Beeraha Iyo Xoolaha Archives - Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information

Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen
(ERGO) –  Nolol-xumo aad u liidata ayaa soo foodsaartay boqollaal qoys oo xoolodhaqato ah oo ku nool deegaanka Dajimaale ee gobolka Mudug, markii saddex sano oo roob la’aan ah isku raacday ay sababatay inay nacfi beelaan xoolahooda ayna guraan ceelgacmeedyo ay ku tiirsanaayeen.

Waxaa deegaanka iskaga guuray intii badnayd dadkii deganaa halka ay ku hareen dad lagu qiyaasay in ka badan boqol qoys oo u badan dad nugul oo aan guuri karin. Waxaa ka mid ah Qoyska Busuri Cabdiqaadir Axmed oo toban qof ah ayna ku jiraan dad waayeel ah.

Wuxuu tilmaamay inay ku adag tahay inuu cunno iyo biyo ku filan u helo qoyskiisa. Xaaladdaas ayuu sheegay inay qabsatay markii uu wada dhaafay tiro ari ah oo ay dhaqanayeen oo ahaa waxa keliya ee ay ku tiirsanaayeen.

“Walaalow dhibaataan ku jirnaa abaar baa na saamaysay biyo ma leh, cunto fiican ma leh, caafimaad ma leh. Duunyada wixii haray abaar baa leeftay waa soo dhamaadeen. Dhibaatada jirta waqti wax lagu cuno iyo kalsooni wax lagu cuno midna ma leh.”

Busuri wuuxu sheegay in hadda qoyskiisu ay ku tiirsan yihiin raashin min shan kiilo oo burbariis iyo sonkor ah oo ay horraantii bishii June ku caawiyeen qoysas ay qaraabo yihiin oo ku nool kuwaas oo ka war helay xaaladdooda. Si ay u beeqaamiyaan ayuu xusay inay hal waqti karsadaan.

Waxaa intaas u dheer biyo yari. Wuxuu xusay inay iibsan waayeen biyo laga keeno deegaanno ka durugsan oo halkii fuusto la siiyo $6. In ay biyuhu qaali noqdaan ayuu sheegay inay sabab u tahay waddo xumo deegaanka ka jirta oo dhibaato ku ah booyadaha, taas oo ku qasabtay inay qiimaha kordhiyaan ilaa ay gaartay heer la gadan waayay.

Wuxuu xusay in hadda ay ku qasbanaaden dhamaan dadka deegaanka inay dhurtaan ceelasha ku yaalla deegaanka oo 24  saacba soo saara ugu badnaan shan fuusto oo biyo ah taas oo aan wada deeqin. Wuxuu xusay in subaxdii uu galo fayl si uu u helo hal jirgaan, balse mararka qaar uu soo laabto isaga oo gacan maran.

Dhan ka kale wuxuu sheegay in saddex ka mid ah carruurtiisa ay muddo todobaad ah la jiifaan shuban iyo qandho. Wuxuu u sababaynayaa in cudurka ay sababeen biyaha ay isticmaalaan ee ceelka oo aan nadiif ahayn.

“Hadda waxaa ka dilaacday cuduro ah bakteria. Hadda aniga waa iga xanuunsan yihiin shuban baa ku dhacay daawo la’aan iyo nafaqo la’aantaa baa ku dhacday abaartaa iyo dhibaatadaas baa jirta.”

Busuri ayaa sheegay in muddo dhawr jeer ah uu isku dayay in reerkiisa uu u raro magaalada Gaalkacyo oo u jirta 110 km deegaanka uu joogo ee Dajimaale, balse ay u suurageli waysay markii uu waayay qarashka gaariga qaadaya oo ugu yaraan ku kacaya $100, maaddaama qoyskiisu uu badan yahay.

Sidoo kale carruurta iyo dadka waayeelka ah oo hadda tabartoodu hoosayso ayuu sheegay inaysan masaafadaas dheer lug ku mari karin.

Ninkan wuxuu sidoo kale tilmaamay in deegaanka aysan sii joogi karin maaddaama aysan ku haysan cunto ku filan, halka ceelka kaliya ee ay hadda biyaha ka helaanna uu sii biyo yaraynayo marba marka ka danbaysa oo la qiysaasayo in bishan wixii ka danbeeya uu gurayo.

Dhibaatadan waa mid ay ka siman yihiin dhamaan dadka deegaanka ku haray ee ka guuri waayay. Sacdiyo Cabdi Xuseen waxay sheegtay in cunno iyo biyo ku filan ay u la’adahay 10 carruur ah oo agoon ah. waxay xustay inay ku masruufto wax ay ku caawiyaan dadka tuulada oo ay ku dhex wareegto.

Waxay sheegtay in maalmaha qaar ee ay ka wayso ay qatooyo ku joogaan carruurteeda. Waxaa intaas u dheer biyo yarida. Maalinkii waxay soo heshaa ugu badnaan 10 liitar oo aan ku filnayn.

“Baahida ugu daran ee na haysata waa biyo yari. Waxaasna waxa keenayna waa abaarta. Meeshaan aad ayaa loogu daruuufaysan yahay. Cuntada marna waa la helaa marna waa la waayaa laakiin biyaha iyo caafimaadka aad ayaa loogu dhib qabaa. Haddii dadkan la caawinayo waxyaabahaas aad ayaa loogu baahan yahay.”

Sacdiyo waxay sheegtay in saddexdii sano ee la soo dhaafay oo roob yarida soo laalaabanaysay  ay si tartiibtartiib ah kaga marteen labo tiro oo arri ah oo ay dhaqanayeen, kaas oo ahaa waxa kaliya ee ay ku tiirsanayd noloshooda.

Haweenaydan oo 55 jir ah waqtigeeda oo dhanna ku soo qadatay deegaanka ayaa sheegtay in xilligan reerkeeda ay wajahayaan nolol xumaddii ugu darnayd abid.

Dhibaatada ka dhalatay roob yarida ee ay dadka kala siman tahay waxaa u dheer in siddeed bil ka hor uu saygeeda oo reerku ku tiirsanaa uu u geeriyooday cudur aan la aqooonsan. Waxay u sababaysay dhimashadiisa inuusan helin daryeel caafimaad faro marnaantooda dhaqaale darteed.

“Isbitaal ma leh meeshan qofku haddii uu xanuunsado kaniini madax loo liqo ma laga heli karo. Meesha joogno hadda qofkii jirada baabuurna uma kirayn karno baabuurka sadex boqol afar boqol buu ku leeyahay.”

“Farmashi Gaalkacyo noogama sokeeyo magaalooyinka waaweyn haddii aan u guuri lahayn maxaan ku guurnaaba? Xoolodhaqato baan ahayn xoolihiina waa baaba’een.”

Sacdiyo oo hadda kali ku ah maaraynta nolosha carruurteeda ayaa sheegtay inaysan hayn qorshe ay qoyskeeda kaga saari karto xaaladda adag ee ay galeen.

Wxay xustay in cunno xumada ku raagtay darteed ay hadda ilmaheeda ka muuqato dabar darro aad u liidata ayna ka baqayso inay nafaqo darro isku beddesho.

Dhanka kale waxay tilmaamtay in dhawr mar ay isku dayday inay u guurto magaaloyinka waawayn ee gobolka balse ay waysay gaadiid ay ku qaadato ilmaha iyo alaabta. Duruufaha ku gadaaman darteed.

Deegaanka waxaa ka guuray inta badan dadkii deganaa iyaga oo aaday degaano ay biyo ka heli karaan. Balse kuwa ku haray oo ah kuwa danyar ah oo aan guuri karin oo aan tabar ahaan isdhaamin dhanka nolosha.

The post Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen
(ERGO) – Cali Xasan Maalin mid ka mid ah xaasaskiisa iyo gabar uu dhalay oo sanad jir ah ayaa u geeriyooday bishii Maarso nafaqo-darro, markii uu u awoodi waayay cunno qoyskiisa oo 18 qof ka kooban tan iyo dhamaadkii sanadkii hore.

Sidoo kale wuxuu kari waayay in uu xilli hore geeyo xarun caafimaad dhaqaale xumo darteed. Reerka ninkaan ayaa ka mid ah in konton qoys oo beeralay ahaa oo galay xaalad nolol xumo ah oo aad u liidata.

Bishii labaad ayaa laga gubay beero ay ku lahaayeen deegaanada Dab-dheer iyo Wabarka oo hoos taga magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgadaduud, kuwaas oo noloshoodu ku tiirsanayd.

Arrintan ayaa timid kaddib markii odayaasha dhaqanka ee deegaannadan ay dawladda ka codsadeen in beeraha la gubo. Waxay u arkeen xalka is qabqabsi dhul oo marar badan soo laalabtay.

Ninkaan ayaa sheegay in beertiisa oo labo hektar ah uu bishii Diseembar ee sanadkii hore ku abuuray Dallagyo isku jiray raashin iyo khudaar, kuwaas oo dhamaan bas-beelay.

Xilliga la gubayay ayuu sheegay in ay iib gayn u diyaarsanaayeen dalagyada. Xaaladdaas ayaa keentay nolol xumo aysan abid mudan.

“Waxaan ku tiirsanahay koonbo baris ah iyo koonbo sonkor ah oo ay xaaskayga reeraha dariska ah ka soo dawarsato. Xaalada adag ayaan ku suganahay. Oday 77 jir ah ayaan ahay. Illahey mooye meel kale wax kama sugayno. Wixii na caawin kara waa u bahanahay.”

Cali ayaa sheegay in uu cabsi ka qabo in dad kale ay kaga geeriyoodaan nafaqo darrada. Wuxuu tilmaamayin in xilligaan ay weli ka sii darayso xaaladda qoysaskiisa.

Labo carruurtiisa ugu yar ayuu sheegay in hadda ay jirran yihiin muddo labo todobaad ah uusanna gayn goob caafimaad si xaaladdooda loo baxnaaniyo.

Ganacsato ay qaraabo yihiin oo uu horay uga dayntay $230 oo uu isbitaalka ku geeyay dadkii geeriyooday ayay xusay in ay mid kale u diideen.

Xaaladdaas darteed wuxuu sheegay in hadda uu ka rajo dhigay in uu dawo la raadiyo. Wuxuu sheegay in deeganka aysan ka jirin wax xarun caafimaad ah.

Meesha ugu soo sokeysa waa magaalada Dhusamareeb oo deeganka Wabarka oo uu jooga u jirta qiyaastii in ka badan 30 km. Wuxuu xusay in lagu tago $50.

Xaaladaha kale ee haysta qoyskiisa waxaa ka mid ah biyo yari. Waxay ku tiirsan yihiin hal jirgaan oo ay ka helaan dadka dariska la ah, kaas oo aan ku filnayn reerkiisa badan.

Booyado biyaha ka keena deeganka lowrkii oo fustaadii iibiya $2 ayuu xusay in uusan awoodin. Wuxuu hadda gocanaya inuusan dib u tacbi karin beertiisa.

“Deeganka Wabarka beer igu taalay ayaa la iga gubay. Waxaa amarka lagu gubay bixiyay rag odayaal ah. codsanayaa in raggii beertayda gubay shareecadda islaamka iyo calaadda in la ii hor keeno.”

Wuxuu xusay in uu filayay in tacabkiisa uu ka faa’iido $800 haddii uu goosan laha, balse rajadaas ayuu ku hungoobay. Ninkaan oo sidoo kale ahaa xoolodhaqato ayaa roob la’aanta soo laalabatay ku wayay 65 arri ah oo uu dhaqanayay.

Dhamaan beeralaydan oo ka siman saamaynta ayaa sheegay in aysan dib u yagleeli karin beerahoodi.

Dayib Cali Axmed wuxuu tilmaamay in saddexdii bil ee la soo dhaafay ay qoyskiisa oo 10 qof ah wajahayaan nolol xumo liidato. Beer saddex hiktar ah oo ay noloshoodu ku tiirsanayd ayuu xusay in ay noqotay meel banaan.

Dallagyo iskugu jiray galey, digir, masago, qaro iyo sinsin oo uu beertiisa bishii Janaayo ku galiyay $350 ayuu xusay in aysan waxbo uga babaadin, taas oo nolol xumo u horsedday reerkiisa.

“Wax ii kaydsamay malahan wixii dhaw waa la iga gubay. Waxaan noqday qof isaga oo xoola leh inta laga qaatay meel cidlo ah ku soo dhacay oo gacan maran.”

Dayib ayaa sheegay in reerkiisu ay dabka ku shitaan raashin ay u soo dhiibaan dad ay ehel yihiin oo jooga magaalada Dhusamareeb, kuwaas oo uu u dan sheegtay.

Dhanka kale qoyskiisa waxaa ku adag helida biyaha. Booyado 30 fuusta qaada ayaa deeganka Dab-dheer oo uu ku nool yahay ku keena $50, taas oo uusan awodin.

Waxay ka soo dhaamiyaan magaalada Dhusamareeb oo u jirta qiyaastii in ka badan 20 km. Sido kale waxaa saamaynta ku sii kordhasay bac uu biyaha ku kaysdan jiray oo u dhex taallay beerta oo dabku qabsaday.

Arrintaas ayaa ku qasabtay in uu mutaan baco ay leeyihiin reero daris la ah oo biyaha ku caawiya, kuwaas oo ay garabka uga soo qaataan

Bishii saddexaad ayuu xusay in laga soo eryay iskuul hoose iyo dhexe oo ay dhiganayeen, markii uu awoodi waayay $25 oo wax lagu barayaay. Taclin la’aanta soo wajahday ayuu walwal ka muujiyay.

“Waxyaaba badan oo ay beerta iga aadanayd ayaa banaanka ku soo dhacay. Marka wixii dhan waxay noqdeen wax aan gacan lagu hayn hadda iyo kow soo bilow.”

Dayib ayaa sheegay in beerta uu markii hore ku billabay $1,500 oo uu qayb ka helay 50 ari ah oo uu iibsaday iyo qaar ay ku kabeen dad ay ehel yihiin. In hadda laga gubay oo uusana dib u aas-aasan karin ayuu xusay in ay walwal ku hayso.

Dadka beeraha ka falanaya deegaanka oo aad u soo badanayay waayihii danbe ayaa keenay qilaaf soo noqnoqday oo sababay in la gubo dhamaan beeraha sida u sheegay Salaad Cali Cawaale oo ka mid odayaasha dhaqanka ee amarka bixiyay.

Waxay saamaynta ugu xoogan gaartay dadkii hore beeraha u laha oo ay u ahaayeen halka il ee ay ku tiirsanayeen. Dhanka kale wuxuu sheegay in dadka deegaanka oo ah xoola dhaqato ay beeralayda caqabad ku noqdeen, maaddaama la wada xirmaystay dhulkii daaqsinka ahaa.

Dhowr mar oo hore ayuu sheegay in ay isku dayeen in ay xal u helaan arrintaan, balse ay u tabar waayeen, taasi oo horsedday in ay doorteen in la gubo.

“Muran iyo is qabqabsi bulshada oo qaarkood ay ka dhasheen xoolo la dhibaateeyay, islamarkaasna ku dhawaaday dagaal toos ah keenay ayaa sababay inaan amarka bixiyo, markii aan tashanay. Waana iska kaashanay maamulka iyo booliska Galmudug.”

Dhanka kale taliska saldhiga Dhuusamareeb oo aan la xariirnay ayaa noo sheegen in arrintan ay ku fuliyeen codsi iyo saxiix uga yimid odayaasha dhaqanka ee deegaannadan.

Beeraleyda soomaaliyeed oo u nugul isbeddelka cimilada oo saamayn soo laalabatay ku yeeshay ayaa dhanka kale la kulma caqabada aysan xamali karin oo curyaamiya wax soo saarkooda, nolol xumana u horseedda qoysaskooda.

The post Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Haweenay qurbojoog ah oo shaqo iyo xirfad u abuurtay xoolo-dhaqatada Soomaaliland
(ERGO) – Axmed Cabdi Ismaaciil wuxuu aroor walba u kallahaa shaqo ari raacid ah si uu cunno ugu helo carruutiisa oo saddex ah iyo xaaskiisa.

Wuxuu ka mid ah rag iyo haween fursad shaqo abuur ka helay xero lagu naaxiyo ariga oo haweeney qurba-joog ah ay ka hirgelisay deegaan Abdaal ee gobolka Saaxil ee Somaliland.

Ninkan ayaa maalinle dhul daaq-simeedka deegaanka ugu raaca ariga uusan lahayn oo ido u badan.

Kama harsado fallaaraha qorraxda, iyada oo heer kulkeeda uu gaaro 34 digree balse waxaa uga muhiimsan inuu qoyskiisa biil u helo.

Axmed oo shaqadan billaabay bishii labaad ee sanadkan, ayaa sheegay inuu awoood u yeeshay maarayn nolosha reerkiisa. Wuxuu bille u qaataa 100 doollar oo isbeddel ku hoggaamisay.

Daqliga soo galaya ayaa ka caawiyay inuu raashin koosaar leh iyo arrad bax u helo carruurtiisa. Wuxuu sheegay inuusan hadda ka welwel qabin daboolidda baahiyaha nolosha ee qoyskiisa.

“Aasaasigu wuu nagu adkaa oo markaa maanu heli jirin. Waa xilli aanu helo iyo xilli aanu waynaba labadaba way ka dhaxaysay. Mararka qaar ayaanu waayi jirnay oo aanu wakhtiyo ka dhex saari jirayba saddexda wakhti, haddana farxadayda lama soo koobi karo.”

Axmed 45 jir ah ayaa sheegay in shaqadan uu ku helay aqoon hore oo u lahaa iyo fursaddan bannaan oo lala soo wadaagay inay jirto.

Ninkan ayaa tilmaamay roob-yari iyo cudurro kaga dhamaadeen labadii sano ee la soo dhaafay ku dhawaad saddex boqol oo neef oo isugu jiray ari iyo geel.

Wuxuu xusay inay fursaddan ugu soo beegantay xillli ay ku sugnaayeen isaga iyo qoyskiisa xaalad hubanti la’aan ah oo ay ugu horreyso dhaqaale xumo, cunno yari iyo duruufo kale. Balse wuxuu xusay inay dib uga soo kabteen xaaladahaas.

Ninkan ayaa sheegay inuu shaqadan sidoo kale ka kororsaday aqoon la xiriirta hab dhaqashada xoolaha. Wuxuu xusay inay ka faa’iido badan middii uu ka dhaxday waalidkiisa oo uusan maanta waxba ka hayn.

Wuxuu tilmaamay haddii uu dib xoolo u hanto inuu wax badan ka beddeli doono habkii soo jireenka ahaa oo uu aaminsan yahay in dhib mooyee dheef badan aysan ku qabin marka loo eego fahankiisa hadda.

Ninkan iyo qoyskiisa ayaa deegaanka yimid iyaga oo fara maran, noloshooda ayaa ku tiirsanayd inay dadka wax weydiistaan balse maanta waxay ku jiraan nolol xassiloon.

Aasaasaha mashruucan ari dhaqashada, Faa’isa Faarax Raage ayaa sheegtay in barnaamijkan uusan ku koobnayn oo keliya shaqo abuur, balse uu noqday tusaale dadka deegaanka baraya hababka casriga ah ee loo xanaaneeyo xoolaha.

Waxay intaas ku dartay in qorshaheedu yahay inay mustaqbalka sii ballaariso si dad badan oo ay abaartu saamaysay ay uga faa’iidaystaan.

“Mashruucaa ujeedadaan ka leenahay waxa weeyaan inaan xoolaha nool iibino, naaxino, korino ka dibna aanu iib geyno. Shaqaalaha waxaan ku xulanaa farsamadooda farsamada aan uga baahanahay  ee dhaqida xoolaha, xannaanaynta xoolaha markaa qofku waa inuu yahay qof intaaba cilmi u leh.”

Faa’isa ayaa sheegtay in dad badan oo xoolo dhaqato ah ay bilaabeen inay si ka duwan sidii hore u maareeyaan quudinta xoolahooda, iyaga oo adeegsanaya farsamooyin ka caawinaya inay u helaan nafaqo ku filan.

Waxay intaas raacisay in markii hannaankan ay deegaanka ka billowday loo arkayay wax aan macno lahayn balse tababarro ay bixisay iyo sida ay xoolaheeda uga badbaadeen abaarta ay sababtay in talooyin laga qaato hadda.

Haweeneydan ayaa sheegay in tani ay keentay inay dadka ka fekeraan sidii wax-soo-saarka xoolahooda ay u kordhin lahaayeen, iyada oo xitaa dhulka nacfi fiican uusan lahayn.

Waxay uga maarmeen quudin farsamo leh, halka iyaduna ay macaash fiican ka heshay gancsigan.

“Aqoonta casriga ah waxay uga faa’iidaysteen wax bay ka barteen oo reer guuraagu waa dad guura oo socda oo kolba xoolaha meel la taga. Waxyaabaha ay naga faa’iideen ee waxaa ka mid ah inay fadhiistaan adhigana wax-soo-saar u sameeyaan oo noqdaan dad meel loogu iman karo.”

Waxay sheegtay inay sii wadayso wacyi-gelinta iyo dedaalkeeda ku aadan sidii bulshada deegaanku ay u garowsan lahaayeen muhiimadda isku dheellitirka quudinta xoolaha, isticmaalka calafka habboon iyo ilaalinta caafimaadkooda.

Arrimahaas oo ay xustay in dhammaantood ay door weyn ka qaadanayaan inay hab dhaqanka dhaqaale ee qoysaska u baahan shaqo abuurka.

Aamina Warsame Cali, oo ka mid ah dadka fursadda ka helay xerada ariga, waxaa u suuragashay inay qoyskeeda 11 ah u hesho cunno ku filan, biyo iyo daryeel. Haweeneydan oo la qaatay bishii Jannaayo ayaa sheegtay in shaqadan ay wax badan ka beddeshay nolosheeda iyo tan reerkeeda.

Waxay xustay in markii hore ay halgan ugu jirtay sidii dabooli lahayd baahiyaha aas-aasiga ah ee reerkeeda, balse maanta ay ka welwel la’ dahay daryeelka carruurteeda oo keliyeed ku tiirsan.

Aamina ayaa tilmaantay in shaqadani ay ka heshay kalsooni iyo rajo cusub, maaddaama ay noqotay il-dhaqaale oo joogto ah.

Waxay sheegtay in isbeddelkeeda ugu weyn ee ay siisay uu yahay in maanta ay dareemayso degganaansho nololeed iyo inay noloshooda ka wanaagsan tahay sidii hore.

“Waxyaabo badan baan qabtaa. Xoolaha waanu garanaynaa macnahooda laakiin aabaarihii baa naga dhammeeyoo xoolana imika maanu haysan adhi ilaa laba tiro ah wuu gaadhaayay dee abaartii baa dhammaysay.”

Haweeneydan ayaa sheegtay in shaqadan ka hor noloshooda ay ku tiirsanayd inay kaalmo waydiisato ehelkeeda, taas oo aysan joogto u heli jirin isla markaanna aan ku filnayd baahidooda maaddaama ay yihiin qoys ballaaran.

Aamimo ayaa sheegtay in qabashada shaqadan aysan ku dareemin culeys sababta ayaa ah inay aqoon hore u lahayd xannaanada ariga.

Haweeneydan ayaa sheegtay in deegaankeeda uusan lahayd wax iskuul ah balse waxay ka qorshaynaysaa inay magaalo u dirto qaar ka mid ah carruurteeda.

Dadka aqoonta u leh hab dhaqadan nadaamsan ee xoolaha ayaa qaba in habkan uu kor u qaadi karo nolosha bulshada Soomaaliiyeed oo badankood ku tiirsan xoolaha.

Arrintan ayaa horseedaysa helidda xoolo caafimaad qaba, wax-soo-saar badan leh isla markaana qiimo fiican ku yeesha suuqyadeenna iyo caalamka, taas oo kobac dhaqaale siinaysa xoolo-dhaqatada iyo dalka.

The post Haweenay qurbojoog ah oo shaqo iyo xirfad u abuurtay xoolo-dhaqatada Soomaaliland appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
(ERGO) – Nolol xumo iyo culaysyo dhaqaale oo wax-soo-saarkooda baabi’iyay ayay wajahayaan ku dhawaad 2,500 oo beeralay ah oo ku nool deegaanka Sayn ee gobolka Bari. Waxaa saameeyay biyo yari ka dhalatay baraagihii ay ku kaydsan jireen iyo ilihii ay u soo mari jireen oo dhul go’ ku burburay.

Waxay awoodi waayeen inay wax beertaan illaa horraantii sannadkan. Roob-yari 3 xilli ah ayaa sidoo kale nacfi tirtay xoolaha oo u ahaa il kale oo dhaqaale. Waxay galeen daymo aysan awoodin bixintooda.

Sahal Cabdi Maxamed oo ka mid ah ayaa sheegay in afartii bil ee ugu danbaysay uusan waxbo beeran haddana uusan rajo ka qabin. Wuxuu maarayn waayay masruufka reerkiisa oo 12 qof ah. Tacabka ka joogsaday ayaa sababay inay cunno la’aan wajahayaan.

“Dhibaatada ugu weyn ee na haysata noloshii ayaa hoos u dhacday abaarna waa noogu darsantay. Meel aad kaga xisaabtamaysay khudaar badan oo reerka aad ku maarayso oo aad ka wayday waa dareemaysaa saamaynteeda ma yara.”

Sahal ayaa sheegay in Janaayo sanadkan uu labo mar beertiisa oo 2 hektar ah galiyay khudaar, balse uu ku guul-daraystay, markii uu waraab ku filan u waayay. Booyado biyaha ka keena magaalada Baargaal oo u jirta in ka badan 100 km ayuu awoodi waayay qarashkooda.

Wuxuu sheegay in halkii Fuusto ay iibiyaan $12 mana heli karin. Waxaa intaas u dheer in geedihii timirta ee beerta ugu yaallay ay mirtii iyo caleemihii daadiyeen. Wuxuu ka cabsi qabaa inay ka qallalaan, haddii uusan u helin biyo xididkooda qooya.

Boholo ka samaysmay dhulka ayaa jaray wadooyinkii, sidoo kalena dhaawac gaarsiiyay ilihii dabiiciga ahaa ee biyaha laga helayay iyo baraagihii ay dadku qoteen. Iskuday kasta oo ay samayn lahaayeen waxaa u diidan biyo la’aanta oo noqotay mushkilad.

“Beertayda dhibaatadu dhanka biyaha ayay ka haysataa oo waa fogaadeen, dhulkiina wuu kala go’ay lamana soo gaarsiin karo. Hoos u dhacaas iyo caqabadahaas cidii wax ka qaban karta waxaan rabnaa in ay naga caawiyaan, maaddaama ay laf-dhabar u yihiin nolosha dadka.”

Sahal ayaa xusay in daruufaha kale ee haysta ay ka mid tahay dayn ka badan $1,000. Waxay isugu jirtaa qayb waqti dheer lagu lahaa iyo qaar uu reerka ku biilay dhowrkii bil ee ugu danbeeyay. Dadkii uu ka qaatay ayuu xusay inuu waydiimo joogto ah kala kulmayo.

Tacab la’aanta ayaa saamayn nololeed iyo mid dhaqaale galisay. Wuxuu awoodi la’yahay in uu shaqooyin kale oo ka raadiyo meel tuulada ka baxsan, maaddaama uu gacanta ku hayo hooyadiis oo 78 sano jir ah oo daryeel joogto ah uga baahan.

Da’da iyo tabar yaraanta waxaa u wehliya cudurka sonkorta oo muddo dheer ay qabtay. Wuxuu sheegay inay joogto ugu baahan tahay daawooyin iyo cunnooyin gaar ah, balse uusan u awoodin.

Sahal ayaa sheegay in ay waxbarasho la’aan ka yihiin shan carruur ah. Bishii May ayaa iskuulka laga soo eryay, markii uu 3 bil bixin waayay min $20 oo laga qaadi jiray. Waxay kala dhiganayeen fasallada 3, 5 iyo 7 ee dugsiga hoose dhexe. Daruus la’aantooda ayuu ka murugsan yahay.

Qoyskiisa oo muddo badan ka mid ahaa beeralayda gobolka Bari waxay xamili la’yihiin tacab la’aanta ku dhacday.

Rooble Maxamuud Cismaan oo ka mid ah beeralayda maarayn la’ noloshooda ayaa sheegay in biyo la’aantu nacfi tirtay beer hal hektar iyo bar ah oo uu ku lahaa duleedka deegaanka Sayn. Waxay u ahayd halka meel ee uu dhaqaale ka soo gali jiray.

Ninkan ayaa sheegay in 2026 uunsan waxba beeran. Durdurradii biyuhu ka imaan jireen oo qallalay dhowr xilli oo roob la’aan ah darteed iyo dhulka oo buuralay ah oo aysan sahlayn in gawaaridu soo gasho ayaa isku raacay.

“Caqabada ugu weyn wadooyinkii waa go’een, kannaaladii iyo baraagihi waa jajabeen. Beeraha dhagaxyo weyn ayaa ku soo dumay oon ka qaadi weynay dhib badan ayaa jira.”

Rooble oo 59 jir ah ayaa sheegay inay walwal ku hayso shaqada ka istaagtay, maaddaama il kale oo dhaqaale uusan lahayn. Wuxuu xusay in muddo 30 sano ka badan oo beeraley uu ahaa uusan la kulmin culayskaan oo kale. Waxaa ku adag cunno ku filan iyo baahiyadooda kale ee aas-aasiga ah. Dukaamadii uu daymaha ka qaadan jiray ayaa xiray buugiisa, markii ay ku badatay lacagtu.

Wuxuu sheegay in xilligii ay beertu u baxaysay ay ku jireen nolol ka wanaagsan middaan. Waxay reerkiisu labo mar oo cariiri ah dabka ku shitaan hadda raashin min 15 kiilo oo bur, bariis, sonkor iyo saliid ah oo 27 May uu walalkiis degan Boosaaso u iibiyay.

“Timirtii iyo dalagyadii kale ee aan beeran jiray oo aan iibsan jiray oo carruurtu ay noo cuni jirtay ma lahan hadda. Bariiskii ciyaalka ayaa lala tacaalayaa oo meel biil looga keeno ayaan la’nahay. Xaaladu waa adagtahay.”

Rooble ayaa sheegay inuu culays kala kulmayo dayn $1,500. Waxay isugu jirtaa qayb uu galiyay dalag biyo la’aanta uga qasaaray bishii Janaayo ee sanadkaan, qaar intii uu tacab la’aanta ahaa uu reerka raashin iyo biyo ugu qaatay iyo qayb horay loogu lahaa.

Intii uu xaaladaan ku jiray waxaa ka waxbarasho beelay labo carruurtiisa ah oo dugsiga hoose ka dhiganayay deegaanka Sayn. Wuxuu xusay in la soo eryay bishii April, markii lagu yeeshay qarashkii saddex bilood oo isku gaaray $180.

Dhanka kale Guddomiyaha iskaashatada beeralayda deegaanka Sayn, Cabdalle Axmed Maxamed ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in caqabadaha haysta dadkan ay yihiin kuwo ka awood batay oo aysan waxba ka qaban karin. Wuxuu tilmaamay in meelaha qaar ee dhul go’u saameeyay ay dayac-tireen, balse dhibaatada jirta ay ka baaxad weyn tahay.

“Dadkan waxay u baahan yihiin qalabkii beeraha, daawooyinkii iyo wax ay ku waraabsadaan oo ugu muhiimsan. Waxay u baahan yihiin matooro iyo soolaro ay biyaha ku gaarsiiyaan. Beero badan ayaa biyo la’aan u qallalay oo laga tagay.”

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dowlada Puntland iyo hay’adaha samafalka ee deegaanka ay gaarsiiyeen caqabadaha haysta beeralaydan, balse aysan weli ka helin jawaab wax looga qabanayo.

Wuxuu sheegay in dhibaatada biyo la’aanta ah ee haysta haddii aan xal loo helin ay sababi karto in wax-soo-saarkoodu uu gabi ahaanba meesha ka baxo. Beeralayda Soomaaliyeed waxay la kulmaan caqabado joogto ah oo ka hor istaaga in ay tacabkooda ka mira dhaliyaan.

Kaydadka biyaha oo aan ku filayn, aqoon yarida iyo u adkaysi la’aanta isbeddelka cimilada ayaa ah dhibaato aan xal loo helin.

The post Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
(ERGO) – Boqollaal ka mid ah beeralayda gobolka Bay ayaa quus ka jooga dalagyadii ay tacbadeen sanadkan. Xasan Maxamuud Ibraahim, wuxuu maaro u la’ yahay cayayaanka ka cunaya abuurkii u saarnaa beertiisa oo ku taalla deegaanka Daa’uudow ee duleedka Magaalada Baydhabo.

Ninkan oo sanadkan, saddex xilli roobaad kaddib beertiisa u helay biyo ku filan ayaa sheegay inuu ku hungoobay filashadiisii, markii cayayaankan oo deegaanka ku cusub uu si degdeg ah ugu faafay. Wuxuu waayay dhaqaale uu dawooyin difaac ah ugu soo gato.

Xasan ayaa sheegay inay sidoo kale u raaceen cudurro aysan-aqoon oo sababaya in dallayada ka badbaada cayayaanka inay durba qallalaan. Arrintan ayaa keentay inay sii xumaato rajo kasta oo uu ka qabay inuu bisha lixaad ka mid noqdo dadka dalagyada goosan doona.

“Saameyn aad u weyn ayuu nagu yeeshey. Qasaare badan ayuu noo geestey. Dalagyadii la abuurey waxba ka reebin. Dalagyada ani aan abuurey waxay ahaayeen masago, galey, digir iyo yaanyo. Marka rajadii aan kalahaa oo dhan cayayankan ayaa baabi’iyey.”

Xasan oo firfircooni badan ku billaabay hawsha beertiisa oo labo hektar markii ay curteen roobabkii ugu horreeyay ee guga bishii Maarso, waxaa maanta ka muuqda daal iyo niyo-jab uu dhaxlay qasaaraha soo gaaray.

Waxaa murugada ku kordhinaya dayn $300 oo doollar ah, taas oo kaga baxay geed-qaadideedi, dayac-tirkeedii, abuurkeedii iyo shaaqaalihii hawsha qabanayay. Lacagtaas ayuu sheegay in dadkii ku lahaa inuu kula ballamay inuu siinayo saddex bil kaddib marka la gaaro gooshashada.

“Culaysyada hadda i haysto waxa kamid ah deyntii aan is lahaa markii abuurka ii soo go’o inaan is kaga gudo aan rabey. sidoo kale dalagii aan ku noolaan rabey oo iga baaba’ay, marka culeesyo waaweyn ayaa nahaya.”

Ninkan ayaa sii xisaabsanayay marka ay beerta u soo go’do faa’iido u dhaxaysa 1,000-1,200 doollar, taas oo uu qorshaynayay inuu nolosha qoyskiisa maalgelin ugu sameeyo sida inuu waxbarasho ku geeyo afar ka mid ah caruurtiisa oo guri joog u ah dhaqaale la’aan.

Xasan ayaa sheegay inuu raadiyay dad aqoon u leh cayayaankan oo dixiri u eg balse ay la wadaageen dawooyin dhowr ah oo aan waxba ka tarin. Wuxuu u sababeeyay inuu dhulka hoose ku jiro oo aysan suntu gaarayn.

Ninkan oo kontan jir ah ayaa ka samri la’ beertiisa oo weligeed u soo ahayd tiir dhexaad noloshiina oo dhan. Wuxuu aroor walba u kallaaha deegaanka ay ku taallo oo ku jira Baydhabo qiyaastii 15 km si u arko inay jiraan qeyb badbaaday.

“Waallahi murugta hadda i hayso waa murug saa’id ah ayaa ihaysa awal farxad rajo fiican ayaan lahaa ama dalagaaga si fiican kuugu soo baxaa ayaan is lahaa oo sanadkan wax fiican kaaga soo go,a.”

Xasan ayaa sidoo kale la halgamaya nolosha qoyskiisa oo danyar ah. Wuxuu cunno ku filan ku la’ yahay carruutiisa oo todobo ah, xaaskiisa iyo hooyadii oo ah waayeel daryeel gaar ah u baahan. Dadka deegaanka ayuu xusay in aysan waxba dhaamin maaddaama ay la qabaan qasaaraha.

Beeraley deegaanka ayaa ka siman dhibaatada cayayaanka ee ku dhacday dalagyadii ay ku tashanayeen. Ibraahim Maclin Nuur, wuxuu ka soo kaban la’ yahay qasaaraha gaaray. Ninkan ayaa sheegay inaysan waxba uga badbaadin abuur isugu jiray; digir, galey, masago iyo yaanyo, kuwaas oo uu saaray beer laba hektar ah oo uu ku leeyahay deegaanka Daa’uudow.

Ibraahim oo weli ka samri la’ tacabkiisii wuxuu sii dhowrayaa beertiis oo ay ku hareen caws iyo dhir geed gaab ah oo aan nacfi u lahayn isaga. Wuxuu ka welwelsan yahay sida ay uga ba’day ishii dhaqaale ee qoyskiisa oo danyar ah, meel kana aan ku tiirsanayn.

Hab nololeedka qoyskiisa ayaa si weyn isku dhimay markii uu la kulmay qasaarahan oo uusan hore uga tashan. Waxaa laga joojiyay dayn uu dukaamada ka qaadanayay markii dadkii lahaa ay ogaadeen inuusan beerta badar u saarnayn.

Ibraahim qasaaraha waxaa u dheer inay hubanti la’aan dhanka cunnada ah soo wajahday carruutiisa oo toddobo ah iyo xaaskiisa. Wuxuu intaas ku daray inay xaaladdan ku soo aadan xilli sidoo kale oo ka dhamaaday kayd raashin ah.

“Nolosheyda markii hore aad ayey u fiicneyd laakiin hadda xaaladdan ah nolol yaab leh ayaan ku noo lahay. Seddex mar ayaan wax cunayey sedexdii mar waxaa iigu soo kordhey in habeenkiiley aan wax cunno, haddana habeenkii habeenkiisa maalintii laba iyo tobanka saac sidan ley waaye nolol midan ka xun weligey ima soo marin.”

Ninkan oo ku sugan xaalad quus ah ayaa sheegay in dedaal uu ku bixiyay sidii uu dawo ugu heli lahaa beerta, balse labo dawo lagula taliyay ay wax ka tari waayeen cayayaanka oo badnaa iyo xaddiga uu adeegsanayay oo yaraa darteed.

Ibraahim ayaa tilmaamay inuu ka walaacsan yahay $500 doolar oo uu galiyay hawshii tacabka bishii Maarso. Wuxuu ka soo amaahday ganacsato uu ka codsaday inay ka sugaan ilaa bisha June. Wuxuu ku taamayay inuu ka hanan doono faa’iido gaaraysaa $15 balse maanta lafihii xitaa kama hayo.

Ninkan oo sanado badan beeraley soo ahaa ayaa sheegay in qasaarahan uu yahay kii ugu xanuun badnaa ee soo mara. Wuxuu xusay in tiigsigiisii dalagga ee sanadkan uu baaba’day isla markaana uu dareemayo culayso isbiirsday.

“Welwelka hadda i hayo waxa weeyaan raashiin la’aan, lacag la’aan, beertii oo aan usoo qaadey aan wax aan ku gudo aan lahayn. Beerta haddii aaran noqoto wallaal deyntii waatan ayaa la dhihi lahaa balka ayaaba u iibineysaa mise masagada wax aan ku gudo ma hayo.”

Beeralayda deegaanka ayaa sheegay inay dedaal ku bixiyeen badbaadin dallagyada balse kuma aanay guulaysan isku daygoodii. Sumo kala duwan oo ay adeegsadeen ayay sheegeen inaysan wax natiijo ah ka helin.

Axmed Keerow Abdi oo ah Khabiir dhinaca beeraha ayaa sheegay in xilliyadan ay soo bataan cayayaanada iyo cudurada, taas oo uu u sababeeyey in dhowr xili roobaad aysan di’in roobabkii la filayay. Waxaa dheer qaladaad dadka ay sameeyaan sida isku dhawaynta dalagyada sida uu xusay.

Arrimahaas darteed ayuu sheegay in sanadkan markii ay da’een roobab u u horeeyay ay soo baxeen xasharaad faro badan oo ciidda hoose isku qarinayay. Wuxuu dadka beeraleyda ah u sheegey in ay ku dedaalaan nadafada beerta iyo ka war qabkeeda lagana doorto keliya dawada ku haboon.

“Cayayaanada xiliyadan yimaada waxaa kamid ah tixriga oo cuna balka ama caleenta caqaaran qashinka xitaa wuu cunaa. Qashinkaas ayuu ku soo gabanaa waa in qashinkaas laga nadiifiyo inta soo harteyna waa la buufinaa.”

khabiirka ayaa aaminsan in xalka ugu fudud ee beeralayda ay samayn karaan ay tahay in ay ku dedaalaan sidii ay u kala ilaalin lahaayeen dallagyada kuwa dhibku gaaray iyo kuwa kale si aanay isugu gudbin cayayaanka.

The post Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud
(ERGO) – Xaalado cunno xumo ah oo saamayn ku yeelatay ayay wajahayaan boqollaal xoolo dhaqato ah oo ku nool tuulooyin hoostaga Cadaado, markii labo bil ka hor laga joojiyay raashin amaah ah oo ay ka qaadan jireen bakhaaro ay macaamiil ka ahaayeen.

Waxaa isku raacay daynta oo ku badatay, xoolihii ay ku bixin lahaayeen oo noqday nacfi la’aan iyo muddada lagu leeyahay daynta oo ku dheeraatay. Intaas waxaay u wehliya in markasta cadaadis lagu saaro in ay deg deg ku bixiyaan.

Xaliimo Faarax Barre oo ku nool miyiga deegaanka Hog-dugaag waxay cunno ku filan hal mar u la’dahay qoyskeeda oo 10 ah. Dukaamo ay raashin ka qaadan jirtay ayaa horeentii Maarso xiray buugeedii. Waxay ku tiirsan yihiin kaalmo aan joogto ahayn oo ay ka helaan ehel ay u dan sheegtaan.

“Aad iyo aad ayay xaaladeenu u adag tahay. Awal waxbaan daynsanaynay, laakiin hadda waa naloo diiday oo meel kasta waa naga xirantay. Abaaro ayaa dhaceen, bakhaaradiina way naga xirmeen, arigiina nacfi la’aan weeye.”

Xaliimo ayaa sheegtay in tan iyo sanadkii hore ay daaq la’aan iyo cudurro aysan garaynayn uga dhinteen 80 ari ah oo noloshoodu ay ku tiirsanayd. Waxaa u jooga 20 neef oo ah oo u baahan in calaf loo iibiyo aysanna u awoodin.

Haweenaydaan ayaa xustay inaysan qoyskeedu lahayn il kale oo dhaqaale uu ka soo gala. Roob yaraan deegaannka ku soo lalaabatay labadii sano ee u danbaysaay wellina jirta ayay xustay in ay u horseeday xaalad adag oo aysan xalkeeda hayn.

Culaysyada dhaqaale ee qoyskeeda haysta waxaa u wehliya in ay waydiin joogto ah kala kulmayso dadkii daynta ku lahaa, taas oo murug kale ku ah. waxay xustay in maalmaha qaar ay damiso telefoonkeeeda, markii ay wicitaanka ku badiyaan.

“Dayn badan ayaa la igu leeyahay, buugiina mahayo, balse lacagta la igu leeyahay waxay gaaraysaa $3,000, haddiiba aysan ka badnayn. Ma hayo awood aan ku bixiyo xilligaan oo xoolihiina waa naga xaaseen meel kalena wax kama helno.”

Xaliimo ayaa sheegtay in illaa sanadkii hore ay labo jeer u roob raacday deegaanno ka tirsan gobollada Mudug iyo Galgaduud, balse aysan daaq fiican ka soo galin dadka oo badan dartiis. Waxay ku qasbanaatay in deegaankeedii oo abaar ah dib ugu soo laabato.

Aabbaha reerka ayay tilmaamtey inuu yahay 68 jir aan xamaal qaban karin. Majirto cid kale oo ay taageero ka helaan, taas oo keentey inay daynta maciin bidaan. Qoyskeeda waxaa dhanka kale dhibaato ku qabaan helidda biyaha.

Halkii fuusto waxaa la iibiyaa $5 oo aysan heli karin. Arintaas ayaa ku qasabtay in ay u dan sheegato ehelkooda Cadaado degan oo mar mar u soo dira $2 oo ay dhowr caag ku iibsato, markii aysan ka helin dariska ayay waydiisataa.

“Waxaan ka cabanaynaa biyo la’aan oo noogu baahi badan mana heli karno waxan ku iibsano. Barkad ayaa noo qodan waa naga qallalan tahay oo booyadaan shuban jirnay, haddana ma awoodno oo waa waynay qarash.”

Xaliimo ayaa xustay in xaaladaan ay ku waxbarasho beeleen 4 caruurteeda ah oo si bilaash ah ugu dhigan jirtay Iskuulka hoose ee deegaanka Hog-dugaag. Waxay tilmaamtay in uu xirmay horaantii sanadkaan, markii dadkii tuullada ay meelo kala duwan u hayaameen macalimiintiina ay ka tageen.

Haweenadyaan oo waligeed xoolo dhaqato ahayd waxay sheegtay in aysan lahayn xirfad ay magaalada uga shaqaysato.

Cunno la’aanta ka dhalatay daymaha loo diiday iyo xoolaha ka nacfi beelay waxay si isku mid ah u saamaysay reer guuraaga ku nool deegaannada Hogdugaag, Qansaxley, Mirdhisyaale, Biyo-gaduud, Qurdhubaanle iyo Xinjilab ee gobolka Galgaduud.

Guure Axmed Maxamed ayaa sheegay in qoyskiisa oo 8 qof ah ay xaalad adag oo dhanka nolosha ah ku wajahayaan miyiga deegaanka Biyo-gaduud tan iyo horaantii Maarso. Dukaan uu raashinka ka qaadan jiray ayaa looga yeeshay ku dhawaad $2,000.

Waxaa loo diiday dayn kale illaa uu ka bixiyo tan ku qoran. Go’aanka ganacsadihii uu macaamiisha la ahaa ayaa sababay in uu reerkiisa dabku ka damo, maddaama aysan jirin meel kale oo ay dhaqaale ka helaan. Dad kale oo uu daymo waydiistay ayaa u sheegay in aysan waxba siin karin.

“Wax yaabaa la dayman jirey haddeer wixii ka horeeyay, laakiin hadda dayn iyo deeq midna ma leh. Caawa wax dab la saaro ciddii kuma ogi. Meel aan aado iyo qof wax I dayminayana ma jiro. Baahiyihii oo dhan ayaa taagan.”

Guure ayaa sheegay in uusan hayn meel kale oo uu maciinsado. 18 neef oo uga hartay 60 ah oo uu dhaqanayay ayuu xusay in aysan wax nacfi ah lahayn. Wuxuu tilmaamay in maalin kasta ay qaar u dhimanayaan gaajo iyo haraad.

Roob yari deegaankiisa ku soo lalaabatay afar xilli oo xiriir ah aya hoos u dhigtay nacfigii xoolaha oo ay muddo dheer ku tiirsanaayeen.

Guure ayaa sheegay in dhanka kale ay caqabad kala kulamaayn helitaanka adeegyada caafimaadka. Deegaanka ayuu xusay in uusan xarun caafimaad lahayn, taas oo sababtay in aysan wax daryeel ah u heli karin qofkii ka xanuunsada.

“Aniga gabar ila dhalatay ayaan habeen hore qaaday markii ay habeen iyo maalin foolanaysay, Cadaado ayaan geeyay gaarigu wuxuu qaatay $60, isbitaalku waa roonaa oo kan weyn ee Cadaado ayaan gaynay, balse lacag $150 ah ayaa gashay.”

Guure ayaa sheegay in 4 carruur ah oo gaaray da’da waxbarashada oo daruus la’aan ah ay guriga u joogaan. Wuxuu tilaamay in uusan deegaanku lahayn iskuul, taas oo keentay in aysan carruurtiisu tacliinta fursad u helin.

Ninkaan ayaa xusay in ay murug badan ku hayso dhibaatooyinka qoyskiisa isku biirsaday oo uusan hayn qaab uu ku xalliyo. In ka badan 20 sano oo uu xoolo dhaqato ku ahaa miyiga Galgaduud wuxuu sheegay in uusan caqabadaan oo kale horay u arkin.

Ganacsatada Cadaado oo boqollaal xoolo dhaqatada ah ka joojiyay daymihii ay siin jireen ayaa sheegay in ay ka cabsanayaan in dukaamadoodu u burburaan amaahda reer miyigu qaateen oo aysan soo celin muddo dheer.

Maxamed Cali Faarax oo ka mid ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in bakhaarkiisa oo lagu iibiyo noocyada kala duwan ee raashinka ay ku xirnaayeen in ka badan 90 qoys oo xoolo dhaqato, kuwaas oo dhamaantood hadda laga xiray buugaagtoodii. Qaarkood wuxuu sheegay in aysan waxba bixin ku dhawaad 20 bil, taas oo go’aankaan keentay.

“Daynka dadka waligiis waa la siin jiray waana celin jireen, laakiin illaa saddex xilli roobaad ayaysan waxba ka soo laaban xoolo dhaqatada, taasi waxay sababtay in ay dhaqaaleheenii saamaysay waxay noqotay in ganacsigeenii uu hoos u dhacay, si aan u badbaadsano ayaan u joojinay daynka.”

Maxamed ayaa sheegay in ay dayn uga maqan tahay in ka badan $5,000. Wuxuu xusay in uusan rajo badan ka qabin in uu dib u heli doono lacagtaas, maaddaama xoolo dhaqatadii ka qabtay ay abaaraha ku cayroobeen.

Tani waxay ka mid tahay saamaynta xun ee ka dhalatay abaaraha soo lalaabtay iyo jilaalka dheeraaday, taas oo keentay in dadku waayaan ilihii ay ku tiirsanaayeen, sidoo kalena uusan beddel kale jirin.

The post Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
(ERGO) – Waxbarasho la’aan ayaa soo wajahday 3,300 oo arday ka soo jeeda qoysas reer guuraa ah oo ku nool deegaanno hoostaga Mudug iyo Galgaduud 4 bil ee ugu danbaysay sida ay sheegtay wasaaradda waxbarashada Galmudug.

Waxaa xirmay 33 iskuullo hoose iyo dhexe ah oo ku yaallay deeegaannada Hog-dugaag, Haad-fuul, Balli-howd, Garas-wene iyo kuwo kale oo hoos taga degmooyinka, Cadaado, Gaalkacyo, Dhuusamareeb, Guriceel iyo Cabudwaaq.

Qoysaskii carruurtan ayaa u hayaamay deegaaanno aysan waxbarasho ka jirin si ay daaq iyo biyo ugu helaan xoolahooda, halka kuwo kalena ay ku hareen tuulooyinka laga guuray oo aysan daruus ka socon.

Maxamed Cabdi Axmed ayaa sheegay in 4 carruur ah oo u dhiganayay iskuulka hoose ee Haad-fuul ay waxbarasho la’aan ka yihiin tan iyo bishii December ee sanadkii hore, markii inta badan dadkii deegaanka ay isaga hayaameen.

“Abaarta na saamaysay darteed ayay ilmihii waxbarashadu uga xirantay. Reer miyigii iskuulka dhiganayay qaar badan deegaanno kale ayay u hayaameen. Murug weyn ayay igu haysaa oo waxaan ahay waalid ubadkiisii waxbarasho la’aan ay noqdeen, hantina aan u hayn.”

Maxamed ayaa sheegay in uusan awoodin $10 oo halkii qof wax lagu baro iskuullada gaarka ah ee magaalada Dhuusamareeb. Sideed bil oo ay waxbaranayeen ayuu xusay in uu isbeddel weyn ku arkay.

Wuxuu naawilayay in ay heer wanaagsan ka gaaraan tacliinta, maaddaama uusan isagu horay wax u baran. Qoyska Maxamed oo 10 qof ah waxay cunno xumo ku haysataa deegaanka Haad-fuul oo inta badan ay ka hayaameen dadkii ku noolaa.

Waxaa ku haray isaga iyo toban qoys oo kale oo awoodi waayay qarash iyo gaadiid ay ku guuraan. Waxay ku tiirsan yihiin 37 kiilo oo bur, Sonkor, iyo bariis ah oo 20 bishii March ay ku caawiyeen gudiga abaaraha Dhuusamareeb. Si uu muddo dheer u gaarsiiyo hal mar ayay maalinkii karsadaan.

Carruurtiisa oo yar yar ayuu xusay in ay xamili la’yihiin gaajada.

“Qoyka xaaladiisu waa adag tahay, halka waqti ayaan si dhib ah ku karsanaa. Mar waa la helaa, marna waa la waayaa. Xoolo nacfi ma lahan wax kalena kuma tiirsanin, ma xamaali karo oo lug ayaan la’ahay.”

Maxamed ayaa sheegay in lug mar hore ay xabad uga dhacday ay xanuun joogto ah ku hayso, taas oo uusan ka qaban karin shaqooyinka xoogsiga. Wuxuu tilmaamay in xaaskiisa ay umul tahay carruurtiisuna aysan weli hogaamin. Wuxuu xusay in 3 bil ee ugu danbaysay ay muteen nolol adag.

Saamaynta abaarta iyo cudurro isku raacay ayay uga dhinteen 60 ari ah iyo 5 geel ah oo noloshoodu ay ku tiirsanayd. Labaatan neef oo u hartay ayuu sheegay in aysan wax nacfi ah lahayn, kuwaas oo oonka iyo gaajada la dhimanaya.

Dhanka kale waxaa ku adag helitaanka biyaha. Deegaanku ma lahan ceel-biyood, bacaad badan oo ku soo rogmadayna wuxuu sababay in aysan booyaduhu soo gali Karin. Halka Fuusta waxaa la iibiyaa $5 oo aysan awoodin. Waxay ku tiirsan yihiin 20 liitar oo dadka dhaama ay ku caawiyaan.

“Qofkii awooda xitaa waa ku qaali. Booyadaha ayaa laga baryaa oo nin baa mar ku dayminayo oo is leh roob baa la heli doonaa midna wuuba kuu diidayaa. Biyah dhibaato weyn ayaan ku qabnaa.”

Maxamed ayaa sheegay in uu waydiin joogto ah kala kulmayo ganacsato Dhuusamareeb jooga oo ku leh $2,700 oo ah dayn dhowr sano isku gaartay oo uusan bixin karin xilligan adag.

Deegankan Haad-fuul oo Dhuusamareeb dhanka bari ka xiga 26 km waxay Wasaaradda Waxbarashada Galmudug iskuulka ka hirgalisay bishii April 2024. Waxaa dhiganayay 136 arday oo hadda dhamaantood daruus la’aan noqday.

Reer guuraaga ku nool miyiga fog ee Galmudug waxay ka siman yihiin tacliin la’aanta carruurtooda haysa. Jilaalka ayaa ku qasbay in ay xoolaha calaf iyo biyo uga raadiyaan deegaano kale.

Saynab Maxamed Cabdi waxaa tan bishii Janaayo waxbarasho la’aan ka ah saddex carruur ah oo dugsiga hoose ee Hog-dugaag uga dhiganayay fasallada 1, 2, iyo 3. Waxay sheegtay in iskuulka ugu dhow uu ku yaallo magaalada Cadaado uu u jirta 40 km, taas oo aysan hayn qarash ay ku gayso.

“Waxbarasho la’aantoodu aad ayay ii dhibaysaa, sababtoo ah magaaladii ma gayn karo oo lacagta  iskuulka kama bixin karo. Anigii magaalada ma dagi karo oo guri kuma lihi kirana ma awoodo.”

Saynab ayaa sheegtay in in tuullada ay ku hareen iyaga iyo shan qoys oo kale. Dadkii la deganaa oo xoolo dhaqato ahaa abaarta darteed ayay isaga guureen. Waxay xustay in ay duruuf dhaqaale oo haysata ay la guuri waayeen xoolana aysan u joogin.

Qoyskeeda oo 9 qof ah ma heli karaan cunno iyo biyo ku filan, taas oo culayska ku sii badisay. Waxay hal mar karsadaan kaalmo aan joogto ahayn oo ay ka helaan ehelkooda degan Cadaado ama gaajo ayay ku seexdaan haddii ay waayaan.

Waxaa ka xirantay dhamaadkii Janaayo maqaayad ay cunnooyinka bisil ku iibin jirtay oo ay noloshoodu ku tiirsanayd, taas oo maalinkii ay ka helaysay $10 illaa $15 oo u ay ku dabooli jirtay baahiyah reerka. Geediga xoolo dhaqatada oo macaamiil u ahayd ayaa saameeyey ganacsigeedii.

“Markii hore shaah iyo qado ayaan iibin jiray oo meherad ayaa xaafada iigu taallay. Hadda waa xirantay oo dadkii waa guureen kuwa harayna waxba ma haystaan. Ganacsi shaqaynaya ma jiro haddii aysan dad joogin.”

Qoyska Saynab ma heli karaan biyo ku filan. Ceelka deegaanka wuxuu cilladoobay 2 bil ka hor, taas oo sababtay in booyaduhu ay halkii fuusto iibiyaan $4 oo awoodeeda ka baxsan. Arintaas in ay maalinkii isku celceliyaan hal caag oo ay waydiistaan dariska.

Waxay xustay in aysan ku filnayn reerkeeda oo badan, balse aysan doorasho kale haysan. Saamaynta abaarta iyo cudurro aysan garanayn oo isku raacay ayay sanadkii hore ku waayeen 50 ari ah oo ay xoolo ka lahaayeen. Shaqooyin xamaal ah oo ninkeedu marar badan ka raadiyay Cadaado ayay sheegtay in uusan ka helin.

Dhanka kale Baashi Ducaale oo ah agaasimaha qorshaynta ee Wasaaradda Waxbarashada Galmudug ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in carruurta ka soo jeeda qoysaska reer guuraaga iyo danyarta ah ee waxbarashadu ka joogsatay ay caqabad weyn noqotay.

Wuxuu tilmaamay in iskuulladii bilaashka ahaa ay saamaynta jilaalka darteed u xirmeen. Arimahan ayuu xusay in ay curyaamiyeen dadaalkii wasaaraddu deegaannada durugsan uga hirgalisay tacliinta lacag la’aanta ah.

“Ardaydii waxay iskuulkii u imaan waayeen in dadku ay xoolaha baad iyo biyo u raadinayaan oo carruurtii ay la guureen iskuulladii oo furan iyo magacalimiintii oo jooga ilama ma imaanayaan.”

Baashi ayaa sheegay in xaalada abaarta oo daran darteed aysan ku guulaysan talaabooyin ay qaadeen si iskuulladaan aysan u xirmin.

Wuxuu tilmaamay in hadda ay dowladu awoodda isugu gaysay sidii dadka noloshooda loo badbaadin lahaa, maaddama ay waayeen ilihii ay ku tiirsanaayeen.

Abaaraha soo laalaabta waxay saamayn xoogan ku yeesheen waxbarashada iyo nolosha kale dadka reer guuraaga ah. Waxayna sidoo kale yareeyeen fursadihii ay heli kareen qoysaska deegaannada durugsan ku nool.

The post Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool
(ERGO) – Xaalad biyo yari ah oo saamayn ku yeelatay ayay wajahayaan in ka badan 15,000 oo qoys oo ku nool degmada Taleex ee gobolka Sool. Culayskan ayaa haystay tan iyo bishii Fabraayo, markaas oo ay ka qallaleen 2 ceel-gacmeed ka cabbi jireen dadka deegaanku.

Qoysaskan oo danyar ah waxaa ku adkaatay inay iibsadaan biyo qaali ah oo booyado looga keeno deegaanka Sool oo qiyastii 80 km u jira magaalada Taleex. Waxay sheegeen in halkii fuusto ay gaartay lacag u dhexaysa $12-$15 oo awoodooda ka baxsan.

Yaasiin Axmed Ciise oo ka mid ah dadka ay dhibaatadan haysato ayaa sheegay in qoyskiisu ay ku tiirsan yihiin dhowr liitar oo ay ka soo baryaan dadka dhaama. Maalinkii aysan ka helin ayuu xusay in ay oon ku joogaan, maaddaama aysan doorasho kale haysan.

“Qoyskayga xaaladiisu meel khatar ah ayay maraysaa, caqabadda noogu weyn ee na haysatana waa biyo la’aan. Carruuurtu in y oon iiga dhintaan ayaan ka cabsi qabaa. Si aan la xisaabi karin ayay noo saamaysay, waxaana arintaan keenay shilin aan ku iibsano ayaan weynay.”

Yaasiin ayaa sheegay in biyo yarida ay qoyskiisa u wehliso cunno xumo. Wuxuu xusay in afartii bil ee ugu danbaysay uu shaqo la’aan ahaa, markii ay meesha ka baxeen shaqooyin dhismaha guryaha ah oo nolol-maalmeedka uu ka soo saaran jiray.

Wuxuu u sababeeyay saamaynta jilaalka oo keentay in shirkadihii dhismaha iyo dadkii wax loo dhisi jiray ay dhaqaale xumo darteed u joojiyeen. Ninkan ayaa tilmaamay inuu subax walba magaalada u baxo si uu u soo raadiyo qof shaqo u dirsada, balse galabkii uu dib u soo noqdo isagoo faro maran.

Qoyskiisa oo 10 qof ah ma heli karaan cunno hal mar ku filan. Dadka dariska la ah ayaa marmar waxyar isugu dara, markii aysan kaalmadaas helin waxay ku qasbanaadaan inay gaajo ku joogaan.

“Cunto la’aan ayaa aad noo saamaysay, xaaladduna waa nagu adag tahay. Reerka qadada hal waqti waxaa u kariya dadka dariska ah, marna hal kiilo oo bariis ah ayaan soo daynsanaa. Xilli kalena waxba lama cuno, meel adag ayay nala maraysaa.”

Yaasiin oo 45 jir ah ayaa sheegay in xaaladan oo kale uusan horay ula soo kulmin. Waxaa isku raacday shaqo la’aanta iyo ceelashii deegaanka oo biyo la’aan noqday. Wuxuu tilmaamay in dukaamo ay daymo ka qaadan jireen ay ka joojiyeen, markii ay ku badatay.

Ninkaan ayaa sheegay in loo haysto $1,580 oo ah dayn isugu jirta qaar horay loogu lahaa iyo qayb shantii bil ee ugu danbaysay ku gashay biyaha, raashinka iyo baahiyaha kale ee reerka. Dadkii uu ka qaatay ayaa joogto u soo waca, balse ma hayo xal uu ku bixiyo.

Qoyskiisa waxaa cunno xumada iyo biyo yarida u wehliya hoy la’aan. Waxaa bishii hore laga soo saaray saddex qol oo ay ku noolaayeen, markii uu afar bil bixin waayayn min $40 oo kiro ah. Arrintaas ayaa u horseeday in ay bannaan yaal u noqdaan qorraxda iyo dhaxanta.

“Hoy nagu filan ma haysanno. Carruurta banaan cidlo ah ayay jiifsadaan. Waxaa ku jira gabadho aan u cabsanayo in habeenkii loo soo dhaco. Hal qol oo nalagu caawiyay oo aan wada qaadin ayay joogaan. waxaana keentay awood la’aanta dhaqaale.”

Yaasiin ayaa sheegay inay waxbarasho la’aan ka yihiin 6 carruur ah oo u dhigan jiray iskuul hoose iyo dhexe. Wuxuu awoodi waayay $60 oo isku darkooda bishii laga qaadi jiray. Ninkaan oo weligiis ka mid ahaa muruq-maalka magaalada Taleex wuxuu xusay in xaaladdaan ay walwal galisay.

Dhanka kale, Qoyska Laki Saleebaan Cabdi oo 9 qof ah waxay bishan iyo tii ka horraysay awoodi la’yihiin biyo ay joogto u isticmaalaan.

Waxay sheegtay in ceel-gacmeed u dhow gurigooda oo ay bilaash uga cabi jireen uu gabi ahaanba guray horraantii Fabraayo. Waxay iibsan la’yihiin biyaha ay booyaduhu keenaan oo lacag badan ah.

Laki ayaa sheegtay in qoyskeeda ay intaas u dheer tahay cunno xumo. Ninkeeda oo horay uga tirsanaa ciidanka Puntland ayaa u soo wareegay dhanka maamulka Waqooyi bari welina wax mushaar ah looma billaabin, taas oo keentay in uu shaqo la’aan noqday lix bil. Ma jirto meel kale oo dhaqaale ay ka helaan.

Haweenaydaan oo xaamilo ah ayaa xustay in ay magaalada Taleex marar badan ka raadisay shaqooyin dhar dhaqid ah si ay cunno ugu hesho carruurteeda, balse ay ku hungowday.

Laki ayaa sheegtay in maalmaha qaar ay dabka ku shitaan ugu badnaan $2 oo ay ka helaan dad ay qaraabo yihiin oo degan Buuhoodle. Markii aysan waxba u soo dirin qatooyo ayay ku joogaan carruurteeda oo yar yar ah.

“Hal waqti ayaan wax karsanaa oo dab shidku naguma badna, meel ay wax naga soo galaana ma jirto. Xoolo, beero iyo ganacsi midna ma lihin. Qof meel uu hanti ku ogyahay oo ay ka soo galayso aysan jirin waa dareemi kartaa waa cayr faro maran.”

Laki ayaa sheegtay in labo carruurteeda ah oo 3 iyo 5 sano kala jira ay toddobaadkii ugu danbeeyay ku aragtay matag iyo qandho aan ka damayn. Waxay xustay in aysan hayn qarash ay isbitaalka ku gayso magaaladana uusan ku oolin mid bilaash ah.

Haweenaydan ayaa xustay in xilligaan oo ay soo dhawaatay dhalmedeeda aysan hayn lacag ay ku soo ogaato xaaladeeda caafimaad iyo tan cunuga. Habeennada qaar ayay tilmaamtay in ay ka seexan wayso dhabar xanuun daran oo aysan ogayn waxa ku sababay.

Laki waxaa dhanka kale walwal ku hayo labo carruur ah oo horay Qur’aan ugu dhigan jiray, balse lix bil oo aabbahood uu shaqo la’aan ahaa aan wax daruus ah qaadan. Waxay sheegtay in ay hilmaameen intii ay soo barteen, taas oo saamayn ku yeellanaysa mustaqbalkooda.

Intaas waxaa u dheer dayn $600 ah oo looga leeyahay bakhaarada raashinka oo mar kasta la soo waydiiyo aysana bixin karin.

Dhanka kale guddoomiyaha Taleex Axmed Cabdulaahi Cabdi ayaa sheegay in ceelasha qallalay ay ku tiirsanaayeen in ka badan 15,000 oo qoys oo isugu jira qaar magaalada degan iyo kuwo duleedkeeda ka soo aroori jiray. Roob yari 4 sano soo jirtay iyo dadka oo sii kordhaya ayuu u sababeeyay xaaladdaan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dadka ugu liita ay u sameeyeen biyo dhaamin kooban ayna meelaha qaar ka bixiyeen raashin gargaar ah. Baahida jirta oo badan iyo dadka ay xaaladaan saamaysay oo kumannaan qoys ah ayuu xusay in aysan wax badan u tarin kaalmadaas yar.

Maamulka Waqooyi bari iyo hay’adaha samafalka ayuu ka codsaday in ay gacan ka gaystaan biyo yarida ka jirta degmada Taleex. Wuxuu xustay in haddii aan xal la helin ay ka sii dari karto heerka ay hadda joogto.

The post Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Qoysas ku nool Galgaduud oo cunno xumo uga baxay adeegsiga mooto Faykoonta
(ERGO) – In ka badan boqol rag ah oo danyar iyo barakac ah, kuna nool Dhuusamareeb ayaa ku filnaaday nololsha reerahooda, markii ay billaabeen in ay ku shaqaystaan mooyooyinka feekoonta oo ay daymo ku qaateen.

Raggan oo shaqadan ku soo badanayay muddo afar bil ah ayaa si isku mid ah uga hela dhaqaale ay uga soo kabteen xaaladdo adag.

Xasan Yaasiin Cabdullaahi oo ka mid ah wuxuu si buuxda u maareeyay nolosha reerkiisa oo barakac ku ah deegaanka Xananley oo dhuusamareeb hoos tagta.

Wuxuu maalinle u shaqaystaa lacag u dhexeeya $10 illaa $15 oo faa’iiddo ah. Dhaqaalahaas ayaa u sahlay in uu arrad-tir, biyo iyo cunno ku filan uu u awoodo qoyskiisa oo shan qof ah.

Waxay ka soo kabteen nolol xumo badday in ay hal waqti dabka shidan waayaan.

“Markii hore waqtiyadda qaar waxaa laga yaabay in hal toddobaad guriga iska jooga oo aniga iyo carruurta isku kor baahanno, laakiin hadda mootadaas baan wataa. Gu’ iyo jiilaal ayay kala tahay nolashii hore iyo tan maanta.”

Qoyska Xasan ayaa hadda si buuxda uga soo kabtay nolol-xumo ay muddo wajahayeen, markii roob la’aan soo jirtay labo sano uu kaga dhamaaday 80 ari ah oo ay noloshoodu ku tiirsaneed.

Wuxuu xusay in ku shaqaysiga moodata uu kula taliyay in ay daris yihiin oo kaga horreeyay. Wxuuu sidoo kale baray wadisteeda taas oo dhiiragelin u noqotay.

Wuxuu ku iibsday $800 oo uu dayn kaga qaatay dad ay qaraabo yihiin oo ku nool dhuusamareeb.

Ninkaan ayaa tilmamay in uu maalintii saddex illaa afar jeer u baxo deegaanada Laas-xaadow, Bohol, Gal-xamur, Faragooy oo dhamaan uu ku leeyahay macaamiil uu u geeyo adeegyada ay u baahan yihiin sida raashinka iyo biyaha.

Shaqadaan muddada uu waddo darteed waxaa u suuroobay in uu iska bixiyo dayntii uu ku qaatay muudata wuxuuna tilmamay in hadda uu leeyahay qorshayaal cusub oo uu doonayo in uu kordhiyo gaadiidkiisa maaddaama uu ka arko fursad fiican.

“Bishiiyoo kale waxa kusoo gallo ayay ku xiran tahay, anigu bishii Kontan doolar ayaan meel dhigtaa.”

Xasan in uu maareeyay nolosha qoyska waxaa u dheer in sidoo kale uu markiii ugu horraysay waxbarasho ku daray saddex ka mid ah carruurtiisa.

Wuxuuu geeyay iskuul ku yaalla deegaankiisa oo horay dhaqaale xumo uu ugu dari waayay isaga oo bille uga dhiiba $20 isku darkooda.

Ninkaan ayaa tilmaamay in sidoo kale uu qorshaynayo in reerkiisa uu u soo raro magaalada Dhuusamareeb oo uu rabo in uu uga dhiso labo qol oo jiingad ah.

Si uu u dhiso gurigaas wuxuu bil kasta meel dhigaa $50 isaga oo hadda kaydiyay lacag dhan $400.  Wuxuu aaminsan yahay in uu ka bixi karo nolosha magaalada maaddaama dhaqaala soo gala uu ku filan yahay.

Dhamaan ragga ku shaqaysta mootooyinkaan ayaa si isku mid ah u hela dhaqaalaha beddelay hab nololeedka qoysskooda. Cabdimahad Maxamud Xasan muddo afar bil ah oo uu shqaynayo wuxuu kasbatay boqolaal macaamiil ah oo uu joogto ugu shaqeeyo.

Ninkaan oo horay u ahaa xoogsade dhismaha guryaha kaga shaqaynayay magaalada Dhuusamareeb aana heli jirin wax ku filan nolosha qoyskiisa ayaa arrintan u noqotay fursad uu mahdiyay.

Wuxuu sheegay in ay kaga dhib yar tahay kana dhaqaale badan tahay.

“Waxaad qof gacantiisa ka sugta iyo waxaad adigu nolashaada ku maarayso farqi wayn baa u dhaxeeya. Bini’aadanka baryihiisa dhibaato ayay leedhaay wanaag malahan.”

Cabdimahad ayaa sheegay in qoyskiisa oo ka kooban todobo qof ay hadda si joogto ah u helaan cunno ku filan. Sidoo kale wuxuu ka soo raray duleedka magaalada oo ay barakac ku ahaayeen muddo sanad ah isaga oo guri labo qol ah uga kireeyay gudaha magaalada, kaas oo bishii uu ka dhiibo $30.

Wuxuu sheegay in  ay ka soo kabsadeen nolol xumo ay wahayeen labaddii sano ee la soo dhaafay oo si tartiibtartiib ah ay u sii dhamaanayeen tiro arri ah oo noloshoodu ku tiirsaneed. Waxaa isku raacay cudurro aysan aqoon iyo daaq la’aan.

Ninkaan oo maalintii shaqaysta ugu yaraan $10 ayaa xusay in uu u kala qaybiyo masruufka reerka iyo in uu iskaga gudo daymo lagu lahaa.

Waxa ugu wayn ee uu bixinteeda ku hawlan yahay ayaa ah kun dollar oo uu mootada ganacsato uga daynsaday iyo $800 oo uu horay raashin ugu qaatay intuusan shaqadaan billaabin.

“Dayman badan ayay iska bixiyay bakhaaro aan raashin ka qaatay oo kale, wuxuu iskugu jiray raashin xoola iyo mid dad ba la siiyay ayaan ku qaatay oo waraaqa badan iga qornaayeen lacag dhan $1,000.”

Cabdimahad ayaa sheegay in shaqadiisa uusan ka maarayn qoyskiisa oo kaliya ee sidoo kale uu caawin joogto ah siiyo shan reer oo ay qaraabo yihiin kuwaas oo miyiga ay ka soo wada xaroodeen.

Ninkaan oo ah 30 jir noloshiisa oo dhan ku soo qaatay miyiga ayaa xusay in shaqadaan ay u herseeday noloshii ugu wacneed ee abid soo marta. Wuxuu tilmaamay in markii hore ay ku dhalatay ka dib markuu arkay dad badan oo ku shaqaysanaya.

Reer guuraaga oo fahmay adeegeeda ayaa si joogto ah ugu xirmaya mootada. Maxamuud Xaashi Culusow oo ku nool deeganka Bali-hogol oo Dhuusamareeb dhanka barri kaga beegan 20km wuxuu kamid yahay dadka reer miyiga ah ee macaamiisha joogtadda ah u ah raggan.

Wuxuu tilmaamay in uu ku xushay adeegga ay degdegga ugu keenayso iyo qiimaha yar ee uu awoodo oo ay ka qadayso. ka hor wuxuu tilmamay in uu lahaa awr uu rarka ku soo qaato balse hadda ay noqdeen caato aan rar galin taas oo ku qasabtay in uu mootada adeegsado.

Roob yarida daba dheeraaday ee soo jirtay sanooyinkiii ugu dhanbeeyay ayaa sababtay u weecdaan dhinaca ku shaqaynta mootooyinka loo yaqaano Faakoon.

The post Qoysas ku nool Galgaduud oo cunno xumo uga baxay adeegsiga mooto Faykoonta appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Reer-guuraaga Sanaag oo wajahaya cudurro uga dhacay xoolaha iyo cunno xumo
(ERGO) – Cudurro ariga ka laynaya ayay maaro u la’ yihiin tan iyo bishii Diseemmber reer guuraa ku nool miyiga deegaannada Sibaaye, Gurmale, Qoyan iyo Jiingadda oo ka tirsan gobolka Sanaag. Dhaqaale la’aan haysa ayaa ka hor taagan in ay xoolaha daawaystaan.

Maxamed Cali Salaad oo ka mid ah boqollaal qoys oo dhibaatadaan ay saamaysay ayaa sheegay in arigiisa oo 200 ahaa ay ka dhinteen 170 ka mid ah. 30 u hartay ayuu xusay in 13 ay xanuunsan yihiin, halka inta kalena aysan cad, caano ama suuq gayn midna lahayn.

Nolol-maalmeedka qoyskiisa ayuu maarayn la’yahay, markii uu meesha ka baxay nacfigii xoolaha. Wuxuu sheegay in ay ku adkaatay helitaanka cunnada iyo biyaha labadii bil ee ugu danbaysay.

Waxay dabka ku shitaan dayn uu ka qaato dukaamada tuullada Gurmale oo mararka qaar loo diido.

“Waxa noogu daran waa biyaha, baadka iyo daawada, marba qof ayaan dayn ka soo qaadaa waa mid aan ka helo iyo mid aan ka waayo. Xoolahaas ayaan ku noolayn wax saylad la gaynayana ma jiraan. Dad iyo duunyo gaajo ayay ka siman yihiin.”

Maxamed ayaa sheegay in gacan marnaantiisa ay saamayn ku yeelatay nolosha qoyskiisa oo 12 ah, kuwaas oo uusan waxba u awoodin. Waxaa yar rajada uu ka qabo in ay u badbaadaan neefafka u haray oo cudur iyo baahi is kugu darsameen.

Wuxuu xusay in deegaanka uusan 2 sano roob fiican ka di’in, taas oo keentay in ay xooluhu nuglaadaan. Meesha ay degan yihiin oo aysan joogin dhaqaatiirta xoolaha, daawo bilaash ahna aan laga helayn iyo dhaqaale xumada haysa ayaa quus-galisay.

Calaamadaha cudurka arigiisa uu ku arkay ayuu sheegay in uu garanayo, balse uusan kala tacaali karin.

“Xooluhu waxay qabaan jadeeco, qoor-laab iyo kaduudiye, waxaana keenaya cunto la’aanta iyo dhulkii oo saxare noqday oo daaq ayay waayeen, inta hartayna maanta mise berri ayay dhiman karaan, haddii aan gurmad deg deg ah la helin.”

Maxamed ayaa sheegay in 30 neef oo ka rimanaa arigiisa ay wada dhinteen. Markii hore ilamaha oo mayd ah ayay soo tureen, iyagiina waa raaceen.

Xilligaan oo jilaal adag ah ayuu xusay in ay wajahayaan qoraxda maalinkii iyo dhaxanta habeenkii soo dhacda oo aysan haysan hoy ay ka galaan.

Aqal Soomaali ay lahaayeen ayay bishii Nofeember uga soo guureen miyi u jira qiyaastii saddex saac oo socod lug ah, markii ay waayeen gaadiid ay ku rartaan.

Carruurtiisa oo xaaladdaan ay ku cusub tahay ayaa la qabsan la’.  Qoyska ninkaan waxaa intaas u dheer biyo yari.

Wuxuu sheegay in xaaskiisa ay maalin kasta caag 5 liitar qaad ah ka soo bariso qoysaska dhamaa, maaddaama aysan heli karin lacag ay biyo ku iibsadaan.

“Buraan ayaa noogu dhow oo 85 illaa 100 km noo jirta cid gaari kartana ma lahan oo booyadihii xitaa waa diideen. $170 ka yar kuma keenayaan. Fuustada biyaha ah waxay gaartay $5 mana awoodno waxaa noogu danbaysay hal fuusto oo labo toddobaad ka hor ay hay’adda Tadamun noo dhaamisay.”

Maxamed ayaa sheegay in uu culays kala kulmayo dayn $2,000 ah oo sannad iyo bar looga leeyahay deegaanka. Xilliyo kala duwan ayuu reerka ugu qaatay raashin, biyo iyo arrad-tir.

Roob la’aanta oo xoolaha saamaysay ayaa keentay in uu ka waayo neef uu ku dayn baxo.

Qoyska Ibraahim Axmed Saalax oo 13 qof ah waxay awoodi la’ yihiin dhamaan adeegyada aas-aasiga ah tan iyo bishii November ee sanadkii hore. Wuxuu sheegay in xoolihiisa ay noqdeen wayd aan lahayn cad, caano iyo suuq midna, meel kalena uusan dhaqaale ka soo galin.

“Biyo ma haysano iyo cunno oo waa ka liidanaa. Dadkii wax iibsan jiray wuu ka dhamaaday ganacsigii, dadkii xoolaha ku noolaana iibkii iyo qallinkiiba waa laga waayay. Afar naq ma aanan helin dhibaatadaas ayaa lagu nool yahay oo khatar ayaa jirta.”

Ibraahim ayaa sheegay in qoyskiisa ay hal mar dabka saartaan in yar oo uga danbaysa raashin min 25 kiilo oo bur, bariis iyo sonkor ah oo dhamaadkii Diseember ay ku caawisay hay’adda Tadamun oo ka shaqeeysa arrimaha gargaarka. Wuxuu xusay in uu ka sii idlaanayo wax kalena uu hayn.

Sagaashan geel ah iyo ari ah oo uu dhaqanayay waxa ka dhintay 57 ka mid ah. 33 ka hartay ayuu tilmaamay in qaarkood ay xanuunsan yihiin, sidoo kalena uusan u hayn qarash uu biyo iyo calaf ugu iibiyo.

“Xooluhu waa bahan yihiin kuwii rimanaa geela iyo ariba waa dhicinayaan, kadibna waa dhimanayaan ariga jadeeco ayaa haysa, neefkii aad isleedahay wuu macyahay, markii la qalo hilibkiisa waa madow oo lam cuni karo.”

Ninkaan ayaa xusay in saddex carruur ah oo iskuul hoose iyo dugsi Qur’aan uga dhigan jiray deegaanka Sibaaye oo miyigiisa ay joogaan la soo eryay bishii hore. Wuxuu 3 bil bixin waayay min $5 oo laga qaadi jiray. Qoys qaraabadiisa ah oo ay la joogi jireen ayaa iska soo diray, markii daruustu ka joogsatay.

Aqoon yarida reer guuraga iyo in aysan lahayn xeelad kale oo ay kaga hortagan cudurrada soo wajaha xoolahooda ayaa rajo beel galiyay.

Dhaqtar Faarax Guuleed Cumar oo ku takhasusay daaweynta xoolaha ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in cudurrada ay dadku sheegeen qaarkood ay sababtay saamaynta roob la’anta.

Wuxuu xusay in ay jiraan daawooyin ay Ogso ka mid tahay oo lagula tacaali karo, isagoo xoolo dhaqatada u soo jeediyay in neefka la duray ay muddo toddobaad ah iska ilaaliyaan cadkiisa iyo caanihiisa si uusan cudurku ugu gubin.

“Cudurradaan labo arimoodba waa sababaan saamaynta cimilada isbeddelaysa ay ku yeelanayso ama abaaraha. Neefka inta badan mandheertu kama soo baxdo, calooshuna waa madoobaataa, sidaas ayuu ku dhintaa ilmuhuna jirro ayuu ku dhashay oo wuu raacaa. Dhalmaa la yiraahdaa nafqo darro ayaana keenta. Waa in calaf la siiyo si uu difaac u yeesho.”

Xoolaha oo inta badan dadka Soomaaliyeed ay noloshoodu ku tiirsan tahay waxaa sannadihii ugu danbeeyay dhibaato ku haya cudurro, daaq la’aan iyo biyo yari. Dadka reer guuraaga ah oo ay il dhaqaale u ahaayeen ayaa wajahaya culaysyada ugu daran.

The post Reer-guuraaga Sanaag oo wajahaya cudurro uga dhacay xoolaha iyo cunno xumo appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.