(ERGO) – Amal Cabdullaahi Axmed waa ardayad 18 jir ah oo aragga la’. Waxay dhigataa dugsi sare oo ku yaalla magaalada Muqdisho. Waxay isticmaali kartaa aaladaha casriga ah ee teknoolajiyada iyo intarnetka.
Bishii June ee sanadkii hore ayay ka qalinjebisay dugsiga hoose-dhexe ee Al-Basiir oo wax lagu baro ardayda sideeda oo kale ah ee aragga la’, waxayna ka mid ahayd ardaydii lagu billaabay dugsigaas. Laakiin, maaddaama aanu gaarsiisneyn heer dugsi sare waxay iyada iyo shan arday oo kale ku biireen dugsiga sare ee Rajab ee degmada Waaberi.
Dugsiga Al-Basiir oo lacag la’aan ah waa mid hooy leh, cunnana siiya ardayda. Amal qoyskeeda oo beeraley ah wuxuu ku nool yahay deegaanka Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha hoose oo Muqdisho u jira 75 km. Sidaas daraaddeed waxaa weli hooy u ah dugsigaas ay ka qalinjebisay oo waalidkeed ay geeyeen shan sano kahor. Maalin kasta waxay u lugeysaa dugsigeeda sare oo u jira 1 km iyadoo kaashaneysa usheeda cad.
Magaalada Muqdisho kuma yaallo dugsi sare oo loogu talagalay dadka aragga la’. Lix arday oo Amal ay ka mid tahay oo aragga la’ ayuu dugsiga Al-Basiir bil kasta ka bixiyaa waxbarashada dugsiga sare oo ardaygiiba ah $12, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay maamulaha dugsigaas Abiikar Xuseen Bashiir, wuxuu intaa ku daray inay dugsiga dhinaca dhaqaalaha ka taageeraan xildhibaanno, qurbajoog iyo qaar ka tirsan hay’adaha samafalka.
Wuxuu xusay inay dugsiga hadda dhigtaan 42 arday oo 18 ay gabdho yihiin, kuwaas oo ka kala yimid gobollada Shabeellaha hoose, Shabeellaha dhexe, Baay, Bakool, Galgaduud, Hiiraan iyo Banaadir.
Amal uma sahlaneyn inay la jaan-qaaddo ardayda dhigata dugsiga sare ee Rajab oo aan lahayn agabka wax lagu baro dadka aragga la’. “Runtii way la qabsatay hadda, maxaa yeelay waa gabar waxbarashada horay ugu wanaagsaneyd oo imtixaan kasta geli jirtay kaalinta koowaad,” ayuu yiri Abiikar.“Keliya waxay uga duwan tahay ardayda kale inay isticmaasho qalab u gaar ah oo loogu talagalay inay wax ku qortaan dadka aragga la’.”
“Cashirka sabbuuradda lagu qoro waxaa ii yeerisa gabar dhinaceyga fadhiisata oo sidaas baan ku qortaa,” ayay Amal u sheegtay Raadiyo Ergo.
Waxay tilmaantay inay ku hanweyn tahay marka ay dhammeyso dugsiga sare inay barato cilmiga Xiriirka Caalamiga ah si ay uga mid noqoto hoggaamiyeyaasha Soomaaliya. “Waxaan jecelahay inaan noqdo gabadha ugu horreysa ee aragga la’ ee noqota wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya,” ayay tiri.
Amal oo ku dhalatay arag-la’aanta waxay aaminsan tahay in aysan waxba ka maqneyn. “Hadda wax baan qoraa, waxna waan akhriyaa, mana aaminsani inaan ahay qof ka duwan dadka wax arkin kara,” ayay tiri. “Arag la’aantu qalbi la’aan ma aha.” Amal oo ku faraxsan nolosheeda waxay sheegtay inay baraha bulshada kula sheekeysato asxaabteeda, leyliyada iskuulkana ay ku diyaarsato kumbiyuutarka, iyadoo xogaha ka maqanna ka raadsata Intarnetka.
Waxaa la baray sida ay keligeed u qabsan karto howl-maalmeedkeeda, sida; cunto-karsiga iyo dhar-dhaqashada. Telefoonka gacanta, saacad ay waqtiga kala socoto, xisaabiye iyo kumbiyuutar dhammaantood leh cod wax hagaya ayay adeegsataa.
Yaraanteedii ma aysan aaminsaneyn in qof sideeda oo kale ah uu wax baran karo, wax qori karo, waxna akhrin karo. Laakiin wixii ka dambeeyay markii ay waxbarashada billowday ilaa hadda waa gabar hammi leh oo hiigsaneysa inay gaarto heer sare, waxayna gabdhaha Soomaaliyeed kula talinaysaa inay aqoonta ku dadaalaan si ay noloshooda u horumariyaan, mustaqbalkana ay dalkooda wax ugu qabtaan.
Mohamed Shariff
Content retrieved from: https://radioergo.org/old/blog.php?2063.