Site icon Radio Ergo – Somali Humanitarian News and Information

Hargaysa: Carruur laga daaweeyay cudurro sababay in ay waxbarashadu ku adkaato

(ERGO) – Boqol iyo konton carruur ah oo qaba cudurrada macaanka, suuxdinta, wadno xanuunka, iyo infekshinka,oo ka soo jeeda qoysas barakac iyo danyar iskugu jira ayaa baaritaan iyo daweyn  bilaash ah ka helaya isbitaalka Adna Aadan ee magaalada Hargaysa.

Waxay ka faa’iidaysteen olole isbitalka uu sameeyay bilihii May iyo Juun ee sanadkaan oo ujeedkiisu ahaa in lagu caawiyo waalidiinta aan awoodin in ay carruurtooda daweeyaan iyo kuwa ay ilmahoodu qabeen cudurro aan lagu ogayn.

Maxamed Ibraahim Cumar waxaa loo daweeynayaa gabar toddobo jir ah oo muddo 4 sano ah la dhibtoonaysay cudurka qallalka oo uu u la’aa dhaqaale uu ku geeyo xarun caafimaad. Waxay ka mid ahayd sodon qof oo 27 bishii May laga soo qoray xerada Qalax oo uu deggan yahay.

Ninkan ayaa sheegay in daawooyinkii loo qoray uu wax badan uga gartay gabadhiisa. Wuxuu joogto ugu geeyaa dhaqaatiirta isbitaalka toddobaad kasta si loo qiimeyo xaaladdeeda.

“Adeegyada bilaash ayay ahaayeen wax lacag ah habayaraatee oo nalaga qaadayo ma jirto. Dhiig iyo Kaadi ayaa laga qaaday, xagaas suuxdintana haddii aad waxkale ku aragtaan sawir gudaha ah baan u diraynaa bay nagu yiraah deen.”

Maxamed ayaa xusay in muddadii ay gabadhu jiraneed ay saamayn ku yeelatay waxbarashadeeda. Waxay labo sano dhaafi waysay fasalka koobaad ee dugsiga hoose. Faham la’aanta casharada waxaa u dheeraa in maalmaha qaar ay miyir la’aan ahaan jirtay, taas oo dhibaato ku ahayd maskax ahaan iyo jir ahaanba.

Maxamed oo macallin ka ah iskuul ku yaalla xerada ay deggan yihiin oo bishii mushaar ahaan u qaata lacag dhan $45 ayaa sheegay in horay uu iskugu dayay in gabadha uu geeyo xarumo caafimaad, balse uu bixin waayay qarashka looga baahnaa. Waxaa xaddidayay dhaqaalaha soo gala oo aan ku wada filnayn nolosha qoyska iyo dawaynta gabadha.

“Qof aabbe ah oo aan u awoodin ilmihiisii in uu la tacaalo ama uu dhakhtar geeyo, si uu uga daweeyo xannuunkan haya, walaahi aad ayay isaga dhib badan tahay,xannuun-keedaasina si aad ah ayuu ii saameeyaa.”

Maxamed ayaa sheegay in xanuunka gabadha uu shaqadiisa saamayn jiray, maaddaama uu maalmo badan iskuulka ka maqnaan jiray. Waxaa lagu leeyahay dayn gaaraysa $500 oo lagu yeeshay intii uu ku mashquul sanaa la tacaalida gabadha.

Maxamed oo qoyskiisu uu ka soo guuray degmada Gaashaamo ee dowlad deegaanka Soomaalida ayaa dabayaaqadii sanadkii 2020 u soo wareegay magaalada Hargaysa markii ay nolosha halkaas ku adkaatay.

Wuxuu sheegay in tan iyo xiligaas oo ay barakac ku yihiin koonfurta magaalada Hargaysa ay xaaladdoodu sii adkaatay markii gabadha xanuunkeedu uu siyaaday.

Dadka danyarta ah ee carruurtoodu ay ka faa’iidaysateen ololahaan waxaa sidoo kale ka mid ah Ugbaad Ciise Cismaan waxaa loo dawaynayaa wiil 15 jir ah oo cudurka macaanka laga helay oo aysan iyadu horay ugu ogayn. Waxay ka war heshay markii isbitaalku la wadaagay xogta baaritaankii lagu sameeyay.

Wiilkeeda ayaa ka mid noqday 250 oo carruur ah oo dhiganayay iskuulka Qalax oo dhamaan la wada baaray. Waxay sheegtay in horay ay u dareentay jirada wiilka, balse ay awoodi waysay in ay gayso xarun caafimaad.

Ugbaad ayaa sheegtay in si ay u hubiso natiijada u soo baxday ay isbitaalka ku soo celisay saddex maalin oo is xigtay, iyadoo tustay dhaqaatiir kala duwan oo ugu jawaabay si isku mid ah. Waxaa si bilaash ah lagu siiyay daawada macaanka oo ay sheegtay in ay hadda wax badan uga garatay.

“Adna si fiican bay ii gacan qabatay. Dhaqtarkii baa la ii geeyey, shaybaarkii oo dhan baa laga qaaday, irbadiibaa la ii soo siiyey, mishiinkiibaa la ii soo siiyey, maasha Allah hadda maalin walba bartii uu marayo macaankiisu ama sidii uu yahay ayaan ogaadaa.”

Ugbaad ayaa xustay in labadii sano ee la soo dhaafay ay ku aragtay xanaq iyo dagaal joogto ah oo aysan horay uga baran,sidoo kale waxbarashadisa ay hoos u dhacday, mararka qaarna uu macalimiinta u gacan qaadi jiray, balse hadda uu soo wanaagsanaanayo. Waxay sheegtay in welwel ay dareentay markii wiilkeeda laga helay cudurka.

“Inanka yar xannuunkiisu culays badan iyo damqasho badan buu igu hayaa. Kheyr baan rajaynayaa, markii horena ilma yaroo awlaada iskaga dhex nooloo maalinba wixii loo helo loo kariyo ee iska cunno buu ahaa maantana dee xil weyn baa igu soo kordhay oo ah in aan ilaaliyo cuntadiisii.”

Ugbaad ayaa sheegtay in wiilkeeda sannad-dugsiyeedka cusub uu u gudbi lahaa fasalka  toddobaad, balse dib loogu celiyey fasalka shanaad markii waxbarashadiisa ay hoos u dhacday sanadkaan.

Waxay tilmaamtay in markii ay macalimiinta isla qaateen in dib loogu celiyo fasalka uu caro ka sii qaaday oo xitaa ay u gacan qaatay, maaddama ay u arkaysay inuu waxbarashada didan yahay.

Ugbaad oo ah hooyada 11 carruur ah wuxuu qoyskeedu 4 sano deggan yihiin xeryaha lagu barakacay. Markii hore waxay daganaayeen xerada Birjeex oo ka mid ah xarumihii hore ee ciidamada ee magaalada Hargaysa.

Waxay halkaas isaga soo baxeen markii dowladu ku amartay in dadka xerada dagan ka guuraan sanadkii 2020. Wixii intaas ka dambeeyay waxay ku noolaayeen cooshad ku taalla xerada Qalax.

Waxay Raadiyow Ergo u sheegtay inaysan shaqayn, aabbaha qoyskuna uu yahay askari $55 bishii qaata. Lacagtaan yar wuxuu u qaabiyaa iyaga iyo qoys kale oo ka kooban 9 qof, taas oo keentay inaysan waxba ka tarin baahiyahooda.

Faaduma Cabdi Cabdulaahi oo ah dhakhtarka hogaaminaysa barnaamijka dayeelka carruurta ee qoysaskaan danayrta ah ay ka faa’iidaysteen ayaa sheegtay inay soo billaabeen sanadkii 2016.

Hadda oo ah markii sadexaad ee ay fulinayaan ayay xustay in wajigiisa koobaad ay ka faa’iidaysteen kun carruur ah oo dhigata iskuulada Qalax, Cumar-diinaari iyo Ayax 4 ee magaalada Hargaysa.

Sababta lagu doortay xarumahan ayay ku sheegtay Faaduma in dadka danyarta iyo barakaca isugu jira ee ku nool aysan helin adeegyada caafimaadka, maaddaama aysan awoodin dhaqaalaha ku baxa.

Ololaha sannadkan waxaa baaritaan dhamaystiran loogu samaynayaa carruurta iskuullada dhigta, iyadoo kuwa cudurrada laga helay dhaqaatiirta takhasusuka u leh loo gudbiyay, daweyn bilaash ahna loo sameynayo.

“Waxaanu runtii jeclaan lahayn, in uu barnaamijkaan noo noqdo mid iskuul walba hal kalkaaliye uu fadhiyo oo ay carruurteena caafimaadkooda ka war hayaan.”

Intii howshaan socotay macalimiinta qaar waxaa la siiyay tababarro ku saabsan qaabka ay ula tacaali karaan ardayda haddii xaalado degdeg ah ay ku yimaadaan.

Qoysaska barakaca iyo danyarta ah ee ku nool deegaanada Soomaaliland ayaa waxyaabaha ay inta badan ka cowdaan waxaa ka mid ah inaysan heli karin adeegyada bulshada ee ay ugu horeeyaan caafimaadka iyo waxbarashada, maaddama ay ka durugsan yihiin goobaha laga helo adeegyadaasi.

 

Exit mobile version