XERYO KA SAARISTA DADKA BARAKACAY: “WAXAAN NAHAY DAD AAN LOO BAAHNEYN”

    0
    Photo | Xasan Aadan Axmed oo weriyayaasha Raadiyoow Ergo kula hadlaya Xeryada Ilbalac ee deegaanka Sarkuusta/sawir/Xamdi Cabdulaahi

    Sheekadan waxey qeyb ka tahay warbixinno taxane ah oo aan ka diyaarinnay dadka soo barakacay ee laga sii barakicinayo dhismayaasha dowladda iyo dhulka gaarka loo leeyahay ee magaalada Muqdisho.

    By Muxyadiin Axmed Rooble

    Aroor walba iyadoo ay dadku weli hurdayaan xerada Ilbalac ee deegaanka Sarkuusta ayuu Xasan Aadan Axmed oo 59 jir ah billaabaa socod lug ah oo saddex saac qaata si uu u soo gaaro suuqa weyn ee Bakaaraha. Wuxuu u deg-degaa in uu noqdo xamaaliga ugu horreeya ee suuqa yimaada. Halkaa waxaa uga billaabata shaqo maalin dhan ah, isagoo dusha ugu xamaala bakhaarrada suuqa ku yaalla si ay 12-kiisa carruurta ah casho u helaan habeenkaas.

    “Waxaan xerada ka soo tagaa 4ta aroornimo, waxaana suuqa imaadaa 7am,” ayuu Xasan ku yiri wareysi uu raadiyaha Ergo siiyay. Ragga xoogsatada ah ee ka yimaada xeryaha dadka soo barakacay ee duleedka Muqdisho waxay badanaa u socdaan Bakaaraha labo saac, laakiin aabbahan waayeelka ah uma socod dheereeyo siddii dhalinyaronimadiisii, sidaas darteed saacad dheeraad ah ayuu suuqa u socdaa.

    “Ma ahan in aan doonayo in aan noqdo xamaaliga ugu horreeya suuqa oo keliya, laakiin in aan aroor hore xaafadda kasoo baxo waxay ii tahay hab aan uga dhuunto maqalka oohinta ubadkeyga baahida la oynaya subaxa hore,” ayuu yiri Xasan Aadan.  Isaga iyo koox kale oo dhallinyaro ah ayaa hadba dhinac u socda waddooyinka waaweyn ee suuqa, mararka qaarna ku nasta irdaha bakhaarrada waaweyn iyagoo sugaya gawaarida xamuulka kasoo qaada dekedda ama kuwo agab ka qaadaya suuqa.

    Maalintaa oo dhan duudka iyo madaxa ayuu ku sidaa jawaanno sonkor, bariis, bur iyo adeegyo kale isugu jira, isagoo gaari ka dajinaya ama bakhaar kasoo qaadaya si uu gawaari ugu raro.  Shaqada sidaas u dhibka badan, Xasan wuxuu badanaa ka helaa  40,000 ilaa 60,000 oo shilin Soomaali ah oo u dhiganta $2 ilaa $3, taas oo aan casho oo keliya xitaa ugu filneyn labo iyo tobankiisa carruurta ah iyo hooyadood.

    “Waxaa jira maalmo maanta oo kale ah oo aan kari waayo in aan u socdo suuqa oo guriga aan iska joogo. Maalintaas reerku dab ma shitaan oo carruurtu iyaga oo gaajeysan bay seexdaan,”  ayuu ii sheegay Xasan oo aan ku wareystay afaafka aqal afbannaan oo ku dhex yaalla xerada Ilbalac ee deegaanka Sarkuusta ee duleedka Muqdisho.

    Kahor inta aan lagu khasbin in uu xeradaa u guuro, Xasan iyo reerkiisu waxay 700 oo qof oo kale kula noolaayeen xeryo dadka soo barakacay ay ka degeen agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee Muqdisho, kaddib markii uu degmada Marka uga soo qaxay abaar xoolihii ka baabi’isay saddex sanno kahor. Dadkaas oo dhan ciidamada dowladda ayaa ku khasbay inay xeryaha ka guuraan iyagoo aan helin meel kale oo ay deegaameystaan sanadii 2012.

    Maxamuud Sheekh Axmed oo ah Madaxa Qiimeynta iyo Kormeerka ee Hay’adda Qaran ee Maareynta Musiibooyinka wuxuu Raadiyaha Ergo u sheegay in dadkaas looga raray agagaarka garoonka diyaarada sababo la xariira ammaanka garoonka. Laakiin Xasan iyo reerkiisa oo xeradaa degey 2010-kii taa waxay u aheyd billowga nolol adag oo hal waqti oo keli ah si dhib ah lagu helo wixii la cuni lahaa. Kahor inta aan xeradaa laga barakicin reerka Xasan ugu yaraan labo mar ayay maalintii wax cuni jireen, sababtoo ah isaga iyo xaaskiisaba waxay ka wada shaqeynayeen suuqa Bakaaraha oo ay xamaali ka wada ahaayeen maaddaama xeradooda ay magaalada ku dhex taallay.

    “Aniga iyo xaaskeyga habeenkii waxaan la soo hoyan jirnay xoogaa lacag ah oo casho iyo quraacda subixii noo goyn karta,” ayuu yiri Xasan. “Nolosheennu way iska deggeneyd oo iska wanaagsanayd. Laakiin maanta ma wada shaqeyn karno sababtoo ah ma awoodno lacagta gaari-raaca ah, mana lugeyn karto,”  ayuu hadalkiisa ku daray.

    Lacagta lagu raaco gawaarida ka dhex shaqeysa xeryaha duleedka magaalada ku yaalla iyo suuqa Bakaaraha waxay gaaraysaa 20,000 oo shilin Soomaali ah oo hal doollar dhan. Sidoo kale, raashinka iyo cuntada oo Xamar qiimo jaban looga helo xeryaha aad bay qaali u yihiin maadaama ay ka fog yihiin suuqyada waaweyn ee magaalada. In lagu khasbo inay ka guuraan xeryaha magaalada oo noloshooda ay jaban tahay waxay u tahay ciqaab kale.

    Laakiin ku-xigeenka duqa magaalada Muqdisho Iimaan Nuur Iikar wuxuu wareysi uu Raadiyaha Ergo siiyay ku sheegay in maamulkiisu uusan awoodin in dadka soo barakacay ay magalaada ku helaan meelo la dajiyo culeys dhaqaale awgii.

    “Shanta sano ee soo socota qof walba oo Soomaali ah wuxuu degi doonaa guri uu leeyahay oo furihiisa uu haysto,” ayuu yiri.

    Hase yeeshee dib-u-dejin shan sano kaddib la heli doono ma ahan wax ay sugi karaan dadka soo barakacay maaddaama aysan heysan meel ay kusii sugaan.

    “Shan jeer baa la I barakiciyay saddexdii sano ee la soo dhaafay. Markii kowaad waxaan ka qaxay xeryaha garoonka ku dhow, waxaan dagay Asluubta oo la iga barakiciyay. Waxaan ku noqday Marka, haddana waan kasoo qaxay oo waxaan ku noqday Asluubta. Wax yar kaddib waa la iga barakiciyay kaddibna halkan baan soo degay,”  ayuu yiri Xasan Aadan Axmed.

    Hadda wuxuu ka welwelsan yahay in mar kale la barakiciyo, taas oo ay sabab u tahay dhulka ay xeryaha ku yaallaan oo ah goof ay dad kale leeyihiin. Baaritaan uu Raadiyaha Ergo sameeyay waxaan ku ogaannay in horjoogeyaasha xeryaha dadka soo barakacay oo aan iyagu soo barakicin ay heshiis kula jiraan dadka iska leh goofafka oo loo ballan-qaaday inay heli doonaan qeyb ka mid ah gargaarka dadka soo barakacay loogu talagalay haddii ay u oggolaadaan inay dhulkaa degaan. Haddii aan gargaar la helin, Xasan wuxuu sheegay inay dhici karto in xeryaha laga eryo iyaga oo aan heysan deegaan kale.

    “Waxaan nahay dad aan la rabin, cid naga fikireysana ma jirto!” ayuu yiri Xasan Aadan oo kasoo barakacay degmada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose oo hadda ku  nool xero ku taalla deegaanka Sarkuusta ee duleedka Muqdisho.

     

     

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here