Xaaladda Xeryaha Archives - Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information

Xudur: Qaar ka tirsan qoysaska barakacay oo helay musqulo iyo biyo bilaash ah
(ERGO) – Qaar ka tirsan dadka barakacay ee ku nool magaalada Xudur, ayaa helay musqulo iyo biyo bilaasha ah sanado kadib. Qoysaskan ayaa ka soo barakacay deegaanno kala duwan kadib marki ay saameeyeen abaaraha iyo roob yarida.

Wasaaradda macdanta iyo khayraadka biyaha ee Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in 450 musqulood ay ka hirgalisay 10 xero barakac oo ay ku nool yihiin 5,729 qof.

Wasaaradda oo taageero dhaqaale ka helaysa hay’adda Norwegian Refugee Council (NRC), ayaa sidoo kale dayactir ku samaysay ceelal ay biyo ka helaan qoysaskan barakacay, kuwaas oo loo sameeyay goobo ay biyo ka dhaansadaan.

Musqulahan ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyay ee ay helaan dadkan.

Cabdullaahi Nuur Maxamed oo wasaaradda u qaabilsan gobolka Bakool, ayaa sheegay in sababta ay tallaabadan u qaadeen ay ahayd in laga hortago in cudurro ka dillaacaan xeryaha barakacayaasha.

“Marki hore wwaxaan qiimayn ku sammaynnay xaaladda qoysaska barakacay, waxaan ogaannay in baahida ugu wayn ay tahay inay helaan musqulo iyo biyo, waana sababta aan u hirgalinay musqulaha iyo biyaha,” ayuu yiri Cabdullaahi Nuur.

Xasan Maxamed Keer oo qoyskiisu ka kooban yahay sideed qof oo laba sano ku nool xerada Garaswayne ee magaalada Xudur, ayaa sheegay in marki hore uu aad uga welweli jiray in xaaskiisa iyo carruurta ay bannaanka u aadaan musqulo. Wuxuu sidoo kale xusay in biyaha ay u doonan jireen meel hal saac u jirta oo  ay haweenku dhabarka ku soo aroori jireen.

“Ugu yaraan hadda musqulo ayaan haysannaa iyo biyo bilaash ah oo xerada dhexdeeda noogu yaalla, inkastoo musqulaha ay yaryihiin balse sidi hore waan ka fiicannahay,” ayuu yiri Xasan oo ay ka muuqtay in uu ku faraxsan yahay in uu helo biyo iyo musqul.

Nolasha qoyska Xasan waxay ku tiirsanayd dalagyo uga soo go’i jiray beer uu kulaa deegaanki uu ka soo barakacay kadib marki roob yarida oo ay ka dhalatay biyo la’aan ay beerti bixi wayday.

In kastoo qoysaskan ay heleen biyo iyo msqulo bilaash ah, haddana ma haystaan cunto iyo shaqooyin ay kala soo baxaan nolal maalmeedka. Qoyska Xasan ayaa hadda ku tiirsan lacag yar oo ay u soo diraan dad ay qaraabo yihiin.

“Waxaan karsanaa wixii aan ka helno dadka na caawiya, ma jirto raashin toos ah oo aan helno, maalmaha qaar waan iska seexaannaa annaga oo baahan,” ayuu yiri Xasan.

Haweenka iyo carruurta oo ahaa dadka sida aadka ah ugu baahnaa inay helaan musqulo iyo biyo, ayaa sheegay in tani tahay fursad wanaagsan marka loo eego xaalki hore ee ay ku jireen.

Edebo Xasan Maalin oo ah, haweenay qoyskeedu yahay barakac ku nool Xudur ayaa sheegtay in marka ay u baahato musqul ay u yeeran jirtay haweenka kale ee la degan xerada si ay u weheshato, maadaama ay ka cabsi qabtay in dhibaato soo gaarto. Waxay sidoo kale aad ugu faraxsan tahay in biyo bilaash ah ay hesho maadaama marki hore biyo ii boo ay meel fog ka soo dhaamin jirtay.

“Waxaan nahay haween wax kasta ayaa nagu dhici kara marka aan musqulaha u aadno meel fog, musqul la’aanta waxay ahayd dhibaato na haystay marka aad ayaan u faraxsannahay in xerada dhexdeeda aan musqul ku helno,” ayay tiri Edebo.

“Waxay nagu qaadan jirtay hal saac in aan helno biyo laakiin hadda waa diyaar oo kama welwelo, alle ayaa mahad iska leh haddii aan xerada kuhaysanno,” ayay tiri mar kale Edebo.

Qiimaha raashinka ee magaalada Xudur ayaa qaali ah in muddo ahba, kadib marki magaalada ay go’doomiyeen Al-shabaab, taasoo oo keentay in qoysas badan ay ka soo barakacaan tuulooyinka iyo miyiga, soona galaan magaalada si ay nolal u helaan.

Wasaaradda macdanta iyo khayraadka biyaha ee Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in shaqadeedu tahay biyaha balse dhanka raashinka iyo adeegyada kale ay qaabilsan yihiin wasaarado kale.

The post Xudur: Qaar ka tirsan qoysaska barakacay oo helay musqulo iyo biyo bilaash ah appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Muqdisho: Boqollaal qoys oo barakaca ah oo la siiyay dhul ay shan sano ku noolaadaan
(ERGO) – Saddex boqol oo qoys oo dagaallo qabiil tan iyo billowgii sanadkan uga soo barakacayay gobollka Shabeellaha hoose ayaa la siiyay dhul bannaan oo ay guryo ka dhistaan.

Qoysaskan oo dulsaar ku ahaa qoysas kale oo barakac ah oo deggan xerada Qulqul ee degmada Dayniile ayaa dhulkan oo lix boos ah ganacsato ugu kireeyeen inay ku noolaadaan muddo shan sano ah si ay u helaan meel ay ku hoydaan.

Xaawo Nuur Maxamed oo ah hooyada siddeed carruur oo aabbahood dhintay, wuxuu qoyskeedu ka mid yahay 240 qoys oo dhulka soo dagayay labo toddobaad ee u dambeeyay.

Haweenaydan oo bishii labaad ee sanadkan ka soo barakacday deegaanka Balladul-Amiin, waxay sheegtay in qoryaha iyo bacaha ay ku dhisatay booska la siiyay ka caawiyay dad barkac ah oo deggan xerada ay horay ugu noolaayeen.

“Marki rafaadkeena dadki aan kuuso dul-dagnay ay arkeen ayeey no gurmadeen Gudoomiyahaa nooso tuugay saas ayaa loo dhahay Dhulkan, anagga waan idiin dajin karna lakiin ma idiin dhisi karno  alxamdulilaah meesha  naan maanta guri aan leenahay furan kartido xiran kartiid dagtid iyo inaad guri weyn oo qaado weyn joogto hadi wax kaso gaari karana kaso garan hadi kale na ka soo gaarin  oo aad maamulan karin rubuc bariis ah haddaad karsato bar cuni karin barna dhigan karin isku mid ma aha.”

Waxay Xaawo sheegtay in weli ay jiraan culaysyo ka haysta dhanka cunnada, biyaha, musqulaha iyo maacuunta wax lagu karsado. Qoyskeedu wuxuu xaaladdan barkaca ka hor ahaa beeralay ku tiirsan dalagyada u soo baxa oo ay ku jireen galley, masaggo iyo sisin.

Xaawo ayaa tilmaamtay in caqabad kasta oo ka haysata dhanka nolosha ay iyada iyo carruurteeda uga mihiimsan tahay in meel ammaan ay deggan yihiin oo wax cabsi colaad ah  aysan  qabin.

“Hadda farxad na waan dareemayaa.  Culeys-na waan dareemayaa. Culeeyska aan dareeemayaa waa dahnahayga ima dhamays tirna farxadna waan dareemaya oo weraar colaadeed ma jiro waa amaan umada islaamka ah waxay qabaan baan la qaba   waanku niyad samahay hadda waan ku qanacsanahay meel dhib ah qof kaso baxay wuu ku qancaa halkan.”

Xaawo ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in hadda ay qabato shaqooyinka dhar-dhaqidda iyo nadaafadda oo aan joogto ahayn taas oo dhaqaalaha ka soo gala oo dhan labo ilaa saddex ay iyadda iyo qoyskeedu hal waqti dabka ku shitaan.

Sidoo kale Cabdiyo Xuseen Cali iyo qoyskeeda oo ka kooban afar qof ay ka mid yihiin dadka dhulkan la dajiyay, waxay sheegtay in ay ka soo barakacday colaadaha qabiillada u dhaxeeya  ee Gobollka Shabeelaha hoose muddo saddex bill aga joogo.

Cabdiyo oo ahayd xoolo-dhaqato-beeraley waxay sheegtay in colaadaha deegaankeeda ay ku waysay xoolo, beer iyo gaari ay lahaayeen, taas oo ku qasabtay in nolol ay magaalada Muqdisho ka soo raadsadaan.

Waxay xustay in dulsaar muddo dheer ah iyo xaalado adag oo ay so mareen iyada iyo qoysaska kale ay ugu dambeyn dhulkan heleen.

“Dhuulkaan wan ku qanacsan nahay in naloo dhisay oo an iska dagno  Gurigeena anku qadno aanku quudno haddi Raas naloo yeelay  waanku qanacsanahay balse bila Adan ma dhamaystirna  wax walba waan ubaahanahay  Dhar baan ubahaanahay, Gogol baan ubaahanay, biyaan u baahan nahay, badar baan ubaahanahay, musqul baan ubaahanahay,  waxaan walbaan  u baahanahay.”

Qoyskan ayaa hal Waqti hela cunno karsan oo ay ka caawiyaan maamulka xerada. Cabdiyo waxay sheegtay in uu ku tiirsanaa qoyskeedu dalagyada ka soo baxa beertooda iyo Xoolaha ay dhaqan jireen ayna ahaayeen qoys Hodan ah isla markaana hadda joogitaanka magaalada ay ku tahay xaalad adag oo u baahan waqti iyo la qabsasho.

“Dhaqaalaheena badarka aan beerano iyo xoolaheena ayuu ahaa oo wax kale ma ahayn Magaalada la sheegayo Dhagta leen ka maqlayney waligeen Dhayaha ma saarin Dad Xoolihiisa iska dhaqda ayaan ahayn iskala guuraya baadiyaha iskala adaya Gaarigiisa iska raranaaya oo duurka iska degaya shan cawo ku bari ka guur meel kale iska deg dad Baadiye ku dhaqmaya ayan ahayn marka ay Jilaal noqoto ayan Beeraha iyo Guriga soo dagaynay marka ay Roob tahay na baadiyaha ayaan iskaga guuraynay alxamdulilaah.”

Maxamed Siidoow Ibraahim horjoogaha kaamka Qulqul oo ah wakiilka ay ganacsatadda dhulkan bixiyeey u wakiisheen dib u dajinta qoysaskan ayaa sheegay in dadka la dajiyeey dhulkan ay yihiin kuwii ugu nuglaa qoysaska soo barakacay.

Wuxuu xusay in dadkan ganacsatadu ay ka taageereen dhulkan oo kali ah balse qoysaskii horay u degganaa xerada oo 500 oo qoys ah laga soo uruuriyey agabka ay dadkan cooshadaha ku dhisteen.

“Dadkan soo Barakacay siddii qeyba mar u imanaysay  ayeey halkan soo gareen markaa aas-aaska dhulkan  ilaahay baanoo keenay ganacsato dhukan noo kireeyay kheyr allah ha siiye dhulkan balan ayeey nooga qaadeen in ay noo deyn donaan inta dhibkan lagga baxaayo wax kale oo aan ka caawin karno ma jirto meesha musquulaha ma haystaan wax aan uga yeelno na ma jirto  dadkan dhib ayaa iska haysta.”

Wuxuu sheegay in wali ay jiraan baahiyo dhanka deegaanka ka haysta qoysaskan oo weli qeyb ka mid ah ay dulsaar ku yihiin qoysas kale maaddaama dhamaantood aysan haysan ay agab ay hoy ku dhistaan.

Waxaa ka mid ah qoyska Faadumo Aadan Cali oo ka mid ah kuwii u dambeeyay ee kaso barakaca Gobollka Shabeelaha hoose. Waxa ay soo gaartay kamkan Afarti bisha Shanaad ee sanadkan. Waxa ay  sheegtay in iyada iyo qoyskeeda oo ka kooban  Tobban iyo Labba qof ay ku nool yihiin wixii ay kuso helaan tuugsi madama anay Aqoon iyo Xirfad ulahayn Magaalada ay kaga shaqaysato.

Waxa ay sheegtay in ay heshay dhul iyo aggabyo aan badnayn  oo ka kooban hal Bac, iyo  Afar qori, kuwaas oo aan usurta galinayn in ay  ka dhigtaan hooy, ay dagaan oo ku filan dhamaan  qooyskeedu  sidaas darteed ay  wali  ku yihiin dulsaar  qooysaaski  cusba ee dhulkan  dagay oo ay sheegtay in ay yihiin Dariskeeda iyo Qarabadeeda.

“Wax aanku dhisano ma haysano Kun Shilin ma haysano dhibkaasa na haysta waan iska joogna wax Gacan noogu jira malaha   dhibatada noogu weyn ee na haysta waa wax aan wax ku dhisano Bac ma haysano Geedaha meeshan beec waye Tobban Geedood  oo dhir  ah hal dollar bala bixiya  meel aan udoonanayno  Geed ma laha ma haysano Masaar ma wadano Bangad ma haysano  meel anka raadsano waxba ma naqaan.”

Faadumo waxa ay sheegtay in ay sugayso Kaalmo uu u balan qaaday in loo raadin doono Maamulka kaamka oo sheegay in qooysaaska anay ku filnayn aggabyada lo qaybiyeey loo raadin doono baco iyo qoryo kale oo dhaqaalaha ku baxaya ay iska kaashan donaan qoaysaaski hore udagana kuwaas oo qoys walba ay bixin donaan lacag dhan Labbatan iyo Shan kun oo Shiling Soomaali ah taas oo udhiganta hal dollar.

Faadumo rajo wanagsan ayeey ka qabta in qoyskeeda qayb ka mid ah oo wali dulsaar ku ah qooysas kale ay heli donaan aggabyo ay ku tagtan Cooshad ay ka galaan Robabka iyo Qoraxda balse wali wax jawaab ah kama helin   Maamulka kaamka ka iyo gudiyadda qoysaaskan lacagta kasoo uruurin laha.

Maamulaha ayaa sheegay in ay jiran balanqaadyo ay ka heleen hay,ado ganacsato  culimo iyo uruuro bulsho oo ku adan sidi qoysaskani uheli lahayen aggabyo dhamaystiran oo ay ku dhistaan, dhulkan, biyo, iyo rashiin ku filan, rajo wanaaagsan na ay ka qaban in loo ga so jawabi doono cabashadooda.

Dhulkan hadda loo kireeyay ayaa ka kooban sagaal boos oo Lix ka mid ah ay ka bixiyeen lacag 3 kun oo dollar ganacsatadan oo aan muddo shan sano ah laga barakicin Karin dadkaasi saddexda kalena dadkii lahaa ay ku sadaqeysteen shantaasi sano.

The post Muqdisho: Boqollaal qoys oo barakaca ah oo la siiyay dhul ay shan sano ku noolaadaan appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Muqdisho: Haween barakacay oo iskaashi ku sameeya alaabaha farshaxanka oo carruurtooda u hela cunno ku filan iyo waxbarasho
(ERGO) – Afartan haween barakac ah oo ku nool xerada Waxsan-suge ee deegaanka Garasbaaley ee gobollka Benaadir ayaa si wada jir ah uu hal abuuray fikardo ay ku soo saarayaan alaabaha farshaxanka iyo agabyada hiddaha iyo dhaqanka, kuwaas oo ay iibiyaan si ay nolosha qooyskooda uga maareeyaan.

Haweenkan oo ku shaqeeya xarun ku dhex taalla xerada oo lagu furay $500 oo ay haween Soomaaliyeed oo qurbo-joog ah isugu soo dareen ayaa si lacag la’aan ah haweenka xerada ku nool u tababbarta sameynta farshaxanka iyo alaabaha hidaha iyo dhaqanka.

Faadumo Cabdulqaadir Xasan oo ah hooyada sagaal carruur ah waxay si maalin dhaaf ah uga howlgashaa xaruntan si ay u sameyso Xaqinada, dhiilaha, dermaha iyo babiska.

Hooyadan oo nolosha reerkeeda uu isbdedel dhanka dhaqaalaha ah ku yimid tan iyo intii ay shaqadaan billowday oo alabo sano laga joogo ayaa sheegtay in maalinkii ay ka hesho lacag u dhaxeysa shan ilaa lix dollar ah.

“Waxaan isku qaba kalsooni, xitaa haddi aan madax bannanaado isma dhahayo ilmaha ayaa kaa baahanaya. Waxaa iga qorsheysan in aan si wato shaqadan oo aan isku maareeyo inta aan dhihi lahaa walaalow ama walaaley wax i sii. Waxaa iiga fiican in aan masaftayda iyo babbiskayga tosho.”

Faadumo ayaa tilmaamtay in alaabaha sida dermaha iyo masafada ay u iibiso si bille ah, maaddaama ay culus yihiin oo aysan u sahlayn inay la dhex wareegto xafadaha iyo suuqyada magaalada.

Bishii ayay sheegtay in iibka dermaha iyo masafada oo midkiiba $30-$35 ay ku iibiso ay ka hesho lacag dhan 150 doollar. Waxaa inta badan ka dalbada xafiisyada, guuryaha, hay’addaha goobaha waxbarashada, urrurada hiddaha iyo dhaqanka iyo qurbo-joogta.

Faadumo ayaa noo sheegtay in dhaqaallaha kasoo galay sameynta alaabtaan ay uga faaideysatay in saddex carruurteeda ah oo da’doodu u dhexayso tobban iyo afar ilaa sagaal sano ay ku gayso Dugsi Qur’aan iyo iskuul sanadkii 2019-kii. Bishii ayay waxbarashadooda ku bixisaa lacag dhan $60.

Ka hor Shaqaddaan ayay tilmaamtay in nolosha qoyskooda uu ku tiirsanaa dhaqaale lagu qiyaaso labo doollar oo ay si wada jir ah u soo shaqeyn jiren iyada iyo saygeeda oo gaari gacanle iyo dhar-dhaqow ay ka shaqayn jiray.

Qooyska Faadumo ayaa hal waqti kaliya wax karsan jiray, balse hadda saddex waqti ayay dabka shitaan.

“Markaad so qaraabatid maalinti, habeenki baad wax suubinaysaa. Adiga labadii beri ama saddexdii beri waxaad keenaysaa dhiil ama masaf ama babbis. Shan xabbo haddaan qaado oo min shan kun ah waa labaatan iyo shan kun. Berri labaatan iyo shan xabbaad qaadi kartaq. Fursadan ku siinaynayn oo ma fariisan kartid illeen waxbaa lagaa sugayaa e.”

Faadumo oo seygeeda uusan hadda wax shaqo ah haynin ayaa qoyskeedu sanadkii 2019ka soo barakacday duleedka degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, markii biyo yari ay saameysay beer ay ku tiirsanaayeen.

Faadumo iyo haweenka kale ee nololmaalmeedka ka soo saarta xaruntan ayaa si bilaash ah xirfaddan uga bartay haween barakac la ah oo waaliddiintooda ka bartay sida loo sameeyo farshaxanka iyo alaabaha hidaha iyo dhaqanka.

Awliyo Maxamed Muuse waxay tan iyo sanadkii 2019 haweenka soo barakacay ee ku nool xerada Waxsan-suge baraysay sameynta alaabahan.

Waxaa ay xustay in markii haweenkan ay billaabeen barashada xirfadda farsamada gacanta ay wax badan ka beddeshay noolashooda iyo dhaqaalahoodaba.

Awliyo oo ku guuleystay in ay xaruntaan ku tababarto haween badan ayaa sameynta alaabaha ka baratay hooyadeed Maano Maxamed oo si weyn loogu yaqaannay farshaxanka degmada Qoryooley halkaas oo ay iyadu ka soo barakacday.

Haweenka xaruntaan ka howlgalo ayaa agabkooda ka sameeya bacaha la soo isticmaalay kuwaas oo ay dib u dhaqdaan kana sameeyaan agabyada farshaxanka.

“Bacahan iyo cowdan qashiinka dadka xaaqiinka markay sameeyaan inta ay iska jaraan iyo babiska caadiga oo cowda ka samysan waxay iska jaraan aan ka so aruursannaa. Alaabahaas xaafadahan ka aruursannaa. Bacahana waxan ka aruursannaa meelaha oo dadka suuqa ka soo adeegta meeshay iskaga tuuraan aan ka aruursannaa. Waan dhaqannaa, saas ayaan isaga jacbursannaa.”

Awliyo ayaa dhiilaha, xaaqinnada iyo babiska ku iibisa goob yar oo ganacsi ah oo ay ka dhex sameysatay xerada. Waxaa ka adeegta dadka dariska la ah xerada. Waxay sidoo kale iibisaa alaabaha bakaashka, sida nanaca, khudaarta, batariyada iyo oomada.

Waxay xustay in billowga shaqadan ay dhammaantood u ahayd guul, si gaar ahna ay fursad muhiim ah u ahayd haweenka ay bartay.waxay intaas ku dartay in shaqadan ay haweenka uga fiican tahay shaqooyinkii ay horay u qaban jireen.

“Waxay tan uga roon tahay qoraxda ay ku soo wareegayaan iyo jidka ay dhibaato kala soo kulmayaan. Haddana iyagoo subaxdii baxay oo maqriibkii iyo meelahas imaanaya oo aan wax qaab leh soo helayn. Hadda tan waxay ugu roon tahay subaxdii ayay soo xaroonayaan. Ilaa lix saac way baxayaan. Ilamahoodana waa ogyihiin, shaqadoodana waa ogyihiin.”

Xerada waxaa deggan 300 oo qoys oo badankood ka soo barakacay fatahaadaha webiga Shabeelle iyo dagaal qabiillada ku soo laa-blaabtay gobolka Shabeellaha Hoose.

Xaliimo Muumiin Guure oo ah hooyada afar carrruur ah waxay ka mid tahay haweenka ku shaqeysta farshaxanka. Waxay u sheegtay Raariyo Ergo in qoys ballaaran ay ka maareyso noloshooda alaabahan ay sameyso.

Waxa ay sheegtay in qoyskeeda oo ka kooban 40 qof oo isugu jira ah carruurteeda, walaalaheed iyo carruurta ay dhaleen ay ku kabto dhaqaalaha soo gala. Si maalin dhaaf ah ayay u heshaa lacag dhan 10 doollar.

Xaliimo ayaa tilmaamtay in ay Iskaashadaan haweenka kale ee ka shaqeeya farshaxanka si uu kordho daqligooda, isla markaana ay si wadajir ah u soo saaraan mararka qaar alaab badan taas oo ay kala qeybsadaan lacagta ka soo gasho.

Tan iyo markii ay haweenkani billaabeen shaqada soo saarista alaabahan ayay xuseen in wax badan ay iska beddeshay dhaqalahooda guud, waxbarashada carruurtooda, cuntada, biyaha iyo dhammaan baahiyahooda, ayna ku qanacsan yihiin sida ay u socoto shaqadooda.

The post Muqdisho: Haween barakacay oo iskaashi ku sameeya alaabaha farshaxanka oo carruurtooda u hela cunno ku filan iyo waxbarasho appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Boosaaso: Qoysas soo barakacay oo dhibaato ku qaba lacago looga qaado isticmaalka suuliyaal kiro ah
(ERGO) – Qoyska Ruqiyo Maxamed Sheekh Xasan oo daggan xerada dadka soo barakacay ee Farjanno ee magaalada Boosaaso ayaa dhibaato ku qaba lacag looga qaado isticmaalka suuli wadareedyo kiro ah oo xerada dhexdeeda ah oo ay lee yihiin dad deegaanka ah, kuwaas qofka ku xaajoonaya halkii marba laga qaado shan kun oo shilin Soomaali ah.

Qoyska ruqiyo oo dhaqaalo xumo ay soo wajahday ayaa markii ay awoodi waayeen lacagta suuliyada waxa ay ku qasbanaadeen in deyn ay raadsadaan.  qofka ku xaajoonaya waxaa halkii marba laga qaado shan kun oo shilin Soomaali ah.

Ruqiyo ayaa sheegtay in helitaanka nolol maalmeedka uu xilligan ku adagyahay kadib markii uu labo bil ka hor shaqa la’aan noqday odaygeeda oo ah xamaali dhagaxa dhismaha ka shaqeeya, Sidoo kalana uu horraantii bishan ka burburay ganacsi yar oo ahaa qudaar ay ku iibiso iridka gurigeeda, kadib markii ay qaaliyowday qudaartu bilahan jilaalka ah, ayna awoodi weyday in ay soo iibsato mar kale.

Lacagta hadda ay ku galaan suuliga ayey sheegtay inuu soo deynsado odaygeeda, mararka qaarna ay saaxiibadiis ku caawiyaan. siddeed qof oo qoyskeeda ah ayey xustay in maalinkii laga qaado afartan kun oo shilin Soomaali ah, una dhiganta $1, marka uu qofkiiba halmar isticmalo maalinkii, balse lacagta ayaa intaas ka badata waxeyna ku xirantahay inta jeer ee ay ku noqnoqdaan suuliga. Qubeyska ayey sheegtay in ay joojiyeen si aysan ugu sii badan lacagta suuliga.

Wali waxa ay ku qasban yihiin in ay iibsadaan biyaha ay cabitaanka iyo cunno karinta u isticmaalaan, waxeyna Ruqiyo sheegtay in lix iyo toban kun oo shilin oo ah $0.40 ay maalinkii  ku soo iibsadaan afar jiirkaan oo labaatan qaad ah.

“Walaahi deynaa iskaga sii bixinaa. mararka qarkood daasadaa ciyaalka isaga dhiganaa waxaan dhahnaa ordaha iskaga saxaroodoo badda iska geeya sababtoo ah awood ayaan u weynay.”

Ruqiyo ayaa ka walaacsan ilaa iyo inta ay sii heli karaan deynta iyo caawimaadda uu seygeedu uu ka helo saaxiibadiis. Iyadoo hadda lagu lee yahay deyn gaareysa $30. Waxa ay tilmaantay in qoyskeeda oo ka kooban 15 qof ay noloshoodu ku tiirsantahay raashiin uu mar-mar u soo deynsado odaygeeda iyo qaxwe ay ku iibiso gurigeeda hortiisa oo maalinkii ay ka hesho wax ka yar $1. Xaaladan ayaana sababtay in 24-kii saacba ay labo mar karsadaan raashiin aan ku filneyn, halka markii hore ay saddexda waqti heli jireen cunno ku filan sida ay sheegtay.

“Bunkasaan iska xirxirtaa. nus doolar iyo todobaatan iyo shan Cent ka badan kama helo, dhibaato wayn baa na haysa waxna ma haysanno.”

Dhaqaale xumida soo wajahday ayaa sababtay in waxbarasho la’aan ay noqdaan siddeed caruur ah oo ay dhashay, kuwaas oo labo bil ka hor waxbarashada ka haray kadib markii ay awoodi wayday lacag $21 ah oo ay bishii uga bixin jirtay dugsi Qu’aan ay dhigan jireen.

“Meel walba waa ka soo cakirantay. ciyaalkii shalay waxbarasho ii jiray guryahey noo wada fadhiyaan.”

Qoyska ruqiyo oo xeradan ku nool tan iyo sanadkii 2002 markaas oo ay Muqdisho uga soo barakaceen xaalad amni ayaa sidoo kale bil walba laga qaadaa $5 oo ah kirada dhulka ay degantahay oo ay leeyihiin dad deegaanka ah.

Qoysaska xeradan ku nool oo tiradoodu gaareyso siddeed boqol oo qoys ayaa dhulka ku degan heshiis dhexmaray iyaga iyo dadka dhulka leh, waxaana heshiiskaas qeyb ka ahaa in aysan qodan karin suuli, balse ay suuliyaashu ahaadaan kuwo kooban oo kiro ah.

Suuliyada la kireeyo ayaa ah labaatan sida ay sheegtay Arda Cabdullaahi Muuse oo ah gudoomiyaha xeradan oo qudheedu ah dadka soo barakacay ee halkan ku nool ku dhowaad soddon sano. Arda ayaa sheegtay in ay ku qasbanaayeen in ay aqbalaan heshiiskan, madaama sida ay sheegtay ay ku adagtahay in ay helaan dhul ay lacag la’aan ku degaan oo magaalada dhexdeeda ah.

“Dhib badan bay ku qabaan dadku, hadana waan ku qasbanahay oo ma heleyno dhul nagu haboon oo aan degno. waxaan baaq u diri lahaa dowladda inay dhulal ay iyagu leeyihiin noo helaan.”

Agaasimaha waaxda arimaha bulshada magaalada Boosaso Cali Axmed oo aan weydiinay waxa uga qorsheysan qoysaska soo barakacay ee marxaladan wajahayaha ayaa sheegay in dowladdu ka warqabtay caqabadaha dhulka ka haysta qoysaska barakaca ah, hasa yeeshee aysan u heli karin dhul dowladeed oo magaalada dhexdeeda ah oo boqolaal qoys la dajin karo.

Waxa uu xusay in hadda uu heer dhexe marayo qorshe xal waare ah oo qoysaskan lagu dajinayo dhul dowladdu leedahay oo cirifka bari ee magaalada ku yaalla, kaas oo hadda looga dhisayo guryo degaan ah oo la dhameystiri doono dhammaadka sanadkan.

“Xaafad layiraahdo Gerible ayaa laga dhisay illaa labo boqol oo guri, hadana waxaa laga wadaa boqol guri. siddeetan guri oo kalana hadaa larabaa in laga dhiso.”

Waxaa jira xeryo ku yaalla dhul ay dowladdu leedahay oo duleedka magaalada ah, kuwaas oo aan kiro laga qaadin qoysaska dagan. balse fogaanshaha dhulkaas ayey qoys badan ka doorbidayaan xeryaha magaalada ku dhexyaala si ay ugu fududaato in ay ka xoogsadaan magaalada.

The post Boosaaso: Qoysas soo barakacay oo dhibaato ku qaba lacago looga qaado isticmaalka suuliyaal kiro ah appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Caabudwaaq: Lammaane wayeel ah oo arragga naafo ka ah oo ka tuugsada wadooyinka
(ERGO) – Faadumo Maxamuud Geelle iyo saygeeda Cali Xuseen Jimcaale oo ah laba qof oo weel ah aragana naafo ka ah, kuna nool xerada Salaama oo ay degan yihiin qoysas barakacay ayaa nolashoodu ku tiirsan tahay lacago yaryar oo ay ka soo tuugsadaan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Labadan qof ayaa marki hore biil boqol doolar ka heli jiray wiil uu adeer u yahay Cali Xuseen oo ku nool dalka Kenya balse ku shaqo beelay COVID19-ka oo saamayn dhaqaale ku sababay dunida.

Faadumo oo la hadashay idaacadda Ergo ayaa sheegtay in wiilki biilka u soo diray, uu meeshi uu ka shaqayn jiray laga fasaxay bishi afaraad ee sanadki hore, taasi oo keentay in uu awoodi waayo in uu u soo diro lacagti u ku caawin jiray .

“Waxaan helnaa 1-2 doollar, maalinta ugu fiican, waxaan ku soo gadnaa caano iyo sonkor, maalinta aan xanuusanno waan iska joognaa maalinta aan fiicnahay waan baxnaa si aan dadka kaalmo u waydiisanno,” Sidaa waxaa tirir Faadumo.

Waxaa subax walba ka xeeya oo magaalada geeya wiil uu dhalay wiilkooda, maadaama aysan  waxba arkin.

Dhanka kale Faadumo iyo Saygeeda, ayaa ka welwel ka qaba roobabka guga oo la filayo in uu dhawaan da’o, sababta oo ah ma haystaan hoy hagaagsan oo ka celin kara dhibicda roobka.

Qoysas gaaraya 750  oo ku nool xerada barakaca ee Salaama oo ku taalla duleedka dagmada Cabudwaaq, ayaa wahajaya raashin yari iyo biyo yari taasi oo ka dhalatay saamaynta dhaqaale uu sababay cudurka COVID19-ka.

Qoysaskan ayaa nolashoodu ku tiirsanayd caawinaad ay ka heli jireen dad ay qaraabo yihiin oo lacago yar u soo diri, gargaar ay siin jireen hay’daha samafalka iyo shaqooyin yaryar oo ay ka soo qaban jireen magaalada Caabudwaaq.

Sahro Cabdi Samatar oo ah hooyo haysata sideed carruur ah, ayaa ka mid ah 150 qoys oo ku tiirsanaa lacago dibadda looga soo diro, carruurteeda adeerkood oo ku nool dalka Maraykankan ayaa bil walba u soo diri jiay 150 doollar oo ay ku maarayn jirtay nolasha qoyskeeda, balse muddo toddobo bil ah ma haysan helin wax biil ah kadib marki ay shaqo la’aan ku dhacday qofki soo biili jiray.

“Hebeenkii bas ayaan carruurta dabka wax u saaraa maalinkaas oo dhan mar in aan shah dabka u saaro maahane wax raashin ah, uma kariyo, xilligii hore ee aan lacagta qaadan jiray casho iyo qadaba waan u Karin jiray oo raashin baan haysannay,  ilaahay waxaan ka baryaynaa in uu cudurkaas naga hor-qaado, nolosheennii wuxuu galiyay cariiri”

Qofki soo biili jiray qoyskan oo  ahaa wade-taxsi ah, ayaa  xayiraadaha ka dhashay Karoonaha ay sabab u noqtay in uu joojiyo shaqada.

Sahro ayaa hadda cuntada ay u kariso carruurteeda ka soo qaatada dukaamo ay qaarkood leeyihiin dad ay qaraabo yihiin  iyo kuwa kale oo ku yaalla magaalada Caabudwaaq oo ay u sheegto duurafta haysta ee cunto la’aanta ah, Kuwaas oo ugu deeqa raashiin kiilooyin ah.

“Kama fekaro in carruurtayda ay helaan cunto nafaqo leh laakiin waxaan ka fekeraa inay helaan cunto ay ku noolaadaan si gaajadu uga ba’do oo kaliya, cunto yaabis ah ayaan siiyaa”

Saamaynta Karoonaha kuma koobna oo kaliya dadka dibadda laga soo biili jiray, basle wuxuu aad u saameeyey dadka qabta shaqooyinka yaryar ee la soo bax nolal maalmeedka.

Cabdi Maxamed Daahir, oo ku shaqaysan jiray baabuur dhaqista oo maalinti ay ka soo gali jirtay shan dollar oo uu ku maarayn jiray nolasha qoyskiisa oo ka kooban sagaal qof, ayaa sheegay in fursadaas ay meesha ka baxday marki Soomaaliya uu soo gaaray cudurka Karoonaha oo sababay in dadku kala shakiyaan.

“Baabuurta markii ay galinka hore shaqeeyaan ayay soo dhigi jireen meel, meeshaas ayaan ku dhaqijiray, hadda lama soo dhigo oo nin walbaa waa xaraystay dadkii waa kala shakiyay, haddaad hadda u timaad qaf gaari meel u yaallo oo aad isku daydo in aad wax ka raadsato, qofka wuxuu ku leeyahay maya maya ha ii soo dhawaan saaxiib meesha shaqo yar ayaan u imid waana laabanayaa.”Sidaa waxaa Radio Ergo u sheegay Cabdi Maxamed Daahir.

Gudoomiyaha xeradan Indiriis Aadan Cabdulle, ayaa sheegay in uu magacaabay gudi ka kooban 11 qof,  kuwaas uu kuur gala xaaladda dadka, si loo caawiypo qoysaska xaaladoodu liidato ee aan waxba karsan. Wuxuu intaa ku daray in dadku haystaan kaarar ay siiyeen hay’adaha samafalka blasé sideedi bil ee la soo dhaafay aysan helin caawimaadd.

The post Caabudwaaq: Lammaane wayeel ah oo arragga naafo ka ah oo ka tuugsada wadooyinka appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Gedo: Xoogsatada cusbada oo wajahaya shaqo la’an kadib markii roob yari u qalaleen gododkii laga qodayay cusbada
(ERGO) – Xoogsato muruq-maal ah oo ku tiirsanayd wax soo saarka milixda laga qodo deegaanka Cusbo oo 40 km u jira dagmada Luuq ee gobolka Gado ayaa wajahaya shaqo-la’aan keentay iney waayaan dhaqalihii ay ku maarayn lahaayeen nolosha qoysaskooda, arrintan ayaa timid markii gododka cusbada laga qodo aysan biyo galin si cusubadu u samaysanto labadii xili-roobaad ee u danbaysay.

Cabdulqaadir Maxamed Isaaq oo 36 jir ah ayaa ka mid ah xoogsatadan oo u badan xoolo-dhaqato hore oo abaaruhu ay cayrteeyee, shaqada cusbo la bixidda ayuu ku biiray horraantii sanadkii 2016-kii markaas oo abaartu ay ka dishay 125 neef oo ari ah.

Ninkan oo roob la’aantu saamaysay mar kale wuxuu walwal ka muujiyay xaaladda adag ee ay ku jiraan qoyskiisa 8 qof ah, wuxuu sheegay in $150 uu ka heli jiray shaqadiisii bil walba, taasi oo ku filnayd noloshooda, haddase ay meesha ka baxday.

“Bishii waxaa ii soo bixi jirtay markay u yartahay 300 kiish ilaa 350 kiish, nolol-maalmeedka reerka iyo wax walboo dhanna waan ka helayay, hadda roob la’aan baa ka dhacday cusbadiina waa la waayay illeen roobkay ku shaqaynaysay bahashuye.”

Shan boqol xoogsato ah ayaa ku wehlinayay Cabdulqaadir shaqada cusbo la bixidda waxaana 350 ka tirsan ay ahaayeen xoolo-dhaqato hore, wuxuu xusay in il-dhaqaale oo fiican ay u ahayd qaar ka tirsan qoysaskii abaaruhu 4 sano ka hor ay saameyeen.

Qoyska Cabduqaadir ayaa hadda ku nool raashin uu ka soo daynto goobaha ganacsi ee deegaanka cusubo oo ay karsadan hal waqti maalintii, wuxuu ka mid yahay xoogsato faro-ku-tiris ah oo wali gunta hoose ee gododka ka jabsada haraadiga cusbada, toddobaadkiiba mar ayuu ka helaa 3 kiish oo cusbo oo halkii xabbo uu ku iibsado nus dollar.

“Waxaa shaqaysa hadda oo aan waxba ka helin waaba la iskaga kala tagaye markay u yartahay 20 nin 30 ayaa dhex gasha oo iska dhex taagan oo wax kale oo micno leh wayday, marka shaqalo la’aan baaxad leh baa ka jirta abaarana way jiraan.”

Xoogsatada qaar ayaa qoysaskooda u la barakacay dagmada Luuq halka kuwa kalana noloshooda si yaabo kala duwan ay u maareeyaan, Xasan Geeddi Mataan oo in ka badan saddex sano ka shaqaynayay gododka milixda laga qodo wuxuu ka mid ahaa dadkii barakaca abaareed ku yimid tuulada cusbo sanadkii 2017-kii, markii abaarta uu ku waayay in ka badan 200 neef oo ari ah iyo 35 lo’ ah.

Shaqada cusbo la bixidda oo nolosha qoyskiisa oo 9 qof ah uu ku dabbarayay ayaa sidoo kale ka caawisay in uu dib u iibsado 40 neef oo ari ah oo 25 qayb ka ahaa hadda uu dhaqdo, Cabdulqaadir ayaa sheegay in 7 ka tirsanaa xoolahaas haraad ay u dhinteen inta kala uu iibsaday.

Sayladda xoolaha Luuq oo aan kula kulmay ayuu keenay neef saamaynta abaartu ay ka muuqatay. Waxa uu ii sheegay in saddexdii maalin u danbeysay uu ku soo cel-celinayay suuqa walina aan laga iibsan.

“Wax hadda aan qoysaska ku dabbarno ma hayno sababtu waxa weeye wax cusbo ah oo hadda aan soo saarno ma jirto, dantu waxa ay na badday in xoolihii yaraa ee annaga markii hore aan ka tabcannay cusbada in aan dib suuqa u sii gayno oo carruuurta aan dhalnay raashin ugu soo iibinno.”

Xasan wuxuu sheegay in nolosha qoyskiisa ay soo ka banayeen sanadihii 2018 ilaa 2019 saamayntii abaarta maaddama shaqado cusbo la bixidda dhaqaalo ku filan ay ka helayeen, hadda oo xooluhu abaartu ka hayso shaqadiisiina uu waayay waxa uu qorshaynayaa in uu qoyska ula hayaamo dagmada Luuq haddii aan la helin roobka guga bilaha soo socda.

Guddoomiyaha Tuulada Cusbo Maxamed Qaasim oo u waramay Radio Ergo ayaa sheegay in qoysaska deegaanka ay iskugu jira xoolo-dhaqato, beeralay iyo xoogsato, kuwaas oo ay qaarkood u barakacay dagmooyin ka tirsan gobolka Gado intii lagu guda jiray sanadkan 2021.

Dadka ayaa biyaha ka cabba wabiga Jubba oo aad hoos ugu dhacay halka helid cunnaduna ay adkaatay.Guddoomiya waxa uu xusay in ilihii dhaqaalaha tuulada ay xirmeen maaddama abaartu sii xooggaysatay.

“Cusbadu waa beer oo kale roobka ayay ku tiirsan tahay haddii roob lawaayo biyaha la waynayaa waxay ku dhatana waa biyaha, sanadkii hore maahe sanadkan cusbo maleh.”

Deegaanka Cusub oo ay ku nool yihiin in ka badan 1,500 qoys saddex bil gudahooda waxaa ka barakacay ku dhawaad 400 qoys oo u badan xoolo-dhaqato daaq u waayay xoolahooda sida uu sheegay guddoomiyaha deegaanka, wuxuu ka dayriyay sida xaaladdan ay ugu sii jiri karaan qoysaska ay ku jiraan carruur iyo dad waayeel ah ah oo aan noloshaan xamili Karin.

The post Gedo: Xoogsatada cusbada oo wajahaya shaqo la’an kadib markii roob yari u qalaleen gododkii laga qodayay cusbada appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Biyo-dhaamin dilan ku sababta haweenka uurka leh ee xeryaha Beled-Xaawo
(ERGO) – Wiilo Mustaf Xasan oo ah hooyada lix carruur ah, waxay ka mid tahay 142 haween oo tan iyo bishii Maayo ee sanadkii hore biyaha ka soo aroorta webiga marki ay meesha ka baxeen biyo si bilaash uga heli jireen tubbooyin xerada ugu jiray.

Wiilo oo si maalinle ah biyaha u soo dhaamisa ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay inay dhibaato kala kulantay jirkaan 20 Litar qaad ah oo ay la kuftay bishii Oktoobar iyadoo leh uur shan bil ah.

“Wabiga rafaadka aan ku qabbo hadda ka hor inaam ku dilmay oo kasoo aroortay,dilankii ilaah amarkii allaa hadda caafimaad aan ka helin mar xoogoo dhiig iga imaanaya illaa hadda lagu jiro dhib lagu qabbo biyahaas arooritaan kooda wabiga kasoo dhaaminaayo kaligeyaan ahay wax weyn oo cunug qaan gaaray oo hadda kaligiis biyyo soo dhaaminaayo ma haysto,waan iskaaga socdaa lee waan iska luudaa waa iskaga soo dhaansanaa saas oo ay tahay oo aan iskaaga socdaa.”

Waxay tilmaamtay in iyada oo aan helin daryeel caafimaad ay biyo aroorka dib u billowday bishii Diseember. 60 liitar oo biyo ah ayay labada galin soo dhaamisaa Wiilo.

Shan jirgaan oo labaatan qaad ayaa ku filan qoys ahaan maalinkii, awoodse uma laha iibsashada biyo firishyo oo laga helo xerada ay ku nool yihiin, kuwaas oo markii hore ay bilaash ku cabi jireen.

Raadiyo Ergo ayay u sheegtay in qoyskeeda oo nolol ahaan ku tiirsan yahay shaqooyin xoogsi ah isla markaana ay ka hesho lacag dhan $1.5 oo aan ugu filnayn inay u kala qeybiso cunnada iyo biyaha.

“Subax kasta lacag biyo lagu iibsado ma haysto. Waxaan u awoodi waayay biyahaas lacagtaas dhar dhaqaalka ah wax lacag fiican ma jiraan haddii xoogoo labo boqol boqol iyo konton boqol hadaad soo hesho kiilada bariiska iyadaa boqol iska ah iskaga gad caruurtii maxaa marka, suuga iyo waxaasna ma jiraan.”

Dhibaatooyinka ay haweenka kala kulmaan biyo aroositan ayaan ku ekayn culeyska jirkaanka oo ay masaafo dhan 5 km dusha ku soo qaadaan markiiba 20 liitar.

Haween 37 ah oo xerada deggan ayaa biyo aroorista uga haray markii ay ilmo ugu soo dilmeen caagga ay dusha ku soo xambaareen oo ay la kufeen.

Haweenkaas waxaa ka mid ah Salaado Maxamed Buule oo ah hooyada siddeed carruur ah. Waxay Raadiyo Ergo ayay u sheegtay in saddex saac ay ku qaadan jirtay socodka u dhexeeya guriga iyo webiga. Culeyska iyo masaafada dheer ay u dulqaadan jirtay laakiin dhib soo gaaray dartiis ay uga hartay dhaaminta biyaha bishii 12-aad ee sanadkii hore.

“Markii aan arooray jirgaan aan saarsaday ayaan la kufay markaasi ka bacdi ayay ilmaha sidaa iiga dilmeen, markii aan saaranayay ayaan la kufay oo ilmo shan bilood iga soo dilmeen.”

Salaado oo 34 jir ahWaxaa hadda biyaha u soo aroorta qoyskooda gabadha u wayn carruurteeda oo 14 jir ah.

Hooyadan ayaa tilmaamatay in tan iyo markii ay dhibaatadu soo gaartay ay dareemeyso xanuun badan. Waxay xustay inay heli waysay dhaqaale ay cisbitaal ku aado markii ay ilmuhu ka dilmeen.

“Xanuun waa jiraa dhiig baxbaa jiro dhabarka waa i kala go’anyahay,qof dilmay adigaba waad taqaan qof looma sheegayo xanuunka dilankaasi hadda dhabarka ayaaba ii daran.”

Xerada Ajuuraan oo ay ku nool yihiin ku dhowaad 500 qoys ayaa abaar iyo colaado isbiirsaday ugu soo barakacay deegaannadoodii n intii u dhaxeysay sanadihii 2015 ilaa 2018.

Waxay biyaha heli jireen labo haamood oo uu u dhisay urur maxaliga ah ee Cosob oo ka shaqeeya arrimaha bini’aadannimada. Dadka maamula haamaha ayaa siddeeddii bilood ee ugu dambeysay billaabay inay dadka barakacay ka iibiyaan biyaha iyaga oo 40-kii liitar ka siiya 15 shilin oo lacagta kenya ah.

Waxaa arrintaas ka dhalatay in saddax meelood labo meel qoysaska xerada ku nool ay u aroortaan webiga Daawo markii ay awoodi waayeen lacagta biyaha lagu gadayo.

The post Biyo-dhaamin dilan ku sababta haweenka uurka leh ee xeryaha Beled-Xaawo appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Qollaji: xayiraadda Covid-19 oo waxbarasho la’aan dhigtay in ka badan kun arday
(ERGO) – Xayiraadda Covid-19 ayaa waxbarasho la’aan dhigtay 1,013 arday oo dhiganayay iskuulka hoose/dhexe ee xerada dadka soo barakacay Qollaji ee gobolka Faafan ee dowlad deegaanka Soomaalida.

Maamulaha iskuulka Qollaji Xuseen Tamaan Siraad ayaa sheegay in ka hor cudurka Covid-19 ay halkii fasalba fariisan jireen 150 arday, balse iyagoo fulinaya amar ka soo baxay wasaaradda caafimaadka Ethiopia oo ahaa in fasalkiiba ay fariistaan 25 arday ay ku qasbanaadeen in waxbarashada ay ka fasaxaan boqolkiiba 42% ardayda dhiganeysay Iskuulka oo tiradooda guud ay aheyd 4,666.

Maamulaha ayaa intaa ku daray in ardayda hadda dhigata iskuulka oo ah 3,653 aysan ku filneyn fasalada iskuulka oo saddeed ah, taasina ay kaliftay in ardayda qaar ay wax ku baraan bannaanka iskuulka. bal Xuseen ha inoo faahfaahiyo waxa ay ku kala saareen ardayda waxbarashada laga reebay iyo kuwa dhigta.

“Waxaan u kala saarnay kolba siday da’dooda u kala hooseeysay ee ay u kala yaraayeen. maadaama da’doodu yaryar tahay ama aanay iyagu xitaa caafimaadkooda eegi karin.”

Xuseen ayaa tilmaamay in sidii loo galay marxaladda Covid-19 ay meesha ka baxday kaalmo ah buskudka nafaqada iyo agab waxbarasho oo ardayda uu ku caawin jiray guddigga badbaadada caalamiga ah (IRC) oo gargaarka bani’aadantinimo ka shaqeeya. waxa uu intaa ku daray in baabuur ay wadooyinka ku jiirtay saddex arday oo ka tirsanaa ardaydii waxbarasha la’aantu ku dhacday.

“Kaan arkay ee aan goob-joogga u ahaa wuxuu ahaa hal arday, kuwa kalese goob joog umaan ahayn. ardayda beriggii hore hay’adda IRC ayaa u keeni jiray buskud, buug, qalimaan, markii COVID-19 uu dhacay ka bacdi hay’addaa laftigeedu iyaduna meyna imanin.”

Iskuulka Qollaji ayaa ka sameysan jiingad iyo alwaax leysku dhagajiyay, waxaana 2018-kii hirgaliyay IRC.

Xiis Maxamuud Daahir oo qoyskeedu ka tirsan yahay qoysaska ku nool xeradan ee waxbarashada carruurtooda uu saameeyay Corona ayaa hadda u warwareysa mustaqbal waxbarasho ee carruurteeda oo hakad gashay bishii afaraad ee sanadkii hore.

Xiis ayaa ku fakartay in carruurta ay geyso iskuul bilaash ah oo dowladdu leedahay oo ku dhowaad 40km u jira, balse waxa ay sheegtay in ay u awoodi weyday lacagta gaari raaca. ardayduna aysan lug ku gaari karin. Sidoo kale, shan carruurteeda ah waxaa uga dhacay cudurka Covid-19, kuwaas oo ka tirsanaa 23 qof oo ku nool xerada oo laga helay cudurka.

“Carruurtii meel aan geeyno ma jirto, xaafadeey ii dhex fadhiyaan intii la karantiilay intii ka danbaysay. walwal badan ayaan ka qabaa, sababtooy tahay iskuul ma dhigtaan, xitaa quraankii ay dhiganayeen bey ka habsaameen.”

Saameynta nololeed ee Covid-19 uu ku yeeshay nolosha qoysaskan barakacayaasha ah kuma koobna waxbarashada oo kaliya, balse waxaa bishii September joogsaday raashin ka kooban bariis, bur,sokor, misir, baasto, buskudka nafaqada iyo boorash ay bishiiba mar siin jireen hay’adaha WFP, Camuud Foundation iyo IRC. Sababta hay’adihii taageeri jiray ay u joojiyeen kaalmada ayaa xukuumadda dowlad deegaanka Soomaalida waxa ay ku sheegtay in ay la xiriirto xayiraadda Covid-19. In kastoo wali xerada ay qamadi ka bixiso hay’adda cunnada u qaabilsan qaramada midoobey ee WFP.

Xiis oo ah hooyada lix carruur ah oo afarsano deggan xerada Qollaji ayaa Radio Ergo u sheegtay in kaalmadaas ay waayeen ay sababtay in nolosha qoyskoodu ay hoos u dhacdo.

“Cunto daruuri ah oo dheellitiran ma haysanno, waxaa yaree ee WFP noo soo tuurtuureyso ee dadkii aan ku filneyn weeyaan waxa meesha ka jiraahi.”

Culeyska ay wajahayso darteed, Xiis ayaa billowday ganacsi yar oo ah baatiga dumarka iyo dharka carruurta oo ay ku dhex iibiso xerada, si ay u helaan iidaan ay ku cunaan qamadiga la siiyo oo ay xustay in aysan kaligiis ku tiirsanaan Karin. Lacag $200 ah oo shan bil ka hor uu siiyay walaalkeed oo boosaaso jooga ayeyna ku bilowday ganacsigan.

Qoyska Xiis Maxamud daahir ayaa afar sano ka hor barakac ku yimid xeradan, kadib markii uu saameeyay dagaal u dhexeeyay qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida. Waxa ay sheegtay in la jajabiyay wixii alaab ahaana laga qaatay guri saddex qol ah oo ay la haayeen, lagana dhacay ari 156 neef ah oo ay dhaqanayeen, taas oo ku kalifay in ay ka soo barakacaan degmada Baabili oo ay ku noo laayeen.

“Wixii hanti ahaa ee dhul ahaana waanu ka nimid oo Oromada ayaa bililiqaysatay, guryihiina dumisay, xoolihiina la wareegtay.”

Masuulka XafiIska ka hortagga iyo u diyaar garowga musiibooyinka deegaanka Soomaalida ee xerada Qollaji Xasan Cabdi Mursal ayaa sheegay in xannuunka Covid-19 uu hakiyay sanadkii hore qorshe dib u dajin ah oo dowladdu ay soo bilowday 2019-kii kaas oo dib u dajin loogu sameeyay ku dhowaad 800 oo qoys, balse xafiiska ayaa sheegay in ay hakiyeen qorshahaas markii qoysas daggan xerada laga helay xannuunka Covid-19, bartamihii bishii afaraad ee sanadkii hore. wallow waxa kaliya ee loo sameynayo qoysaska soo dalbada ay tahay in dowladdu geyso deegaanka uu dalbado.

“Haddee annagu uma hayno xal kale, laakiin xiliggii xannuunkan Covid-19 intii aan xeradan laga helin ka hor dad baa la raray. 302 qoys oo Jinacsanay loo raray, illaa 126 qoys oo wardheer loo raray, xaggan 290 loo raray Goljanno, birqod oo iyadan 70 iyo wax loo raray.

Xerada Qollaji oo la aasaasay sanadkii 2016-kii ayaa guud ahaan qoysaska deggan oo tiradoodu tahay 13,920 kun oo qoys waxa ay ka soo barakaceen colaado ka dhacay deegaanno dhaca xadka ay wadaagaan maamulka Oromada iyo kan Soomaalida, sanadadii 2016 ilaa iyo 2018-kii.

The post Qollaji: xayiraadda Covid-19 oo waxbarasho la’aan dhigtay in ka badan kun arday appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Boqollaal qoys oo dulsaar ku ahaa dad barakacay oo guryo looga dhisay xeryo ku yaalla Muqdisho
Shan boqol iyo lixdan iyo lix qoys oo deggan xeryaha ku yaalla degmada Kaxda ayaa Feberaayo iyo Janaayo lagu wareejiyay guryo dhisan oo ka sameysan alwaax, baco iyo maryo. Waxaa u weheliyay maacuunta wax lagu karsado, bustooyin iyo soolarro yar-yar. Qoyaskan ayaa isugu jira kuwo dhawaan yimid xeryaha, kuwo horay u degganaa oo ay hoy xumo haysay, halka qaarna ay  dulsaar ku ahaayeen qoysas kale.

Naciimo Caydaruus Jaamac waxay  ka mid ah 290 qoys oo ku nool xerada Awbaalle ee degmada Kaxda kuwaas oo la siiyay guryaha horaantii bishii Janaayo ee sanadkan. Tan iyo markii ay timid xerada saddex sano kor hoy xumo ayaa dhibaato kuhaysay iyada iyo carruurteeda.

Waxaa gababad u ahaa buush yar oo marooyin laysku geeyay ka sameysnaa kaas oo aan ka celin jirin roobka, qabowga, qorraxda iyo dabeylaha. Waxay hadda ku hoyataa guri uga wanaagsan kii hore oo ay siisay hay’adda HINNA oo ka shaqeysa caawinta dadka barakacay iyo haweenka.

“Dhanka hoyga dad meel haysta maanan ahayn, buushash yaryar ayaan iska seexanaynay, haddana dad guri ka soo kacaaya baa nahay. Waxaa naloo dhisay guri Filibiin la dhaho oo alwaax ah dermihii ayaan isaga seexanaa.”

Dhibaatooyin hore u soo maray ayay dib u gocataa Naciimo. Saygeeda oo uu qoysku ku tiirsanaa ayaa ka mid noqday dadkii ku dhintay qaraxii ka dhacay Ex-kontoroolka Afgooye 28 Diseembar  2019. Hooyadeed iyo wiil la dhashay oo reerka ugu yaraa ayay sidoo kale ku wayday fatahaaddii webiga Shabeelle uu ka sameeyay magaalada Beledweyne sanadkii 2018.

Shan carruur oo ka ugu weyn uu jiro siddeed sano ayay Naciimo masuul ka tahay. Labo carruurteeda ka mid ah ayaa laga soo saaray dugsi ay dhiganeen markii saddex billood laga bixin waayay lacagtii laga rabay. Waxay sheegtay inaysan hadda wax baranin oo ay guriga u joogaan.

Shaqada dhar-dhaqidda ayay u aragtay inay biilka reer ka raadin karto kaddib geeridii odaygeeda. Subixii ayay u kabo qaadataa inay soo hesho wixii dabka carruurta oo loogu shidi lahaa. Naciimo oo isku keeni waysay inay wax barto carruurta,iyo  inay dabarto noloshooda. muddo bil ku dhow waxay wajahaysaa shaqo la’aan.

“Nolol maalmeedkii ayaan la’ ahay meel aan ka keeno. Sidii hadda Koroona loo soo celiyay dhar dhaqow ayaan aadi jiray, xaafadihii meel la aadayo ma laha, rafaad baa la taagan yahay. Hadda xalay wax ma siinin dab xitaa carruurtayda uma shidin. Dukaamadii dayn lagama soo qaadi karo. Dayn sidaan u soo qaadaayay dukaamadii dayn ayay igu wada leeyihiin. Inta ii xiran hadda $200 ayaa la igu leeyahay oo raashin iyo waxaas aan carruurta ugu soo qaaday. dukaamadii waxay i dhaheen buuggaagii wuu xirmay dayn kuma siin karo. Xitaa shaah uma karin, waana agoon wax igu garab siinaya malaha.”

Xerada Naciimo ay deggan tahay oo ay ku nool yihiin qoysas kun lagu qiyaasay ayaa dadka guryaha iyo maacuunta siiyay looga xushay in ay yihiin kuwa ugu liita oo haysta dad naafo ah, carruur badan ama agoon ah iyo dad waayeel ah.

Muumino Xassan Cabdi waxay ka mid tahay qoysaska hoy la’aanta ahaa ee hadda laga caawiyay. Geedkii guriga u ahaa ayaan ku dhinac wareysannay. Waxay sheegtay in guriga loo dhisay uu wax weyn uga dhigan yahay iyada iyo carruurteeda oo siddeed ah.

Muumino Xassan Cabdi waxay  ka soo barakacday deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha hoose halkaas oo beer ay ku lahaayeen uu baa’iyay ayax ku degay xilli ay filanayeen inay goostaan, wixii u badbaadayna daad ayaa ka qaaday. Sagaal bil ka hor ayay timid xerada Awballe. Nolosha barakacnimada oo ku cusbayd darteed waxaa ku adkaatay inay la qabsato. Walwalka ugu weyn ee ay la deristay ayaa ahaa helidda hoyga.

Qoysaskan ayaa ka mid ah 2,318 qoys oo guryo looga dhisay xeryaha ay degganaayeen tan iyo bishii May ee sanadkii hore. Mashruuca oo hadda gabo-gabo ah ayaa 379 qoys oo kale guryo loogu dhisi doonaa ilaa bisha afaraad ee sanadkan.

Farxiya Xasan Cumar oo haysatada 8 carruur ah iyo labadeeda waalid oo midi aragga la’ yahay waxay labo bil ku dhawaad dul-saar ku ahaayeen qoys kale, hadda waxay ka mid yihiin qoysaska dhanka hoyga laga caawiyay, noloshaas dul-saarnimada ayay inoo sawirtay iyo waxa iska beddelay hadda.

“Dhanka hoyga markaan dadka dul-saarka ku ahayn ilmaheenna rafaad meel la kala seexanayo ma leh, qof waayeel ah ayaa ii jooga. Aabbahay Ayaan galinaynay guriga qofka walaalka ah uu na siiyay annagana bannaanka ayaan iska seexanaynay.”

Marka laga tago in hoyga laga caawiyay qoysaskan, waxaa xeryaha ka jira duruufo kale saddex haweey ah oo ka mid ahaa dadka deggan ayaa naloo sheegay inay umul raaceen saddex toddobaad ka hor markii ay waayeen gargaar caafimaad. Farxiya oo saddex berri umul ah ayaa sheegtay in ay awoodi waysay in isbitaal ku dhasho.

Abuukar Maxamed ayaa sheegay inay suuragal tahay inuu mashruucan oo kale uu dib u billowdo mustaqbalka. balse uu garowsan yahay in baahida dadka barakacay aysan ku ekeyn helidda guryo loo dhiso.

“Baahi badan way jirtaa guryo keliya uma baahna. waxaan taariikhda ku haynaa dad guryo loo dhisay oo aan helin biyo, oo aan helin cunto, oo aan caafimaadna helin inay meeshii guryha looga dhisay ay uga kala tageen.”

Macluumaad ay sanadkii 2020 soo saareen hay’adaha arrimaha barakaca ka shaqeeya ayaa lagu sheegay in magaalada Muqdisho ay ku nool yihiin barakacayaal gaaraya 500,000 oo qoys kuwaas oo deggan 700 oo xero oo degmooyinka gobolka Banaadir ku yaalla, sida uu noo xaqiijiyay Abuukar.

The post Boqollaal qoys oo dulsaar ku ahaa dad barakacay oo guryo looga dhisay xeryo ku yaalla Muqdisho appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Beledweeyne: Haween barakacayaal ah oo aasaasey ganacsiyo si carruurtooda waxbarashada uga bixiyaan
(ERGO) – Maryan Qaasim Nuur ayaa nolasha sagaal carruur ah ka maaraysa iibinta dhar u saaran miis yar oo u yaalla iridka hore ee xerada Durdur oo ku taalla deegaannka Ceeljaalle ee duleedka magaalada Beledwayne. Ganacsigan oo ay ku jirta muddo laba bilood ah ayay maalinti ka heshaa lacag u dhaxayso 5-8 doollar, waxayna ii bisaa dharka haweenka iyo carruurrta.

Dhibaato badan ayay ku qabtay Maryan helidda nolol maalmeedka qoyskeeda. Dharka ayay dayn uga soo qaadataa dukaan ku yaalla magaalada Beledwayne taasi oo marka ay iibiso dib ugu celiso lafaha dukaanka halka faa’dadana ay u isticmaasho arrimaha qoyskeeda. Waxay sheegtay in u jeedooyinka ganacsiga u furatay tahay  in ay hesho dhaqaale ay ku maarayso nolasha carruurteeda iyo haweenka xerada ay helaan dhammaan adeegga ay u baahan yihiin oo aysan banaanka waxba uga baahan.

“Bagaashka wixii loo baahdo hadda waa laga helaa xerada dhaxdeeda wax dhibaato ah hadda nama haysato, guud ahaan alaabihi loo baahnaa gudaha xerada ayaa laga helaa”

Maryan oo ay xerada uga dhisanyihiin Laba aqal oo buush ah, ayaa horay u ahayd xoolo dhaqato ku naalaan jirtay miyiga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, Waxay halkan timid kadib marki 80 oo ari ah ay kaga le’deen abaar, taas oo ku kaliftay inay nolal u raadiso carruurteeda.

Ka hor ganacsigan waxay subax walba u shan kilo mitir u lugayn jirtay magaalada Beledwayne si ay u soo qabato shaqooyin dhanka nadaafadda ah, oo  maalinta ay  hesho ka soo galijirtay dhaqaale gaaraya 4  doollar.

Maryan oo ka tirsan 11 haween ah oo fikrado ganacsi oo kala duwan ka hirgaliyay xeradan, ayaa sheegtay inay qorashaynayso in carruurteeda ay geyso waxabarasho, madaama dhaqaalaha ka soo galo ganacsigan qayb ka mid ah ay kayd ka dhigato.

Haweenka kale ee ganacsiyada samaystay waxaa ka mid ah Xaawo Maalin Cismaan  oo sheegtay inay heshay fursad ay ku caawiso ninkeeda oo soo saara biilka qoyska, kaas oo qabta shaqo muruqmaal ah, oo aan joogta ahayn.

Xaawo oo  haysta lix carruur ah ayaa hilib ku dhex iibisa xerada, maalmah asi fiicna wax looga iibsado waxaa ka so ogala lacag u dhexaysa 4-8 doollar oo faa’ido.

”Hal neef ayaan maalintii qalaa wax uun ayaan ka raadsadaa oo rabbi iiga calfo, waan isku celcelshaa marka ganacsigeyga sidaas ayuu yahay dadka xerada ayaa iga iibsado iyo dadka kale ee soo raaca iyo waxii maqal iyo socod ku yimaadda marka nolosha dhan kuma wada maareeyn karo waxbarasho iyo daawo ayaa la rabaa laakiin nolol maalmeedka ayaan ka raadsadaa.

deegaanka Nagaarta oo hoos yimaado degmada Matabaan ayey Xaawo ka soo guurtay billoowgii 2020, kadib markii ay ka dheceen dagaallo qabaa’il. Wali carruurteeda waxbarasho lama gayn maadaama aysan heli Karin dhaqaalah alagu dhigto iskuullada.

Faadumo Cismaan Cali oo ka mid ah 11 haweenka ah, ayaa ah qofki ugu horreeyay ee ganacsi ka furata xeradan. Sedex iyo toban carruur ah oo ay dhashay ayay nolashooda ka soo saartaa gganacsi bagaash ah.

laba ka mid ah, wiilasheeda ayaa dhigta iskuulka hoose dhaxe ee Bokhaari oo ku yaalla xaafadda Xaawo taako ee magaalada Beledwayne oo kiiba ay ka bixiso lacag dhan 20 doollar.

Faadumo iyo 10 haweenka ah ee ganacsiyada haysta, ayaa sheegay inay jiraan dad danyar ah oo xerada kula nool oo aan awoodin mararka qaar inay wax iibsadaan, sidaa darteedna ay siiyaan dayn haddii ay iska bixin waayan ay u cafiyaan.

The post Beledweeyne: Haween barakacayaal ah oo aasaasey ganacsiyo si carruurtooda waxbarashada uga bixiyaan appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.