Masiibooyinka Archives - Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information

Cunno xumo, biyo yari iyo hoy la’aan isku biirsaday qoysas soo maciin bidday xeryo ku yaalla Jowhar
(ERGO) – In ka badan 4.5 milyan oo qof ayaa cunno xumo, biyo yari iyo hoy la’aan ku wajahaya xeryo barakac ah oo ku yaalla deegaanno badan oo ku yaalla Soomaaliya. Dadkan waxaa deegaannadoodii dib u qabsaday Shabaab, taas oo keentay in ay faro marnaan uga soo tagaan.

Waxay ku sugan yihiin xeryo buux dhaafay oo aysan ka jirin adeegyada biyaha, caafimaadka iyo waxbarashada. Waxay iskula nool yihiin buulal yaryar oo aan wada qaadin iyo meelo bannaan oo ay ooteen.

Maxamed Nuur Cali wuxuu sheegay in carruurtiisa oo kan ugu yar uu labo jir yahay aysan habeenkii hurdo fiican seexan gaajada iyo gabaad la’aanta haysa darteed. Qoyskiisa ayaa dagaalka u dhexeeya ciidanka dowlada iyo shabaab uga soo barakacay degmada Aadan-yabaal bartamihii 2025.

Wuxuu sheegay in ay isaga soo tagaan wax kasta oo noloshoodu ay ku tiirsanayd. Kaalmo kooban oo deris iyo qaraabo ay ka helaan ayay quutaan, ama way qadaan, markii ay waayaan.

“Xaaladda aan ku sugan nahay waa mid adag. Ilahay ayaana og, raashinkii waa cariiri oo dhib ayaan ku qabnaa helidiisa, hal jeer ayaan awoodnaa in aan dab shidano waayo labo mar lama keeni karo oo waa adag tahay.”

Qoyska Maxamed oo siddeed qof ah waxay hore u wajahayeen saamayn ka dhalatay roob yarida. Wuxuu labadii xilli ee u danbaysay awoodi waayay inuu dalag galiyo beer labo hektar iyo bar ah oo ugu taalla degmada Aadan-yabaal.

Xerada Alla-magan ee duleedka Jowhar oo aan lahayn ceel-biyood ayay duruufo isbiirsaday kuwajahayaan, taas oo niyad jab ku abuurtay.

Waxaa iskugu yimid qoysas ka soo barakacay deegaannada Xawaadleey, Ceel-baraf, Biya-cade, Masaajid Cali Gaduud iyo qeybo ka mid ah Hiiraan.

Wuxuu xusay in uusan heli karin lacag uu biyo uga soo iibsado ceel gaar loo leeyahay oo u jira qiyaastii 30 daqiiqo oo socod ah. Dadka ayay waydiistaan wax ay maalinkaas cabaan.

Maxamed ayaa tilmaamay in uu shaqooyin xoogsi ah ka raadiyay magaalada Jowhar, balse uusan waxba ka helin. Meesha oo ay ku cusub yihiin iyo fursadaha oo yar ayuu u sababeeyay. Ninkan xusay in ay safar lug ah oo shan cisho ku qaatay ay ku gaaraan magaalada Jowhar bishii Luulyo.

Carruurtiisa ayuu sheegay in uu ku arkayo qufac iyo qandho badan ku dhawaad bil haya. Xerada ma lahan xarun caafimaad, isna ma awoodo qarash uu isbitaal ugu qaado. Waxaa intaas u dheer in ay ka muuqato tabar darri ay gaajadu ku sababtay.

Waxay isaga soo tageen saddex qol oo jiingad ah, labo aqal Soomaali ah, musqul, barkad, agabkii u dhex yaallay iyo 25 ari ah oo u joogtay. Xoolaha ayaa noqday caato aan gali karin socod illaa 70 km ah oo u dhexeeya Aadan-yaal iyo Jowhar.

“Anagoo faro marn ayaan halkaan nimid. Wax xoolo ah ama raashin ama lacag ah oo aan la imaanay ma jiraan. Nafteena kali ah ayaan la soo cararnay. Wax kasta waa ka soo tagnay hal shay kama aannan soo qaadan magaalada. Dagaalka ayaa nagu kor dhacay waana ka soo orodnay.”

Maxamed ayaa xusay in noloshooda ay ku tiirsanayd beeraha iyo xooloha labadiina ay hadda waayeen. Ma lahan xirfad uu magaalo uga shaqaysto, taas oo keentay in qoyskiisa ay wajahaan culaysyo nololeed.

Dagaallada ciidanka dowlada iyo shabaab ku dhex maraya deegaanno ka tirsan gobollada dalka ayaa xaalado adag u horseeday qoysas badan oo horay u haystay nolol fiican.

Cali Xuseen Cabdi wuxuu cunno, biyo iyo hoy u la’yahay carruurtiisa oo 8 ah iyo xaaskiisa. Ku dhawaad 7 bil oo ay joogeen xerada Jowhar Bile ma aysan helin wax ay noloshooda ku maareeyaan, iyaguna gacan marnaan ayay ku yimaadeen. Xaaladaan ayaa ku riixday in ay dawarsadaan.

“Dad walal ah oo noo damqaday ayaa noo keena raashin bisil ama ciiriin ah, sidaas ayaan ku nool nahay oo meeshaan ku joognaa. Wax dab shitaa naguma jireen. Caqabadaha noogu daran waa hoy iyo cunno la’aan, biyaha oo nagu adag iyo adeegyada caafimaadka.”

Cali ayaa sheegay in tan iyo markii ay yimaadeen uusan ka daalin in uu shaqo ka raadiyo beeraha duleedka Jowhar. Waabarigii ayuu baxaa si uu u helo qof howl u dirsada, balse gabbal dhaca ayuu soo laabtaa isaga faro maran daalna u wehliyo.

Waxay galeen nolol ka liitada middii ay ka soo barakaceen, mana awoodaan in ay dib ugu laabtaan deegaankoodii oo shabaab ay weli haystaan.

Cali ayaa xusay xaaladaan ay uga waxbarasho beeleen shan carruur ah oo daruus bilaash ah ku qaadan jiray deegaanka Xawaadley oo ay ka yimaadeen. Wuxuu sheegay in uusan rajo ka qabin in uu waxbarasho ugu daro tabar la’aanta dhaqaale darteed.

“Carruurtayda oo dhan waxay ii baranayeen dugsi iyo iskuul, haddese guriga ayay iska joogaan aqoon la’aan waaye, meel aan geeyana uma hayo, sababtoo ah agabkii ay wax ku baranayeen ayaanan u heli karin. Sanad-dugsiyeedkaan wuu dhaafay ilmahayga.”

Cali ayaa sheegay in deegaankoodii ay ku haysteen nolol tan dhaanta. Waxay ka soo baraceen beer hal hektar ah iyo labo qol oo cariish ah oo ay tuulada ku lahaayeen. Ninkaan ayaa tilmaamay in gurigiisa uu hadda noqday fariisin ay joogaan Shabaab.

Waxay ahaayeen beeraley muddo dheer ku noolaa deeganka Xawaadley. Barakacaan oo saamayn nololeed ku yeeshay ayuu xusay in uusan aqoon sidii uu uga saari lahaa reerkiisa.

Dhanka kale Wasiir ku xigeenka wasaaradda gargaarka Hirshabelle Cumar Maxamed Cumar ayaa sheegay in dadka kor u dhaafayaan 50,000 oo qoys ay ka barakaceen tuulooyin iyo degmooyin ay illaa horaantii sanadkii hore dib u qabsadeen Shabaab.

Waxaa dhanka kale jirto cabsi laga qabo in xaaladu ka sii darto, maaddaama deyrtii aan la helin saadashuna aysan muujin roob dhow, sidoo kalena deegaannadii la qabsaday aan weli la xorayn.

“Dhibaatooyinka nololeed ee ka dhashay waxaa ka mid ah, waxaa halis ku jirta nolosha dadka iyo duunyada, carruurta shan sano ka yar nafaqo darro ayaa haysa, cunno xumo ayay wajahayaan oo qofkii maalinkii hal waqti hela ayaa nasiib leh. Haddii qofku waayo wixii uu ku tiirsanaa waa garan kartaa saamaynta ka dhalanaysa.”

Wasiirka ayaa sheegay in dadka lagu soo barakacay aysan waxba ku dhaamin kuwa u yimid. Taas ayaa keentay in ay yaraato cawimaada ay dhexdooda iska heli karaan. Wasaaradda oo kaashanaysa hay’ada

SODMA ayuu xusay in ay meelo kooban ka sameeyeen gargaar raashin iyo biyo dhaamin ah, balse ay aad u yar tahay marka loo eego baahida jirta.

Warbxiin ay horaantii December soo saartay hey’ada gargaarka iyo maareeynta masiibooyin Soomaaliya ayaa lagu sheegay in tirada dadka ka barakacay gobollada Shabeelaha dhexe iyo Hiiraan illaa bartamihii sanadkii 2025 ay markasta sii kordhayso. Dadkaan badankooda wax gargaar ah ma helin illaa xilligaas.

The post Cunno xumo, biyo yari iyo hoy la’aan isku biirsaday qoysas soo maciin bidday xeryo ku yaalla Jowhar appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Hargeysa: Nolol xumo soo wajahday qoysaska ka ganacsada caanaha geela saamaynta abaarta darteed
(ERGO) – Haween danyar ah oo iibinta caanaha ku maareyn jiray nolosha qoysaskooda ayaa wajahaya shaqo la’aan saameyn ku yeelatay. Geela oo caanihiisa ay ku iibin jireen magaalada Hargeysa ayaa loola hayaamay dhul fog, markii loo waayay daaq iyo biyo ku filan, roob yari darteed.

Gaasira Maxamed Jaamac oo haweenkaas ka mid ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in dumarka shaqo la’aantu ku dhacday ay ku dhow yihiin boqol qof.

Xaaladan oo ay wajahayaan tan iyo bishii September ee sanadkii hore ayay tilmaantay inay ka dhaxleen cunno yari, in carruurtoodu waxbarashada uga harto dhaqaale la’aan iyo in laga saaro guryaha oo ay bixin waayeen kirada billaha ah.

Gaasira ayaa sheegtay inay isku dayday raadinta shaqo kale oo u badasha teedii hore, balse ay weyday. Labadii bilood ee lasoo dhaafay ayay xustay in qoysku uu ku tiirsanaa dayn uu soo qaato, taas oo laga jartay markii ay bixin waayeen lacag $500 ah oo lagu yeeshay.

“Daruufaha na haysta way adag yihiin abaarna way timid. Noloshayadu caanahaas ayay ku tiirsanayd haddana waan waynay. Shaqo kale oo noo beddelaysana ma haysano. Saamayn ayay nagu yeelatay, markii aan waynay wixii aan nafta ku maaraynaynay. Hoose u dhac badan ayaa jira. Ilamaha casho, quraac iyo qado midna ma leh waa is eegaynaa.”

Qoyskeeda oo ka kooban 13 carruur ah, iyada iyo seygeeda ayay xustay in hal waqti ay dabka ku shitaan intii ugu danbaysay raashiin ay dayn ku soo qaateen, kaas oo ay ka warwareyso haddii uu go’o siduu noqon doono xaalkoodu.

Iibinta caanaha geella oo ay ku tiirsaneyd 14 sano ayay tilmaantay inay u ahaayeen ildhaqaale oo muhiim ah. Waxay maalinkii ka heli jirtay $5.

Waxaa kabi jiray seygeeda oo isaguna ahaa xoogsade ka shaqeeya dhismaha, balse shaqo la’aan ayuu guriga la fadhiyaa tan iyo bishii January ee 2025, markii shirkad dhismo oo uu u shaqeynayay ay uga maarantay dad ajaaniib ah oo ka xirfad sareeya, kuna shaqeynaya mushaar jab.

Tan iyo bishii October waxaan aadin iskuul iyo dugsi Qur’aan carruurteed.

Gaasira ayaa sheegtay inay ku adkaatay bixinta lacag $41 oo ay ka dhiibi jirtay bishii. Waxaa sidoo kale, laga saaray labo qol jiingad ah markii ay bixin waayeen kirada bishii oo $30 doollar ah

Tan iyo bishii tobnaad Waxay wajahayaan qabowga Hargeysa oo habeenkii gaara illaaa 19 digrii.

“Qofka kiroolaha ah labo bil haddii uu noo dulqaatay tii saddexaad wuu naga saaray gurigiisa. Alaabtii dibada ayuu noo soo dhigay. Maryo aan isku gaynay ayaa hoy noo ah qabowga dhacaya waa arkaysaa bustaha habeenada qaar biyo in ay ka soo gudbayaan ayaa moodaysaa. Reer ayaan dul-saar ku nahay oo daaradooda buul ka dhisanay. Nolosha Illaahay ha noo beddelo.”

Gaasira oo 41 jir ah ayaa xustay in keyd la’aantu ay ka dhigtay qoys u nugul shaqo la’aanta oo ay ka baqeyso inay ku daba dheeraato. Waa xaalad ay awoodi wayday inay ka sii baaraan degto, maaddaama dhaqaalaha soo galayay uu ku koobnaa nolosha maalin laha ah oo kaliya.

Xirfad la’aanta iyo aqoon yaridu waa mid danyarta ku koobeysa shaqooyin aan joogta aheyn oo dhaqaalahoodu yar yahay.

Aamina Maxamuud Xassan iyo qoyskeeda oo 11 qof ah ayay xaaladan biday in dabku ka damo. Waa nolol hubanti la’aan ah oo ay sheegtay inay wajaheyso tan iyo bishii Agoosto, markaas oo ugu dambeysay iibinta caanaha oo ay ku jirtay muddo 17 sano ah.

“Cunnada sida lagu helaa waa iska adag tahay, waqtiyada qaar hal mar ayaa la helaa inta kalena waa la waayaa. Maalmaha intooda badanse waxba ma helno oo waa weynaa ama waqti cariiri ah ayay noqotaa. Markii aan wax u helo ayaan u kariyaa. Dadka ayaan uga soo baryaa ama suuqaan uga soo daynto, shaqo la’aanta ayaana keentay, carruurtuna niyad jab ayay ka qaadeen.”

Aamina ayaa xustay in seygeedu yahay waayeel 75 jir ah oo aan shaqo tagin. Qoyska ayaa kaligeed ku tiirsanaa. Waxay sheegtay in noloshooda uu ku filnaa dhaqaale gaaraya $7 oo ay ka heli jirtay iibinta caanaha geella oo maalinkii ay gadi jirtay 30 illaa 40 liitar.

Waxaa joogto ugu keeni jiray geel dhaqato ku nool tuulooyin kala ah Mado-weyn, Balayga-cas iyo Bacado oo magaalada Hargeysa u jira qiyaastii 18 illaa 40 km.

“Markii hore dad ganacsanaya ayaan ahayn, laakiin abaarahaas dartood ayaan ku waynay meeshii aan ku tiirsanayn. Caanahaas geela waxaan ka maarayn jiray biilka reerka, waxbarashada iyo noloshayada kale oo dhan ayaa ku xirnayd, markii aan weynay caqabado badan ayaa na soo wajahay.”

Qoyska Aamina waxaa cunno yarida u dheer hoy la’aan. Saddex qol oo ay degganaayeen ayaa laga saaray afar bil ka hor, markii ay kirada oo $45 ah bixin wayday. Reer ay qaraabo yihiin ayaa ku caawiyay hal qol oo ay sheegtay inuusan ku filneyn. Sidoo $9 oomay bixin wayday ayaa taxliin la’aan dhigay afar carruurteeda ah.

Axmed Yuusuf Cali oo dhaqda 53 geel ah, wuxuu aaminsan yahay in daaqii iyo biyihii ay ka heli jireen 20 sano ka hor roobabka joogtada ah aysan hadda jirin, hadane wali waxba kama badalin qaabkii hore ee dhaqashada xoolaha.

Jiilaalka hadda jira ayaa ku qasbay in bishii sagaalaad uu ka hayaamo deegaanka Mado-weyn, markii calaf iyo biyo uu u waayay geeliisa.

Wali ma helin natiijo ku filan, walow uu sheegay in deegaanka Geed-balaadh oo Gabilay ka tirsan oo uu hadda joogo ay dhaanto meeshii uu ka soo guuray.

Xoolaha oo hadda weyd ah ayuu xusay in jiilaalka ka hor uu maalin kasta suuqa Hargeysa geyn jiray afartan liitar oo caano ah. Bishii ayuu xusay inuu ka heli jiray lacag $600 ah. Qoyskiisa oo lix qof ah ayaa galay nolol xumo.

“Reer miyiga noloshoodu waa xoolaha. Caanaha waa qaadi jirnay waa nalaga soo iibsan jiray, waxaan ku beddelan jirnay raashinkii, dharkii iyo wixii aan u baahnayn oo noloshu waa xoolaha nool. Markii caanihii yaraadeen cuntadii ayaa hoose u dhacday, geelii waa guray. Xoolihii waa abaarsadeen, suuqa lagama iibsanayo, marka culayskaas ayaa yimid.”

Haweenka Hargaysa caanaha ku iibiya ayuu macaamiil la ahaa in ka badan 20 sano. Wuxuu xusay in hadda ay joogto u soo wacaan, balse uu u sheego in uusan geelu caano lahayn.

The post Hargeysa: Nolol xumo soo wajahday qoysaska ka ganacsada caanaha geela saamaynta abaarta darteed appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Cunno xumo iyo go’doon ka dhashay fatahaad uu gaystay webiga Shabeelle
(ERGO) – Kumannaan qoys oo ku nool toddobo tuulo oo dhanka waqooyi ka xiga degmada Mahaday ee gobolka Shabeelaha dhexe ayaa wajahaya cunno xumo, biyo yari, koronto la’aan, isgaarsiinta oo ciriiri ku ah iyo go’doon sababay in aysan isku gudbi karin.

Wabiga Shabeelle oo dhinac kasta uga soo fatahay bartamaha bishii hore, welina ku sii fidaya ayay xaaladan ka dhalatay.

Gudoomiyaha degmada Mahaday Axmed Xuseen Afrax ayaa sheegay in fatahaaddu saameysay guryihii ay degganaayeen in ka badan 13 kun oo qoys, ganacsiyadii iyo beerihii ay ku tiirsanayeen.

Dadka ay saameysay waxaa ka mid ah Yuusuf Maxamad Cali oo deegaanka Mansuur ku lahaa beer iyo dukaan lagu gado raashiin iyo bagaash.

Wuxuu tilmaamay in saddex qol oo reerku u daganaa ay biyuhu dhex fadhiyaan. Meel aan ka fogeyn guriga oo taag ah ayuu xusay in habeenkii ay seexdaan bannaanka, maalinkiina geedaha harsadaan.

Yuusuf ayaa tilmaamay in qoyskiisa ay ku tiirsan yihiin intii ugu danbaysay, galey keyd u aheyd oo uu xusay in hadda ay ka dambeyso 10 kiilo oo keliya.

“Nolosheena waxay noqotay mar hel marna waa, hadba si ayaan isku maaraynaa. Wixii horay aan fuustooyinka ugu aruursanay ayaan hadda dib u isticmaalaynaa wayna naga sii dhamaanayaan oo waa meeshii ugu danbaysay. Ganacsigaygiina wuu baab’ay wax kale oo aan ku tiirsanahayna ma lahan.”

Yuusuf ayaa tilmaamay in bishii September uu ka xirmay dukaan uu maalinkii ka heli jiray dhaqaale gaaraya $10-$15.

Raashiinkii uu gadayay ayuu xusay in dadku ay deyn uga qaateen, markii ay biyuhu go’doomiyeen. lacag gaareysa $900 ayuu sheegay inay ka maqantahay, taas oo aysan dadku awoodin in xilligan adag ay u soo celiyeen.

Wuxuu sheegay in magaalada Mahaday oo 18 km u jirta aysan jirin gawaari ama doomo aadi kara, fatahaadda darteed, taas ayuu xusay inay baabi’isay rajo kasta oo uu ku sii socon lahaa ganacsigiisa oo 20 sano uu ku tiirsanaa.

“Culayso badan ayaan wajahaynaa biyo ayaa nagu hareeraysan magaalada meel looga baxo iyo meel laga soo galo ma lahan waxan ku jirnaa go’doon. Aniga fatahaada wax badan ayay iga saamaysay. Ganacsigaygii wuu xirmay oo wax lagu gado ma leh iyo meel adeeg looga keeno.”

Qoyskiisa oo 16 qof ah waxaa sidoo kale il-dhaqaale u ahaa beer uu leeyahay oo webiga saaran, balse biyaha ayaa ku fatahay xilli uu filayay in bil kadib uu gurto qudaar iyo raashin u saarnaa.

Wuxuu tilmaamay inuu galiyay qarash $250 ah, kaas oo uu qorsheynayay inuu iska bixiyo markuu gato dalagyadaas oo rajada uu hadda ka qabo ay yartahay.

Ninkaan oo weligiis ku noolaa tuulada Mansuur ayaa tilmaamay inay horay fatahaad ula kulmi jireen, balse sanadkan ay ugu daran tahay.

“Fatahaad ayaa dalagyadii, wixii aan tacbanaynay iyo wixii aan isticmaalaynay oo dhan naga jartay.. Aniga waxaa iga qasaaaray beer afar hektar ah oo ay iigu abuurnaayeen khudaar, galey, sisin iyo waxyaabo kale.”

Yuusuf ayaa xusay in ceelashii ay ka cabbi jireen ay fatahadu dumisay. Waxay isticmaalaan biyaha fatahaadda oo wasaq ah. Wuxuu intaas ku daray in isbitaalkii deegaanka oo ay ka heli jireen adeegyo bilaasha ah aysan wax shaqo ah ka socon oo biyuhu gudaha u galeen.

Qofkii ka xanuunsada ayuu sheegay inaysan u heli karin meel ay marsiiyaan si ay u gaarsiiyaan isbitaallada Mahaday iyo Jowhar oo 18, illaa 20 km u jira. Waxay xaaladaan la qabaa in ka badan 500 oo qoys oo kula nool tuulada Mansuur.

Wuxuu xusay in iskuulka deegaanka oo shan carruur ah ay bilaash ugu dhiganayeen ay biyuhu galeen oo aysan waxbarasho ka socon. Iskuulka oo hoose iyo dhexe ah ayay afar sano ka hor dadka deegaanku isxilqaan ku dhisteen.

Xadiga biyaha Wabiga Shabeelle ayaa kordhay, markii roobka deyrta uu ka da’ay gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.  Dayac-tir la’aanta goobihii uu horay uga fatahay oo furan ayaa arrinta ka dhigtay mid soo noq-noqoto.

Maryan Nuur Cali waxay qoyskeeda oo 11 qof ah tan iyo horraantii Sabteembar ku nool yihiin bannaanka deegaanka Obaale, markii fatahaadu ka saamaysay gurigii ay degganaayeen iyo beer ay ku tiirsanaayeen. Waxay sheegtay inaysan waxba u badbaadin oo hadda ay faro-maran yihiin.

Haweenaydan ayaa xustay in illaa markii ay xaaladaan galeen ay ku adkaatay maaraynta nolosha qoyska. Waxay ku tiirsan yihiin kaalmo yar oo marmar ay ka helaan ehelkooda oo degan Muqdisho.

“Saamaynta ugu weyn ee aan hadda wajahayno waa cunto xumo waayo wax la cuno xitaa ma haysano. Dalagii wuu naga qasaaray wax kalena nooma yaallaan nolol xumo weyn ayaa na haysa. Beerihii waxaa galay fatahaada wax nooga soo go’ayna ma jiraan.”

Maryan ayaa tilmaamtay in digir, galey, sisin iyo qare ay bishii sideedaad saartay beerteeda oo saddex hektar iyo bar ah fatahaadu ka baabi’isay. Waxaa kaga baxday $300 oo deyn ahayd, taas oo ay ka murugsan tahay qaabkii ay ku bixin lahayd.

Haweenaydan ayaa xustay in carruurteeda oo kan ugu weyn 12 jir yahay ay la qabsan la’yihiin gaajada waqtiga dheer oo ay u wehliso kaneeco, qabowga habeenkii iyo qorraxda maalinkii oo uusan ka xajin karin aqal cooshad ah oo ay dhisteen.

Waxay intaas ku dartay in saddex carruur ah ay qandho, calool xanuun iyo shuban ku aragtay illaa 15 October, kuwaas oo aysan wali isbitaal geyn, maaddaama kii deegaanku  uu fatahaadda ku xirmay, gaadiid ay ku qaadana aysan heli karin.

“Culaysyo badan ayaan wajahaynaa, guryihii iyo musqulihii waa dumeen. Saamayntu waa weyn tahay meesha aan degnay waa meel aan nolosha lagu maarayn karin.”

Maryan waxaa xaaladan u dheer waxbarasho la’aanta afar carruur ah oo u kala dhiganayay fasallada labaad, shanaad iyo lixaad. Carruurteeda ayaa ka mid ahku dhawaad100 arday oo dhiganayay iskuulka deegaanka Obaale, balse hadda ah dersi la’aan.

Ahmed Ibraahim oo ah guddoomiyaha tuulada Buulo-ahmed Cigoow ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in fatahaadu ay go’doon wada galisay deegaannada Mansuur, Eji, Diinlaawe, Kulmis, Obaale iyo Shiile bari.

Wuxuu tilmaamay in ay cunnoyinku gabaabsi yihiin, biyo nadiif ah aan la heli karin sidoo kalena ay meesha ka baxeen adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada.

Axmed ayaa sheegay in maamullada deegaannadaan ay iskudayeen in ay jawaano ku xiraan meelaha ay biyuhu ka soo baxayaan, balse ay awoodi waayeen, maaddaama ay xoog ku socdaan, aysanna wax taageero ah helin.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in sidoo kale aytuulooyinkaan koronta la’aan yihiin, markii la waayay wado shidaalka loo soo mariyo. Dad yar oo soollaro haysta ayaa telefoonnada afar kun oo shilin ku dabeeya, kuwaas oo mararka qaar dabka laga waayo.

Fatahaadaha soo noqnoqday ayaa sababay dhaqaale burbur iyo inuu yaraado wax soo saarka beeraha. Wali xal waara looma halin caqabadan oo u muuqata mid aysan maareyn karin dadka dhibanaha u ah.

The post Cunno xumo iyo go’doon ka dhashay fatahaad uu gaystay webiga Shabeelle appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Awdal: Daymo ay qaateen beeraleyda tuulada Ruqi oo sababay in ay xirmaan goobo ganacsi
(ERGO) – Xaalad cunno xumo ayaa soo wajahday qoyska Jaamac Maxamed Xasan oo 17 qof ah, markii uu ka ximarmay dukaan uu ku iibin jiray raashinka. Daymo uu ku yeeshay beeraleyda deegaankiisa Ruqi oo dib ay ugu soo celin waayeen ayaa u horseeday dhaqaale burburka soo wajahay.

Xaaladdan waxay si guud u saameysay ganacsatada deegaankiisa oo hoostaga gobolka Awdal. In ka badan 40 dukaan ayaa xirmay labadii bil ee la soo dhaafay. Saamayntan ayaa timid markii dalag la’aan ay saameysay beeraley wax ka iibsan jiray, raashinna ay amaahiyeen sanadkii hore.

Tobankii bil ee u danbeeyay Jaamac waxaa dayn ahaan looga qaatay $6,000, taas oo dib ugu soo laaban waysay. Wuxuu sheegay in meheraddiisu ay isbixin waysay. Beeraleyda uu ku leeyahay lacagta oo macaamiil la’ahaa ayaa gaaraya ku dhawaad 50 qoys.

Waxay duruuftu bidday in nolosha qoyskiisa uu ku dabbaro kiilooyin raashin ah oo uu ka soo amaahdo bakhaarro ku yaalla dagmada Baki. Hal waqti oo ka mid ah maalintii ayaa dabka loo saaraa si uu u beeqaamiyo. Wuxuu ka dayriyay xaaladda adag ee la soo gudboonaatay.

“Beerihii waa kuwaas oo wax ku yaalla ma jiro. Nolosheenii ayaa qiil-qiil ku jirta. Saddexdii waqti cunadii reerka awal labo ayaan dhib ku heli jirnay. Laakiin iminka halkii mid ayaaba quus ka jirtaa.”

Dhaqaale xumada haysa waxay sidoo kale soo dadajisay in waxbarashada ay ka haraan afar ka mid ah carruurtiisa. Waxaa xirmay dugsi sare oo ay dhiganayeen, kaas oo albaabada loo laabay bil ka hor, markii waalidiintu ay bixin waayeen lacagta waxbarashada carruurtooda.

Wuxuu tilmaamay Jaamac in dadka deegaankiisa nolol ahaan ay isku heer noqdeen, maaddama si guud xaaladda ka dhalatay roob la’aanta ay u saameysay. Wuxuu xusay in dhaqaalahooda uu ku tiirsanaa inta badan beeraha, kuwaas dalag la’aan ay ku dhacday.

“Dadka saraca (dalagga) uu u soo go’a ayaa wax naga iibsan jiray. Dadka xoolaha iibsadaa waxbay naga iibsan jireen. Sidaas baan kuwada shaqayn jirnay oo ganacsigu noogu socday. Labadii markii midnaba la waayay, lacagihii dadkii aan ku lahayna soo bixin waayeen sidaa awgeed ayay u xirmeen dukaamadii. Beeraleyda saddexda bil ee beeruhu u soo baxaan ayay iska bixin jireen, Iyana waa la waayay. Wixii lagu lahaa hawaday ka baxday.”

Ninkan oo 65 jir ah wuxuu ganacsade ahaa siddeed sano. Wuxuu xusay in muddadaas oo ku naaloonayay dhaqaalaha ka soo galayay meheraddiisa oo hadda meesha ka baxday. Wuxuu sheegay in uusan hayn qorshe uu kaga dabaasho dhaqaale xumada haysa.

Wuxuu isku dayay in uu dib u maal-galiyo dukaankiisa, hase ahaate waxaa lagama-maarmaan noqotay helidda daynta raashin jumlo ah. Qorshahan wuxuu soo billaabay bartamihii sandkii hore, balse waxba kam soo-naaso-cadaan.

Bakhaarro uu raashinka jumlada ah ka soo gadan jiray, kuwaas oo ku yaallada magaalooyinka Boorama iyo Baki ayaa u diiday in dayn siiyaan.

“Qofka markaad wax u gayso ayuu wax ku soo siinayaa, Waxaa u gaynana ma jiro. Waxaa iigu danbaysay toddobo bil ka hor waxba kama soo qaadan, wixiina waa la waayay. Waa laga quustay.”

Beeraleyda uu siiyay daynta oo dhowr jeer muddeeyay waqtiga ay ku bixinayaan lacagta ayuu xusay in aysan weli fulin ballanta sabab la xariirta tacab la’aanta ku dhacday beerahooda.

Cabdinaasir Cabdillaahi Cabdi wuxuu ka mid yahay beeraleyda daymaha lagu leeyahay, kuwaas oo awood u waayay in ay iska gudaan. Wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in lagu yeeshay $3,000 oo raashin iyo shidaal uu ku qaatay sanadkii hore.

Shidaalka ayuu u isticmaalay matoor uu ku waraabin jiray beertiisa, kaas oo sii shaqayn waayay, markii guray ceel beertiisa ay ku tiirsanayd roob la’aan darteed.

Wuxuu ku hungoobay rajadii uu ka qabay in dalagga beertiisa ay xal u noqoto daymaha lagu leeyahay oo si joogta ah ay u waydiiyaan dadka ku leh, markii roob la’aan ay saameysay saddex xilli oo isku xigay beertiisa oo hal hiktar ah.

“Marwalba waxaan iska dabari jirnay dalagga afar Bilood ilaa saddex Biloodka ah, wuuna soo go’i jiray, sidaaana waxwalba noogu socon jireen. Hadda iyo magaaladii aan wax ka qaadan jirnay amba kaalmo shidaal ha ahaato tukaamadii oo dhana daymo fara badan nagu yeesheen. Markaa waan awoodiba waynay in aan beerihii dib u soo kicinno.”

Lacagta lagu leeyahay iyo dhaqaale xumada haysa waxay ku qasabtay in uu ka hayaamo deegaankiisa Ruqi. Wuxuu tagay dagmada Baki, halkaas oo shaqo xoogsi ah uu ka helay.

Wuxuu subax walba u kallahaa gododka laga qodo dahabka, kuwaas oo ku yaalla buurta Siimoodi. Shaqadan waxaa ku wehliya qaar ka mid ah beeraleyda deegaankiisa, kuwaas oo u shaqeeya shirkadaha dabka qoda.

“Toban ilaa tabaatan qof ayaa meesha ku joognaa. Shan ilaa lix maalin waxaa laga yaabaa in aadan waxba ka soo helin. Maalin baa laga yaabaa in aad ka soo hesho 200 ilaa 300 oo shilinka Soomaaliland-ka ah.”

Qoyskiisa oo sagaal ah ayuu u diraa lacagtan. Wuxuu sheegay maalmaha uusan helin in uu caawinaad waydiisto dadka ehellada ay yihiin. Qoyskiisu waxay cunnada helaan 24-kii saacba mar, xaaladda waxay ku jiraan tan iyo bartamihii sanadkii hore.

Wuxuu tilmaamay walaaca ugu badan ee haya in uu yahay bixinta lacagta lagu leeyahay oo saamayn taban ku reebtay. Wuxuu qorshaynayaa in uu ku laabto beero falashada marka uu deegaankiisu uu helo roob ku filan.

Beeraleyda iyo ganacsatada ay dantu u dayrisay waxay ka siman yihiin dhaqaale xumada, maaddama ilahoodii dhaqaale si toos iyo si dadbanba ay u saameysay roob la’aanta.

Cabdisalaan Maxamed Aadan waxaa ka xirmay dukaan oo uu ku iibinayay raashin iyo bagaash. Dhaqaale burburkan oo bishii Febraayo ee sanadkan soo billowday wuxuu cunno xumo bidday qoyskiisa oo siddeed qof ah.

Waxay cunno hal waqti ah la wadaagaan qoys ehello ay yihiin. Ka ahor xaaladdan waxay si maalinle ah uga heli jireen meheraddooda $5-$7 oo faa’iido ah. Lacagtan ayaa ugu filnayd nolol-maalmeedkooda.

Wuxuu sheegay Cabdisalaan in dhaqaale xumada galaaftay ganacsigiisa ay soo jiitamaysay laga billabo bartamihii sanadkii hore. Dadka daynta uu siiyay oo beeraley u badnaa ayaa ku qasaray dalagyo ay beerteen labadii xilli roobaad ee u danbeeyay.

Dayntii uu ka filayay in ay u gudaan ayaa meesha ka baxday. Wuxuu sheegay in $3,200 ay ka maqan tahay, taas oo haddii uu dib u heli lahaa rajada ganacsigiisa badbaadin lahayd. Dadka daynta uu siiyay ayuu xusay in ay noqdeen kuwa nugul dhaqaale ahaan.

“Dadku way kala duwanyihiin oo waxa jira qaar shaqsiyaada iyo qaar xaaslaya. Shaqsiyaadka qaarkood waxaa ku leeyahay $20 ilaa $300. Xaafadaha qaatay raashin iyo biilka ayaa badan. Qaarkood ayaa lagu leeyahay kun dollar.”

Waxaa jiray ganacsato iyo beeraley ka barakacay deegaanka, markii ay u adkaysan waayeen dhaqaale xumada haysa sida uu sheegay maamulka deegaanka Ruqi. Waxaa kale saameyntan u xirmay dugsigii sare ee tuulada.

Roob la’aanta saameynta taban ku haysa beeraleyda iyo xoolo-dhaqatada waxay u soo wareegtay noloshii magaalada. Ganacsiyada ku yaalla dagmooyinka iyo tuulooyinka ayaa wajahaya qasaare, maaddama dhaqaale ahaan ay wiiqmeen reer miyigii ay ku tiirsanaayeen.

The post Awdal: Daymo ay qaateen beeraleyda tuulada Ruqi oo sababay in ay xirmaan goobo ganacsi appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Galgaduud: Nolol-xumo ka dhalatay daad barakiciyay qoysaskii ku noolaa tuulada Docolley
(ERGO) – Daad ka dhashay roobabkii guga ee da’ay ayaa qoyska Cabdinaasir Maxamed Xuseen dhaxalsiiyay hoy xumo, shaqo la’aan iyo cunno yari. Waxay ka mid yihiin 250 oo qoys oo 5 bishan ka barakacay deegaanka Docoley oo 45 km dhanka bari ka xiga degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Qoyskiisu hal waqti ayay dabka ku shitaan raashiin uu deyn uga soo qaato dukaamo ku yaalla tuulada uu ka soo barakacay oo u jirta 4km.

“Wax hadda raashin ah oo meeshii aan kala soo baxnayna majiraan. Wixii markaas la karsanayo ayaa laga soo qaataa qaraabada. Maalinkii hal mar ayaa la karsadaa. Wax hadda kayd ah ma jiraan, kaydadkii iyo meeshii wixii yaaleen biyihii ayaa latagay.”

Cabdinaasir oo ah aabbaha 7 carruur ah ayaa xusay inaysan isku haleyn karin deynta ay ku tiirsan yihiin oo ah midaan sii socon doonin haddii uu bixin waayo tii uu qaatay bishan May oo ah $110.

Xaaladaas waxaa u dheer hoy iyo hu’ la’aan ay ku wajahayaan Tuulo-garas oo ay maciin bideen. Waxay gabbaad sadaan geed dusha laga saaray maryo iyo kartoomo oo aan ka xajin karin qabowga habeenkii iyo roobabka guga ee da’aya.

Wuxuu dusha ka arkaa gurigii uu daganaa oo ah labo qol oo dhagax ah, balse hadda wax tar uma leh oo biyo ayaa fadhiya.

“Maalinkii aan ka soo baxnay iyo hadda inta ka dhex leh xitaa qof ma aadi karo oo lama soo fiirin karo oo kor in looga jeedo maahan ee balli bay ku dhexyaaliin oo biyihii caradii waa waran yihiin.”

Halka uu degay Cabdinaasir waa dhul barwaaqo ah oo roobabku ka da’ayaan, balse waa ceyr oo duunyo uu dhaqdo ma hayo. Doogga baxaya oo uu sheegay inuusan helin xilligii uu muhiimadda u lahaa oo aheyd sanadadii 2017 iyo 2018, markaas oo abaar darteed ay uga la’deen Ari 200 oo neef ah iyo 50 geel ah.

Daadka ka dhashay roobka guga ee hooray ayuu ku waayay maqaayad uu nolosha qoyska ka dabarayay tan iyo 2018, markaas oo ay soo degeen tuulada Docoley. Mehradda ayuu ku furtay $700 oo dayn uu iska bixiyay uga qaatay qof ehelkiisa ah. Wuxuu tilmaamay inay ku jireen nolol warwar la’aan ah, maalinkina uu soo gali jiray dhaqaale $10-$12.

“Maqaayadaas ayaa wixii biila laga heli jiray, maadaama meelihii aan ka shaqeysan jirnay ay biyihii haystaan. Waxaan qabano malahan, meeshaan aan joogana shaqooyin laga shaqeysto malahan oo carruurta ayaan la harsadaa meeshan.”

Waxaa xusid mudan in qoysaskan ay baahi weyn u qabaan biyaha barakiciyay oo helitaankooda ay ku dhiban yihiin sida Raadiyow Ergo uu u sheegay Axmed Cabdullahi Xasan oo tilmaamay in maalin kasta ay biyaha jiirkaano uga soo dhaansadaan ceel riig ah oo ka fog 2km. Fuustadii ayaa qiimaheedu yahay $2.

Xilliyada qaar ee roobku da’ayo ayuu xusay inay weelal u dhigtaan xareedda, si ay uga baaqsadaan biyaha iibka ah oo hadda uu ku gato $25 oo ah hantida kaliya ee uu la tagay Tuulo-garas oo uu ku barakacay.

“Meeshan waa meel duud ah (Taag) oo aan biyo deg laheyn, hadana caduun ah oo aan nagu anfaceyn sidatan joogisteeda, maadaama qof aan ahay shaqeysan jiray, hadana aan waxba awoodin waxaan dhihi karaa waa walaac guud oo nolosheyda haysta.”

Qoyska Axmed waxay dulsaar ku yihiin reer ay qaraabo yihiin oo ay la cunaan wixii ay dabka saartaan, balse xaaladan ka hor wuxuu sheegay inuu ahaa ganacsade nolosha ka maareeya dukaan lagu gado bagaashka, kaas oo biyuhu ay qaadeen isagoon waxba ka badbaadsan.

“Biyuhu dukaanka horay iyo gadaal ayay uga baxeen. Wax qoyay iyo wax biyaha raacay ayay noqdeen. Wax iga cayntay maba jiraan.”

Axmed oo ah aabbaha shan carruur ah ayaa tilmaamay in roobabka da’aya ay xaaladooda uga sii darayaan, labo arin darteed. Inaysan haysan hoy ay ka galaan dhibicda roobka iyo waqtiga ka maqnaashaha deegaankooda oo sii dheeraanaya.

“Geed ayaan waabanay. Waa laga yaabaa qorraxda inuu celsho. Laakiin qabow iyo roob waxba kama galo. Waa jirtaa inaan wali roobkii tagin, biyaha gudaha ku jirana looga xisaabtamo saddex illaa afar bil inay ku jiraan, maaddama saddex roob oo kala danbayday ay deegaanka buuxsheen, hadana wali cirkii sidii u cusubyahay, hoy iyo cunana ilaah xagii galeen marka waxaa la dhihi karaa waa walaac laban laaban.”

Docoley waa deegaan ku yaalla dhul godan ah oo u nugul in biyuhu fariistaan. Tog dhex mara ayaa ku soo rogay biyaha.

Guddoomiyaha tuulada Cilmi Axmed Aadan ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in ku dhowaad saddex bil ay qaadan karto in dhulku gursado biyaha oo dib loo soo dego.

Wuxuu xusay in 500 qoys oo deggan qeyb taag ah ay dhici karto inay wajahaan cuduro faafa oo ka dhasha bullaacado dumay oo ku furmay biyaha.

“Magaalada saddex meelood ayay labo saamaysay oo biyuhu fariisteen,sida goobaha ganacsigoo dhan way qabsadeen dhamaantood waa looga baxay, Suuqii, bakhaaradii, meelihii magaladii Docolaydii hore oo ganacsiga ahayd dhamaanteed waa laga baxay. Meelaha xaafadaha laftooda qaybo ayaa laga baxay kale,magaalada ha lama labo meel ayaa xoogaa dhul-dheer ah laakiin inta kale si toos ahay ula wareegeen.”

Dhulka Soomaalida wax ku cusub maaha in magaalooyin looga barakaco daad iyo fatahaad wabiyadu sameeyaan. Biyahaas dhibanaha loo noqdo waa kuwa loogu baahi badan yahay xilliga jiilaalka oo ay dhacdo in xoolaha iyo dadkuba waayaan waxay cabaan, Beeruhuna qalalaan oo tacabku istaago.

The post Galgaduud: Nolol-xumo ka dhalatay daad barakiciyay qoysaskii ku noolaa tuulada Docolley appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Dab kale oo burburiyay qayb ka mid ah suuqa Bakaaraha kaas oo sababay burbur dhaqaale
(ERGO) – Dhaqaale darro iyo soo kabasho la’aan ayay wajahayaan ganacsato ku hanti beelay dab qabsaday qeyb ka mid ah suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho shanta bishii April ee sanadkan, kaas oo baabi’iyay 200 mehradood. Hantiilayaashii shalay ayaa maanta ah kuwo maareyn la’ nolosha qoysaskooda, sida waxbarashada, cuntada iyo kirada guryaha. Taas waxaa u sii dheer deyn kummaanaan Doollar ah oo lagu leeyahay.

Yuusuf Cabdi Maxamed oo aysan waxba uga badbaadin carwo dharka lagu gado oo uu lahaa ayaa Raadiyow Ergo u sheegay inuu ka quustay in ganacsigiisii uu dib u soo celiyo. Wuxuu tilmaamay in tan iyo horraantii bishii hore uu yahay guri joog aan haysan dhaqaale uu ku dabaro nolosha qoyskiisa.

“Wixii masaakiinta ahaa ee i dulsaarnaa meel aan wax uga keeno ma aqaano. Maanta haddii hilibkeyga laga kariyo guriga way iska cunayaan ilaa waxba lama hayee. Ilaahay ayaa wax haya.”

Yuusuf ayaa xusay in reerka uu ku biilo deyn uu dukaamo ka soo qaato, taas oo uu tilmaamay inaysan sii socon doonin haddii uusan bixiyo tan hadda lagu lee yahay oo ah $275.

Ninkan oo ah aabbaha10 carruur ah ayaa xusay in carwada ka gubatay hantida tiilay ay aheyd $70,000.  Lacagtaas soddon kun oo ka mid ah ayuu tilmaamay inay tahay deyn lagu leeyahay.

Dabka ayaa ku soo beegmay xilli uu soo adeegtay dhar badan si uu uga faa’ideysto dadka u diyaar garoobayay ciidda soon-fur, maaddama lagu jiray toddobaadkii ugu damabeeyay ee bishii Ramadaan.

Filashadiisii wanaagsaneyd waxaa bedelay dab xilli aroor ah qabsaday goobtiisa ganacsi oo il dhaqaale u aheyd muddo 29 sano ah.

“Deyntii waa layga rabaa oo nimanka igu leh suuq ayaa gubtay iyaga ma quseyso, waxna ma cafinayaan. Meel aan ka keeno ma aqaano oo xoole kale ma lihi, markii horaba xamaali ayaan ku keenay.”

Yuusuf ayaa tilmaamay in xaaladaas lama filaanka ah ee soo martay naxdintii uu ka qaaday ay sababtay in cudurka dhiikarka uu ku dhaco, kaas oo uu ogaaday markii uu baaritaan caafimaad ku maray isbitaalka Kalkaal.

Ninkan oo 65 jir ah ayaa sheegay in rajo xumada uu wajahayo ay u dheertahay walaaca ay ku hayso xal u helis la’aanta waxbarashada carruurtiisa.

Lix ka mid ah oo dhigata iskuulka hoose iyo dhexe ee Sayudiib ayuu sheegay in bishii la soo dhaafay uusan bixin lacagta laga qaado oo ah $60, tan xigtana uusan meel ku ogeyn.

Sidoo kale wiil uu dhalay oo dalka Bangaladesh jaamacad ka dhigta ayuu sheegay inuu u awoodi waayay $300 oo iskugu jirta noloshiisa iyo waxbarashada, taas oo bil kasta uu ka bixin jiray.

Bishii hore waxaa caawiyey dhallinyaro ay wax wada bartaan oo qarashaadka ka bixiyay, balse taasi ma aha taageero u sii socon doonta.

Gubashadu ma saameyn milkiilayaasha oo kaliya ee waxaa shaqo la’aan ku noqday 65 qof oo mushaar bille ah ka heli jiray suuqa.

Waxaa ka mid ah Anfac Yuusuf Cali oo qoyskeedu cunno yari ka dhaxlay, xaaladaas markii uu dabku soo gabagabeeyay mushaar $400 oo bishii ay ka qaadaneysay Carwo lagu gado dharka dumarka oo muddo afar sano ah ay iibka u qaabil saneyd.

Wali may helin fursad kale oo shaqo, goobtii isha dhaqaale u aheydna ma soo kaban. Qoyska oo kaligeed ay u shaqeyn jirtay ayaa hadda hal waqti dabka ku shita raashiin kooban oo ay ku soo qaaday deyn ay mudeysay inay bixiso marka ay shaqo hesho.

“Reerka biil ayuu u baahan yahay. Deyntii waa la iska rabaa. Kharashaadkii ilmaha ee waxbarashada waa la iska rabaa. Shalay wax culeys ah iguma heyn sababtoo ah waxaan ahaa qof shaqaysanaya, maantana waxaas oo dhan maaro uma hayo.”

Anfac oo 24 jir ah iyo afar ay walaalo yihiin waa agoon. iyada ka hor wuxu reerku ku tiirsanaa hooyadeed oo shaaha ku gadi jirtay waddooyinka, balse way iska daysay, markii ay shaqo bilowday gabadheeda oo curad ah.

Qoyska ayaa deggan guri laba qol ah oo kiradiisa oo bishii ah $40 aan la bixin tan iyo markii Anfac ay shaqo la’aanta noqotay.

Suuqa oo aan dab damis laheyn waa sababta keentay inay baaba’do hanti badan oo la badbaadin karay. Waa musiibo aan kala reebin dabaqad kasta oo ay la haayeen dadka halkan ku ganacsan jiray.

Gubashada suuqa bakaaraha waa arin aan dadka ku cusbeyn oo soo noqnoqotay. Sida uu xaqiijiyay maamulka suuqa dabkii u dambeeyay wuxuu ka dhashay xargaha korontada.

Cabdifitaax Maxamuud Ciise oo ah injineer ku takhasusay qorsheynta dhismayaasha suuqyada ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in sababta dhibaatada soo celcelisay ay tahay suuqa oo aan laheyn nidaamka ka hor tagga iyo la tacaalidda haddii uu dab kaco.

“Marka Soomaaliya lagu saleeyo waxyaabaha soo celiya gubashada suuqyada waxaa ka mida ah maamul xumada. Waxaad arkaysaa korontadii iyo kaalmihii shidaalka oo is dhexdaadsan, goobihii ganacsiga ayaa feerta isku haya mana jirto wax ka hortag ah oo muuqda.”

Cabdifitaax ayaa xusay in xal loo heli karo dabka soo noqnoqday, balse taasi ay u baahantahay in wax laga badalo qaab dhismeedka suuqa oo ah mid isku raran ah.

“waxaa loo baahan yahay markii la sameyno in mustaqbalka la eego. Waa in wadooyinka la baneeyo, in la kala fageeyo kaalimaha iyo meelaha shaaha lagu gado, waa in fiilooyinka iyo korontada meelaha daadsan la nidaamiyo, ganacsatada waxaa laga rabaa in ay u naxaan hantidooda.”

Adeegga dab damiska ee maamulka gobolka Banaadir ayaa ah mid aan wali awood laheyn, balse dhismahiisu socdo sida uu sheegay maamulku.

The post Dab kale oo burburiyay qayb ka mid ah suuqa Bakaaraha kaas oo sababay burbur dhaqaale appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Somaliland: Roobab mahiigaan ah oo sababay dhamashada saddex qof iyo boqollaal xoolo ah
(ERGO) – Roobab mahiigaan ah oo ka da’aya gobollada Saaxil iyo Daad-madheedh ee Somaliland saddexdii toddobaad ee u danbeeyay ayaa sababay dhismashada saddex qof iyo waxyeello hantiyadeed oo gaadhay qoysas u badan xoolo-dhaqato, markii ay daadad ku soo rogmadeen.

Axmed Xaamud Diiriye oo ku nool deegaanka Xadid-daallay ee gobolka Saaxil wuxuu daadka ku waayay saddex carruur ah oo uu dhalay 18 bishii Abriil. Waxaa ka mid ahayd curadda qoyskiisa oo 21 jir ahayd iyo 2 kale oo kala ahaa 10 jir iyo 2 jir.

Daadka ayaa sidoo kale ka dilay 180 adhi ah oo uu dhaqanayay, guri aqal Soomaali ah, raashin iyo agabkii u yaallay. Xaaladdan waxay sababtay in uu maarayn waayo nolosha 4 carruur ah oo u badbaaday, kuwaas oo wajahaya xaalad cunno yari ah.

Waxay ku tiirsan yihiin gargaar ka kooban kiilooyin raashin ah oo qoysaska deegaanka ay ku taageereen. Waxay dabka saartaan hal waqti oo ka mid ah maalintii.

“Dadkii wax nagu dhaamay waxay noqdeen mid raashin nasiiya, mid hanti nool iyo mid hu’ (dhar) wax naga siiya. Way na taakuleeyeen iyagu. Wixii ay hayeen waxba nagama hagran. Riyo aan maalano waa nala siiyay. Reer miyigii ayaa xitaa wixii ay hayeen oo ay nagu dhaameen way nagu caawiyeen.”

Daadka galaaftay nolosha qaar ka mid ah carruurtiisa ayaa dhacay xilli habeen ah isaga oo ka maqan gurigiisa. Maalin ka hor dhacdadan ayuu tilmaamay in sayladda Burco uu u suuq geeyay xoolo iib ah. Wuxuu rajaynayay lacagta uu ka helo in uu u diro xaaskiisa oo muddo lix bilood ah ku jirta cisbitaal ku yaala Hargaysa.

Wuxuu sheegay in uu ka war helay musiibada la soo gudboonaatay qoyskiisa isagoo jidka ku sii jira, taasi oo keentay in uu dib u soo laabto. Xubnaha dhintay ee ka mid ahaa qoyskiisa ayaa laga helay tog u dhow deegaanka.

Wuxuu xusay Axmed in uu wajahay xaalad murugo leh, markii uu arkay maydadka caruurtiisa iyo qasaaraha hantiyadeed ee soo gaadhay.

“Markii aan maydadkii helnay. Seddexdii mayd waan isku keenay. Waxaan is idhi jihada (qiblada) u dhig inantii carruurta ugu waynayd oo gaadhiga aan u horraysiinay. Labadayda gacmood ayaa marba mid eeggay. Halkaas dareenkeeda waxbaa ka yara si noqday, dabadeedna intaan gaadhigii ka deggay ayaan ku idhi dadkii war jihada u dhiga maydadka. Samir baan ka qaatay dadkan. Dareenka se uu igu sameeyay maalintaas kaas baa ugu xoog badnaa. Waxaan garan waayay qaybtii jihadu ahayd ee maydka aan u dhig lahaa.”

Tuulada uu ku nool yahay waxay ku taalla dhul buuraley ah oo jooggoodu sareeyo, waxaana daadadkii ka soo rogmaday buuraha ay sababeen in ay ku waxyeelloobaan dad iyo duunyo. Qoysaskii dagaanaa oo u badnaa xoolo-dhaqato ayaa ka guuray aagaasi, kuwaas oo tiradooda aan si rasmi ah loo oggayn.

Dhulka loo guuray, qoyska Axmed kuma haysto hoy, hase ahaate wuxuu dadka dhaqaale ahaan dhaama ka helay gogol iyo dhar uu carruurta dhaxanta ka xijiyo.

Ninkan labo daran mid dooro ayaa haysata. Xaaskiisa oo ka xanuunsan ayaa u baahan wehel, halka carruurtiisa oo hoy la’aan iyo nolol-xumo wajahaya aanu cidlayn karin.

Wuxuu tilmaamay in qoyskiisa iyo kuwa kale ee daadku saameeyay aanay wax gargaar ah ka helin meel ka baxsan deegaanka.

“Ummaddan halkii Ilaahey mariyo ayay maraysaa, afkana wuxuu Ilaahey u qoray meel bay u yaallaan, dowladda waxba nagama soo gaadhin. Yeelkeede annagu halkii dhacdadu noogu dhacday baan iska joognaa. Xaaladdaydu halkaas bay maraysaa.”

Wuxuu xusay Axmed in uu ku caydhoobay daadka ka dhashay roobka. Arrintan wuxuu kala siman yahay qoysas kale oo ku nool deegaannada Somaaliland, kuwaas oo toddobaadyadii u danbeeyay wajahayay roobab dabeylo iyo daadad wata. Waxaa se isaga u gaar ah geerida ku timid xubno ka mid ahaa qoyskiisa.

Maxamed Xasan Cabdi oo deggan tuulada Bali-Cigaal oo ka tirsan gobolka Daad-madheedh wuxuu roob dabeyl wata uu ka dilay 15 adhi ah. Kow iyo soddon neef oo u hadhay ayuu ku howlan yahay sidii ay uga badbaadi lahaayeen roobabka da’aya.

Wuxuu sheegay in dabeysha uu roobku uu watay ay qaadday aqal-Soomaali muddo dheer hoy u ahaa. Carruurtiisa ayuu u daad gureeyay guryaha qoysas kale oo u dhow, halkaas oo uu ka helay guri ay ku caawiyeen qoys ay ehello yihiin. Waxay sidoo kale ka taageeraan cunno bisil.

Wuxuu rajo xumo ka muujiyay xaaladda uu ku jiro qoyskiisa.

“Horta mar haddii aanay cidi nagaga dhiman oo aananu maanta cid aasayn waa Ilaahay mahaddii. Laakiin duruuf adag buu nagu soo kordhiyey. Xagga cunno yarida oo kale. Xoolihii oo  oo jilcay oo la’anaya. Hoygii oo uu naga dumiyey. Raashinkii socday oo iska wada qoyey, biyihiina ay la baxeenba. Markaa duruuf adag baa na la soo gudboonaatay.”

Ninkan oo ah 26 jir aabbe u ah laba carruur ah ayaa dhanka kale tilmaamay in xaaladda uu galay ay ka weecisay qorshe uu lahaa oo ahaa in uu bishan waxbarashada ku daro carruurtiisa oo uu sheegay in ay gaadheen da’da iskuulka. Baaxada roobkan ayuu ku macneeyey in uu ahaa kii ugu xoogga badnaa ee uu arkay intii uu jiray, kaas oo khatar badan galiyey noloshooda.

Wuxuu xusay in uu u baahan yahay isaga iyo qoysaska kale gacan qabasho, maaddama xoolaha u hadhay aanay hadda wax nacfi ah u lahayn. Wuxuu sheegay in dhibaato ay ka soo gaadhay roobka dabeysha watay. Wuxuu tilmaamay in aanay ka maarmin isaga iyo dadka la mid kaalmo cunno oo lagu taageero.

“Dawladdeena Soomaaliland waxaanu leenahay in ay taageero iyo garab istaag noo samayso. Haddii wax nalaga caawinaayo ama wax lana taraayo aad iyo aad ayaanu u soo dhaweynaynaa, waana aanu u mahadcelinaynaa mar labaad iyo mar saddexaadba.”

Qaar ka mid ah deegaannada Soomaalida waxaa si weyn uga da’ay roobab xooggan, kuwaasi oo gaystay dhibaatooyin badan. Ha’yaddaha dhinaca saadaasha hawada ayaana soo saarayey digniino ay dadka ugu jeedinayaan in ay muujiyaan taxadar dheeraad ah.

Xuseen Maxamed Yuusuf wuxuu ka mid yahay hawl-wadeenada xafiiska saadaasha hawada ee urur goboleedka IGAD xafiiskeeda Nayroobi. Wuxuu Raadiyow Ergo uga warramay sida dadku ay uga gaashaaman karaan fatahaadaha iyo daadadka ka dhasha roobabka.

“Bulshada waxa la gudboon in ay iyagu ka diyaargaroobaan oo ay ka guuraan meelaha joogoodu hooseeyo, una guuraan meelaha joogoodu sarreeyo. Waxa kale oo loo baahan yahay in ay ka war-qabaan waxa iman kara roob aan kaba da’in meeshaa ay degan yihiin. Marka roobkii badan yahay daad badanbuu keenaa. Biyo socda ayaa iska soo galaya dadkii, taas marka meelahaa dooxyada ah in ay ka taxadiraan in ay degaan, fadhiistaan ama xoolahooda ay geeyaan. Si guud dadka waxaan kula talinayaa in ay taxadar badan muujiyaan.”

Xoolo-dhaqatada waxay ka mid yihiin qoysaska u nugul saameynta xun ee ka dhalata roobabka. Qaarkood ayaa dhaqda xoolo jilicsan oo abaarta uga badbaaday, kuwaas oo u nugul dhibicda roobka ama daad ku soo rogmada.

The post Somaliland: Roobab mahiigaan ah oo sababay dhamashada saddex qof iyo boqollaal xoolo ah appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Mudug: Beeralay cunno xumo wajahaya markii uu qasaaray dalag ay beerteen
(ERGO) – Qoyska Cabdi Ciise Ereg oo 13 qof ah kooban waxay muddo saddex bil ah wajahayaan cunno yari aad u liidata. Waxaa u sabab ah in uu ka qasaaray dalag u saarnaa beer saddex hekter ah oo iskugu jiray khudaar iyo raaashin.

Waxay ka mid yihiin 51 beeraley ah oo ku nool deegaanka Dhardhaar ee gobolka Mudug oo daadkii ka dhashay roobkii darta ay galaafteen dalaggii ay beerteen bishii September, kaas oo ay qorshaynayeen in ay goostaan horraantii sanadkan.

Cabdi oo aan lahayn il kale oo dhaqaale waxaa qoyskiisa hadda ku tiirsan yihiin caawin aan joogto ahayn oo ay ka helaan dad ay qaraabo yihiin oo deggan magaalada Bandiiradley oo deegaankoodu hoos tago.

Raashinka ay u keenaan ayuu sheegay in ay karsadaan hal waqti si ay u beeqaamiyaan. Wuxuu intaas raaciyay in arrintaan uu la kulmay xilli uu filayay in uu ka soo kabsado abaaro horay u ragaadiyay wax soo saarka beertiisa.

“Waad dareemi kartaa wax weyn baa ka filaayey iyo in aan noloshayda ka debaro oo iyadana aan ku sii hormariyo laakiin hadda maba dhacin.”

Cabdi dhanka kale waxaa ka dhamaaday kayd raashin oo uu kala haray dalag aan badnayn oo ka soo ga’ay beertiisa gu’gii hore, kaas oo ahaa galley masago iyo digir. Wuxuu sheegay in kayd la’aantu tahay culayska ugu wayn ee ay hadda wajahayaan.

Ninkan wuxuu xusay in ganacsato uu dayn ka soo qaadan jiray oo deggan magaalada Bandiiradley oo horay ay u lahaayeen macaamil soo jireen ah ay ka joojiyeen in ay wax daymiyaan, markii ay oggaadeen in beertu ka qasaartay. Waxay ku leeyihiin $800 oo uu raashin ku qaatay.

Lacagtaas lagu leeyahay Cabdi intaas kuma eka. Waxaa u dheer $1,500 oo uu ku maalgaliyey abuurkii halaabay. Wuxuu hadda la kulmaa waydiimo joogta ah oo kaga imaanaysa dadka daynta ku leh.

“Daynta warkeeda waa lagu qalalay sida loo lahaa bishaaney soo go’aysaa waa la baxinayaa tukaamadii xaalkooda waa Allow sahal in nalaka ceyriyay markaan taaganahay ninka tukaanka leh wixii buu kaa rabaa anna saan u lahaa bishaan isug wixiiba gacantayda ka baxay”

Cabdi ayaa tilmaamay in horay markii ay beertu ka nacfi beesho uu u weecan jiray ari uu dhaqan jiray, balse abaarihii dalka soo baray ayaa ka galaaftay. Wuxuu tilmaamay in ay hadda u hareen 12 neef oo ah arinmaan iyo waxaro aan suuq galin.

Wuxuu sheegay inuusan hayn qorshe uu qoyskiisa ugu abuuri karo il dhaqaale maaddaama uusan lahayn xirfad kale. Muddo shan sano ah oo uu beeraley ahaa wuxuu xusay in qasaaro heerkan gaarsiisan uusan horay ula kulmin.

Beeralaydan si ay mar kale beeraha u tacbaan waxay isku dayeen in ay tuubo waraab ah ay ka soo jiidaan ceel riig ah oo u jira 12 km, balse dhaqaalaha ku baxaya ayay awoodi waayeen, taas oo quus ka dhigtay damacoodii.

Xasan Aadan Xaashi ayaa sheegay in reerkiisa oo ka kooban 10 qof ay wajahayaan nolol xumo aad u liidata oo dhanka cuntada ah. arrintaas ayaa ka dhalatay qasaaraha dalag u badnaa khudaar oo uu ku abuuray beer afar hektar ah, kaas oo uu qorsheynayay in ay xilligaan nololshooda ku dabaridoonaan.

“Noloshayda waxay ku yeelatay saameyn waa garan kartaa qof  danyarow ah oo inta wax beertay isku xir xiray silig iyo qod iyo shiddaal gaari ah gaari aadan lahay soo kiraysa oo isku keentay oo dalagii ruqay qaarna ay latageen qaarna dul fariisteen inta badan wey qasaartay”

Xasan oo beertu u ahayd halka meel ee uu ku tiirsan yahay ayaa dalagga u saarnaa filayey in uu ka faa’iidi doono lacag u dhaxaysa labo kun ilaa saddex kun oo doollar. Rajadaas ayaa Meesha ka baxday horraantii bishii Nofeembar, markii daadku ka qaaday.

Ninkan ayaa xusay in wax-soo-saarka beerta ay kula tiirsanaayeen labo qoys oo kale oo ay ehel yihiin, kuwaas oo aan iyagu beer lahayn. Waxay ka saacidi jireen tacbidda  iyaga oo qaybsan jiray waxa ka soo go’a.

Xasan si uu u maareeyo nololsha qoykiisa ayuu sheegay in hadda uu ku qasbanaaday in uu qabto shaqo ku cusub oo ah dhismaha guryaha. Wuxuu u aadaa magaalada Bandiiradleey oo shan km u jirta.

Wuxuu tilmaamay in hal ama labo maalin uu helo todobaadkii shaqo wuxuuna ka helaa min $7. Lacagtas ayuu sheegay in aysan ku filnayn qoyskiisa. Wuxuu ku soo iibiyaa raashin aan iidaan lahayn oo ay hal mar ay karsadaan. Wuxuu ku dhib qabaa la qabsiga hawshan cusub sida uu sheegay.

“Shaqadaan wey adagtahay waana wax loo baahanyahay mar haddii jawaan ku daba joogo anigaa la iga rabaa sidaa nolosha ku maareyn lahaa marka wey adagtahay salaadii baa shaqa galeysaa markii aad subxiga tukatid toddoba saac baa ka dageysaa marka heliduna waa marka wax la dhisaye markasta lama helo siday u shaqo ya rtahay”

Xasan wuxuu ka walwalsan sidii uu iskaga gudi lahaa dayn lagu leeyahay oo dhan $1,700, taas oo lagu yeeshay labadii sano ee la soo dhaafay oo beertiisa aysan ka soo go’in dalag fiican. Waxaa ku leh ganacsato ku lool magaalooyinka Gaalkacyo iyo Bandiiradlay oo ay macaamiil ahaayeen.

Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo ah guddoomiyaha iskaashatada beeraleyda deegaanka Dhardhaar ayaa sheegay in horay u wajahayey dhaqaalo-xumo ka soo gaartay abaarahii dalka ka dhacay oo aysan afar sano wax beeran. Wuxuu xusay in sanadkan oo ay roobab badan heleen ay filayeen in ay ka soo kabtaan balse aysan u suura galin.

Wuxuu tilmaamay in beeralayda qasaaraha soo gaaray ay sabab u ahayd daadadka oo dhaafay xad ay wax ka qaban karaan iyo tababar xumo ka haysatay qaabka ay u la tacaalayaan arrintan.

“Culeysyada hadda jira labo dhinac ayuu ka imaanayaayo, dhinac waa dadkii isku dayga sameeyey oo tabartoodii gaabisay ama roob ha sababsadeen ama si kale ha oga gaabiyeene oo awalna iska danyar ahaa. Wax soo saarka culeyska ku imaan kara waa dareemi kartaa awood iyo shaxdii biyaha lagu dhigi lahaa iyo agabkii kale ee ka caawin laha lama helin, marka nusqaan baa imaatay dhinac walbaba.”

Beeralayda gobolka Mudug oo horay ula daalaa dhacayay wax soo saar la’aan dhanka cimilada ah ayaa arrintan ku noqotay mid ay ka quus dhigeen tacbashada.

The post Mudug: Beeralay cunno xumo wajahaya markii uu qasaaray dalag ay beerteen appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Marka: Beeraley dib u billaabay tacabka beeraha oo fatahaaddu ay quus-goysay
(ERGO) – Maxamed Cali Maxamed wuxuu wajahaya hubanti la’aan dhanka nolosha ah, taas oo ka dhalatay khasaare ka soo gaarey biyo ku soo fatahay beertiisa. Bishii Janaayo ee sanadkan ayuu abuurtay dalag isugu jira sisin, yaanyo, bocor, digir iyo qajaar.

Kanaal beerta u waraabin jiray ayaa ku soo fatahay lixdii bishan Febraayo xilli habeen ah. Biyaha ayaa ka qaaday dhammaan dalaggii u saarnaa beerta. Maxamed wuxuu ka mid yahay 150 beeraleey ah oo ku nool deegaanka Buufow Bacaad ee duleedka Marka oo beerahooda biyahu ay ka qaadeen.

Wuxuu xusay in uu awoodi la’ yahay maareeynta nolosha qoyskiisa. Wuxuu sheegay in lacag yar oo ay soo shaqayso xaaskiisa in hal waqti cunno loogu kariyo qoyska.

“Dabka waxaa lagu shidaa cows iyo xaabo ay xaaska suuqa geyso. Sidaa ayaa carruurta lagu korinayaa, lacagta aan beerta ku abuuray iyo wixii ay carruurta biilanayeen, waxaa dayn looga soo qaaday dukaan. Beerta marka ay soo go’do ayaan qorsheeynaayay inaan iska bixiyo.”

Maxamed oo ah aabbaha siddeed carruur ah ayaa sheegay in beerta ay biyaha ka galeen ay tahay hal hektar iyo bar. Wuxuu filaayay inuu goosto dhammaadka bisha Maarso. Afar boqol oo doolaar oo dayn ah ayuu tilmaamay inay ka gashay beerta. Walwelkiisa ugu wayn hadda ayuu xusay inuu yahay sidii uu ku gudi lahaa daynta.

Maxamed ayaa sheegay in kanaalka biyaha keenay aan labo sano la dayactirin. Iskaashato ay ku mideeysnaayeen beeraleeyda deegaanka oo lacago iska aruurin jiray ayaa dayactiri jire, balse qudhooda ayaa meesha ka baxay.

Dhaqaale yari soo food saartey oo ka dhalatay abaarta ayuu sheegay inay keentay in beeraleeyda ay awoodi waayeen lacagahii ay bixin jireen.

Kanaalkii oo aan la hagaajin ayuu sheegay in biyo lagu soo fasaxay, taasi na ay keenay khasaaraha ay hadda ku sugan yihiin. Beertiisa oo meel godan ku taalo ayuu tilmaamay inaysan waxbo ka badbaadin oo dalagii u saarnaa oo dhan ay biyaha ka qaadeen.

“Wixii lacag aan haynay iyada ayaan gelinnay oo kharash kale hadda uma hayno. Aniga tan iyo burburkii beeraleey ayaan soo ahaa. Wax kale ma aqaanno oo aan beer ahayn. Iskuul ma soo dhigan oo wax kale la ima soo barin. Badda ma aqaano sida wax looga raadsado. Waligay beeraleey ayaan soo ahaa.”

Maxamed wuxuu tilmaamay inuu qorsheeynaayay in waxbarashada uu ku daro carruurtiisa oo aan waligood aan iskuul la geyn, marka ay beerta u soo go’do. Biyaha ku soo fatahay beertiisa ayuu sheegay inay meesha ka saartey qorshihiisa.

Dhanka kale beeraleeyda qaar ee biyaha uga fataheen beerahooda ayaa isu diyaarinaayay inay goostaan dalag u baxayay. Isxaaq Cabdulle Yabaroow oo ah aabbaha shan carruur ah waxay fatahaadda kanaalka ka qaadey beer hal hektar iyo rubac ah. Bishii Oktoobar ee 2023 ayuu ku abuurtay sisin.

Ninkan oo beerta dalag saarey markii ugu horreysay, toban sano oo uu barakac ahaa kaddib, ayaa sheegay inuu rajeynaayay inay u soo go’do 15 bishan Febraayo. Wuxuu xusay inuu geliyay $700 oo $500 oo ka mid ah dayn uu ku soo qaatay.

“Mudo 10 sano ah deegaankan waan ka maqnaa. Duleedka Muqdisho ayaan barakac ku ahaa. Maaddaama meeshan aan amni iyo kala dambeyn ka dareemay, dib ayaan ugu soo noqday. Beertii waalidkey tacbi jireen ayaan dib u billaabay inaan tabco. Beerta magaalada waa ay ka fogtahay. Meesha ay ku taalo maahan meel amnigeeda uu sugan yahay. Maalintii un ayaa la aadi karaa, biyahana xilli habeen ah oo aysan cid joogin ayay soo galeen.”

Isxaaq ayaa sheegay in qoyskiisa ay hadda ku tiirsan yihiin $70 oo ay bishii ka helaan hay’ad maxalli ah oo u gargaarta dadka la hayb sooco. Wuxuu tilmaamay in beerta uu rajo wayn ka qabay oo uu filaayay inuu ka maarmo lacagta gargaarka ah.

“Khasaarahaan aad u jeedo waxaa sababay kanaalkan oo nagu soo fatahay. Meel aan hadda talo ka billawno ma hayno. Dalaggii sidaan ayuu nooga go’an yahay. Ilaahay ka sokow na cid aan gacanta u taaganno ma hayno. Qofkii wax noo qaban karo waxaan codsanaynaa inay na soo garab istaagaan.”

Xuseen Cabdi oo ka mid ah odayaaasha deegaanka ayaa sheegay in biyaha beeraha ku soo fatahay ay uga yimaadeen Janaale. Webiga Shabeelle ayuu xusay inuu biyo keenay.

Dadka beeraleeyda ah ee khasaaraha soo gaaray ayuu tilmaamay inay isugu jiraan kuwa deegaanka dib ugu soo laabtay oo markii ugu horreysay beerahooda tacbay iyo kuwa horay u beeran jiray oo ay abaarta hakad gelisay.

Xuseen ayaa xusay in khasaaraha beerahooda soo gaarey ay saameeyn wayn ku leedahay wax soo saarka deegaanka, maaddaama in muddo ah aan wax la beerin, abaartii soo martay awgeed. Wuxuu xusay inay cabashadooda gaarsiyeen qofka maamula kanaalka biyaha soo sii daayay.

“Maalin haddii ay ahaan lahayd biyaha waan iska moosi lahayn. Laakiin meeshaan habeen lama imaan karo. Waxaan u sheegnay cabashadeena qofka biyaha soo daaya, isaga ayaa maamulka xiriir la leh. Wuxuu na dhahay aniga biyaha ma celin karo oo waa ay bateen.”

Beeraleeyda deegaanka Buufow Bacaad ayuu sheegay inaysan wax beeran doonin inta la hagaajinayo kanaalka, cabsi ay ka qabaan inuu mar kale khasaariyo awgeed.

The post Marka: Beeraley dib u billaabay tacabka beeraha oo fatahaaddu ay quus-goysay appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Bari: Beeraley u weecday ganacsiga markii beerahooda ay ka soo kaban waayeen biyo yari
(ERGO) – Maxamuud Yaasiin Maxamed wuxuu nolosha qoyskiisa uu ku dabbaraa dhaqaale uu ka hello dukaan uu hirgaliyay, markii uu ka rajo dhigay beer falashada saameynta biyo yarida ka jirta deegaankiisa Bareeda awgeed.

Qoyskiisu uu ka kooban yahay 15 qof ayaa ku tiirsan lacag $20 oo uu si joogto ah uga helo maalintii dukaankiisa.

Lacag dhan $15,000 ayuu ku bilaabay ganacsigiisa, taas oo deeq iyo deyn isugu jirtay. $10,00 oo lacagtaas ka mid ah ayuu soo deensaday, halka shanta $5000 ay siiyeen dad ay qaraabo yihiin, si uu dukaanka ugu furto bishii Maarso ee sanadkii hore

“Ganacsigaan sidii aan u bilaabay nolosha qoyska alxamdulillaah. Shaqooyin kale baan billaabay marka inaa ku darsado oo meelahaa or-ordo. Maareyn kale inaa ku kabo. Marka shaqooyin noocaas ah baan wax ka maaraystaa.”

Dukaankiisa ganacsi ayaa u fududeeyay in qoyskiisu ay ka baxaan cunno xumadii haysa, waxaana sidoo kale uu daboollay baahida waxbarasho ee carruurtiisa, kuwaas oo bil walba uu ka bixiyo $60.

Maxamuud ayaa sheegay markii ay meesha ka baxday tacbashada beertiisa uu ku qasbanaaday raadinta il kale oo uu ka maareyn karo nolosha qoyskiisa. Tobankii sano ah ee la soo dhaafay ayuu tilmaamay inuu ahaa beeraley.

Wuxuu xusay in bishii Febraayo ee 2023 uu joojiyay tacabka beertiisa, markaas oo biyo la’aan darteed uu uga khasaaray dalagii uga baxayay beerta. Noocyada khudaarta iyo timir ayuu xusay inay ugu beernaayeen, taas oo uu ku maalgeliyay $500.

Ninkan weli kama samrin beer falashada. Wuxuu rajaynayaa haddii uu xal u helo dhaqaale xumada ka hor istaagtay iyo biyo yarida in uu ku laabto beertiisa oo labo hiktar ah.

“Marka ahmiyaddeydu waxay tahay inaan beerahaygii dib u soo ceshado oo wanaajiyo oo aan ka shaqeeyo.”

Dadkaan oo ku nool deegaannada ku beegan bariga gobolka Bari waa dad nolol ahaan ku tiirsan beeraha, kalluumeysiga iyo xooloha. Laakiin, waxaa jira caqabado ay la kumayeen labadii sano ee u dambeysay, taas oo saameyn ku yeelatay nolosha qoysaskooda.

Cabdi Maxamed Bilaal iyo qoykiisa oo 6 ah waxay ka soo kabsadeen xaalad nolol-xumo ah, markii uu furtay dukaan lagu iibiyo dharka haweenka iyo carruurta bishii Luulyo ee sanadkii hore. Tan iyo waqtigaas waxay awood u yeesheen in ay saddex waqti dabka shitaan.

Cabdi wuxuu sheegay in markii ay ku adkaatay sii wadista tacbashada beertiisa uu doortay inuu baadi goobo fursado kale oo shaqo, si uu uga soo saarto masruufka qoyskiisa.

Wuxuu tilmaamay inuu ku dhiiraday ganacsiga, markii uu ka helay saaxiibadiis $200 iyo 21 ari oo uu isla bishaas ku iibiyay isku-darkooda $1500.

Wuxuu ku faraxsan yahay inuu maalin walba dukaaankiisa ka helo $35 oo ka caawisa maaraynta nolosha qoyskiisa iyo waxbarashada carruutiisa.

“Wuxuu ka beddelay nolosheena waxyalalo badan oo markii hore nagu taagnaa ayuu noo soo kaabay oo dib uga faa’iidnay inaa helno. Dharka carruurta iyo dharka kan shiidka la yiraahdo baanu ka maareynaa wixii bariiskooda ah.”

Cabdi Maxamed oo ku nool tuulada Abar-yar oo hoos tagta deegaanka Baargaal wuxuu sheegay in lacagta uu ka helo shaqdiisa ay u suuragelisay in 6 carruurtiisa ah ay ku laabtaan iskuulka oo  dhaqaalo xumo darteed horay looga saaray bishii May 2023. Wuxuu ku bixiyaa waxbarashadooda $75.

Wuxuu xusay in nolosha ay ku adkaatay qoyskiisa, markii uu istaagay tacabka beertiisa oo hal hiktar. Ka hor inta uusan billaabin ganacsigaan.

Bishii Januray ee sannadkii hore ayuu sheegay inuu joojiyay tacbashada beertiisa, markii uu heli waayay biyo ku filan oo uu ku waraabiyo.

Cabdi ayaa tilmaamay in abuurkii ugu dambeeyay ee beerta ugu beernaa uu ahaa noocyada kala duwan ee khudaarta oo uu ku maalgeliyay $350.

Dadka ku nool deegaannadaan intooda badan wali si buuxda ugama soo kaban raadadkii abaarta ay ku reebtay noloshooda, inkasta oo qoysaska qaar ay ku dedaalayaan helitaanka fursado ay wax uga beddelaan duruufta dhaqaale xumo.

The post Bari: Beeraley u weecday ganacsiga markii beerahooda ay ka soo kaban waayeen biyo yari appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.