WARBIXINNO MAQAL AH Archives - Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information

Duufaanta Gati oo la saadaalinayo inay uga sii dari doonto xaaladda cunto-yari ee Soomaaliya
Warbixin la soo saaray ayaa sheegaysa in duufaantii Gati ee labo toddobaad ka hor ku dhufatay xeebaha waqooyi-bari ee Soomaaliya ay uga sii dari doonto xaaladda cunto-yari ee dalka.

Qoysas badan oo xoolo-dhaqato, beeraley, kalluumeysato iyo xajileyda waxaa horay dhibaato ugu hayay oo adkeeyay cunto helistooda roobabka yaraaday, abaaraha soo noqnoqday, xayiraadaha ka dhashay cudurka safmarka ah ee Corona, weerarrada ayaxa iyo sicir-barar.

Haddaba warbixin ay shalay soo saartay shabakadda FEWS-NET ee ka digta macluusha, taas oo hoostaga hay’adda USAID ayay ku sheegtay in duufaanta Gati oo burburisay guryo, dhulbeereed, kaabayaashii dhaqaalaha, agabkii kaluumeysatada, xoolo badanna leysay ay xaaladda uga sii dari doonto.

Arrimahaas waxaan ka wareysanay Cabdirisaaq Maxamed Nuur  oo ah wakiilka FEWS-NET ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Taysiir oo teleefoonka ku wareystay isagoo jooga Nayroobi ayaa marka hore weydiiyay inuu noo sharraxo sida ay duufaantu u saameyneyso cuntada.

Halkan hoose ka dhegeyso wareysiga

<audio class="wp-audio-shortcode" id="audio-57371-1" preload="none" style="width: 100%;" controls="controls">https://radioergo.org/wp-content/uploads/2020/12/Wareysiga-Cabdirsaaq-Maxamed-Nuur.mp3</audio>

The post Duufaanta Gati oo la saadaalinayo inay uga sii dari doonto xaaladda cunto-yari ee Soomaaliya appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Reer miyiga degmada Cadaado oo loo fududeeyay waxbarashada dadka waaweyn
(ERGO) – Reer guuraaga iyo dadka ku nool inkabadan 15 tuulo oo Cadaado hoostaga ayaa la barayaa dhigaalka far-soomaaliga iyo xisaabta waxaana ololahan oo ay wadaan koox dhallinyaro ah oo u badan macalimiin ay uga golleeyihiin in dadka ka durugsan magaalooyinka laga saaro jahliga.

Olalaha ayaa sidoo kale ka caawinayso reer miyiga in ay la jaanqaadaan isticmaalka taleefoonnada lacagaha la iskaga diro oo Galgaduud aad looga isticmaalo kadib markii saddex sano ka hor ay meesha ka baxday isticmaalka lacagta shilin Soomaaliga ah.

Dadkan ayaa duruusta ku qaata maalmaha Khamiista iyo Jimcaha ee macalimiintu u tagaan geeddo cayiman oo tuulo kasta leedahay, halkaas oo ay ku balameen sida Radio Ergo uu u sheegay guddoomiyaha waxbarashada Cadaado Xussen Cali Sahal oo kamid ah kooxda ku foogan barnaamijkan oo si isxilqaan ah ay u fulinayaan.

Barnaamijka oo ay billaabeen dhamaadkii bishii September ayuu xusay in agabka wax lagu baro dadka sida buugaagta, qalimaanta iyo sabuuradaha iyagu ku taageeraan.

“Waxaan ku guulaysannay in dad aad u waawayn oo qaarkood 60-kii kor u dhaafeen in hadda aqriskii iyo qoristii ka faa’iidaysteen. Dadka dhallinyarada ah oo wali age-koodu yaryahay casharrada qayb bey qaataan, waxaana si wayn uga faa’iidaysanaya dadka aan taleefanada isticmaali karin”.

Siddeed koox ayay iskuqaybiyaan macalimiintaan oo ku dhawaad 40 qof ah si ay u kala gaaraan tuulooyinka iyo miyiga ay dadka waxkubaraan waxaana kooxdiiba ay ka kooban tahay shan qof, kuwaas oo laba galin ee maalmahaas kala gaara deegaannadaas. Xusseen ayaa tilmaamay in ka hor ololahan ay dadka u sameeyeen wacyigalin la xariirta muhiimadda waxbarashada taasi oo socotay muddo labo bil ah.

Dadka waxbarashadan bilaashka ah ka faa’iideysanaya waxaa kamid ah Nuur Xassan Geedi oo ku nool deegaanka Qansaxleey oo Cadaado jira 45 km. Isaga iyo qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa labada maalin ee macalimiintu u yimaadan casharrada ku qaata geed dhinacyada laga waabay hoostiis. Nuur oo maqaayad shaaxa iyo cunnada uu ku iibiyo ku leh deegaankiisa waxaa lacago badan ay kaga qasaaraan faham-xumada ka haysatay qoris la’aanta.

Labo sano ku dhawaad oo ay u furantahay meheradiisa waxaa caqabad ka haysatay xisaabta iyo kaydsiga magacyada macaamiisha daymaha ka qaata.

“Walaal awal hore qaabkii aan u xisaabtamijiray xisaabtana aan u xisaabin jiray waxa ay ahayd in aan dad eheladayda ka mid ah ama aan ku kalsoonahay aan iraahdo xisaabahan ii qor … wax iskuul ah oo aan waxbarasho u soo maray oo markan ka horreysana amase deegaankan laga hirgaliyay ma jirin”.

Cabdullaahi Maxamed Cali oo lixdan jir ah iyo saddex kamid ah carruurtiisa ayaa qayb ka ah dadka ka faa’iideysanaya waxbarashada bilaashka ah ee loogu keenay degaankooda. Miyiga deegaanka Xinjilabi ayuu ku dhaqdaa 120 neef oo ari ah; waxa uu dagan yahay barrin daaq fiican leh oo xoolo-dhaqatadu ku badanyihiin waana taas sababta macalimiinta ay u beegsadeen degaankaas.

Labo wiil iyo gabar ka yar da’da 15 jirka ayaa labarta dhigaalka far-Soomaaliga iyo xisaabta. Waxa uu tilmaamay in dhiirigalin ay u tahay carruurtiisa waxbarashadan kooban.

“In aan waxbarto waxaa igu kaliftay lacagta tuuristeeda, waxna waan ka fahmay, carruurtana in aan ku dhiira galiyo ayaan ku tala galay anigaa usoo yeeroo waxaan iri anigu damiin baan noqdaye idinku waxbarta, haddii alla idmana waan lawadayaa”

Khamiista iyo Jimacaha oo casharada ay qaataan carruurtu ayuu tilmaamay in ay fasax ka yihiin dugsiyada qur’aanka sidaasna waxbarashada maadiga ah ay uga faa’iidaystaan. Wuxuu sheegay in haddii ay waxbarashada ku fiicnaadaan uu u diri doono magaalooyinka si ay heersare uga gaaraan.

Macalimiinta oo labo habeen ku hoyda deegaanada dadka ay wax kubaraan ayaa qarashka kubaxa cunnadooda waxaa bixiya dadka tuulooyinka sida uu sheegay Xussen Cali Sahal oo horkacaya kooxdaan macalimiinta ah. Wuxuu hoosta ka xariiqay in qarashka gaadiidka ay safarrada ku galaan ay jeebkooda ka bixiyaan macalimiinta oo badankood shaqeeya.

The post Reer miyiga degmada Cadaado oo loo fududeeyay waxbarashada dadka waaweyn appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Xaaladda cudurka Koofid-19 ee dalka iyo u dhego-nuglaan-la’aanta dadka ee talooyinka caafimaad
Saameynta cudurka Koofid-19 weli way ka jirtaa dalka. Kiisas cusub oo cudurka ah ayaa joogto loo xaqiijiyaa, iyadoo ay jiraan dad la soo tebiyo inay cudurka u dhinteen. Hase yeeshee, dadku uma dhego-nuglaadaan talooyinka ay khubarrada caafimaadku soo jeediyaan ee lagu xakameyn karo faafista cudurka.

Xaaladdii u dambeysay ee cudurka Koofid-19 ee dalka waxaan ka wareysannay Maxamed Cali Xasan oo ah khabiir caafimaad oo la shaqeeya hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

Halkan hoose ka dhegeyso wareysiga oo Maxamed oo jooga Muqdisho ay online-ka kula yeelatay Leyla Cabdi oo ka mid ah howl-wadeennada Raadiyo Ergo.

<audio class="wp-audio-shortcode" id="audio-57101-2" preload="none" style="width: 100%;" controls="controls">https://radioergo.org/wp-content/uploads/2020/10/Wareysiga-xaaladda-Koroona.mp3</audio>

The post Xaaladda cudurka Koofid-19 ee dalka iyo u dhego-nuglaan-la’aanta dadka ee talooyinka caafimaad appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Hargaysa: Hay’adda Horizon oo dalbaneysa in baaris madax-bannaan lagu sameeyo kiis kufsi ah
(ERGO) – Hay’adda Horizon oo kaalmo shaci iyo caawimaad bilaash ah siisa danyarta iyo dadka barakacay ayaa toddobaadkii hore warbixin ka soo saartay kiis kufsi ah oo loo geystay gabar 14 jir ah oo ku jirta xarun lagu xannaaneeyo carruurta agoonta ah oo ku taalla magaalada Hargeysa. Kiiska gabadha ayaa soo shaac-baxay bishii May xilligaas oo la ogaaday inay leedahay uur lix bil ah. Hay’adda ayaa wixii markaas ka dambeeyay isku dayaysay inay qoyska gabadha ka caawiso sidii ay caddaalad u heli lahaayeen.

Hase yeeshee 25-kii June ayay Horizon soo saartay warbixin ay ku dalbaneyso in baaris madax-bannaan lagu sameeyo kiiska kufsiga ah, kaddib markii sida ay sheegtay loo xiray lix qof oo afar ay carruur yihiin, kuwaas oo laga soo qabtay xarunta agoomaha ee Hargeysa. Carruurta xariggooda waxay hay’addu ku tilmaantay mid aan loo marin hab waafaqsan sharciga.

Arrimahaas waxaan ka wareysannay Xamdi Maxamuud Khaliif oo ah la-taliye sharci oo la shaqeeya hay’adda Horizon. Isagoo Hargeysa jooga waxaa online-ka ku wareystay Cabdiraxmaan Taysiir, wuxuuna ugu horreyn waydiiyay: Gabadha la kufsaday ee uurka yeelatay ee ay warbixinta ka soo saareen iyo waxa uu kiiskeeda nooga sheegi karo?

<audio class="wp-audio-shortcode" id="audio-56337-3" preload="none" style="width: 100%;" controls="controls">https://radioergo.org/wp-content/uploads/2020/07/HORIZON-WARAYSI.mp3</audio>

The post Hargaysa: Hay’adda Horizon oo dalbaneysa in baaris madax-bannaan lagu sameeyo kiis kufsi ah appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Dadaallo looga hortagayo in cudurka Koroona uu ku faafo xeryaha barakaca ee Hargeysa
Hay’adaha gargaarka ee ka shaqeeya adeegyada dadka ku nool xeryaha lagu barakacay ee gudaha dalka ku yaalla ayaa wada dadaallo looga hortagayo in cudurka safmarka ah ee Koroona uu ku dhex faafo kaamamka. Magaalada Hargeysa oo ka mid ah meelaha dadaallada laga wado waxay ka sameeyaan wacyigelinno dadka barakacay ku dhiirrigelinaya inay taxaddar ka muujiyaan cudurka oo meelo badan oo dalka ah ku faafaya.

Xeryaha waxaa loogu nool yahay si habacsanaan ah oo la is-dhex-deggan yahay, waana ciriiri iyo saxmad, iyadoo ay taas u sii dheer tahay nadaafadda oo liidata iyo adeegyada caafimaadka oo aan ka wada jirin.

Haddaba howlahaasi waxaan ka wareysannay Maxamed Bakaal oo ah kaaliye sare oo la shaqeeya hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR xafiiskeeda ku howlan arrimaha dadka gudaha ku barakacay ee xeryaha magaalada Hargeysa, isla markaana ah la-hoggaamiyaha ardaaga isku-xira adeegyada xeryaha barakaca ee hay’adaha samafalka.

Halkan ka dhegeyso wareysiga oo Maxamed oo ku sugan Hargeysa uu online-ka kula yeeshay Cabdiraxmaan Taysiir.

The post Dadaallo looga hortagayo in cudurka Koroona uu ku faafo xeryaha barakaca ee Hargeysa appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Gedo: Ardayda dhigata dugsiyada Baadheere baa heli doonta quraac joogto ah
Sideed boqol  iyo arday oo ku sugan magaalada Baardheere ayaa si joogta ah u helaya qiraac. Hawlwadeennada Dugsiyada Waxbarashada (HIRDA) ayaa bilaabay tallaabadan quraac-siinta ardayda, kuna tilmaamay iney tahay mid dhiirrigelineysa niyadda waxbarashada ardayda. Mashruucan Quraacsiinta oo la bilaabay bishii 10-aad ee sanadkii hore ayaa waxaa ka faa`ideysanaya ilaa 850  ardey oo dhigta ilaa afar iskuul oo ku yaalla Baardheere.

Cabdullaahi Maxamed Siyaax oo ah madaxa dugsiyada waxbarashada HIRDA ee degmada Baardheere ayaa sheegay in ay dareemayaan koror xagga waxbarashada ardeyda. Mashruucan oo bilowdey bishii 9aad ee sanadkii hore ayuu tilmaamay in ay ka caawiyeen ha`ydaha UNOCHA iyo CHF.

Siyaax ayaa sheegay inaan ardeyda wax ka barata afarta dugsi laga qaadin wax lacag ah, marka laga reebo ayuu yiri ardeyda dhigata dugsiga sare oo laga qaado midkiiba ilaa 10$, talaabooyinkasna waxuu ku tilmaamay inay qeyb ka yahiin horumarinta waxbarashada degmada. Waxaa wareystay: Axmed Saalixi Axmed.

<audio class="wp-audio-shortcode" id="audio-55396-4" preload="none" style="width: 100%;" controls="controls">https://radioergo.org/wp-content/uploads/2020/04/Wareysi-Iskuulada-Baardheere-Cabdulaahi-axamed-Siyaax-madaxa-HIRDA-1.mp3</audio>

The post Gedo: Ardayda dhigata dugsiyada Baadheere baa heli doonta quraac joogto ah appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Gaarisa: Xanuun aan la aqoonsan oo xoolo badan u dhinteen (Dhegayso)
Wasaaradda beeraha iyo xanaanada xoolaha ee ismaamulka Gaarisa ee Kenya ayaa sheegaysa in xanuun sanka dhiig ka keenaya adhiga uu ka dilacay degaanka Dhadhaab oo is maamulkaas ka tirsan, xanuunkaan ayaa deegaanka lagu arkay todobaadkaan, iyadoo ilaa hadda uu dilay in ka badan 150 neef, arrintaan ayaa Maxamed Xasan oo Ergo ka tirsani ka waraystay Maxamed Cabdi Shaale oo ah agaasinka beerhaa iyo xanaanada xoolaha ee maamul goboleedka Gaarisa.

<audio class="wp-audio-shortcode" id="audio-55199-5" preload="none" style="width: 100%;" controls="controls">https://radioergo.org/wp-content/uploads/2020/01/GARISA.mp3</audio>

The post Gaarisa: Xanuun aan la  aqoonsan oo xoolo badan u dhinteen (Dhegayso) appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Sanaag: Meherad qofka sheekeeya uu dadka oo dhan Shaaha u shubo
Magaalada Xiingalool ee gobolka Sanaag waxaa ku taala meherad shaaha lagu iibiyo oo la yiraahdo Fadhisamo, meheradan oo macaamiil badana haysata ayaa dadka shaaha ka caba ee macaamiisha joogtada u ah waxay samaysteen xeer ku cusub hab dhaqanka makhaayadaha shaaha, xeerkan ayaa dhigaya in qofkii raba inuu dadka u sheekeeyo oo isaga la dhegaysto uu  marka hore bixiyo lacagta shaaha dadka makhaayada fariista.

Wariye Maxamed Saalax ayaa tegey meheradaas oo shaah kasoo cabay sheekadana kasoo sameeyey.

<audio class="wp-audio-shortcode" id="audio-55147-6" preload="none" style="width: 100%;" controls="controls">https://radioergo.org/wp-content/uploads/2020/01/Warbixin-Saalax.mp3</audio>

The post Sanaag: Meherad qofka sheekeeya uu dadka oo dhan Shaaha u shubo appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Dhegeyso: Xaalad caafimaad darro oo ka jirta deegaanka Saaxdheer ee gobolka Sool
Xaalad caafimaad darro oo daran ayaa kajirta deegaanka Saaxdheer ee koonfurta gobolka Sool iyo deegaano baadiye ah oo hoos yimaada, kadib markii dadka deegaankaas ay si saf mar ah ugu dhaceen xanuuno isugu jira kuwo ku dhacaya neef mareenada oo qofka naqasku qabanayo iyo shuban. xanuunadan oo soo bilowday 3 dii bishan ayaa waxaa u dhintay 4 caruur ah oo kii u danbeeyey dhintay laba habeen ka hor waxaana mudadaas xarumaha caafimaadka la geeyey 305 qof.

Hadda waxaa xanuunkan u jiifa boqol iyo laba qof oo shan iyo sodon ka mid ah ay yihiin bukaano cusub oo maanta (Arbaca 8 January 2020) yimi xarumaha caafimaadka, dadkan bukaanka ah ayaa la jiifiyey sadex qol ay leedahay xarunta caafimaadka Hooyada iyo dhalaanka ee MCH ka Saaxdheer, sadex Teendho oo laga ag dhisay xaruntaasi. halka inta kale ee bukaanadana la jiifiyey geedaha hooskooda.

Hawlwadeeno caafimaad oo ka kala yimi Puntland, Somaliland iyo dawlad deegaanka Somalida ayaa gaarey deegaanka waxayna hadda hawl wadeenadu ka cabanayaan in daawadu yartahay loona baahan yahay gurmad daawo oo degdeg ah iyo xirfadlayaal caafimaad oo dheeraad ah.

Dr. Calidhux Maxamed Cabdirisaaq oo ah dhakhtar cudurada guud qaabilsan kana mid ahaa dhakhaatiir ka yimi magaalada Laascaanood oo uu ka hawlgalo cusbitaalkeeda guud ayaa Radio Ergo uga waramay xaalada deegaankaasi ka jirta.

HALKAN HOOSE ka Dhegayso Waraysiga Dr. Cali Dhuux.

<audio class="wp-audio-shortcode" id="audio-55124-7" preload="none" style="width: 100%;" controls="controls">https://radioergo.org/wp-content/uploads/2020/01/Waraysi-Dr.-Cali-Naasir.mp3</audio>

The post Dhegeyso: Xaalad caafimaad darro oo ka jirta deegaanka Saaxdheer ee gobolka Sool appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Puntland: Duufaanno looga digay dadka xeebaha ku nool
Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa oga digtay shacabka ku nool deegaanada xeebaha Puntland gaar ahaan gobollada Bari iyo Sanaag, dabaylo xooggan oo roob wata oo ku soo beegan sida ay sheegeen kooxaha saadaasha hawada.

Dadka ayaa loo sheegay iney taxaddar badan ka qaataan oo laashashka badda ku jirana la wargaliyo, iyadoo dadka iyo duunyadana laga saaro meelaha godadka ah iyo biyo mareennada. Wasiirka Arimaha Gudaha ee Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa arintaan uga waramay weriyaha Radio Ergo Yusuf Cabdi Shire.

<audio class="wp-audio-shortcode" id="audio-54469-8" preload="none" style="width: 100%;" controls="controls">https://radioergo.org/wp-content/uploads/2019/10/wasiirka-Arimaha-Gudaha-Puntland.mp3</audio>

The post Puntland: Duufaanno looga digay dadka xeebaha ku nool appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.