ogeyn sababta ay u dhinteen.

Bilaha ay shaqeynayaan ayay sheegtay inay ogaadeen in haweenku aysan badi aqoon u laheyn qaabka la rabo inay iskaga war hayaan marka ay uurka lee yihin.

Baraarug la’aanta ayay tilmaantay inay tahay mid ka mid ah caqabadaha ay la dagaalamayaan, taas oo ay aaminsantahay inay xal u noqon karto yareynta qatarta ay wajahayaan haweenka uurka leh.

“Hooyada waxaan ka waaninaa inaysan guriga ku dhalin xataa iyadoo guriga ku dhali rabta ayaan soo wadnaa oo aan keenaa xarunta caafimaadka. Waxyaabo badan oo wacyi galintu ka mid tahay ayaan siinnaa, bishiina waxaan caawinaa 10-15 haween ah oo uur leh.”

Tallaabadani waa mid ka mid ah howlaha isku tashiga ah ee dadka ku nool xeryaha qaxootigu ay isxilqaan ku qabsanayaan, xilli ay sii yaraanayaan adeegyada hay’aduhu siin jireen qaxootiga oo caafimaadku uu ka mid yahay.

The post Umulisooyin daryeel iyo talooyin caafimaad u sameeya haweenka ku nool Dhadhaab appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Nolol xumo iyo daryeel la’aan isku biirsaday qoys ku nool Shabeellaha dhexe
(ERGO) – Danyar gaara 51,000 kun oo qof ayaa waayay adeeg caafimaad iyo quudin bilaash ah oo ay ka heli jireen xarumo ku yaalla deegaannada Qalimow iyo Gololey ee degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Xarumahan oo ay gacanta ku haysay hay’adda Zamzam ayaa dhaqaale la’aan u xirmay bishii September ee sannadkan. Waxaa si gaar ah loogu adeegi jiray hooyada iyo dhallaanka oo heli jiray cunto nafaqo leh, daaweyn iyo la socod joogta ah.

Shukri Axmed Xasan oo leh Uur siddeed bil ah ayaa ka mid ah dadka uu saameynta ku yeeshay adeegga caafimaad ee istaagay. Waxay sheegtay inaysan wax daryeel ah helin saddexdii bilood ee la soo dhaafay, ayna dareemeyso tabar darro iyo xanuun.

Cabsida ay qabto ayaa ah siday ku heli doonto meel ay bad-qab ugu umusho. Halka ugu dhow waa degmada Jowhar oo u jirta ku dhawaad 30 Km. Waxay tilmaantay inaysan heli karin dhaqaale ay ku safarto iyo mid ay ku bixiso isbitaalada lacagta ah.

“Nafaqo darro aadaan u dareemaa iyo laba-labo, kulley waa xanuunsanahay. Waa walwalsanahay, inta ayaa ii rooneyd ma ahoo, aniga tabaraa xaga la igu geeyo maba laha, qof iska danyar aa iska ahay oo ciyaal iska korsaneysa.”

Shukri ayaa xustay in labo carruur ah ay ku dhashay xarunta Qalimow oo ay ku xirneyd muddo afar sano ah. Xilliyadan marka ay gaarto waxay heli jirtay daryeel caafimaad oo joogto ah iyo quudin, balse nasiib xumo markan oo ay leedahay uurka ilmaheedii saddexaad waxay wajahaysaa xaalad hubanti la’aan ah.

Farmashi deegaanka ku yaalla ayaa looga yeeshay deyn ay ku qaateen iyada iyo carruurteeda daawooyin looga dabiibay nafaqo darro, shuban iyo burukeeto.  Waa Deyn aysan awoodin inay bixiso, balse ay sheegtay inay ku qasbanaatay markii ay wajaheen xaalad caafimaad darro.

“Carruurtu waa qandhanayaan, burkeetaa qabanee, calooshaa xanuunee, shuban iyo tabar yaraa qabanayso, anigu waan xanuunsanahay. Farnashiyaha ayaan tagaa sharoobo, kaniinayaal iyo daawooyin kale sidaan uga soo qaadayay waxaa leygu yeeshay lacag boqol doollar ah, meel aan ka bixiyo oo aan ogahayna ma jirto.”

Shukri oo 22 jir ah ayaa sheegtay in xaaladda caafimaad la’aanta ay u dheer tahay cunno yari. Waxay tilmaantay inaysan joogto dabka u shidan karin, reerkuna uusan laheyn il-dhaqaale oo ay nolosha ku maareeyaan.

Beer saddex hektar ah oo ay ku beeran jireen galey, masago, digir iyo iyo qudaar ayay xustay inaysan waxba uga soo go’in muddo siddeed bil ah.

Dalagyadii ugu dambeeyay oo ay beerteen bishii October ayay tilmaantay inay biyo la’aan uga qallaleen, roobka deyrta oo yaraa awgeed.

“Cunno nagu filan maba heysano, adiga subax kaliya ayaan shitaaba. Sidaan meel kasta deyn uga soo qaadayay, hadda waan waayay meel deyn isiisa oo aan ka soo qaado. Hadda guriga ayaan iska joogaa markaan waayay meel aan wax ka qaato, wax dabka lagu shido maleh, waanba yaabanahay.”

Xoolo dhaqato iyo beeraley ku nool 94 tuulo oo hoos yimaada degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa xarumaha xirmay u soo doonan jiray adeegyo bilaash ah, sida ay xustay hay’adda gacanta ku haysay.

Xaaladan ayaa ku soo beegantay xilli dadka ku nool deegaanadan ay wajahayaan roob yari sababtay in xooluhu nacfi yeelan waayaan, beerahana wax soo saar laga waayo.

Maryan Guure Maxamed oo ah 29 jir ku nool deegaanka Gololey, waxay kamid aheyd haweenkii ugu dambeeyay ee ku umulay xarunta caafimaad ee deegaanka. Waxay nuujineysaa ilmo ay dhashay bishi sagaalaad ee sanadkan. Quudin ku filan oo aysan helin awgeed ayay xustay in caanaha naasku aysan kaafin karin dhallaankeeda.

Waxay sheegtay inaysan hadda haysan nafaqeyntii iyo hannaankii xaaladeeda caafimaad loola tacaali jiray.

“Isbitaalka markuu furnaa waa nala daryeelayay, canugana marka hooyadiis wax cuneyso ayuu naas heli karaa, laakiin haddii hooyadiis wax cuneynin oo ay baahantahay caano ku filan iyo naas mahelaayo.”

Qoyska Maryan ayaa culeyso dhaqaale wajahaya tan iyo bartamahii sannadkii hore ee 2024, markaas oo xanuuno iyo daaq yari isbiirsaday ay uga dhinteen 98 neef oo lo’ ah. Waxaa meesha ka baxay caanaheeda oo ay iib gayn jireen. Waxaa hadda u jooga labo sac oo aysan u heli karin calaf ku filan.

Dadka ku nool deegaannadan oo ay ugu horreeyaan odayaasha iyo haweenka ayaa cabashadooda bannaanka keenay, balse wax jawaab ah kama aysan helin hay’adaha iyo maamulka Hirshabeelle.

Maxamuud Nuur Xasan oo 62 jir ah oo kamid ah gudigga xarunta caafimaad ee deegaanka Qalimow ayaa tilmaamay in saddexdii bilood ee la soo dhaafay ay diiwaan geliyeen ku dhowaad 20 kiis oo ah haween si caadi ah u dhalin waayeeen umuliso dhaqameedyo tuulada jooga, kuwaas oo lagu qasbanaaday in Jowhar loo qaado.

“Xarunta caafimaad waxaa laga helayay sharoobooyin casri ah, daawooyin casri ah oo wax walba u roon, si kastaba ha’ahaatee, annaga oo dadka waaweyn ah ayaa doowooyin ka soo qaadanaynay ayaa daryeel ku qabnay wax kale iska dhaafe.”

Qudhiisa wuxuu kamid yahay dadka saameynta ay ku yeelatay xirnaanshaha xarunta caafimaad ee Qalimow, halkaasi oo ay ka heli jireen daawooyin isaga, afar xaas oo uu qabo iyo 26 carruur ah oo uu aabbo u yahay.

Xarumaha caafimaad ee albaabada la isugu dhuftay ayaa shaqeynayay muddo 12 sanno ah. Haween gaaraya 1,416 ayaa siddeeddii bilood ee ugu horreeyay sannadkan ku umulay xarumahan oo celcelis ahaan in ka badan shan dhalmo maalintii qaabilyay. Sidoo kale 1,138 carruur ah ayaa bishii lagala socday xaaladooda nafaqo. Sidaas waxaa Raadiyow Ergo u sheegay Suubow Maxamed oo ah madaxa caafimaadka iyo nafaqada ee hay’adda ZamZam.

Wuxuu tilmaamay in xaaladaha caafimaad iyo nafaqo ee deegaannada Qalimow iyo Gololeey ka jira hadda ay yihiin kuwo aan soo marin in ka badan 10 sanno oo ay deegaannadaasi ka howlgalayeen.

“Hadda dadaalo badan oo xoogan yaan wadnaa oo ay kamid tahay in aan dalbano dhaqaale aan xarumahan dib ugu furno. Sidoo kale balan qaadyo dad deeq bixiyaal kale aan ka helnay ayaa jira.”

Suubow ayaa tilmaamay in sanadkan 2025 ay xirmeen siddeed isbitaal, afartan xarumo caafimaad ah iyo saddex boqol oo xarumood oo lagula tacaali jiray dadka nafaqo darrada wajaha. Dhammaan waxay ku yaalaan Koonfurta Soomaaliya.

The post Nolol xumo iyo daryeel la’aan isku biirsaday qoys ku nool Shabeellaha dhexe appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Dayac iyo nolol xumo haysata dadka qaba xaaladda dhimirka ee ku nool Dhadhaab
(ERGO) – Boqollaal qof oo la ildaran xaalad ka asiibay dhimirka ayaa daryeel la’aan caafimaad iyo mid nolol xumo ku wajahaya xerada qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya, halkaas oo aysan ka jirin xarumo caafimaad oo lagu hayo dadkan.

Cali Isaaq Cali oo 40 jir ah iyo walaalkiis oo ah 35 jir waxay ka mid yihiin dadka la dhibaatoonaya xaaladda maskaxeed. Si aysan baylah u noqon hooyadood oo 70 jir ah ayaa la daalaadhacaysa xanaanayntooda oo dhibbadan ay ku qabto.

Tabar yari iyo ciidan la’aan ayaa isku biirsaday Cadey Sagaar Samow oo kali ku noqotay ilaalinta iyo cunno u helidda ragga ka jiran. Cali oo ah curadkeeda ayay sheegtay in ay kala kulanto cabsi galin, taas oo sababtay in la silsiladeeyo.

“Sababta loo xiray aniga ayuu i dilayaa. Aniga iyo Maxamed nama arki akro. Ilaahay baa iga qabtay mooyee xilli habeen oo salaaddii maqrib la joogay ayuu igu kacay isaga oo wiilka garuun u qaatay ayaan dhahay war wiilka ha diline waxba kaama halaynine wiilka iskadaa. Anigii ayuu igu soo noqdey.”

Labadeeda wiil maysan helin daryeel caafimaad. Waxaa ka hortaagan dhaqaale xumada iyo in aysan safar la gali karin kaligeed, maaddama aysan xakamayn karin. Waxay tilmaamay in ay ka rajo xuntahay xaaladdooda iyo taageero la’aanta.

Waxaa u dhisan labo qal oo cooshad ka samaysan. Mid ka mid ah waxaa kali ku ah Cali, halkaas oo cunnada 24 saacba mar ay dabka saarto loogu geeyo. Waxay sheegtay in uu wajahayo caro-daran oo uu u qabo iyada iyo dadka kale.

Xilli gabal-dhac ayaan la kulmay Cadey iyo labada wiil ee ka ka jiran. Maxamed oo ah kan yar wuxuu u muuqaday in xaaladdiisu aysan darnayn. Inkastoo la kulanka dadka uu culays ku dareemayo, balse la macaamilka hooyadiis wax dhibka kuma qabin.

Mararka qaar wuxuu u baxaa magaalada isagoo soo aruursada haraadiga qaadka, wuxuuna dib ugu soo laabtaa guriga. Ninkan waligiis ma helin daryeel caafimaad oo dhinaca dhimirka ah sida ay sheegtay Cadey.

“Dhaktar ma gaynin. See ku geynaa? Waa i dilayaa wax ciidan ah oo ila gaynaysana mahayee. Wuxuu i leeyahay dhakharkaaga iyo jinigaaga ma rabo marka saan ku gayni? Anigu waayeel baan ahay garab la’aan baana i haysa. Toddobo beri haddii la gayn lahaa waa roonaan lahaa. Ilaahay uun baa garab ii ah. Nin garab ii ah ma jiro.”

Haweenaydan waxay ka dayrisay xaaladda caafimaad ee wiilkeeda curadka ah, kaas oo qoraxdu ay ugu dhacdo, ugana soo baxdo afaafka hore ee qolka uu ku nool yahay, kaas oo masaafo soddon mitir ah u jira buushka ay ku hayato.

Waxay jeclaan lahayd in caafimaadkooda ay dib u helaan wiilasheeda oo xanuunka dhimirka uu haleelay 8 sano ka hor. Waxay sheegtay in qoyskeedu uu ku tiirsanaa Cali, kaas oo gaari-gacan ku shaqayn jiray.

Wuxuu cunnada iyo arrad-tirka ka taageeri jiray hooyadiis, Maxamed iyo 2 gabdhood oo la dhashay, kuwaas oo ay qabaan rag danyar ah oo nolosha la halgamaya. Sidoo kale Cali waa aabbaha 4 carruur ah, kuwaas oo la nool hooyadood.

Cadey Sagaar waxay Raadiyow Ergo u sheegtay in dhibaatada ay ku jiraan ay uga sii dartay, markii hay’adahu ay joojiyeen taakuladii cunno iyo middii lacageed ee qaxootiga la siin jiray.

Waxay maciin-bidday in ay u dawarsi tagto xaafadaha iyo suuqyada xeryaha ku yaalla.

“Chakuuladii dhawaan waa nalaga gooyay. Suuqa iska dhexgalay hadda. Suuqii haddii aan dhexgalay. Qof wuxuu isiina 20kun shilin Kenya, mid 50 isiiya iyo mid 100 isiiya saas baan hadda ku nool nahay si kale malahan. Waayeel baan ahay. Muslimkaas baan ku dhex noolahay.”

Haweenaydan waxay qoyskeedu ka soo qaxeen deegaanka Basra ee gobolka Jubbada hoose sanadkii 2011, markii abaar daran ay baabi’isay beer 10 hiktar ah oo ay beeran jireen.

Dhinaca kale, Ciise Cabdullaahi Cabdi waa 22 jir qaba xaaladda dhimirka, kaas oo wareega waddooyinka xeryaha qaxootiga isagoo kabo la’aan ah, isla markaana u muuqda mid tabar-daran, sababo la xariira daalka iyo dar-xumada.

Cabdullaahi Cabdi Xuseen waa aabbaha Ciise. Wuxuu sheegay in uu geeyay geeyay wiilkiisa isbitaal ku yaalla xerada Xagardheer, balse daawooyinkii la soo siiyay aysan waxba u tarin. Wuxuu aaminsan yahay in ay uga sii dareen dhibkii uu qabay.

“Ciyaalka dilaya anigana shaqsi kaligiis ah baan ahay, magaalkaana ka soo xamaashaa, maqribkii ayaana imaadaa. Haddii aan guriga ku xiro qof wax u karinaya malahan. Xaaladdiisu waa sidaas. Ilaahey ha caafiyo. Waa sida aad indhahaaga ugu jeedid. Suuqa aad mar walba aad ku aragto isagoo kabo la’, qaawan oo aan hirgalayn, ciyaalkana ay bursanayaan oo ay dhagaxyaynayaan.”

Wuxuu tilmaamay in cudurka dhimirka ee haya wiilkiisa in uusan gaarin heer uu dilo dadka ama uu handado. Maalinkii oo dhan wuxuu wareegaa magaalada, waxaana dib ugu laabtaa guriga xilliga habeenkii isagoo waydiiya aabihiis xiliyada qaar hooyadiis oo ay kala tageen.

“Xanuunkiisa waxay dhici kartaa kala taggaas in uu sabab u noqday. Ninkan wuxuu ku qarwaa hooyadiis marwalba habeenkii, wuxuuna idhahaa hooyaday iigee. Dhowr mar intaan cunno u geeyay ayuu igu dhahay cunnadan marabee hooyaday iigee. Qalbigiisa hooyadiis baan ku save-garaysan.”

Ninkan oo ku shaqaysta gaari-dameer wuxuu helaa bilwalba 10,000 oo ah shilinka Kenya oo u dhiganta $77. Biyaha uu ku qaado gaari-giisa ayuu u geeyaa dadka deegaanka Xagardheer, kuwaas oo ka iibsada.

Wuxuu ku nool yahay xerada Dhadhaab tan iyo 2011. Wuxuu sababo amni-darro uga soo qaxay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose isaga iyo wiilka ka xanuunsan.

Xeryaha qaxootiga Dhadhaab waxaa ku sii badanaya dadka qaba xaaladda dhimirka saddexdii sano ee u danbeeyay sida uu sheegay Dr. Xasan-caafi Macalin oo ah dhakhtarka guud ee howl-gala cisbitaaalka Xagardheer iyo xarunta caafimaadka ee Caafi Clinic.

Wuxuu sheegay in ay qaabileen dad u badan dhallinayro, kuwaas oo caadaystay noocyada kala duwan ee maan-dooriyaha, isla markaana ka qaaday xanuunka dhimirka.

“Inta ugu badan ragga iyo dumarka waxay isticmaalaan maan-dooriyaha sida xashiiska, sigaar, qaadka iyo waxwalba oo qofka masakaxdiisa beddeli kara dhibaato ayay ku sababi kartaa. Hadii qofku in badan uu isticmaalo dhibaatooyin ayay u keeni karaan. Qaadku wuxuu noqday wax jirku uu la qabsado, waana midka ugu daran oo aan si qaas ah kuugu sheegay waa qaadka.”

Xarumaha daryeelka maskaxda ee ku yaalla xeryaha Dhadhaab ayaa ah kuwa gaar loo leeyahay. Shaqadooda ayaa ku kooban adeegyada qaabilidda bukaan iyo siinta daawooyin kaalaamti ah, waxaana gabi ahaanba aan xeryaha ka jirin xarun daryeesha bukaannada qaba xanuunka dhimirka.

The post Dayac iyo nolol xumo haysata dadka qaba xaaladda dhimirka ee ku nool Dhadhaab appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Dhibaato ka dhalatay xarumo caafimaad oo ka xirmay dad barakac ku ah Baydhabo
(ERGO) – Boqollaal qoys oo barakac iyo danyar isugu jira oo ku nool magaalada Baydhabo iyo deegaannada ku xeeran ayaa wajahaya caafimaad darro tan iyo bishii Febraayo ee sanadkan, markii ay xirmen 11 xarumo caafimaad oo adeeg bilaash ah siin jiray.

Awliyo Warsame Maxamed waxay rajo xumo ka muujineysaa xirnaanshaha xarun caafimaad oo ku taalla xerada Qaydar-cadde, taas oo toddobaadkii saddex jeer ay adeeg caafimaad oo bilaash ah ka heli jirtay iyada iyo wiilkeeda, balse hadda la xiray, markii ay yarataay taageeradii dhaqaale ee ay xaruntaasi ka heli jirtay hay’adaha gargaarka.

Awliyo, oo ah hooyo barakac ah, waxay sheegtay in xarunta caafimaadka ee ku taallay xerada ay degan tahay ka heli jireen adeegyo ay ka mid yihiin talalka carruurta, dawooyin, malmalaato, buskud, iyo meel loogu talagalay haweenka uurka leh oo ay ku umuli jireen.

“Xaruntan markii la xirey, waxan aad ugu dhibtooney dawooyinkii iyo malmalaatadii carruurta la siin jiray. Buskudkii aad baan ugu dhibtoonay. Cunug aan ayaa dhagaha ka bukay oo dheecaan uu ka socday. Tixsiga ayaa ka galayey, daawadaas aad ayaan ugu dhibtoonay.”

Awliyo oo ah hooyada 7 carruur ah ayaa sheegtay in saameyn xooggan ay ka soo gaartay tallaabada lagu xiray xarruntaan.  Muddo labo sano ah ayay sheegtay in iyada iyo carruurteeda ay ku tiirsanaayeen daryeelka caafimaad ee xaruntaan, balse hadda wax walba meesha ayay ka baxeen, taas oo ay ka murugeysan tahay.

Dhibaatooyinka kale ee ay sheegtay Awliyo waxaa ka mid ah inay adag tahay in ay gaarto xarumaha kale ee ku yaalla gudaha baydhabo. Waxay u soo lugeysaa magaalada oo xerada ay degan tahay u jirta 5 km iyada oo raadinaysa daawo deyn ah.

Haweeneydan ayaa intaa ku dartay in deyn $20 ah lagu yeeshay iyada oo  cunugeeda u raadineysay dawo. Waxay sheegtay inay ka welwelsan tahay bad-qabka iyo badbaadada ilmaheeda.

“Cirbad aan helno ma jirto. Waxan aad ugu dhibtoonay bajaaj aan raacno ma haysto socod ayaan ku tagaa magaalada. Markaan tago xaruntii horteeda ayaan istaagaa duhurkii la tukaday kaddib.”

Awliyo waxay sheegtay inay iyadu kaliya tahay qofka qoyskeeda u shaqeeya. Maadama ninkeeda uu yahay waayeel aan awoodin shaqooyinka xoogsiga ah.

Waxay sheegtay in qoysku ay hadda ku sugan yihiin xaalad hubanti la’aan ah. Waxay ku tiirsan yihiin cunno hal wakhti ah oo aan ku filnayn.

Haweeneydaan oo 38 sano jir ah, waxay sheegtay shaqo beer-falis ah oo ay qabato in maalinta ay shaqeyso ka hesho wax ka yar $1, taas oo aan ku filnayn noloshooda.

Ma jiraan wax carruur ah oo wax u barta sida ay sheegtay, duruufaha dhaqaale iyo caqabadaha nolosha ee isu biirsaday ayaa ka hor istaagay inay iskuul geyso.

Qoyska Awliyo waxay ka barakaceen sanadkii 2023 deegaanka Ruuwey-gaduud oo 30 km u jira Baydhabo. Waxaa saameeyay abaar ka leysay xoolihii ay dhaqan jirtay oo hal tiro oo ari ahaa.

Dadka ay xaaladdaan saameysay waxaa ka mid ah Mariin Cabdullaahi Maadker oo ah hooyada 10 carruur ah. Waxay sheegtay in ay iyada iyo wiilkeeda oo laba sano jir ah ay daawo iyo nafaqo ka heli jireen toddobaad walba xarunta Qaydar-cadde.

Waxay sheegtay in xiritaanka xarunta uu ku soo beegmay iyada oo aan si buuxda uga soo kaban ekfashin ay isku aragtay dhalmada kaddib, kaas oo laga helay markii cunuggeeda ay dhashay.

Cunugga ayaa sidoo kale qabay nafaqo-darro, waxaana xarunta laga siin jiray malmalaato iyo cunno nafaqo leh.

“Subax kasta waxaan tagaa xarunta xiran. Waxaan qabaa rajo ah in mar un dib loo furo. Xaruntan waxay noo lahayd faa’iido weyn. Wax kasta halkaas ayaan ka heli jirnay, safar dheer uma baahnayn, si aan u helno daryeel caafimaad.”

Mariin waxay sheegtay in qoyskeedu uu hadda wajahayo xaalad adag. Waxay ku tiirsan yihiin raashin bisil oo ay deriska ka helaan, kaas oo aan ka badnayn wax ay hal mar cunnaan.

Waxay sheegtay in mararka qaar carruurta ay gaajo ku seexdaan, marka aysan waxba helin, waxay dareemaysaa inaysan waxba ka qaban karin duruuftaan ay ku sugan yihiin.

Mariin oo 43 sano jir ah waxay sheegtay in muddo 3 sano ah ay barakac ku tahay xerada Qaydar-cadde. Waxay xustay in biyaha ay ka soo dhaansadaan meel 30 daqiiqo lug ah u jirta.

Maalintii waxay isticmaalahaan hal jirgaan oo biyo ah, kaas oo ay ku iibsato 1,000 shilin Soomaali ah.

“Ceelasha lacag la’aanta ah waaba la waayey. Haddii aadan lacag wadan jirgaankaaga lama buuxinayo. Maanta seddex kun iyo afar kun kuma deeqayaan ka badan baa loo baahan yahay. Haddii aadan kun dhiibin waxba laguma siinaayo.”

Qoyskooda wuxuu sanadkii 2023 ka soo barakacay deegaanka Busley ee gobolka Bay, halkaas oo roob la’aan ka jirta ay ka baabi’isay beer ay lahaayeen oo ahayd 5 hektar.

Xarumahaasi caafimaad waxaa gacanta ku hayey hay’adda DMO, oo sheegtay in hoos u dhac weyn ku yimid taageeradii dhaqaale ee ay ka heli jireen hay’adaha ay ka mid yihiin USAID, UNHCR iyo kuwo kale.

Dhaqtar Mustaf Xasan Maxamed, oo ka tirsan maamulka hay’adda Deeg-roor Medical Organization (DMO), ayaa sheegay in ilaa bishii Febraayo uu hoos u dhacaasi bilowday, taas oo keentay in 11 xarumood gabi ahaan la xiro, halka 7 xarumood oo kale ay hadda si xadidan u shaqeeyaan.

Shaqaalaha yar ee haray ayuu sheegay inay u shaqeynayaan si mutadawacnimo ah, ayagoo la daalaa-dhacaya dhaqaale xumo iyo shaqaale dhimis joogto ah.

Wuxuu xusay in xarumahani ay hore uga socdeen hay’adaha sida Health International. Qaar fadhiyey magaalada gudaheeda, qaarna xeryaha barakacayaasha iyo tuulooyinka sida Awdiinle iyo Goof Gaduud Buurey. Dhammaantood hadda waa la xirey.

Mustaf wuxuu intaa ku daray in saameynta ugu daran ay gaartay dadkii ay xarumahaasi u ahaayeen halka kaliya ee ay adeeg caafimaad ka heli jireen. Wuxuu sidoo kale sheegay in dhalinyaro badan oo shaqeynayey xarumaha laga saaray shaqada, kaddib markii ay hay’adaha fanka siin jiray sheegeen in aysan dhaqaalihii sii wadi karin.

“Xarumahan waxay ahaayeen 18 xarumood, qaar mobil-team ah, qaarna meelo cayiman ayay ku yiileen. Hadda waxaa shaqeynaya lix xarumood oo kaliya. Rajada dhow ma fiicna haddii aan si degdeg ah xal loogu helin, sababtoo ah ma dabooli karno baahidooda taageero la’aan.”

Wuxuu rajo xumo ka muujiyay sii shaqaynta xarumo kale oo ku yaalla tuulooyinka Awdiinle, Goof-gaduud iyo Buureey, kuwaas oo uu sheegay inay xirmi doonaan, haddii aysan helin dhaqaale.

Xarumaha caafimaadka ee bixiya adeegyada bilaashka ah waxay laf-dhabar u yihiin badbaadada bulshada nugul, gaar ahaan dadka barakaca ah iyo kuwa saboolka ah ee aan awoodin in ay helaan adeegyada caafimaadka gaarka loo leeyahay.

Xarumahani ma aha kaliya meel laga helo dawo, balse waa xudunta nolol maalmeedka kumannaan qoys oo dhibaatooyin badan la tacaalaya. Dib u howlgelintooda waxay noqon lahayd xaalad wax ka tari karta yareynta culeyska nololeed ee haysta.

The post Dhibaato ka dhalatay xarumo caafimaad oo ka xirmay dad barakac ku ah Baydhabo appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan
(ERGO) – Boqollaal qoys oo dagaal u dhaxeeya ciidanka dawladda iyo Shabaab uga soo brakacay degmooyinka Maxaas iyo Moqookori ee gobolka Hiiraan ayaa wajahaya caafimaad darro iyo nolal xumo tan iyo bishii July ee sanadkan.

Arrintaas ayaa ka dhalatay, markii illaa 26 xarumo caafimaad oo ay ku tiirsanayeen ay u xirmeen colaadda darteed. Goobaha xirmay oo ay maalgelinayeen hay’ado ay ka mid tahay Save the Children ayaa siinayay adeegyo bilaash ah.

Dadka barakacay oo ku sugan deegaanno miyiga magaalooyinkaas hoos taga ah ayaan haysan meel ay geeyaan dadka ka xanuunsada. Xaamila Cabdulle Jimcaale oo ka mid ah waxay daryeel u la’dahay hooyadeed oo 100 Sano ah jir ah.

Waxaa meesha ka baxay baaritaano iyo daawooyin toddobaadkii labo jeer ay u heli jirtay. waxay quus ka muujisay xaalada ay ku sugan tahay oo aysan xalkeeda heyn.

“Hooyo sonkor iyo dhiigkar ayay qabta. Aad bey u jirantahay. Awood aan daawo ugu soo iibiyo malihi. Meesha aan imaanay waa ku cusub nahay, sidoo kalana hal kiniini ah meel aan uga soo qaado malahan.”

Xaalima ayaa sheegtay in ay barakac ku noqden deeganka Bukuri oo hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Waxay xustay in dagaalka ay ku wayeen wiil la dhashay oo gacanta ku hayay hooyadeed iyo maareynta noolasha qoyska.

Wuxuu ka mid ahaa ciidamada deeganka ee Macaawiisleyda. 27 bishii Luuliya ayay sheegtay inuu ku dhintay dagaal ay la galeen shabaab oo wareer ku soo qaaday degmada Maxaas.

Afartan neef oo uu dhaqanayay ayay xustay in ay iskaga soo tageen 28 bishii Luuliyo dagaalka dartiis. Haaweeyneydan ayaa sheegtay in xaaladan ay u dheertahay hoy la’ aan iyo cunno xumo.

Waxay hal mar ah maalinkii dab ku shitaan kalmo ay ka helen dad deris la ah, taas oo aan ku filneyn qoyskeeda oo ah iyada, toban carruur ah oo uu ka tagay walaalkeed iyo xaaskiisi. Waxay sheegtay in Bukuri oo u jirta 68 km degmada Maxaas ay ku yimaadeen gaari ay ku caawiyeen dad ay qaraabo yihiin.

Saddex maalin iyo habeenadooda ayay ku sugnayeen deegaanka Cali Ganeey oo Maxaas hoos taga, markii uu gaariga kaga jabay. Waxay sheegtay in halkaasi ay ka soo tageen, kaddib garab siin ay ka helen gawaari kale oo safar ahaa.

Waxay xustay in ay awoodi la’ dahay $1 oo ay hooyadeed ugu iibiso koonbo caano ah oo ah waxaa keliya ee ay quudan karto. Waxay gocaneysa in ay banaan yaal ka noqdeen guri ay ku leeyihiin degmada Maxaas.

“Geed weyn oo duqda loo waabay oo lagu hoos heyn jiray, wax walbo oo noo dhex yaallay waan uga soo tagnay, hadday alaab yihiin ama jiif labadadaba. Waxaan nahay dad caraar ku yimid oo waxay heysteen iskaga soo tagay.”

Xarumaha caafimaadka ee bixiya adeegyada bilaashka ah waxay kaalin muhiim ah ugu jiraan badbaadada bulshada nugul iyo kuwa danyarta ah ee aan awoodin in ay iska bixiyaan adeegyada lacagta ah.

Shuuriye Maxamed Dhalin waxaa muddo labo toddobaad ah ka jiran afar ka mid ah carruurtiisa oo uusan dawo uu awoodi karin. Halka ugu dhaw ee uu ka heli karo xarun caafimaad ayaa ah magaalada Baladwayne oo u jirta 31 km.

Ninkaan oo ahaa beeralay, balse sanadkaan aan colaadda darteed waxba gooosan ayaa sheegay in uusan hayn dhaqaale uu meshaas ku geeyo ilmihiisa iyo isaga oo jiran.

“Hal kaniini ah xita manan helin ila hadda. Xanuunkaasi oo jirkeyga ka batay ayaan daremaya. Mesha aan joogna meel laga daaweyo kuma taallo, wax hadda la keeni doona maahe.”

Shuuriye oo hadda barakac ku deeganka Cilaanle oo hoos taga magaalada Baladweyneayaa sheegay in labo sano ah ay qoyskiisa oo 15 qof ah ku tiirsanaayeen daryeelka caafimaad ee ay ku heli jireen degmada Maxaas, balse hadda wax walba meesha ayay ka baxeen.

Wuxuu sheegay in welwelka uu ka qaba bad-qabka ilmahiisa ay u dheer tahay cunno xumo uu ka cabsi qabo in carruurtiisa ay ka qaadan nafaqo darro.

Waxay 24 saac hal mar dabka ku shitaan kaalmo aan badneyn oo uu weydisto dad ehelkiisa ah oo jooga magaalada Muqdisho, taas oo marka ay wayaan ay ku qasbadan in ay calool marnaan ku joogan.

“1$ ii soo tuur iyo waxaan dad aan wacno aan ka helno ayaan ku noolnahay. kol la hello, kalna la waayo. Marba waasi. Wax la cuno, hoy iyo dawo midna ma heysano. Dash yar oo ay dad dhisten baan maalinkiina qoraxda ka harsana.”

Shuuriye oo 80 jir ah ayaa sheegay in marar badan uu deeganka ka raadiyay shaqooyin xamaal ah, balse ma uusan helin. Wuxuu tilmaamay in sidoo kale ay labaadiisa xaas isku dayeen helida shaqooyin nadaafadeed oo aysan u suurtagelin.

Wuxuu sheegay in xaaladan ay u wehliso hoy xumo. Waxay gabadsadaan qol buush ah oo u nugul qoraxda iyo qabowga. Qoyskiisa oo badan ayuu xusay inuusan ku filneyn, balse ay dantu ku riixday. Wuxuu gocanaya guri ka kooban hal qol oo dhagax ah, musqul iyo jiko oo ay ku leeyihiin degmada Maxaaas.

Waxaa barakaca uga waxbarasho beelay 5 ka mid ah carruurtiisa oo u dhiganaayay dugsi hoose dhexe, kuwaas oo si bilaash ah wax ugu baran jiray. Wuxuu xusay inuusan u awoodin inuu geeyo iskuullada deeegaanka, maddaama ay hadda awoodi la’yihiin quud-malmeedka.

Wuxuu ka faro maranyahay 45 ari ah iyo beer labo hiktar ah oo ay noolashoodu ku tiirsanayd, kuwaas oo ay iskaga soo tageen 21 bishii Luuliya colaada darteed.

Wuxuu tilmaamay in tan iyo bishii Maarso uusan wax dallag ah galin beertiisa. Waxaa ka hor istaagay dagaalka oo gobolka ka jiray illa sanadkii hore.  Qoysaskan ayaan dib ugu noqon karin deegaannadoodi oo ay Shabaab gacanta ku hayaan. Meelihi ay tageen ayaysan sidoo kale ku helin kaalmo ku filan.

Isuduwaha caafimaadka ee degmada Maxaas Maxamed Faarax Sabriye oo hadda ku sugan deeganka Hees oo Mataban hoos taga ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in samaaynta ugu badan ee arrintaan ay gaartay hooyooyinka uurka leh iyo kuwa umulaya ee aan heli kaarin qarashka iyo isbitaalka midna.

“Dadka markii hore waxaa ay heli jireeyn adeeg caafimaad oo bilaash ah. lakiin hadda ma heli karaan xiita hal barastamool ah. Waxaa jiray hooyooyin uur lahaa oo inta ay barakacayeen dhexda ku umulay, daryeel caafimaadna aanan helin.”

Lix iyo labaatan Kun oo qoys ayaa afartii bil ee ugu dambeeyey daagaallada uga baraakacay deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan, kuwaas oo wajaayo xaalado adag oo dhinaca nolosha ah sida ay sheegeen hay’ada maareeynta masiibooyinka soomaaliya ee SODMA iyo maamulka Hirshabeelle.

The post Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad
(ERGO) – Muumino Xaaji Yaxye oo ah haweeney leh uur siddeed bil ah ayaa ka walwal qabta inay si bad-qab ah u umuli doonto. Sababta ayaa ah deegaanka Muuri oo ay ku nooshahay oo aysan ku oollin xarun caafimaad.

Maamulka deegaanka ayaa sheegay in tan iyo  bishii koowaad ee sanadkan la diiwaan-geliyay kiisaska haween umul raacay markii ay waayeen dhakhtar iyo carruur xaaladdo aan la xaqjijin u geeriyooday.

Muumino walaaca ku kordhinaya haween deegaanka ku nool oo daryeel xumo darteed ay dhibaato caafimaad soo gaartay lixdii bilood ee la soo dhaafay. Waxay qaarkood la kulmeen dhiig bax sababay dhintaan.

Waxay xustay in halka ugu dhaw ee ay adeeg daryeel caafimaad ka heli karto ay tahay degmada Afgooye oo qiyaastii u jirta 19 km, balse aysan awoodin dhaqaale ay ku aaddo iyo cid uga horreysa.

“Welwel weyn ayaa i haysta. Waxaa jira haween badan oo halis galeen oo deegaanka jooga annigana haweenkaas aan arko murugta way iska kay haysaa. Ma Xamar ayaa ku soo dhashaa ma iska baxdaa? Maxaad samaysaa? fekraddaas ayaa igu jirta. Dhaqaale la’aan ayaa iga hor taagan. Ma awoodo inaan qarashka gaadiidka iska bixiyo. Ma awoodi inaan ilmihii dhaafo.”

Haweeneydan ayaa tilmaamtay inay la noonashahay cudurka dhiig-karka oo aysan helin dawooyinka loogu tala-galay, taas oo ay dantu ku qasabtay inay isticmaasho noocyo ka mid ah daawo dhireed loogu sheegay inay ka caawin karaan xanuunkeeda.

Muddada ay uurka leedahay mar qura ma aysan la kulmin dhaqtar ay ka hesho talo iyo daryeel caafimaad sabab la xariirta dhaqaale xumo haysa. Muumino ayaa xustay inaysan hadda la socon xaaladdeeda caafimaad iyo midda uur-jiifkeeda.

“Dhibaato badan ayaan soo maray. Tallaalada haweenka xaamilada ah la tallaalo ma helin. Wallaahi dadka ayaan ka maqlay tuun ayaa la cunaa.Tuuntaas ayaa iska cunaa. Hal farmashi ayaa ku yaalla mana laga helayo daawada dhiig karta.”

Muumino waxaa u dheer tiiraanyo ay ku reebtay gabar ay dhashay oo hal sanno iyo bar jir aheyd oo u dhimatay cudur aysan xaqjiijin bishii lixaad ee sannadkii 2024. Waxay ku aragtay nabro iyo qandho daran, iyada oo intaa raacisay in aysan u helin wax gargaar caafimaad ah.

Muumino waxaa sidoo kale ka go’in xasuusta saygeedii oo dhamaadkii bishii Diseembar ee sanadkii hore lagu dilay dagaal u dhexeeyay dowlada iyo Alshabaab. Wuxuu hawlo shaqo ka waday oo uu ku sugnaa beer shan herkar ah oo ay ku leeyihiin deegaanka Bariire oo dhinac galbeed 20 km uga beegan deegaanka ay ku nooshahay. Haweeneydan ayaa hadda keligeed korisa sideed carruur ah oo aysan cidna ku daryeelin.

Qoyska Muumino ayaa colaad iyo abaar uga soo barakacay deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabeelaha hoose bilowgii 2024. Deegaanka ay u soo nolol doonteen ayay hadda ku wajahayaan dhibaatooyin isbiirsatay oo aysan maaro u haynin.

Dadka adeeg xumada caafimaad ee deegaanka ka jirta ay saamaynta taban ku yeelatay keliya ma aha haweenka balse dhibaatadu waa mid wada gaartay. Carruurta waxay ka mid yihiin dadka  ugu nugul. Maxamuud Xasan Cali, wuxuu geed har fiican aan lahayn oo ku horyaalla hoygiisa oo cariish ah ku hayaa wiilkiisa oo laba jir ah tan iyo bishii Abriil. Ma uusan u helin dawo iyo dhakhtar wax uga sheega  jirradiisa.

Ninkan waxaa walaac ku haya xaaladda caafimaad darro ee uu ku sugan yahay wiilkiisa. Wuxuu xusay in qoyskiisu yihiin dad dhaqaale ahaan liita oo aan awoodin inay magaalo isbitaal ugu qaadaan.

“Calaamadaha lagu arkay waa in canugga ay qandho saa’id ah qabato, waa qandho dhawr habeen iyo maalmo saaran. Cannuga uu tabar-dhigay. Korkiisa nabro ayaa ka soo baxay. Wuu liitaa,  heer wuxuu gaaray inuu tabar-darri darteed la qufici-waayo.”

Ninkan ayaa sheegay in caafimaad darrada ay u wehliso cunno yari  sii adkaysay xaaladdiisa. Nolosha qoyskiisa waxay ku tiirsan tahay shaqo beer falid ah oo uu tilmaamay inay yaraatay.

Ninkan ayaa sheegay in maalinka uu baxo  uu soo  helo lacag u dhaxeysa hal illaa labo dollar, taasoo hal waqti ay dabka ku shitaan qoyskiisa. Wuxuu intaas ku daray in dhowr mar uu suuqa geeyay labo neef oo ari ah oo u jooga balse uu u soo celiyay markii uu waayay cid ka gadata.

Ninkan ayaa isku keeni la’ quud u helidda, carruurtiisa oo sideed ah, xaaskiisa iyo daryeel siinta wiilkiisa ka buka. Xaaladdan haddii ay sii jirto wuxuu ka cabsi qabaa inay dhibaato kale u horseedo.

Xanuunnada aan la hubin ee deegaanka ka jira iyo la’aanta goobo caafimaad waxay walwal badan ku heysaa dadka ku nool.

Dhaqtar Cabdcasiis Ismaaciil oo ku taqasusay cudurrada guud iyo qaliinka oo ka hawl-gala isbitaalka hooyada iyo dhallaanka Banaadir ee magaalada Muqdisho oo hor dhignay astaamaha dadka deegaanka ay nala wadaageen ayaa sheegay in xogta ay muujinayso inuu jiro cudurka Jadeecada ama bus-buska midkood.

“Cunugaaga haddii aad aragto qandho saa’id ah waa inaad u qubeyso ama maro intaa soo qoysid aad ku duubtaa. Talada waa muhiim in la talaalo. Waxaa kaloo loo baahanyahy oo cunuga muhiim u ah in la siiyo cabitaano sokor leh.”

Cabdicasiis ayaa dhanka kale tilmaamay in haddii hooyada uurka leh ay dareento dhiig-bax, madax xannuun, lalabo, cunno qaadasho la’aan, iyo dhaqdhaqaaqa cannugga oo yaraada ay yihiin astaamo qatar muujinaya.

Fursadaha shaqo ee deegaanka oo koobnaa ayaa sii yaraaday, markii 900 oo qoys ay barakac ku yimaadeen tan iyo bartamihii bishii Juun ee sannadkan, kuwaas oo colaado uga soo tagay deegaannada deriska la ah Muuri.

Gudoomiyaha deegaanka Muuri Ceynaashe Cabdullaahi ayaa Raadiyow Ergo u sheegay inay u dheer tahay biyo yari bidday inay cabbaan biyo aan nadiif aheyn oo ay u doontaan webiga Shabeelle oo u jira qiyaastii Lix km. Gudoomiyaha ayaa sheegay in baahiyaha deegaanka uu u gudbiyay maamulka gobolka Shabeelaha hoose, Koonfur Galbeed iyo hay’adaha samafalka, balse weli aysan ka helin wax jawaab ah.

“Sidii ay dadkan u heli lahaayeen xarun caafimaad waxaan codsanaynaa hey’adaha. Maamulka Koofur Galbeed waxaa ka codsaneynaa xarun caafimaad sidii degdeg loogu heli lahaa inay ku soo dadaalaan.”

Kaabayaashii muhiimka ahaa ee deegaanka Muuri waxaa saameeyay colaadaha ku soo noqnoqday. Dadka deegaanka ayaa xusay in baahiyahooda wax laga qaban karay balse la dayacay.

The post Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Jubbaland: Qoysas ka faa’iideysanaya xarumaha caafimaad ee guurguura
(ERGO) – Maryan Cabdi Budul oo 45 jir ah iyo shan ka mid ah carruurteeda oo ku nool deegaanka Janaa-cabdalle ayaa ka faa’iideystay adeeg caafimaad oo bilaash ah. Wuxuu iskugu jiray daawayn ka caawisay in ay ka soo kabtaan cudurro iyo tallaal ay wadajir u heleen.

Adeeggan oo ay waddo wasaaradda caafimaadka Jubbaland oo taageero ka helaysa hay’ado samafal wuxuu ka socdaa tan iyo bishii Abriil  ee sanadkan deegaannada Afmadow, Doolow Janaa-cabdalle iyo qaar kale oo ka tirsan gobollada Gedo iyo Jubbada hoose.

Wuxuu iskugu jiraa xarumo caafimaad oo bukaannadu ay booqdaan iyo kuwa guurguura si loo gaarsiiyo xoolo-dhaqatada. tuulada Janaa-cabdalle oo qoyska Maryan ay deggan yihiin waxaa laga hirgaliyay xaruntii caafimaad ee ugu horraysay.

Waxaa Maryan looga daaweeyay cudurka duumada iyo infection ku sababay in ay kaadida ay ceshan wayso, waxaana sidoo kale tallaallada cudurrada Jadeecada, Boolyo iyo Gowracatada loo siiyay carruurteeda markii ugu horraysay.

“Waxaa la igu sheegay Malaariyo waxaa la igu sheegay infection. Malaariyada waxaa la yidhi todobo cirbadood qaado ama toban qaado. Waan qaatay daawadii intii la ii qoray. Toban cirbadood baan qatay. Kaadida ma xijisan karaynin. Haddii ay in yar dhibiq (Dhacdo) iga soo tiraahdo horaan ka daadinaayey.”

Waxay tilmaamtay in labo faa’iido ay ka heshay xarunta caafimaad ee deegaankeeda laga dhisay, taasi oo ka caawisay in ay ka soo kabato xaalad caafimaaddarro. Waxaa sidoo kale ay u baaqatay lacag ka badan $100 oo uga bixi lahayd safar caafimaad oo ay u aadi lahayd Kismaayo oo u jirta 60 km.

Ka hor adeeggan waxay ka walaacsanayd helidda lacagta safar iyo midda dawada. Waxaa se ay ka war-heshay barnaamijkan caafimaad. Maryan waxay aragnimo u leedahay safarrada caafimaad ee loo aado magaalooyinka, maaddama deegaankeeda Janaa-cabdalle horay aysan uga jirin adeeg caafimaad.

Waxay sharraxaysa caqabadaha ay la kulmaan danyarta xaaladaha caafimaad loogu qaado isbitaallada ka durugsan tuuladeeda.

“Dhibwayn baanu ku qabnay. Waa in aad martigashaa. Waa in aad Hotel degtaa ama dad uun aad ku hiirato heshaa oo macriifa ah ama walaal ah, ama qof aad dhashay. Markaa ka bacdi aad aaddo dhaktar. Aad iyo aad baan ugu raysanay xaruntan iyada ah.”

Waxay xustay in ay ka walwali jirtay dhaqaalihii ay u qorshayn lahayd marka qof ka mid ah qoyskeeda uu cudur soo rito, taas hadda meesha ka baxday. Waxaase ay ka cabanaysa nolol xumo haysa carruurteeda.

Waxay ku tiirsan yihiin dukaan ay ka soo qaataan raashin oo dayn ah. Waxaa damiin ka ah qof ka mid ah ehelkeeda, maaddama ganacsatdu u diideen in kaligeed lagu aamino. Lacagta lagu leeyahay waxay isku gaarta $400.

Dhibaatadan waxaa ugu wacan wax-soo-saar la’aan haysa beerteeda oo shan hiktar ah, taas oo aan dalag la galin tan iyo sanadkii 2023, Waxaa saamayn ku yeelatay fatahaad xooggan oo ay ka soo kaban waysay.

Dhibaatada cunno xumo waxaa u dheeraa adeeg la’aanta caafimaad. Waxay sheegtay in cudurrada faafaha sida shubanka oo ku soo laalaabta deegaankeeda uu caqabad hor leh ku noqon jiray, maaddama aysan haysan adeeg caafimaad.

Wasaaradda caafimaadka Jubbaland oo ka duulaysa arrintaas ayaa billowday horraantii sanadkii hore xog aruurin loogu kuur-galay baahida caafimaad. Waxaa lagu ogaadeen deegaannada qaar sida Janaa-cabdalle ay isku biirsadeen waddo xumo iyo gurmad la’aan caafimaad.

Waxay ka mid noqotay tuulooyinkii ugu horreeyay ee laga hirgaliyay xarun caafimaad. Isbitaalkan oo ka kooban 5 qol waxaa ka howl-gala 9 qof oo iskugu jira dhakhaatiir iyo kalkaaliyay.

Waxaa la mid ah Bahdaadhe, Raaskambooni, Doolow iyo kuwa kale. Mohamed Ahmed Nuur oo ah madaxa barnaamijkan u qaabilsan hay’adda VCI ayaa Radio Ergo u sheegay in ay dabooleen baahi badan oo loo qabay helidda adeegyada caafimaad.

“Waxaa jira adeegyadii dhalmada ee hooyada. Waxaa jira kalkaalisooyin caafimaad oo tababaran oo xarunta 24 saac diyaar ku ah. Waxaa kale oo jira dhamaan adeegyadii cafimaadka sida kuwa bukaan socodka. Waxaa kale oo jira adeegyadii talaalka. Dhamaan tallaalka Jadwalka wasaarada cafimaadka ku jira dhamaan meesha waa lagu bixiyaa.”

Adeeg-gaarsiin tuulooyinka iyo dhulka ay ku nool yihiin reer guuraaga ayuu xusay in ay billaabeen billowgii bishii Abriil ee sanadkan, isla markaan weli si habsami leh uu u socdo.

Wuxuu sheegay in loogu magacdaray ololahan Far-reaching intergrated delivery(Farid project), kaas oo socon doona ilaa dhamaadka sanadkan. Intaas wuxuu ku daray in la qiimayn doono natiijada ka soo baxda si loo kordhiyo qorsha sii wadiddiisa.

Caasha Faarax Muuse oo 60 jir ah waxay ku heshay adeegga caafimaad baadiyaha deegaanka Badhaadhe, halkaas oo ay ku dhaqato 20 ari ah iyo 10 lo’ ah. Waxaa qaabilay koox ka mid ah kuwa guur-guura, isla markaana ku wareega dhulka miyiga ah.

Waxay horay u sii ogayd in ay ku soo wajahan yihiin, maaddama wacyi-galin loo sameeyay. Waxay uga cabatay dhaawac ka soo gaaray jilibka, kaas oo ka hor istaagay shaqo xoolo raacidda, kaas oo ay hadda ka soo kabanayso.

“Laf ima jabin waan hilib go’ay. Jilibka ayaa booskiisa ka dhaqaaqay dhinaca xagasha uu u wareegay. Si fiican ayey ii soo dhaweeyeen oo iila tacaalleen. Lugta waa iriixeen oo jilibka meeshiisa lagu celiyey, caagna waa ii galiyeen oo igu toobeen.”

Waxay tilmaamtay in aysan horay ula tacaalin dhibaatada ka soo gaartay jilibka dhaqaale xumo darteed. Waxay sheegtay in dhowr jeer oo ay isku dayda in ay Kismaayo u safarto ay waysay lacag ay ku raacdo gaadiidka iyo mid ku joogto magaalada inta la daawaynayo.

Waxay ka dayrisay xaaladda ay ku nool yihiin oo quus ay ka muujisay. Carruurteeda oo toban ah ayay sheegtay in aysan ka bixin cunno xumo soo foodsaartay saddex sano ka hor, markii abaar ay bidday xoolo yari.

“Waan iska nool nahay, laakiin dhaqaale na soo galaayo oo hadda aan kuu sheego malahan. Dadka waa xoolalay, xoolahana beec malahan. Ganacsi iyo meel loo shaqo tagaayo oo kale malahan. Marmar baa wax cunnaa. Hadii aan wayno habeenkii waan iska seexanaa.”

Xoolaha yar ee u haray ayay sheegtay in ay qayb ka ahaayeen 300 oo lo’ ah iyo labo 200 oo ari ah, kuwaas daaq iyo biyo la’aan sabab-saday. Inkastoo niyad-wanaag ay ka muujisay helidda adeegga caafimaad waxay ka cabanaysa nolol xumada duruufu bidday.

Barnaamijka caafimaad ee Caasha iyo reer guuraaga kale ay ka faa’iideysteen waxaa iska kaashaday wasaaradda caafimaadka Jubbaland, hay’adda VCI iyo Co-Group, waxaana dhaqalaha ku baxay ku deeqay hantiilaha u dhashay Maraykan ee Bilgates iyo xaaskiisa.

The post Jubbaland: Qoysas ka faa’iideysanaya xarumaha caafimaad ee guurguura appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Shabeellaha hoose: Haweenay ku guuleysatay yaraynta umul-raaca iyo gudniinka fircooniga ah
(ERGO) – Maryan Cabdulqaadir Xaaji oo 62 jir ah waxay sodon iyo afar sano ka dib ku guulaysatay in ay yarayso dhibaatada dumarku ay kala kulmaan gudniinka fircooniga ah iyo guryaha ay ku umulaan dhaqtar la’aan. Waxay samaysay wacyi-gelin suuragelisay in haweenku ku baraarugaan khatarta ka dhalata arrintaas.

Haweenaydan oo ku nool degmada Wanlawaynwaxay madax ka tahay xarunta caafimaadka hooyada iyo dhalaanka ee Malable oo ay maamusho hay’adda New-way. Waxay sheegtay in ay bil kasta bilaash ku qaabisho qiyaastii 800 qof oo dumar iyo carruur ah. Waxay kaga yimadaan dhaan gobolka Shabeelaha hoose.

Maryan waxay xoogga saartaa in haweenku fahmaan muhiimadda ay leedahay in ay helaan daryeel caafimaad inta ay uurka leeyihiin illaa dhalmada. Waxay si joogto ah ugu tagtaa xaafadaha iyo miyiga si ay ugu faafiso wacyigelinteeda.

Waxay xustay in arrintaas ay ku dhalatay markay dhawr mar la kulantay haween ay dhibaato ka soo gaartay umuliso dhaqameed loo geeyay oo gaaray xaalad qatar ah.

“Waxaa igu xanuun badnaa dhacdo aan la kulmay dhowr sano kahor. Gabar laga keenay meel magaalada Walanweyn 15 kiiloomitir u jirta iyadoo foolanaysay muddo toddobo maalmood ah. Nasiib darro cunuggeedii ayaa uurka ku dhintay. Waxaana saarnay gaari, markii ay gaareen isbitaalka Muqdisho ayay waayeen lacagtii loogu talagalay adeegga waa la soo celiyay.”

Maryan si ay sara ugu qaaddo fahamka caafimaadka ee dadka waxay shantii sano ee la soo dhaafay tababar siisay ilaa 60 haween ah. Waxay bartay cilmiga caafimaadka gaar ahaan umulisonimo si ay ugu qayb-qaataan wacyi-gelinta bulshada.

“Waxaan markaas qaatay go’aan adag. Qalab umuliso kama heysan, balse waxaan qaatay sakiin, anigoo ku kalsoon khibraddayda iyo Ilaahay. Waxaan dhaliyay cunugii dhintay oo uurka ku jiray, ka dibna muddo 15 maalmood ah ayaan si joogto ah u daaweynayay hooyadii, ilaa ay si buuxda uga caafimaaddo.”

Waxay koox-koox u aadaan degmooyinka gobolka Shabeelaha-hoose oo dhan iyo deegaannada miyiga ah iyaga oo dadka faham siinaya muhiimadda caafimaadka hooyada iyo dhalaanka iyo dhibaatooyinka ka dhalan kara haddii aysan helin gargaar caafimad oo ku filan.

Arrintaas waxay sheegtay in ay suurta gelisay in ay muddo dheer ka dib ay dadku si joogto ah ugu soo xirmaan xarumaha caafimaadka. Sidoo kale waxay ku guulaysteen yaraynta gudniinka Farcooniga oo aad uga jiray gobolka.

“Wax badan ayaa isbeddelay dadku ayaaga fahmay. Gabadha caadada ayaa dhib ku noqonaysa guurka ayaa dhib ku noqonaya foosha ayaa ku adkaanaysa dadkiii dhibka waa arkeen. Sidaan wax u sheegaynay waa nalaka aqbalay.”

Maryan waxay sheegtay in umulisanimada ay ku soo shaqaynaysay tan iyo sanadkii 1987 xilligaas oo ay ku biirtay dugsigii kalkaalisada rayidka ee Muqdisho. Waxay tilmaantay in ay si toos ah xarumaha caafimaadka ugu hawl billowday 1990 markii ay qalin jabisay.

Waxay xustay in tan iyo xilligaas ay daraasaynaysay dhimaatooyinka caafimaad ee ay wajahaan haweenaka Soomaaliyeed. Waxay xaaladda ugu adag u aragtay gudniinka adag iyo dumarka la gaynayo umuliso dhaqameedka aan aqoon u lahayn maaraynta kiiska.

Mudaddaas waxay tilmaantay in ay xoogga saaraysay in ay beddesho wacyiga bulshada gaar ahaan dumarka oo ay aad u qusayso. Waxay shantii sano ee la soo dhaafay gaartay natiijo wax ku ool ah ka dib 20 deegaan oo ay ku tageen ololehooda.

Hay’adda New ways oo ka shaqaysa horumarinta hooyada iyo dhalaanka oo ka hawl-gasha koofurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa Maryan u aqoonsatay sanadkan umulisada ugu wanaagsan boqollaal umuliso oo ay qiimayn ku sameeyeen.

Waxay ku mutaysatay dedaalka ay ku bixisay wacyiga bulshada iyada oo ku guulaysatay in ay xarumaha caafimaadka ku soo xirto boqolaal haween ah oo aan horay u ogayn sida ay muhiiin ugu tahay badbaadada iyaga iyo carruurtooda.

Sidoo kale xog aruurin ay ka sameeyeen degmada Wanlawayn iyo deegaanda hoos yimaada ayay sheegeen in ay ku ogaadeen in magaaladaas uu ka sii dabar go’ayo gudniinka fircooniga. Waxay sabab kaga dhigeen hawlaha ay Maryan hor kacayso.

Shaqooyinka ay qabato Maryan kuma eka intaas. Waxay dumarka siisaa talooyin ku saabsan naas-nuujinta, karinta carruurta iyo cuntada ku haboon. Arrintaas waxaa taageero wayn ka siiya dumarka ay tababartay oo xilli kasta fuliya qorshayaasha ay keento.

“Haddii cunuga la siiyo caanaha naaska muddo laba sano ah, waxa uu yeeshaa difaac adag oo ka hortagi kara cudurrada, Sidoo kalena korriimadiisa maskaxeed waxay noqon kartaa mid wanaagsan oo waxbarashadiisa mustaqbalkay wanaajisa.”

Maryan iyo dumarka ay wax bartay waxay caan ka yihiin dhamaan deegaanada gobolka. Waxaa si degdeg ah loogu qaataa xarumaha caafimaadka maaddaama ay aaminad buuxda ka haystaan bulshada.

Deeqa Maxamed Cali oo ka mid ah ardayda Maryan waxay hal sano ka shaqaynaysaa isbitaalka Dayuura Clinic ee magaalada Wanlawayn. Waxay ku shaqaysaa xirfaddeda umulisada. waxay adeegeeda ay bixinayso ku lifaaqdaa farriimaha ay ka siman yihiin kooxdeeda.

“Waxaan ku baraarujiyaaa in ay qaataan talaalada muhiimka u ah caafimaadkooda iyo kan ilmahooda. Sidoo kale, waxaan xusuusinnaa in marka ay dhalaan, ilmaha si degdeg ah loo talaalo. Arrin kale oo aan xoogga saarnaa waa in hooyooyinka la fahansiiyo muhiimadda naasnuujinta dabiiciga ah in ilmaha naaska la siiyo ugu yaraan laba sano si uu u yeesho difaac dabiici ah, una koro si caafimaad leh.”

Deeqa waxa ay tababar caafimaad qaadatay muddo laba sano ah. Waxay baratay umulisinimada,  tallaalka carruurta, daryeelka hooyada uurka leh, guditaanka fudud iyo ka hortagga gudniinka fircooniga ah.

Intii ay shaqada ku jirtay, Deeqa waxay ka caawisay hooyooyin badan in ay si nabad ah u dhalaan, waxayna si iskaa wax u qabso ah u kormeertaa xilliyada foosha adag iyo xaaladaha degdegga ah. waxay xilli kasta haweenka ku booqataa guryahooda xitaa kuwa aan soo gaarin isbitaalka.

Sidoo kale Deeqa waxa ay hoggaamisaa koox ka kooban 15 haween ah oo maamada ay tababartay kuwaasoo si joogto ah u taga tuulooyinka hoos yimaada degmada si ay wacyigalin uga sameeyaan.

“Mararka qaar tuulooyinka fogfog ayaan tagnaa, waxaan fariisannaa geed hoostii iyadoo haweenka deegaanka isku wacaan ama isu keenaan. Halkaas ayaan ku qabannaa wacyigelin ku saabsan muhiimadda talaalka carruurta iyo halista gudniinka fircooniga ah.”

Deeqo marka laga yimaado in ay caawinayso bulshada waxay dhanka kale arrintaan u noqotay fursad wax badan ka beddeshay nolosha qoyskeeda 7 ah. Waxay xustay in lacag dhan $200 oo ay mushaar u qaatado ay u horseeday in ay ka soo kabtaan nolol xumo.

Waxay ku kabtaa waxa uu soo heli saygeeda oo ku shaqeeya wadista gawaari uusan lahayn. Deeqo oo 27 jir ah waxay sheegtay in xirfaddeeda cusub ay doonayso in ay sii hor mariso. Waxay hiigsanaysaa heerka Maryan oo ay u aragto tusaale ku daysi mudan.

Inta badan haweenka Soomaalida faham buuxa kama haystaan muhiimadda ay noloshooda u leedahay in ay yeeshaan dhaqtar la socda xaaladdooda inta ay guurka leeyihiin. Waxay arrintaan u muuqataa mid xal u noqon karta haddii dhaqaatiirtu ay wada sameeyaan baraarujinta qoto dheer.

The post Shabeellaha hoose: Haweenay ku guuleysatay yaraynta umul-raaca iyo gudniinka fircooniga ah appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.