Beeraha Iyo Xoolaha Archives - Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
(ERGO) – Beeraley ku howlanaa goosashada dalagyo ay beerteen bilihii Maarso iyo Abriil ayaa colaad qabiil uga barakacay deegaanada Weelgaduude, Yaaqle iyo Daawudow oo hoostaga magaalada Baydhabo.

Xeryo aysan ku haysan hoy, cunto iyo biyo ayay dantu ku qasabtay inay maciin bidaan. Beerihii ay filayeen inay uga soo kabtaan xilliyo adag oo aysan waxba tacban ayaa noqday kuwo lagu fasaxay xoolo.

Qaar kale oo xaaladaas ka badbaaday ayaysan dadku ka faa’ideysan karin, colaadda qabiilka oo wali taagan deegaannadooda awgeed.

Maamulka xeryaha Faanoole iyo Afar-waab dhoobey ayaa Raadiyow Ergo u sheegay inay soo gaareen 180 qoys oo hadda ku sugan xaalad hubanti la’aan ah.

Aadan Ibraahim Nuur oo ku barakacay xerada Faanoole ee duleedka Baydhabo ayaa sheegay inaysan haysan waxay dabka ku shitaan.

Waxa kaliya ee ay heli karaan ayaa ah raashiin bisil oo aan baahi tiri karin oo ay u keenaan dadka xerada kula nool.

“Waxan carruurta aan siiyo ayaa iigu daran, inta dagaalka uusan dhicin nolosheenna way fiicneyd. Markii degaalka uu dhacay gaajo ayaan daris noqonay aniga iyo carruurta dhamaantooda.”

Aadan oo ah aabbaha toddobo carruur ah ayaa xusay in dagaalku qabsaday xilli uu ku howlanaa gurista dalagyo u soo go’ay oo kala ah masago, digir iyo khudaar.

Wuxuu sheegay in reerku ku tiirsanaa dalagyadaas oo hadba qeyb ay guranayeen, isagoo ku fakarayay inuu keydsado raashiin badan si xilliyada adag ee jiilaalka iyo abaaraha oo beeruhu aysan wax soo saar laheyn ay isticmaalaan.

Wax ka duwan filashadiisii ayaa dhacay shantii bishan, markii si lama filaan ah uu ku qarxay dagaal qabiil oo ka dhashay isku qabsiga dhul daaqsimeed.

Beertii rajada u aheyd ayuu tilmaamay in si ku talo gal ah loogu fasaxay xoolo daaqa. Waa shan hektar oo uu aaminay in dalagga uga baxay uu uga badbaaday musiibooyin ragaadiyay oo ahaa roob yari iyo cayayaan.

Xaaladdaas waxaa u raacday dhibaato xasilooni darro.

“Dameer xaafadda ii joogey oo gaadiid ahaa naftirkiisa xabad wiifto ah ayaa ku dhacday oo u dhintay. Beerta badar fiican ayaa noogu yaaley, badarkii waa laga soo kala orday, meeshii xoolo ayaa daaqay, sida ay tahay xitaa lama sheegi karo inay wax ka hareen iyo in kale.”

Aadan oo 38 jir ah ayaa tilmaamay in gaajada ay wajahayaan ay u dheertahay in laga sugayo bixinta $300 oo ah deyn uu ku qarash gareeyay beerta.

Wuxuu intaas ku daray in afar carruur ah ay ka xanuunsan yihiin muddo toddobaad ah, islamarkaana woodin inuu geeyo goobaha caafimaadka ee lacagta ah.

Xerada ayuu sheegay inaysan ku haysan hu’ iyo hoy ka xajiya qabowga habeenkii iyo qoraxda maalinkii.

Wuxuu tilmaamay inay u sii dheertahay warwar dhanka ammaanka ah, maadaama dhaca tuugada iyo hadal heyntoodu ay tahay xaalad mar kasta taagan.

Xeradan oo ay u soo lugeynayeen muddo 6 saac ah ayuu sheegay in nolosheedu adag tahay oo aysan ka jirin wax adeegyo bulsho ah, sida caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha.

Carruurtiisa oo baran jiray Qur’aanka ayuu xusay inuu u waayay Dugsi uu geeyo. Helitaanka biyaha ayaa ah mid adag.

Wuxuu tilmaamay in caagado dushooda ay ku qaadan uga soo dhaansadaan ceel biyood bilaash ah oo u jira masaafo loo lugeeyo soddon daqiiqo.

Dagaalka qabiilka ayaa ah mid sababay dhimasho iyo dhaawac. Xal lagama gaarin wali, taasina waa mid uga sii dareysa nolosha qoysaska soo barakacay oo aan u adkeysan karin cunto yarida iyo dhaqaale la’aanta ay colaaddu biday.

Ekow Isxaaq Maxamed oo ka mid ah dadka uu saameeyay ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in deegaanka Qoriile ay uga soo carartay raashiin u keydsanaa oo ahaa boqol kiilo oo ah masago iyo galley, hoygii ay degganaayeen iyo agabkii yiilay.

Waxay sheegtay in raashiinka u keydsanaa oo iskugu jiray mesego iyo digir uga baxayay beerteeda oo 4 hektar ah oo ay guran laheyd bishan ay ahaayeen waxa kaliya ee noloshoodu ku tiirsaneyd.

Xerada ay tagtay oo lagu magacaabo Afar-waab dhoobey oo ku taalla magaalada Baydhabo ayay sheegtay in ay ka dawarsato, xaaladdaas hoy xumo ayaa u wehlisa.

“Jiifka aad iyo aad ayuu u xun yahay, qof derin isiiyay iyo jeex yar aan hore u soo qaatay oo aan la soo orday, qof dhabarkiisa wax ku soo qaaday oo gaari aan ku soo guurin oo silac ku yimi ayaan nahay. Dhulka caadiga ayaan seexanaa oo derinta dhiganaa, wax joodari ah mahaysano.”

Ekow ayaa xustay in 11 carruur ah oo ay dhashay aysan jirin hooyo iyo aabbo u shaqo taga, maadaama aysan helin wax u badala beertii isha dhaqaale u aheyd.

Waa 45 jir, seygeedu yahahay waayeel aan xamaal tagi karin, kana soo fogaaday deegaankii ay ku noolaayeen in ka badan 30 sano, sida ay xustay.

Waxay intaas ku dartay in helitaanka cuntada oo kaliya aysan ku adkeyn oo biyuhuna ay yihiin kuwo lacag ah oo u jira masaafo dhan 2 km.

Waxay xustay in aysan gadan karin. Waxay dantu ku qasabtaa inay weydiisato 20 liitar oo ay cabaan maalinkii ama cuntada ay ku karsadaan kuwa awooda inay soo gataan.

Halkan oo ay labo maalin u soo socdeen ayay sheegtay in tan iyo horraantii bishan ay ku wajahayaan caqabad aysan laheyn tabar ay ku maareyso.

“Barakac dhibato badan ayaa na galay. Aniga, carruurteyda iyo aabbahooda intan cararnay ayaa qoysas xoolo dhaqato ah megan ugu tagnay, labo maalin camal ku soo silacnay anagoo gagabaneyna, anagoo rafaadan ayaa Baydhabo sidaas ku soo gaarney.”

Nolol xumada iyo qasaaraha dhaqaale ee gaaray waxaa u dheer waxbarasho la’aanta carruurteeda iyo in laga sugayo bixinta $500 oo ay sheegtay inay tahay deyn ay galisay beerta oo ah abuur, falid, buufin iyo shaqaale.

“Carruurteyda dugsi ayey dhiganayeen, shan ayaa dugsi ii dhiganeysay. dugsi iska dhaafe hadda ayagaaba qalqal maskaceed ka soo qaaday degaalka oo in dhahooda taagan yihiin oo gidaarada deriska aan la fadhiyaa.”

Maxamed Ibraahim Maxamed oo ah guddoomiyaha xeryaha Faanoole iyo Afar-waab dhoobey ayaa sheegay in qoysaska cusub ee yimid xerada ay ku sugan yihiin xaalad aad u liita.

Wuxuu sheegay in ay soo dul dageen dadkii xerada horray u joogay oo noloshooda maareyn la’aa.

Wuxuu tilmaamay in qoysaskan ay si joogto ah u soo gaarayaan xeryaha ayagoo ah dad faro maran oo aan dabari karin noloshooda maalin laha ah.

“Dadka xaaladooda wey culus tahay wax aan u hayno malahan guri mahaystaan, biyo malahan xerada, baad kale mahaystaan. Dadkan illaa afar maalin ayay kala yimaadeen.”

“Maamulka iyo hay’adaha samafalka waxaan ka codsaneynaa dadkan iney soo caawiyaan wixii tabar tooda ah inay ka caawiyaan.”

Xeryahan ay dadku soo maciin bidiyaan ayuu tilmaamay inay horey ugu noolaayeen 350 qoys oo sanooyin ay joogaan aysan jirin hay’ado ama dowlado ka caawiyay adeegyada biyaha, caafimaadka iyo waxbarashada.

Isku dhacyada hubeysan oo soo noqnoqday waa caqabad aan wali xal loo helin, ayna dhibane u noqdeen kummanaan qoys oo noloshoodu burburtay.

The post Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Xoolo-dhaqato ku wajahaya Somaliland cunno xumo, go’doon iyo roob la’aan
(ERGO) – Boqollaal qoys oo xoolo dhaqato ah ayaa xaalad nolol xumo ah ku wajahaya deegaannada Qool-cadey, iyo Uubaale tan iyo bishii saddexaad ee sanadkan oo ay naq raac ku tageen.

Qoysaskan ayaa sheegay inay isku raacday dhulkii oo xaaluf noqday markii lagu batay iyo cudurro aysan aqoon oo ay uga le’anayaan xoolihii ay noloshooda ku tiirsanayd.

Qoysaskan oo roob yari uga soo barakacay deegaannadoodii billowgii 2026 ayaa tilmaamay inaysan hadda guurin karin sabab la xiriirta xoolihii oo tabar dhigay iyo iyaga oo aan haysan dhaqaale ay gawaari ugu kireeyaan.

Cabdikariin Sulub Maxamed oo ka mid ah, wuxuu maaro u la’ yahay xoolihiisa oo u dhimanaya baad xumo iyo bushi uusan garanayn tan bishii Abriil oo ay soo dageen deegaanka Qool-cadey.

Wuxuu tilmaamay inay ka dhinteen 16 oo geel ah iyo tiro iyo bar ari ah, kuwaas oo tiir dhexaad u ahaa noloshooda.

“Xooluhu waa xoolo aan dusha ka qoyinoo aanu roob helin oo iska abaaraysan dee nafaqa gasha muu arag. Ariga haddaan isaga iskaba daayoo isagu wuu iska baxay markaa wax yar baa imika ka sii joogjooga.”

“Xagga geela marka uu dhawr iyo toban marayo dee dhawr iyo toban geelii nimay ka baxday waad garanaysaa. Dee geel yar ma aha dee imikana nafna lama celin karoo haddana geel badani waa ku daba jiraa aragtidayda.”

Ninkan ayaa reerka iyo xoolaha ka soo raray deegaanka Ina-guuxaa oo dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Hargeysa una deegaanka hadda uu jooga qiyas 40 km.

Wuxuu tilmaamay inay filashadooda ahayd inay xoolahooda u helayaan calaf iyo biyo kaddibna ay ka helayaan nacfi balse maanta waxay joogaan xaallad quus ah.

Cabdikariin ayaa sheegay inay u joogaan 17 neef oo geel ah iyo toban ari ah, kuwaas oo aan lahayn caano, iyo cadna midna balse uga baahan quudin si ay u badbaadaan.  Wuxuu intaas ku daray inaysan ku jirin wax u gadmaya xilligan taas oo xaaladda sii adkaysay.

Xaaladahan isku biirsaday ayaa ninkan bidday inuu biyo iyo cunno ku filan u awoodi waayo qoyskiisa oo lix ah. Wuxuu tilmaamay inay habeennada qaar ku joogaan gaajo haddii deriska aysan ka helin wax ay cunnaan.

“Bakhaaro aan ka biil qaataa baa jirtoo, mararka qaarkood waxa dhici kartaba waji aan kula hagaago oo aan wax kaga qaatoba inaan u waayaa dhici karta oo aan ka xishoodaba.

“Haddana anigiyoo u baahan oo meel kaloo aan u dhaafo garanay dantu igu qasabtay inaan afka u kala qaado oo aan wax waydiisto. Markaa taasi aadbay u badan tahay.”

Cabdikariin waxaa culeysyada ku kordhinaya dayn gaaraysa kun doollar, taas bilooyinkii la soo dhaafay uu reerka ugu qaaday raashin.

Wuxuu xusay in dukaamada uu raashinka ka qaadan jiray ay hadda u diideen inay sii siiyaan mid kale, maaddaama xisaabtii hore ay ku taagan tahay.

“Wallaahi waxaa werwerka igu hayaa waa xagga daymankaas uun, daynkuna wax la dugsado ma aha aakhiro iyo aduunka midnaba kuuma fiicna. Daymankaas uun baa walbahaar aada igu haya, reerkiina waa dheri dab saaranoo waa ka rogoo mid kale saar.”

Ninkan ayaa sheegay inuusan helin dhakhtar xoolaha u daweeya isla markaanna uu waayay dhaqaale uu dawooyin ku soo gato.

Wuxuu xusay in geela uu afka ka jirranayo taas oo keenaysay inuu baadka joojiyo kaddiba uu dhinto. Dhimashada xoolihiisa ayuu u sababeeyay cudur iyo abaar u nuglaysay.

Dhanka kale, Axmed Maxamed Diigaale oo ka mid ah xoolo dhaqatada soo barakacay kana soo hayaamay deegaanka Balli Cabane ayaa sheegay in isaga iyo qoyskiisa oo ka kooban sagaal ay wajahayaan hubanti la’aan.

Tan iyo bishii Jannaayo ee sanadkan waxaa calaf xumo, biyo yari iyo cudurro uga dhintay toddobo geel ah iyo 64 ari ah, kuwaas oo qoyskiisa u ahaa laf dhabar.

Hadda waxaa u jooga 30 ari ah iyo toban geel ah kuwaas oo uga baahan sida dadka inuu u quudiyo. Ninkan ayaa isku keeni la’ inuu qoyskiisa raashin u gado iyo calafka  xoolihiisa.

Duruufahaas waxaa u dheer hoy xumo, taas oo keentay inay dibad-yaal u noqdaan cadceedda. Waxaa u dhisan buul ka samaysan baco, kaas oo aan u adkaysan karin dabaylaha xagaaga.

“Xaaladayada in dhawayd oo ay roobab da’een waanu iska roonayn. Imika laakiin way adag tahay xaaladayd oo dhulkii wuu abaarsaday dabayl xaggaa way dhacaysaa. Waxa u daran hoy daciifa oo aan daryeelayn dhibaatooyinka na haysta ayay ka mid tahay.”

Axmed ayaa sheegay inay sidoo kale ku dhib qabaan helidda biyo nadiif ah oo ku filan qoyskiisa. Wuxuu xusay inay qoysaska iska ururiyaan lacag konton dollar ah si loogu keeno booyad biyo ah, hase yeeshee qoyskiisa ma awoodaan inay bixiyaan qaaraankaas oo qoyskiiba ay ku soo aaddo shan doollar.

Wuxuu ka fursan waayay inuu deriska dhaama ka baryo. Ceelashii deegaanka ayaa qallalay, taas oo keentay in booyado biyo  looga keeno deegaanka Geed deeble oo u jira in ka badan 50 km.

Ninkan ayaa sheegay inay dantu ku riixday inuu kaalmo waydiisto dad ay qaraabo yihiin oo ku nool magaalada Hargeysa, kuwaas oo uu sheegay inuu toddobaadkii ka helo ugu badnaan shan dollar oo aan ku filnayn baahiyaha qoyskiisa.

Deegaanka ay qoysaskan isugu yimaadeen billowgii wuxuu lahaa nacfi fiican balse waxaa durba cagta mariyay xoolihii badnaa ee isugu yimid. Sidoo kale, waxaa xaaladda uga sii daray cudurrada oo u dhex faafay.

Guddoomiyaha deegaanka, Mubaarig Sugulle Maxamed ayaa sheegay in xaaladda qoysaskan oo go’doon ah ay aad u liidato. Waxa uu tilmaamay inuusan jirin deegaan kale oo uga roon oo ay u guuri karaan, maaddaama dhulka intiisa badan ay abaartu wada saamaysay.

“Dadkan awoodoodu way iska yaraatay. Dhawr jeer oo hore baaq waanu ka soo diray waxa ugu daran hoy iyo cunto maadaamoo xoolihiina abaaraysan yihiin oo xoolihiina caano lahayn taanaa ugu warwerka badan nahay.”

Qoysaskan xoolo-dhaqatada ah ee ka soo hayaamay deegaannada Garabis, Ina-guuxaa, Balli Cabane iyo deegaannada kale ayaa weli wajahaya xaalad nololeed oo aad u adag.

Waxay indhaha ka dhawrayaan xoolahoodii oo u dhimanaya cudurro iyo calaf la’aan, taas oo qudhooda galisay xaalad rajo beel ah oo aysan hubin sida ay uga soo kaban karaan haddii aysan gurmad samata-bixin ah helin.

The post Xoolo-dhaqato ku wajahaya Somaliland cunno xumo, go’doon iyo roob la’aan appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni
(ERGO) – Shan boqol oo qoys oo ah beeraleyda tuulada Baar-sanguuni ayaa wajahaya xaalad cunno xumo tan iyo bishii Juun ee sanadkan, markii dalag u saarnaa beerahooda ay ka qaadday fatahaadda webiga Jubba.

Waxay si lama filaan ah u la kulmeen biyaha webiga iyaga oo ku foogan guridda dalagga. Faysal Daahir Muuse oo leh beer 5 hiktar ah ayaa ka mid ah. Qoyskiisa oo 12 ah ayaa la dhibaatoonaya cunno yari.

Wuxuu ku qasbanaaday in webiga uu ka jillaabto kalluun qabashadiisa uusan xirfad u lahayn. 48 saacba mar ayuu sheegay in uu helo hal xabbo oo qoyskiisa uu dabka u saaro, marar qaarna uu ku hungoobo.

Wuxuu xusay in uusan haysan qalab uu ku soo dabto, caqabado badana uu ku qabo qabashadiisa. Wuxuu rajo xumo ka muujiyay hubanti la’aanta cunno ee haysa qoyskiisa oo aan haysan il-dhaqaale.

“Malayga markaad soo wayso Lulubo ayaad raadinaysaa. Labadaas middaad soo hesho ilmahaa lagu maareeyaa. Wax kale oo loo helayo malahan. Hal waqti weeye meel kale oo aad u dhaafayso ma jirto.”

“Haddii la waayo ilmaha Caleen baa loo karinaa. Caleentaas bay cabayaan. Shaax xitaa maahan. Caleenta oo qaraar ah ayaa la siiyaa.”

Wuxuu tilmaamay in uusan ku sii tiirsanaan karin kalluunka uu ka jillaabto webiga, kaas oo la wayn karo haddii heerka biyaha webiga uu hoos u dhaco, maaddama uusan haysan agab uu ku galo webiga.

Qoysaska ku nool deegaankiisa oo beeraley ah ayuu xusay in ay isku duruuf yihiin haddii ay is caawin lahaayeen, taas oo xaaladda ku sii adkaysay qoyskiisa iyo kuwa la midka ah oo kaalmo kale aan haysan.

In ka badan 300 oo geed oo moos ah ayay biyuhu ka jareen, halka ay qaadeen dalag u badnaa galley, digir, sisin iyo noocyo kala duwan oo khudaar ah, kuwaas oo bishii Abriil ee sanadkan oo uu dayn ku helay abuurkooda.

Wuxuu qorshaynayay in uu iskaga gudo $2,000 oo qayb ka ahayd lacagtii uu galiyay beertiisa, taas oo uu ku bixiyay falidda, abuurka iyo shaqaalaha beerta oo 3 ah, kuwaas oo shaqo la’aan noqday.

Hase ahaate, beddekeed wuxuu la kulmay qasaare uu ka soo kaban la’yahay. Biyaha galay beertiisa waxaa fududeeyay kanaallo fatahaad horay u dhacday ay furtay, kuwaas dhulka la simay beertiisa.

“Fatahaadda aad ayey noo halaagtay. Faraha qaar fataahaddii hore ee waynayd (2023) ayaa toddobbo far jaray. Toddobada far waxaa ugu daran 4 far oo biyo yar haddii ay yimaadaan beeraha ayay shab soo siinayaan. Farahaas awood aan iskaga xirno mahayno.”

Fatahaadaha ku soo laalaabta deegaankiisa ayuu sheegay in nolosha qoyskiisa ay cuuryaamiyeen. Dabayaaqadii sanadkii 2023 waxay ka dumiyeen guri ka koobnaa 4 qol oo hoy u ahaa.

Wuxuu awood u waayay dib u dhiska guriga, waxaana dhulkii uu ku yaallay uu ka dhistay aqal cooshad ah oo gabaad u noqda, balse fatahaaddii u danbeysay ayaa dumisay, inkasta oo uu dib u yagleelay.

Beeraleyda Baar-sanguuni waxay cabayanaan kanaallo waawayn oo beerahooda ku xira webiga. Waxay nugulyihiin beerahooda fatahaadda oo dhacda xilli kasta oo webigu uu biyo keeno.

Kanaallada waxaa la sameeyay xilligii dowladdii dhexe ee dalka, balse dayac ku yimid burburkii dalka kadib, waxay isku beddeleen halka saldhigga u ah qasaaraha gaara beeraha tuulada Baar-sanguuni.

Timiro Cabdullaahi Maxamed oo 70 jir ah waa waayo arag u soo joogtay isbeddeladii ku yimid kanaalladan, kuwaas oo beeraleydii hore ay ku tiirsanaayeen waraabkooda.

Waxay Raadiyow Ergo u sheegtay in hadda ay noqdeen musiibo sida joogta ah u burburisa beeraha iyo guryaha, taas oo awood dowladeed oo xakamaysa aysan jirin.

Nolosheeda oo dhan waxay ku qaadatay beero falashada. Hadda se waxay quus ka joogtaa ku tiirsanaanta beerta. Waxay xustay in sanad walba mar ama labo uu ku fataho webiga Jubba.

Arrinta waxay ku qasabtay in ay hoos u dhigto dhaqaalihii badnaa ee ay galin jirtay beerta si ay uga fogaato qasaare wayn oo soo gaaray. Fathaaddii u danbeeyay waxay saamaysay bishii hore.

“Beerta $150 ayaa iga gashay. Waxii kale walaal ayaan tuugay. Waa la iigu kaalmeeyay. Waxaa la igu caawiyey xoog. Dhalinyaro ayaan tuugtuugay way ii imaadeen. Beerta qashin bay lahayd. Way iga qaadeen.”

“Waxna lacagtii aan gashaday bay ahayd, waxna iyaga (dhallinyarada) igu kaalmeeyay. Hadda waxba gacan kuma hayo. Dalaggii wuu iga go’ay. Waan iska fadhiyaa.”

Beerteeda oo 2 hiktar ah waxaa ku beernaa dalag iskugu jira raashin iyo khudaar, kuwaas oo u badnaa kuwa ku baxa dhowrka bil, sida qaraha, digirta, galleyda, basbaaska, banbanooniga iyo qaar kale.

Dalagga ka qaasaray wuxuu ka hor istaagay raashin dayn ah oo ay dukaamada uga qaadi jirtay qoyskeeda oo shan qof ah, maaddama dalaggii ay ku tashanaysay si ay daynta u gudo uu qasaray.

Waxay dantu bidday in ay ka jillaabato webiga, halkaas oo ay kala soo baxdo kalluun aan joogto ahayn. Waxay xustay ay fariisto webiga jiinkiisa iyadoo sugta kalluunka u soo baxay qararka webiga.

“Maalintii oo dhan ayaan biyaha ku jirnaa annaga oo raadinaynayna malaay ama Dhoomaal. Hadii aad hesho nasiibkaa haddii aad waydo nasiibkaa. Waxii aan soo helno Dhoomaalkii xoogaa ayaa laga cunaa, waxana waa la reebanaa.”

Fatahaadda waxay sidoo kale ku waysay guri saddex qol ka koobnaa oo ku agyaallay beerteeda. Qoyskeeda waxaa hoy u ah geedaha hoostooda inkastoo dhibaato ay ku hayso biyo baxada.

Guddoomiyaha deegaanka Baar-sanguuni Maslax Cali Saalax ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in fatahaadda joogtada noqotay ay niyad jabisay beeraleyda ku tiirsanaa dalagga ay tacbadaan.

Wuxuu tilmaamay in wax ka qabashada kanaallada biyaha ku sii daayay beeraha ay awooddooda ka wayn tahay, isla markaana Jubbaland ay la wadaageen howlaha hortabinta leh ee lagu xiro karo.

Wuxuu intaas ku daray wajiga koobaad ee xiridda kanaallada ay ku qiimeeyeen lacagta ku bixi karta $3500 iyo qalab gaar ah oo loo adeegsado duugista faraha biyaha soo daaya xilliga roobka.

Wuxuu xusay in beeraleyda qaar ay ka tageen beerahooda si ay u samaystaan ilo kale oo dhaqaale, maaddama ay ka soo kaban waayeen fatahaadda joogtada ah.

“Qoysas badan waxaa ay go’aansadeen in ay ka tagaan beerahooda oo ay galaan magaalooyinka waawayn oo ay meelaha ka xamaashan, maaddama fatahada soo noq noqday la maarayn waayey oo beeraha tacabka ay galiyaanba ay ka baabi’inaysa. Waxay goosteen in magaalooyinka galaan iska xamaashan oo gaadhi gacankooda iska qaatan.”

Beeraley badan ayaa aaminsan in haddii ay helaan gacan ka taageerta xiridda kanaallada ay soo maraan biyaha ku fataha in ay ka soo kaban karaan caqabadaha dib u dhigay, kuwaas oo u nugleeyay duruufta.

The post Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Cunno xumo ka dhalatay ayax burburiyay dalag u beernaa beeraleyda Mudug
(ERGO) – In ka badan 80 beeraley ah ayaa xaalado adag oo dhanka nolosha ah ku wajahaya deegaanka Xero-dhagaxley ee gobolka Mudug tan iyo bishii April.

Ayax ka cunay dalagyo ay goosasho ku dawaa iyo waraab yari isku raacay ayaa meesha ka saaray tacabkoodii.

Waxay dabooli la’yihiin baahiyahooda aas-aasiga ah, iyadoo daymo loo haysto. Ceelkii ay ka cabi jireen ayaa cilladoobay 4 bil ka hor, mana helin dayac-tir.

Waxay iibsan la’yihiin biyo qaali ah oo laga keeno mid gaar ah oo tuulada u jira qiyaasti 10 km.

Cabdimaciin Axmed Maxamuud ayaa sheegay in Ayaxu ka baabi’iyay yaanyo, basal, karooto, barbarooni, liin, saytuun iyo noocyo kale oo khudaar ah.

Wuxuu xusay in ay ka gashay $1,300 oo inta badan uu amaahday.

“Tacab iska daaye geedihii ayaa qallalay. Ayaxa waa mid geedi ah oo ilmo meesha uga tagay iyo mid dhirta isaga jira oo waxkasta ku dagaya. Baaga-muudo ayaan u noqnonay.”

Deegaanka Xero-dhagaxley oo dhaca bariga fog ee gobolka Mudug dadka ku nool waxay ku tiirsan yihiin wax soo saarka. Caqabadahaan isku biirsaday ayaa saamayn weyn ku yeeshay noloshooda.

Xaaladan ka hor waxay dalagyadooda u iib gayn jireen magaalooyinka Hobyo, Wisil iyo meelo kale.

Cabdimaciin ayaa sheegay in dalagyadii ay dhamaadkii Fabraayo galiyeen beerahooda aysan waxba uga badbaadin.

Dadkaan oo u badan danyar wuxuu sheegay in aysan u sahlanayn fursad kale oo ay noloshooda ku maareeyaan.

Ninkan ayaa tilmaamay in 3 bil ee ugu danbaysay ay ku adkaatay in uu qoyskiisa u helo cunno ku filan.

Hal mar ayay dabka ku shitaan kiilooyin raashin ah oo dayn ay uga soo qaataan dukaamo tuulada ku yaalla oo mararka qaar looga diido.

“Wax badan ayaa isbeddelay nolosha, waa garan kartaa qoyska biyo, cunno, daawo iyo waxbarasho ayuu u baahan yahay. Casho kali ah ayaa la helaa. Maalinba qof ayaa dayn laga soo qaadaa.”

Cabdimaciin ayaa sheegay in beertiisa oo 2 hektar ah uu ka heli jiray bishii ugu yaraan $700. Sanadkii 2023 ayuu ku billaabay $500 oo ahayd dayn uu dib ka guday.

Tacbashada ayuu doortay, markii saamaynta abaarta ay ku dhaafeen labo boqol oo neef oo ari iyo geel isugu jira oo miyig ay ku dhaqanayeen.

Qoyskiis oo 10 qof ah iyo shan neef oo ari ah oo u joogta ayuu u iibin la’yahay biyo halkii fuusto la siiyo $5. Dadka awooda ayuu sheegay in ay hal caag ka soo baryaan maalintii, kaas oo aan ku filnayn.

Waxaa ka waxbarasho beelay labo carruurtiisa ah oo dugsi Qur’aan iyo iskuul hoose deegaanka uga dhiganayay.

Labo kale oo dugsi sare ku jira wuxuu u geeyay walalkiis Gaalkacyo degan oo bishii ka bixiya min $10, maaddaama uusan isagu u awoodin.

Dhanka kale Xaafid Cabdi Siyaad oo dadkaaan ka mid ah ayaa sheegay in nacfi beelka ku dhacay beertiisa oo 1.5 ah ay dhan dhaqaale iyo nololeed ka saamaysay qoyskiisa oo 7 qof ah.

Dalagyo isugu jiray raashin iyo khudaar dhowr nooc ah oo bishii labaad uu abuurtay ayuusan waxba ka faa’iidin.

Waxaa kaga baxday $1,200 oo $800 ay dayn ahayd, taas oo ku sii kordhisay culaysyada haysta.

Xaaladahan isku biirsaday dartood wuxuu qoyskiisa u la’yahay cunno joogto ah iyo baahiyahooda kale ee nolosha.

“Dhaqaalaha xagiisa ayay iga saamaysay oo nolol-maalmeedka reerka ayaa iigu daran. Meeshii aan wax ka helaynay waa joogsatay, baahiyah waa badan yihiin abaarta ayaa biyo la’aan na dhigtay.”

Xaafid ayaa sheegay in qoyskiisa ay ku tiirsan yihiin kaalmo aan joogto ahayn oo marmar ay siiyaan ehelkooda degan Gaalkacyo iyo Hobyo oo ay u dan sheegtaan.

Waxay ugu badnaan ka helaan hal ama labo dollar oo hal mar ay dabka ku shitaan, maaddaama aysan doorasho kale haysan.

Wuxuu tilmaamay in dukaamo deegaanka ku yaalla oo macaamiil uu ka ahaa ay buugiisa xireen, markii ay ku yeeshaan in ka badan $300 oo uusan awoodin bixinteeda.

Waxaa intaas u dheer qarashkii uu beerta galiyay oo dadkii ku lahaa ay ka doonayaan.

Ninkaan ayaa sheegay in tacabka meesha ka baxay uu ahaa isha ugu muhiimsan ee uu qoyskiisa ku maarayn jiray.

Waxay ku tiirsanaayeen in ka badan 8 sano, mana jirto meel kale oo dhaqaale uu ka soo galo. Wuxuu xusay in ay beertiisa isugu darsameen ayax, cayayaan kale iyo biyo la’aanta.

“Wuu tiro badan yahay kama jafi kartid habeen iyo maalin isku si waaye. Biyo yarida darteeda geedo badan ayaa ku dhintay. Daawada cayayaanka iyo abuurna ma haysano.”

Wuxuu tilmaamay in aysan ood iyo silig midna lahayn oo xooluhu ay dhex marayaan, taas oo sababaysa in xitaa haddii uu biyo helo uusan waxba beeran karin illaa si guud loo dayac-tiro.

Wuxu shaqooyin xamaal ah ka raadiyaa meelaha dhagax laga guro. Toddobaadka dhan $3 ayuu ka helaa ama wuu soo waayaa.

Wuxuu xusay in beerta ka xumaatay ay ahayd waxa kali ah ee uu yaqaanay ayna isku maaraynayeen muddo dheer.

Intii ay caqabadan dhaqaale haysay waxaa waxbarashada ka haray saddex carruur ah oo dhiganayay iskuul hoose.

sheegay inuusan afar bil bixin min $10 oo laga qaadi jiray, taas oo isku gaartay $160. Dhamaadkii bishii May ayaa laga soo eryay.

“Bishii markii ay dhamaato oo lacagta keen la I dhaho anna aanan waxba hayn oo hala I sugu aan iri. Dhowr bil markii ay isku gaartay waxna aan keeni waayay waa la soo diray oo guriga ha kuu joogaan ayaa la I dhahay.”

Guddoomiye ku xigeenka iskaashatada beeraleyda Xero-dhagaxley Liibaan Siciid Siyaad ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in wax-soosaarka beeraha oo hoos u dhacay uu ku sababay nolol xumo iyo dhaqaale burbur.

Dadkaan oo horay u ahaa danyar ayuu xusay in ay xaaladu ku adag tahay.

“Waa dareemi kartaa dad muruq-maal ah oo subaxdii beerahooda falan jiray wixii ay ka soo gurtaana suuqa gaysan jiray oo aysan waxba u soo go’in. Dhibaato, burbur iyo barakac ayaa ka dhashay. Masaaariiftii qoysku heli jiray ma jirto hadda, taasna waa dhibaato weyn.”

Beeraleyda deegaanka Xero-dhagaxley waxay wajahayaan xaalado isbiirsaday oo ay ku adag tahay ka soo kabashadoodu.

Culaysyadaan ayaa ku sababay in ay ka niyad jabaan tacabka oo sanooyin badan ay ku soo jireen saldhigna u ahaa noloshooda.

The post Cunno xumo ka dhalatay ayax burburiyay dalag u beernaa beeraleyda Mudug appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen
(ERGO) –  Nolol-xumo aad u liidata ayaa soo foodsaartay boqollaal qoys oo xoolodhaqato ah oo ku nool deegaanka Dajimaale ee gobolka Mudug, markii saddex sano oo roob la’aan ah isku raacday ay sababatay inay nacfi beelaan xoolahooda ayna guraan ceelgacmeedyo ay ku tiirsanaayeen.

Waxaa deegaanka iskaga guuray intii badnayd dadkii deganaa halka ay ku hareen dad lagu qiyaasay in ka badan boqol qoys oo u badan dad nugul oo aan guuri karin. Waxaa ka mid ah Qoyska Busuri Cabdiqaadir Axmed oo toban qof ah ayna ku jiraan dad waayeel ah.

Wuxuu tilmaamay inay ku adag tahay inuu cunno iyo biyo ku filan u helo qoyskiisa. Xaaladdaas ayuu sheegay inay qabsatay markii uu wada dhaafay tiro ari ah oo ay dhaqanayeen oo ahaa waxa keliya ee ay ku tiirsanaayeen.

“Walaalow dhibaataan ku jirnaa abaar baa na saamaysay biyo ma leh, cunto fiican ma leh, caafimaad ma leh. Duunyada wixii haray abaar baa leeftay waa soo dhamaadeen. Dhibaatada jirta waqti wax lagu cuno iyo kalsooni wax lagu cuno midna ma leh.”

Busuri wuuxu sheegay in hadda qoyskiisu ay ku tiirsan yihiin raashin min shan kiilo oo burbariis iyo sonkor ah oo ay horraantii bishii June ku caawiyeen qoysas ay qaraabo yihiin oo ku nool kuwaas oo ka war helay xaaladdooda. Si ay u beeqaamiyaan ayuu xusay inay hal waqti karsadaan.

Waxaa intaas u dheer biyo yari. Wuxuu xusay inay iibsan waayeen biyo laga keeno deegaanno ka durugsan oo halkii fuusto la siiyo $6. In ay biyuhu qaali noqdaan ayuu sheegay inay sabab u tahay waddo xumo deegaanka ka jirta oo dhibaato ku ah booyadaha, taas oo ku qasabtay inay qiimaha kordhiyaan ilaa ay gaartay heer la gadan waayay.

Wuxuu xusay in hadda ay ku qasbanaaden dhamaan dadka deegaanka inay dhurtaan ceelasha ku yaalla deegaanka oo 24  saacba soo saara ugu badnaan shan fuusto oo biyo ah taas oo aan wada deeqin. Wuxuu xusay in subaxdii uu galo fayl si uu u helo hal jirgaan, balse mararka qaar uu soo laabto isaga oo gacan maran.

Dhan ka kale wuxuu sheegay in saddex ka mid ah carruurtiisa ay muddo todobaad ah la jiifaan shuban iyo qandho. Wuxuu u sababaynayaa in cudurka ay sababeen biyaha ay isticmaalaan ee ceelka oo aan nadiif ahayn.

“Hadda waxaa ka dilaacday cuduro ah bakteria. Hadda aniga waa iga xanuunsan yihiin shuban baa ku dhacay daawo la’aan iyo nafaqo la’aantaa baa ku dhacday abaartaa iyo dhibaatadaas baa jirta.”

Busuri ayaa sheegay in muddo dhawr jeer ah uu isku dayay in reerkiisa uu u raro magaalada Gaalkacyo oo u jirta 110 km deegaanka uu joogo ee Dajimaale, balse ay u suurageli waysay markii uu waayay qarashka gaariga qaadaya oo ugu yaraan ku kacaya $100, maaddaama qoyskiisu uu badan yahay.

Sidoo kale carruurta iyo dadka waayeelka ah oo hadda tabartoodu hoosayso ayuu sheegay inaysan masaafadaas dheer lug ku mari karin.

Ninkan wuxuu sidoo kale tilmaamay in deegaanka aysan sii joogi karin maaddaama aysan ku haysan cunto ku filan, halka ceelka kaliya ee ay hadda biyaha ka helaanna uu sii biyo yaraynayo marba marka ka danbaysa oo la qiysaasayo in bishan wixii ka danbeeya uu gurayo.

Dhibaatadan waa mid ay ka siman yihiin dhamaan dadka deegaanka ku haray ee ka guuri waayay. Sacdiyo Cabdi Xuseen waxay sheegtay in cunno iyo biyo ku filan ay u la’adahay 10 carruur ah oo agoon ah. waxay xustay inay ku masruufto wax ay ku caawiyaan dadka tuulada oo ay ku dhex wareegto.

Waxay sheegtay in maalmaha qaar ee ay ka wayso ay qatooyo ku joogaan carruurteeda. Waxaa intaas u dheer biyo yarida. Maalinkii waxay soo heshaa ugu badnaan 10 liitar oo aan ku filnayn.

“Baahida ugu daran ee na haysata waa biyo yari. Waxaasna waxa keenayna waa abaarta. Meeshaan aad ayaa loogu daruuufaysan yahay. Cuntada marna waa la helaa marna waa la waayaa laakiin biyaha iyo caafimaadka aad ayaa loogu dhib qabaa. Haddii dadkan la caawinayo waxyaabahaas aad ayaa loogu baahan yahay.”

Sacdiyo waxay sheegtay in saddexdii sano ee la soo dhaafay oo roob yarida soo laalaabanaysay  ay si tartiibtartiib ah kaga marteen labo tiro oo arri ah oo ay dhaqanayeen, kaas oo ahaa waxa kaliya ee ay ku tiirsanayd noloshooda.

Haweenaydan oo 55 jir ah waqtigeeda oo dhanna ku soo qadatay deegaanka ayaa sheegtay in xilligan reerkeeda ay wajahayaan nolol xumaddii ugu darnayd abid.

Dhibaatada ka dhalatay roob yarida ee ay dadka kala siman tahay waxaa u dheer in siddeed bil ka hor uu saygeeda oo reerku ku tiirsanaa uu u geeriyooday cudur aan la aqooonsan. Waxay u sababaysay dhimashadiisa inuusan helin daryeel caafimaad faro marnaantooda dhaqaale darteed.

“Isbitaal ma leh meeshan qofku haddii uu xanuunsado kaniini madax loo liqo ma laga heli karo. Meesha joogno hadda qofkii jirada baabuurna uma kirayn karno baabuurka sadex boqol afar boqol buu ku leeyahay.”

“Farmashi Gaalkacyo noogama sokeeyo magaalooyinka waaweyn haddii aan u guuri lahayn maxaan ku guurnaaba? Xoolodhaqato baan ahayn xoolihiina waa baaba’een.”

Sacdiyo oo hadda kali ku ah maaraynta nolosha carruurteeda ayaa sheegtay inaysan hayn qorshe ay qoyskeeda kaga saari karto xaaladda adag ee ay galeen.

Wxay xustay in cunno xumada ku raagtay darteed ay hadda ilmaheeda ka muuqato dabar darro aad u liidata ayna ka baqayso inay nafaqo darro isku beddesho.

Dhanka kale waxay tilmaamtay in dhawr mar ay isku dayday inay u guurto magaaloyinka waawayn ee gobolka balse ay waysay gaadiid ay ku qaadato ilmaha iyo alaabta. Duruufaha ku gadaaman darteed.

Deegaanka waxaa ka guuray inta badan dadkii deganaa iyaga oo aaday degaano ay biyo ka heli karaan. Balse kuwa ku haray oo ah kuwa danyar ah oo aan guuri karin oo aan tabar ahaan isdhaamin dhanka nolosha.

The post Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen
(ERGO) – Cali Xasan Maalin mid ka mid ah xaasaskiisa iyo gabar uu dhalay oo sanad jir ah ayaa u geeriyooday bishii Maarso nafaqo-darro, markii uu u awoodi waayay cunno qoyskiisa oo 18 qof ka kooban tan iyo dhamaadkii sanadkii hore.

Sidoo kale wuxuu kari waayay in uu xilli hore geeyo xarun caafimaad dhaqaale xumo darteed. Reerka ninkaan ayaa ka mid ah in konton qoys oo beeralay ahaa oo galay xaalad nolol xumo ah oo aad u liidata.

Bishii labaad ayaa laga gubay beero ay ku lahaayeen deegaanada Dab-dheer iyo Wabarka oo hoos taga magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgadaduud, kuwaas oo noloshoodu ku tiirsanayd.

Arrintan ayaa timid kaddib markii odayaasha dhaqanka ee deegaannadan ay dawladda ka codsadeen in beeraha la gubo. Waxay u arkeen xalka is qabqabsi dhul oo marar badan soo laalabtay.

Ninkaan ayaa sheegay in beertiisa oo labo hektar ah uu bishii Diseembar ee sanadkii hore ku abuuray Dallagyo isku jiray raashin iyo khudaar, kuwaas oo dhamaan bas-beelay.

Xilliga la gubayay ayuu sheegay in ay iib gayn u diyaarsanaayeen dalagyada. Xaaladdaas ayaa keentay nolol xumo aysan abid mudan.

“Waxaan ku tiirsanahay koonbo baris ah iyo koonbo sonkor ah oo ay xaaskayga reeraha dariska ah ka soo dawarsato. Xaalada adag ayaan ku suganahay. Oday 77 jir ah ayaan ahay. Illahey mooye meel kale wax kama sugayno. Wixii na caawin kara waa u bahanahay.”

Cali ayaa sheegay in uu cabsi ka qabo in dad kale ay kaga geeriyoodaan nafaqo darrada. Wuxuu tilmaamayin in xilligaan ay weli ka sii darayso xaaladda qoysaskiisa.

Labo carruurtiisa ugu yar ayuu sheegay in hadda ay jirran yihiin muddo labo todobaad ah uusanna gayn goob caafimaad si xaaladdooda loo baxnaaniyo.

Ganacsato ay qaraabo yihiin oo uu horay uga dayntay $230 oo uu isbitaalka ku geeyay dadkii geeriyooday ayay xusay in ay mid kale u diideen.

Xaaladdaas darteed wuxuu sheegay in hadda uu ka rajo dhigay in uu dawo la raadiyo. Wuxuu sheegay in deeganka aysan ka jirin wax xarun caafimaad ah.

Meesha ugu soo sokeysa waa magaalada Dhusamareeb oo deeganka Wabarka oo uu jooga u jirta qiyaastii in ka badan 30 km. Wuxuu xusay in lagu tago $50.

Xaaladaha kale ee haysta qoyskiisa waxaa ka mid ah biyo yari. Waxay ku tiirsan yihiin hal jirgaan oo ay ka helaan dadka dariska la ah, kaas oo aan ku filnayn reerkiisa badan.

Booyado biyaha ka keena deeganka lowrkii oo fustaadii iibiya $2 ayuu xusay in uusan awoodin. Wuxuu hadda gocanaya inuusan dib u tacbi karin beertiisa.

“Deeganka Wabarka beer igu taalay ayaa la iga gubay. Waxaa amarka lagu gubay bixiyay rag odayaal ah. codsanayaa in raggii beertayda gubay shareecadda islaamka iyo calaadda in la ii hor keeno.”

Wuxuu xusay in uu filayay in tacabkiisa uu ka faa’iido $800 haddii uu goosan laha, balse rajadaas ayuu ku hungoobay. Ninkaan oo sidoo kale ahaa xoolodhaqato ayaa roob la’aanta soo laalabatay ku wayay 65 arri ah oo uu dhaqanayay.

Dhamaan beeralaydan oo ka siman saamaynta ayaa sheegay in aysan dib u yagleeli karin beerahoodi.

Dayib Cali Axmed wuxuu tilmaamay in saddexdii bil ee la soo dhaafay ay qoyskiisa oo 10 qof ah wajahayaan nolol xumo liidato. Beer saddex hiktar ah oo ay noloshoodu ku tiirsanayd ayuu xusay in ay noqotay meel banaan.

Dallagyo iskugu jiray galey, digir, masago, qaro iyo sinsin oo uu beertiisa bishii Janaayo ku galiyay $350 ayuu xusay in aysan waxbo uga babaadin, taas oo nolol xumo u horsedday reerkiisa.

“Wax ii kaydsamay malahan wixii dhaw waa la iga gubay. Waxaan noqday qof isaga oo xoola leh inta laga qaatay meel cidlo ah ku soo dhacay oo gacan maran.”

Dayib ayaa sheegay in reerkiisu ay dabka ku shitaan raashin ay u soo dhiibaan dad ay ehel yihiin oo jooga magaalada Dhusamareeb, kuwaas oo uu u dan sheegtay.

Dhanka kale qoyskiisa waxaa ku adag helida biyaha. Booyado 30 fuusta qaada ayaa deeganka Dab-dheer oo uu ku nool yahay ku keena $50, taas oo uusan awodin.

Waxay ka soo dhaamiyaan magaalada Dhusamareeb oo u jirta qiyaastii in ka badan 20 km. Sido kale waxaa saamaynta ku sii kordhasay bac uu biyaha ku kaysdan jiray oo u dhex taallay beerta oo dabku qabsaday.

Arrintaas ayaa ku qasabtay in uu mutaan baco ay leeyihiin reero daris la ah oo biyaha ku caawiya, kuwaas oo ay garabka uga soo qaataan

Bishii saddexaad ayuu xusay in laga soo eryay iskuul hoose iyo dhexe oo ay dhiganayeen, markii uu awoodi waayay $25 oo wax lagu barayaay. Taclin la’aanta soo wajahday ayuu walwal ka muujiyay.

“Waxyaaba badan oo ay beerta iga aadanayd ayaa banaanka ku soo dhacay. Marka wixii dhan waxay noqdeen wax aan gacan lagu hayn hadda iyo kow soo bilow.”

Dayib ayaa sheegay in beerta uu markii hore ku billabay $1,500 oo uu qayb ka helay 50 ari ah oo uu iibsaday iyo qaar ay ku kabeen dad ay ehel yihiin. In hadda laga gubay oo uusana dib u aas-aasan karin ayuu xusay in ay walwal ku hayso.

Dadka beeraha ka falanaya deegaanka oo aad u soo badanayay waayihii danbe ayaa keenay qilaaf soo noqnoqday oo sababay in la gubo dhamaan beeraha sida u sheegay Salaad Cali Cawaale oo ka mid odayaasha dhaqanka ee amarka bixiyay.

Waxay saamaynta ugu xoogan gaartay dadkii hore beeraha u laha oo ay u ahaayeen halka il ee ay ku tiirsanayeen. Dhanka kale wuxuu sheegay in dadka deegaanka oo ah xoola dhaqato ay beeralayda caqabad ku noqdeen, maaddaama la wada xirmaystay dhulkii daaqsinka ahaa.

Dhowr mar oo hore ayuu sheegay in ay isku dayeen in ay xal u helaan arrintaan, balse ay u tabar waayeen, taasi oo horsedday in ay doorteen in la gubo.

“Muran iyo is qabqabsi bulshada oo qaarkood ay ka dhasheen xoolo la dhibaateeyay, islamarkaasna ku dhawaaday dagaal toos ah keenay ayaa sababay inaan amarka bixiyo, markii aan tashanay. Waana iska kaashanay maamulka iyo booliska Galmudug.”

Dhanka kale taliska saldhiga Dhuusamareeb oo aan la xariirnay ayaa noo sheegen in arrintan ay ku fuliyeen codsi iyo saxiix uga yimid odayaasha dhaqanka ee deegaannadan.

Beeraleyda soomaaliyeed oo u nugul isbeddelka cimilada oo saamayn soo laalabatay ku yeeshay ayaa dhanka kale la kulma caqabada aysan xamali karin oo curyaamiya wax soo saarkooda, nolol xumana u horseedda qoysaskooda.

The post Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Haweenay qurbojoog ah oo shaqo iyo xirfad u abuurtay xoolo-dhaqatada Soomaaliland
(ERGO) – Axmed Cabdi Ismaaciil wuxuu aroor walba u kallahaa shaqo ari raacid ah si uu cunno ugu helo carruutiisa oo saddex ah iyo xaaskiisa.

Wuxuu ka mid ah rag iyo haween fursad shaqo abuur ka helay xero lagu naaxiyo ariga oo haweeney qurba-joog ah ay ka hirgelisay deegaan Abdaal ee gobolka Saaxil ee Somaliland.

Ninkan ayaa maalinle dhul daaq-simeedka deegaanka ugu raaca ariga uusan lahayn oo ido u badan.

Kama harsado fallaaraha qorraxda, iyada oo heer kulkeeda uu gaaro 34 digree balse waxaa uga muhiimsan inuu qoyskiisa biil u helo.

Axmed oo shaqadan billaabay bishii labaad ee sanadkan, ayaa sheegay inuu awoood u yeeshay maarayn nolosha reerkiisa. Wuxuu bille u qaataa 100 doollar oo isbeddel ku hoggaamisay.

Daqliga soo galaya ayaa ka caawiyay inuu raashin koosaar leh iyo arrad bax u helo carruurtiisa. Wuxuu sheegay inuusan hadda ka welwel qabin daboolidda baahiyaha nolosha ee qoyskiisa.

“Aasaasigu wuu nagu adkaa oo markaa maanu heli jirin. Waa xilli aanu helo iyo xilli aanu waynaba labadaba way ka dhaxaysay. Mararka qaar ayaanu waayi jirnay oo aanu wakhtiyo ka dhex saari jirayba saddexda wakhti, haddana farxadayda lama soo koobi karo.”

Axmed 45 jir ah ayaa sheegay in shaqadan uu ku helay aqoon hore oo u lahaa iyo fursaddan bannaan oo lala soo wadaagay inay jirto.

Ninkan ayaa tilmaamay roob-yari iyo cudurro kaga dhamaadeen labadii sano ee la soo dhaafay ku dhawaad saddex boqol oo neef oo isugu jiray ari iyo geel.

Wuxuu xusay inay fursaddan ugu soo beegantay xillli ay ku sugnaayeen isaga iyo qoyskiisa xaalad hubanti la’aan ah oo ay ugu horreyso dhaqaale xumo, cunno yari iyo duruufo kale. Balse wuxuu xusay inay dib uga soo kabteen xaaladahaas.

Ninkan ayaa sheegay inuu shaqadan sidoo kale ka kororsaday aqoon la xiriirta hab dhaqashada xoolaha. Wuxuu xusay inay ka faa’iido badan middii uu ka dhaxday waalidkiisa oo uusan maanta waxba ka hayn.

Wuxuu tilmaamay haddii uu dib xoolo u hanto inuu wax badan ka beddeli doono habkii soo jireenka ahaa oo uu aaminsan yahay in dhib mooyee dheef badan aysan ku qabin marka loo eego fahankiisa hadda.

Ninkan iyo qoyskiisa ayaa deegaanka yimid iyaga oo fara maran, noloshooda ayaa ku tiirsanayd inay dadka wax weydiistaan balse maanta waxay ku jiraan nolol xassiloon.

Aasaasaha mashruucan ari dhaqashada, Faa’isa Faarax Raage ayaa sheegtay in barnaamijkan uusan ku koobnayn oo keliya shaqo abuur, balse uu noqday tusaale dadka deegaanka baraya hababka casriga ah ee loo xanaaneeyo xoolaha.

Waxay intaas ku dartay in qorshaheedu yahay inay mustaqbalka sii ballaariso si dad badan oo ay abaartu saamaysay ay uga faa’iidaystaan.

“Mashruucaa ujeedadaan ka leenahay waxa weeyaan inaan xoolaha nool iibino, naaxino, korino ka dibna aanu iib geyno. Shaqaalaha waxaan ku xulanaa farsamadooda farsamada aan uga baahanahay  ee dhaqida xoolaha, xannaanaynta xoolaha markaa qofku waa inuu yahay qof intaaba cilmi u leh.”

Faa’isa ayaa sheegtay in dad badan oo xoolo dhaqato ah ay bilaabeen inay si ka duwan sidii hore u maareeyaan quudinta xoolahooda, iyaga oo adeegsanaya farsamooyin ka caawinaya inay u helaan nafaqo ku filan.

Waxay intaas raacisay in markii hannaankan ay deegaanka ka billowday loo arkayay wax aan macno lahayn balse tababarro ay bixisay iyo sida ay xoolaheeda uga badbaadeen abaarta ay sababtay in talooyin laga qaato hadda.

Haweeneydan ayaa sheegay in tani ay keentay inay dadka ka fekeraan sidii wax-soo-saarka xoolahooda ay u kordhin lahaayeen, iyada oo xitaa dhulka nacfi fiican uusan lahayn.

Waxay uga maarmeen quudin farsamo leh, halka iyaduna ay macaash fiican ka heshay gancsigan.

“Aqoonta casriga ah waxay uga faa’iidaysteen wax bay ka barteen oo reer guuraagu waa dad guura oo socda oo kolba xoolaha meel la taga. Waxyaabaha ay naga faa’iideen ee waxaa ka mid ah inay fadhiistaan adhigana wax-soo-saar u sameeyaan oo noqdaan dad meel loogu iman karo.”

Waxay sheegtay inay sii wadayso wacyi-gelinta iyo dedaalkeeda ku aadan sidii bulshada deegaanku ay u garowsan lahaayeen muhiimadda isku dheellitirka quudinta xoolaha, isticmaalka calafka habboon iyo ilaalinta caafimaadkooda.

Arrimahaas oo ay xustay in dhammaantood ay door weyn ka qaadanayaan inay hab dhaqanka dhaqaale ee qoysaska u baahan shaqo abuurka.

Aamina Warsame Cali, oo ka mid ah dadka fursadda ka helay xerada ariga, waxaa u suuragashay inay qoyskeeda 11 ah u hesho cunno ku filan, biyo iyo daryeel. Haweeneydan oo la qaatay bishii Jannaayo ayaa sheegtay in shaqadan ay wax badan ka beddeshay nolosheeda iyo tan reerkeeda.

Waxay xustay in markii hore ay halgan ugu jirtay sidii dabooli lahayd baahiyaha aas-aasiga ah ee reerkeeda, balse maanta ay ka welwel la’ dahay daryeelka carruurteeda oo keliyeed ku tiirsan.

Aamina ayaa tilmaantay in shaqadani ay ka heshay kalsooni iyo rajo cusub, maaddaama ay noqotay il-dhaqaale oo joogto ah.

Waxay sheegtay in isbeddelkeeda ugu weyn ee ay siisay uu yahay in maanta ay dareemayso degganaansho nololeed iyo inay noloshooda ka wanaagsan tahay sidii hore.

“Waxyaabo badan baan qabtaa. Xoolaha waanu garanaynaa macnahooda laakiin aabaarihii baa naga dhammeeyoo xoolana imika maanu haysan adhi ilaa laba tiro ah wuu gaadhaayay dee abaartii baa dhammaysay.”

Haweeneydan ayaa sheegtay in shaqadan ka hor noloshooda ay ku tiirsanayd inay kaalmo waydiisato ehelkeeda, taas oo aysan joogto u heli jirin isla markaanna aan ku filnayd baahidooda maaddaama ay yihiin qoys ballaaran.

Aamimo ayaa sheegtay in qabashada shaqadan aysan ku dareemin culeys sababta ayaa ah inay aqoon hore u lahayd xannaanada ariga.

Haweeneydan ayaa sheegtay in deegaankeeda uusan lahayd wax iskuul ah balse waxay ka qorshaynaysaa inay magaalo u dirto qaar ka mid ah carruurteeda.

Dadka aqoonta u leh hab dhaqadan nadaamsan ee xoolaha ayaa qaba in habkan uu kor u qaadi karo nolosha bulshada Soomaaliiyeed oo badankood ku tiirsan xoolaha.

Arrintan ayaa horseedaysa helidda xoolo caafimaad qaba, wax-soo-saar badan leh isla markaana qiimo fiican ku yeesha suuqyadeenna iyo caalamka, taas oo kobac dhaqaale siinaysa xoolo-dhaqatada iyo dalka.

The post Haweenay qurbojoog ah oo shaqo iyo xirfad u abuurtay xoolo-dhaqatada Soomaaliland appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
(ERGO) – Nolol xumo iyo culaysyo dhaqaale oo wax-soo-saarkooda baabi’iyay ayay wajahayaan ku dhawaad 2,500 oo beeralay ah oo ku nool deegaanka Sayn ee gobolka Bari. Waxaa saameeyay biyo yari ka dhalatay baraagihii ay ku kaydsan jireen iyo ilihii ay u soo mari jireen oo dhul go’ ku burburay.

Waxay awoodi waayeen inay wax beertaan illaa horraantii sannadkan. Roob-yari 3 xilli ah ayaa sidoo kale nacfi tirtay xoolaha oo u ahaa il kale oo dhaqaale. Waxay galeen daymo aysan awoodin bixintooda.

Sahal Cabdi Maxamed oo ka mid ah ayaa sheegay in afartii bil ee ugu danbaysay uusan waxbo beeran haddana uusan rajo ka qabin. Wuxuu maarayn waayay masruufka reerkiisa oo 12 qof ah. Tacabka ka joogsaday ayaa sababay inay cunno la’aan wajahayaan.

“Dhibaatada ugu weyn ee na haysata noloshii ayaa hoos u dhacday abaarna waa noogu darsantay. Meel aad kaga xisaabtamaysay khudaar badan oo reerka aad ku maarayso oo aad ka wayday waa dareemaysaa saamaynteeda ma yara.”

Sahal ayaa sheegay in Janaayo sanadkan uu labo mar beertiisa oo 2 hektar ah galiyay khudaar, balse uu ku guul-daraystay, markii uu waraab ku filan u waayay. Booyado biyaha ka keena magaalada Baargaal oo u jirta in ka badan 100 km ayuu awoodi waayay qarashkooda.

Wuxuu sheegay in halkii Fuusto ay iibiyaan $12 mana heli karin. Waxaa intaas u dheer in geedihii timirta ee beerta ugu yaallay ay mirtii iyo caleemihii daadiyeen. Wuxuu ka cabsi qabaa inay ka qallalaan, haddii uusan u helin biyo xididkooda qooya.

Boholo ka samaysmay dhulka ayaa jaray wadooyinkii, sidoo kalena dhaawac gaarsiiyay ilihii dabiiciga ahaa ee biyaha laga helayay iyo baraagihii ay dadku qoteen. Iskuday kasta oo ay samayn lahaayeen waxaa u diidan biyo la’aanta oo noqotay mushkilad.

“Beertayda dhibaatadu dhanka biyaha ayay ka haysataa oo waa fogaadeen, dhulkiina wuu kala go’ay lamana soo gaarsiin karo. Hoos u dhacaas iyo caqabadahaas cidii wax ka qaban karta waxaan rabnaa in ay naga caawiyaan, maaddaama ay laf-dhabar u yihiin nolosha dadka.”

Sahal ayaa xusay in daruufaha kale ee haysta ay ka mid tahay dayn ka badan $1,000. Waxay isugu jirtaa qayb waqti dheer lagu lahaa iyo qaar uu reerka ku biilay dhowrkii bil ee ugu danbeeyay. Dadkii uu ka qaatay ayuu xusay inuu waydiimo joogto ah kala kulmayo.

Tacab la’aanta ayaa saamayn nololeed iyo mid dhaqaale galisay. Wuxuu awoodi la’yahay in uu shaqooyin kale oo ka raadiyo meel tuulada ka baxsan, maaddaama uu gacanta ku hayo hooyadiis oo 78 sano jir ah oo daryeel joogto ah uga baahan.

Da’da iyo tabar yaraanta waxaa u wehliya cudurka sonkorta oo muddo dheer ay qabtay. Wuxuu sheegay inay joogto ugu baahan tahay daawooyin iyo cunnooyin gaar ah, balse uusan u awoodin.

Sahal ayaa sheegay in ay waxbarasho la’aan ka yihiin shan carruur ah. Bishii May ayaa iskuulka laga soo eryay, markii uu 3 bil bixin waayay min $20 oo laga qaadi jiray. Waxay kala dhiganayeen fasallada 3, 5 iyo 7 ee dugsiga hoose dhexe. Daruus la’aantooda ayuu ka murugsan yahay.

Qoyskiisa oo muddo badan ka mid ahaa beeralayda gobolka Bari waxay xamili la’yihiin tacab la’aanta ku dhacday.

Rooble Maxamuud Cismaan oo ka mid ah beeralayda maarayn la’ noloshooda ayaa sheegay in biyo la’aantu nacfi tirtay beer hal hektar iyo bar ah oo uu ku lahaa duleedka deegaanka Sayn. Waxay u ahayd halka meel ee uu dhaqaale ka soo gali jiray.

Ninkan ayaa sheegay in 2026 uunsan waxba beeran. Durdurradii biyuhu ka imaan jireen oo qallalay dhowr xilli oo roob la’aan ah darteed iyo dhulka oo buuralay ah oo aysan sahlayn in gawaaridu soo gasho ayaa isku raacay.

“Caqabada ugu weyn wadooyinkii waa go’een, kannaaladii iyo baraagihi waa jajabeen. Beeraha dhagaxyo weyn ayaa ku soo dumay oon ka qaadi weynay dhib badan ayaa jira.”

Rooble oo 59 jir ah ayaa sheegay inay walwal ku hayso shaqada ka istaagtay, maaddaama il kale oo dhaqaale uusan lahayn. Wuxuu xusay in muddo 30 sano ka badan oo beeraley uu ahaa uusan la kulmin culayskaan oo kale. Waxaa ku adag cunno ku filan iyo baahiyadooda kale ee aas-aasiga ah. Dukaamadii uu daymaha ka qaadan jiray ayaa xiray buugiisa, markii ay ku badatay lacagtu.

Wuxuu sheegay in xilligii ay beertu u baxaysay ay ku jireen nolol ka wanaagsan middaan. Waxay reerkiisu labo mar oo cariiri ah dabka ku shitaan hadda raashin min 15 kiilo oo bur, bariis, sonkor iyo saliid ah oo 27 May uu walalkiis degan Boosaaso u iibiyay.

“Timirtii iyo dalagyadii kale ee aan beeran jiray oo aan iibsan jiray oo carruurtu ay noo cuni jirtay ma lahan hadda. Bariiskii ciyaalka ayaa lala tacaalayaa oo meel biil looga keeno ayaan la’nahay. Xaaladu waa adagtahay.”

Rooble ayaa sheegay inuu culays kala kulmayo dayn $1,500. Waxay isugu jirtaa qayb uu galiyay dalag biyo la’aanta uga qasaaray bishii Janaayo ee sanadkaan, qaar intii uu tacab la’aanta ahaa uu reerka raashin iyo biyo ugu qaatay iyo qayb horay loogu lahaa.

Intii uu xaaladaan ku jiray waxaa ka waxbarasho beelay labo carruurtiisa ah oo dugsiga hoose ka dhiganayay deegaanka Sayn. Wuxuu xusay in la soo eryay bishii April, markii lagu yeeshay qarashkii saddex bilood oo isku gaaray $180.

Dhanka kale Guddomiyaha iskaashatada beeralayda deegaanka Sayn, Cabdalle Axmed Maxamed ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in caqabadaha haysta dadkan ay yihiin kuwo ka awood batay oo aysan waxba ka qaban karin. Wuxuu tilmaamay in meelaha qaar ee dhul go’u saameeyay ay dayac-tireen, balse dhibaatada jirta ay ka baaxad weyn tahay.

“Dadkan waxay u baahan yihiin qalabkii beeraha, daawooyinkii iyo wax ay ku waraabsadaan oo ugu muhiimsan. Waxay u baahan yihiin matooro iyo soolaro ay biyaha ku gaarsiiyaan. Beero badan ayaa biyo la’aan u qallalay oo laga tagay.”

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dowlada Puntland iyo hay’adaha samafalka ee deegaanka ay gaarsiiyeen caqabadaha haysta beeralaydan, balse aysan weli ka helin jawaab wax looga qabanayo.

Wuxuu sheegay in dhibaatada biyo la’aanta ah ee haysta haddii aan xal loo helin ay sababi karto in wax-soo-saarkoodu uu gabi ahaanba meesha ka baxo. Beeralayda Soomaaliyeed waxay la kulmaan caqabado joogto ah oo ka hor istaaga in ay tacabkooda ka mira dhaliyaan.

Kaydadka biyaha oo aan ku filayn, aqoon yarida iyo u adkaysi la’aanta isbeddelka cimilada ayaa ah dhibaato aan xal loo helin.

The post Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
(ERGO) – Boqollaal ka mid ah beeralayda gobolka Bay ayaa quus ka jooga dalagyadii ay tacbadeen sanadkan. Xasan Maxamuud Ibraahim, wuxuu maaro u la’ yahay cayayaanka ka cunaya abuurkii u saarnaa beertiisa oo ku taalla deegaanka Daa’uudow ee duleedka Magaalada Baydhabo.

Ninkan oo sanadkan, saddex xilli roobaad kaddib beertiisa u helay biyo ku filan ayaa sheegay inuu ku hungoobay filashadiisii, markii cayayaankan oo deegaanka ku cusub uu si degdeg ah ugu faafay. Wuxuu waayay dhaqaale uu dawooyin difaac ah ugu soo gato.

Xasan ayaa sheegay inay sidoo kale u raaceen cudurro aysan-aqoon oo sababaya in dallayada ka badbaada cayayaanka inay durba qallalaan. Arrintan ayaa keentay inay sii xumaato rajo kasta oo uu ka qabay inuu bisha lixaad ka mid noqdo dadka dalagyada goosan doona.

“Saameyn aad u weyn ayuu nagu yeeshey. Qasaare badan ayuu noo geestey. Dalagyadii la abuurey waxba ka reebin. Dalagyada ani aan abuurey waxay ahaayeen masago, galey, digir iyo yaanyo. Marka rajadii aan kalahaa oo dhan cayayankan ayaa baabi’iyey.”

Xasan oo firfircooni badan ku billaabay hawsha beertiisa oo labo hektar markii ay curteen roobabkii ugu horreeyay ee guga bishii Maarso, waxaa maanta ka muuqda daal iyo niyo-jab uu dhaxlay qasaaraha soo gaaray.

Waxaa murugada ku kordhinaya dayn $300 oo doollar ah, taas oo kaga baxay geed-qaadideedi, dayac-tirkeedii, abuurkeedii iyo shaaqaalihii hawsha qabanayay. Lacagtaas ayuu sheegay in dadkii ku lahaa inuu kula ballamay inuu siinayo saddex bil kaddib marka la gaaro gooshashada.

“Culaysyada hadda i haysto waxa kamid ah deyntii aan is lahaa markii abuurka ii soo go’o inaan is kaga gudo aan rabey. sidoo kale dalagii aan ku noolaan rabey oo iga baaba’ay, marka culeesyo waaweyn ayaa nahaya.”

Ninkan ayaa sii xisaabsanayay marka ay beerta u soo go’do faa’iido u dhaxaysa 1,000-1,200 doollar, taas oo uu qorshaynayay inuu nolosha qoyskiisa maalgelin ugu sameeyo sida inuu waxbarasho ku geeyo afar ka mid ah caruurtiisa oo guri joog u ah dhaqaale la’aan.

Xasan ayaa sheegay inuu raadiyay dad aqoon u leh cayayaankan oo dixiri u eg balse ay la wadaageen dawooyin dhowr ah oo aan waxba ka tarin. Wuxuu u sababeeyay inuu dhulka hoose ku jiro oo aysan suntu gaarayn.

Ninkan oo kontan jir ah ayaa ka samri la’ beertiisa oo weligeed u soo ahayd tiir dhexaad noloshiina oo dhan. Wuxuu aroor walba u kallaaha deegaanka ay ku taallo oo ku jira Baydhabo qiyaastii 15 km si u arko inay jiraan qeyb badbaaday.

“Waallahi murugta hadda i hayso waa murug saa’id ah ayaa ihaysa awal farxad rajo fiican ayaan lahaa ama dalagaaga si fiican kuugu soo baxaa ayaan is lahaa oo sanadkan wax fiican kaaga soo go,a.”

Xasan ayaa sidoo kale la halgamaya nolosha qoyskiisa oo danyar ah. Wuxuu cunno ku filan ku la’ yahay carruutiisa oo todobo ah, xaaskiisa iyo hooyadii oo ah waayeel daryeel gaar ah u baahan. Dadka deegaanka ayuu xusay in aysan waxba dhaamin maaddaama ay la qabaan qasaaraha.

Beeraley deegaanka ayaa ka siman dhibaatada cayayaanka ee ku dhacday dalagyadii ay ku tashanayeen. Ibraahim Maclin Nuur, wuxuu ka soo kaban la’ yahay qasaaraha gaaray. Ninkan ayaa sheegay inaysan waxba uga badbaadin abuur isugu jiray; digir, galey, masago iyo yaanyo, kuwaas oo uu saaray beer laba hektar ah oo uu ku leeyahay deegaanka Daa’uudow.

Ibraahim oo weli ka samri la’ tacabkiisii wuxuu sii dhowrayaa beertiis oo ay ku hareen caws iyo dhir geed gaab ah oo aan nacfi u lahayn isaga. Wuxuu ka welwelsan yahay sida ay uga ba’day ishii dhaqaale ee qoyskiisa oo danyar ah, meel kana aan ku tiirsanayn.

Hab nololeedka qoyskiisa ayaa si weyn isku dhimay markii uu la kulmay qasaarahan oo uusan hore uga tashan. Waxaa laga joojiyay dayn uu dukaamada ka qaadanayay markii dadkii lahaa ay ogaadeen inuusan beerta badar u saarnayn.

Ibraahim qasaaraha waxaa u dheer inay hubanti la’aan dhanka cunnada ah soo wajahday carruutiisa oo toddobo ah iyo xaaskiisa. Wuxuu intaas ku daray inay xaaladdan ku soo aadan xilli sidoo kale oo ka dhamaaday kayd raashin ah.

“Nolosheyda markii hore aad ayey u fiicneyd laakiin hadda xaaladdan ah nolol yaab leh ayaan ku noo lahay. Seddex mar ayaan wax cunayey sedexdii mar waxaa iigu soo kordhey in habeenkiiley aan wax cunno, haddana habeenkii habeenkiisa maalintii laba iyo tobanka saac sidan ley waaye nolol midan ka xun weligey ima soo marin.”

Ninkan oo ku sugan xaalad quus ah ayaa sheegay in dedaal uu ku bixiyay sidii uu dawo ugu heli lahaa beerta, balse labo dawo lagula taliyay ay wax ka tari waayeen cayayaanka oo badnaa iyo xaddiga uu adeegsanayay oo yaraa darteed.

Ibraahim ayaa tilmaamay inuu ka walaacsan yahay $500 doolar oo uu galiyay hawshii tacabka bishii Maarso. Wuxuu ka soo amaahday ganacsato uu ka codsaday inay ka sugaan ilaa bisha June. Wuxuu ku taamayay inuu ka hanan doono faa’iido gaaraysaa $15 balse maanta lafihii xitaa kama hayo.

Ninkan oo sanado badan beeraley soo ahaa ayaa sheegay in qasaarahan uu yahay kii ugu xanuun badnaa ee soo mara. Wuxuu xusay in tiigsigiisii dalagga ee sanadkan uu baaba’day isla markaana uu dareemayo culayso isbiirsday.

“Welwelka hadda i hayo waxa weeyaan raashiin la’aan, lacag la’aan, beertii oo aan usoo qaadey aan wax aan ku gudo aan lahayn. Beerta haddii aaran noqoto wallaal deyntii waatan ayaa la dhihi lahaa balka ayaaba u iibineysaa mise masagada wax aan ku gudo ma hayo.”

Beeralayda deegaanka ayaa sheegay inay dedaal ku bixiyeen badbaadin dallagyada balse kuma aanay guulaysan isku daygoodii. Sumo kala duwan oo ay adeegsadeen ayay sheegeen inaysan wax natiijo ah ka helin.

Axmed Keerow Abdi oo ah Khabiir dhinaca beeraha ayaa sheegay in xilliyadan ay soo bataan cayayaanada iyo cudurada, taas oo uu u sababeeyey in dhowr xili roobaad aysan di’in roobabkii la filayay. Waxaa dheer qaladaad dadka ay sameeyaan sida isku dhawaynta dalagyada sida uu xusay.

Arrimahaas darteed ayuu sheegay in sanadkan markii ay da’een roobab u u horeeyay ay soo baxeen xasharaad faro badan oo ciidda hoose isku qarinayay. Wuxuu dadka beeraleyda ah u sheegey in ay ku dedaalaan nadafada beerta iyo ka war qabkeeda lagana doorto keliya dawada ku haboon.

“Cayayaanada xiliyadan yimaada waxaa kamid ah tixriga oo cuna balka ama caleenta caqaaran qashinka xitaa wuu cunaa. Qashinkaas ayuu ku soo gabanaa waa in qashinkaas laga nadiifiyo inta soo harteyna waa la buufinaa.”

khabiirka ayaa aaminsan in xalka ugu fudud ee beeralayda ay samayn karaan ay tahay in ay ku dedaalaan sidii ay u kala ilaalin lahaayeen dallagyada kuwa dhibku gaaray iyo kuwa kale si aanay isugu gudbin cayayaanka.

The post Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud
(ERGO) – Xaalado cunno xumo ah oo saamayn ku yeelatay ayay wajahayaan boqollaal xoolo dhaqato ah oo ku nool tuulooyin hoostaga Cadaado, markii labo bil ka hor laga joojiyay raashin amaah ah oo ay ka qaadan jireen bakhaaro ay macaamiil ka ahaayeen.

Waxaa isku raacay daynta oo ku badatay, xoolihii ay ku bixin lahaayeen oo noqday nacfi la’aan iyo muddada lagu leeyahay daynta oo ku dheeraatay. Intaas waxaay u wehliya in markasta cadaadis lagu saaro in ay deg deg ku bixiyaan.

Xaliimo Faarax Barre oo ku nool miyiga deegaanka Hog-dugaag waxay cunno ku filan hal mar u la’dahay qoyskeeda oo 10 ah. Dukaamo ay raashin ka qaadan jirtay ayaa horeentii Maarso xiray buugeedii. Waxay ku tiirsan yihiin kaalmo aan joogto ahayn oo ay ka helaan ehel ay u dan sheegtaan.

“Aad iyo aad ayay xaaladeenu u adag tahay. Awal waxbaan daynsanaynay, laakiin hadda waa naloo diiday oo meel kasta waa naga xirantay. Abaaro ayaa dhaceen, bakhaaradiina way naga xirmeen, arigiina nacfi la’aan weeye.”

Xaliimo ayaa sheegtay in tan iyo sanadkii hore ay daaq la’aan iyo cudurro aysan garaynayn uga dhinteen 80 ari ah oo noloshoodu ay ku tiirsanayd. Waxaa u jooga 20 neef oo ah oo u baahan in calaf loo iibiyo aysanna u awoodin.

Haweenaydaan ayaa xustay inaysan qoyskeedu lahayn il kale oo dhaqaale uu ka soo gala. Roob yaraan deegaannka ku soo lalaabatay labadii sano ee u danbaysaay wellina jirta ayay xustay in ay u horseeday xaalad adag oo aysan xalkeeda hayn.

Culaysyada dhaqaale ee qoyskeeda haysta waxaa u wehliya in ay waydiin joogto ah kala kulmayso dadkii daynta ku lahaa, taas oo murug kale ku ah. waxay xustay in maalmaha qaar ay damiso telefoonkeeeda, markii ay wicitaanka ku badiyaan.

“Dayn badan ayaa la igu leeyahay, buugiina mahayo, balse lacagta la igu leeyahay waxay gaaraysaa $3,000, haddiiba aysan ka badnayn. Ma hayo awood aan ku bixiyo xilligaan oo xoolihiina waa naga xaaseen meel kalena wax kama helno.”

Xaliimo ayaa sheegtay in illaa sanadkii hore ay labo jeer u roob raacday deegaanno ka tirsan gobollada Mudug iyo Galgaduud, balse aysan daaq fiican ka soo galin dadka oo badan dartiis. Waxay ku qasbanaatay in deegaankeedii oo abaar ah dib ugu soo laabato.

Aabbaha reerka ayay tilmaamtey inuu yahay 68 jir aan xamaal qaban karin. Majirto cid kale oo ay taageero ka helaan, taas oo keentey inay daynta maciin bidaan. Qoyskeeda waxaa dhanka kale dhibaato ku qabaan helidda biyaha.

Halkii fuusto waxaa la iibiyaa $5 oo aysan heli karin. Arintaas ayaa ku qasabtay in ay u dan sheegato ehelkooda Cadaado degan oo mar mar u soo dira $2 oo ay dhowr caag ku iibsato, markii aysan ka helin dariska ayay waydiisataa.

“Waxaan ka cabanaynaa biyo la’aan oo noogu baahi badan mana heli karno waxan ku iibsano. Barkad ayaa noo qodan waa naga qallalan tahay oo booyadaan shuban jirnay, haddana ma awoodno oo waa waynay qarash.”

Xaliimo ayaa xustay in xaaladaan ay ku waxbarasho beeleen 4 caruurteeda ah oo si bilaash ah ugu dhigan jirtay Iskuulka hoose ee deegaanka Hog-dugaag. Waxay tilmaamtay in uu xirmay horaantii sanadkaan, markii dadkii tuullada ay meelo kala duwan u hayaameen macalimiintiina ay ka tageen.

Haweenadyaan oo waligeed xoolo dhaqato ahayd waxay sheegtay in aysan lahayn xirfad ay magaalada uga shaqaysato.

Cunno la’aanta ka dhalatay daymaha loo diiday iyo xoolaha ka nacfi beelay waxay si isku mid ah u saamaysay reer guuraaga ku nool deegaannada Hogdugaag, Qansaxley, Mirdhisyaale, Biyo-gaduud, Qurdhubaanle iyo Xinjilab ee gobolka Galgaduud.

Guure Axmed Maxamed ayaa sheegay in qoyskiisa oo 8 qof ah ay xaalad adag oo dhanka nolosha ah ku wajahayaan miyiga deegaanka Biyo-gaduud tan iyo horaantii Maarso. Dukaan uu raashinka ka qaadan jiray ayaa looga yeeshay ku dhawaad $2,000.

Waxaa loo diiday dayn kale illaa uu ka bixiyo tan ku qoran. Go’aanka ganacsadihii uu macaamiisha la ahaa ayaa sababay in uu reerkiisa dabku ka damo, maddaama aysan jirin meel kale oo ay dhaqaale ka helaan. Dad kale oo uu daymo waydiistay ayaa u sheegay in aysan waxba siin karin.

“Wax yaabaa la dayman jirey haddeer wixii ka horeeyay, laakiin hadda dayn iyo deeq midna ma leh. Caawa wax dab la saaro ciddii kuma ogi. Meel aan aado iyo qof wax I dayminayana ma jiro. Baahiyihii oo dhan ayaa taagan.”

Guure ayaa sheegay in uusan hayn meel kale oo uu maciinsado. 18 neef oo uga hartay 60 ah oo uu dhaqanayay ayuu xusay in aysan wax nacfi ah lahayn. Wuxuu tilmaamay in maalin kasta ay qaar u dhimanayaan gaajo iyo haraad.

Roob yari deegaankiisa ku soo lalaabatay afar xilli oo xiriir ah aya hoos u dhigtay nacfigii xoolaha oo ay muddo dheer ku tiirsanaayeen.

Guure ayaa sheegay in dhanka kale ay caqabad kala kulamaayn helitaanka adeegyada caafimaadka. Deegaanka ayuu xusay in uusan xarun caafimaad lahayn, taas oo sababtay in aysan wax daryeel ah u heli karin qofkii ka xanuunsada.

“Aniga gabar ila dhalatay ayaan habeen hore qaaday markii ay habeen iyo maalin foolanaysay, Cadaado ayaan geeyay gaarigu wuxuu qaatay $60, isbitaalku waa roonaa oo kan weyn ee Cadaado ayaan gaynay, balse lacag $150 ah ayaa gashay.”

Guure ayaa sheegay in 4 carruur ah oo gaaray da’da waxbarashada oo daruus la’aan ah ay guriga u joogaan. Wuxuu tilaamay in uusan deegaanku lahayn iskuul, taas oo keentay in aysan carruurtiisu tacliinta fursad u helin.

Ninkaan ayaa xusay in ay murug badan ku hayso dhibaatooyinka qoyskiisa isku biirsaday oo uusan hayn qaab uu ku xalliyo. In ka badan 20 sano oo uu xoolo dhaqato ku ahaa miyiga Galgaduud wuxuu sheegay in uusan caqabadaan oo kale horay u arkin.

Ganacsatada Cadaado oo boqollaal xoolo dhaqatada ah ka joojiyay daymihii ay siin jireen ayaa sheegay in ay ka cabsanayaan in dukaamadoodu u burburaan amaahda reer miyigu qaateen oo aysan soo celin muddo dheer.

Maxamed Cali Faarax oo ka mid ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in bakhaarkiisa oo lagu iibiyo noocyada kala duwan ee raashinka ay ku xirnaayeen in ka badan 90 qoys oo xoolo dhaqato, kuwaas oo dhamaantood hadda laga xiray buugaagtoodii. Qaarkood wuxuu sheegay in aysan waxba bixin ku dhawaad 20 bil, taas oo go’aankaan keentay.

“Daynka dadka waligiis waa la siin jiray waana celin jireen, laakiin illaa saddex xilli roobaad ayaysan waxba ka soo laaban xoolo dhaqatada, taasi waxay sababtay in ay dhaqaaleheenii saamaysay waxay noqotay in ganacsigeenii uu hoos u dhacay, si aan u badbaadsano ayaan u joojinay daynka.”

Maxamed ayaa sheegay in ay dayn uga maqan tahay in ka badan $5,000. Wuxuu xusay in uusan rajo badan ka qabin in uu dib u heli doono lacagtaas, maaddaama xoolo dhaqatadii ka qabtay ay abaaraha ku cayroobeen.

Tani waxay ka mid tahay saamaynta xun ee ka dhalatay abaaraha soo lalaabtay iyo jilaalka dheeraaday, taas oo keentay in dadku waayaan ilihii ay ku tiirsanaayeen, sidoo kalena uusan beddel kale jirin.

The post Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.