Site icon Radio Ergo – Somali Humanitarian News and Information

Baydhabo: Boqollaal danyar iyo barakac ah oo fursad shaqo abuur ka helay beero loo maal-geliyay.

Fiiday oo ku guda jirta shaqadeeda maalinlaha ah ee goynta beerta/Cabdullaahi Maxamed/Ergo

(ERGO) – Fiiday Cali Ibraahim oo 43 sano jir ah waxay aroor walba u kallahdaa beer ku taalla duleedka magaalada Baydhabo. Waxay ka mid ah tahay 205 haween ah oo fursad shaqo abuur ka helay beero loo maal-geliyay bishii Diseembar ee sanadkii hore.

Haweeneydan ayaa sheegtay inay isbeddeshay nolosha qoyskeeda oo ka kooban iyada, ninkeeda iyo sagaal carruur ah. Waxaa u suura galay inay helaan cunno saddex waqti ah iyo koosaarteeda oo is wadata.

Fiiday waxay awooday inay bishii afraad ee sanadkan iska bixiso kontan doollar oo dayn ahaan loogu lahaa. Hadda waxay bille u kaydsataa 10 doollar. Lacagtan ayay doonaysaa inay mustaqbalka wax ugu qabato carruurteeda.

“Shaqadan, anniga, awlaadayda iyo ciddayda waxay nooga dhigan tahay farxad. Shaqadan wax weyn ayay ii fududaysay. Maanta haddii uu canug iga jirrado wax walba fudayd ayay ii yihiin. Hadda anniga iyo carruurtayda farxad aad u weyn ayaan iskula nool nahay.”

Saygeeda ayay sheegtay inuusan shaqayn sababo la xiriira inuu yahay waayeel aan xamili karin shaqooyinka xoogsiga ah ee ay nolosha ka soo saartaan qoysaska danyarta iyo barakaca ah.

Sidaas darteed haweeneydan waxay hormuud u tahay soo saaridda biil maalmeedka qoyska. Ka hor shaqadan waxay ahayd mid la nool welwelka ka haystay soo dhicinta masruufka reerka.

“Waxaan ahaa qof carruur dhalay. Awlaadaas sidee ayay gaajada haysta kaaga baxayaan? Sidee ayay waxbarasho kuugu helayaan? Sidee ayay noloshiinna ku beddelmi, sidaas ayaan ka fekeri jiray.”

Haweeneydan ayaa qaabilsan qeybta goyn khudaarta sida; yaantada, cansalaatada iyo noocyo kale. Labo ka mid ah haweenka ay isku kooxda yihiin ayaa u xil-saaran suuq geynta dallagyada u soo go’a kadibna waxay si siman u kala qaataan faa’iido u dhaxaysa shan ilaa lix dollar maalintii.

Fiiday ayaa sheegtay inay fursaddan ku heshay markii ay xogteeda la wadaageen saaxiibadeed. Nasiib wanaagsan waxay ka mid noqotay shaqsiyaadkii la aqbalay codsigooda markii la qiimeeyay baahidooda.

Haweenaydan ayaa nolosha ka qoyska ka soo saari jirtay kiilo sisin ah oo ay ku wareejin jirtay waddooyinka magaalada taas oo ay ka heli jjrtay ugu badnaan labo doollar.

Qoyska Fiiday ayaa sanadkii 2021 ka soo barakaca deegaan Busul oo qiyaas 21 km u jira degmada Waajid ee gobolka Bakool. Waxay deegaankaas ku lahaayeen beer saddex hektar ah.

Waxaa u dheeraa dhaqashada ari afartameeyo ah oo kaga le’day abaarihii deegaannada Koonfur Galbeedka Soomaaliya ku soo laalaabtay shantii sano ee la soo dhaafay.

Khudaarta u soo go’da Fiiday iyo inta la mid ah waxay u iib geeyaan suuqa magaalada. Sidoo kale, waxay dadka macaamiisha gaarka u ah ugu geeyaan maqaayadaha iyo guryaha. Faa’iidada ay maalinle u helaan ayay kala kala goystaan si is la eg..

Wadarta dadka beeraha loo maal-geliyay waa saddex boqol. Waxaa rag ah 95 ka mid ah. Waxaa la isugu xiray si koox koox ah. Waxaa dhisan 30 kooxood oo la isku raaciyay sida ay isku leeyihiin 10 ilaa 15 qof. Waxay ka shaqeeyaan 29 beer.

Marka laga tago haweenka waxaa jira rag ka faa’iidaysanaya beeraha. Waxaa ka mid ah Maxamed Isgoowe Cali oo nolosha qoyskiisa ku filnaaday.

Ninkan ayaa sheegay inay shaqadan u noqotay isaga iyo qoyskiisa il dhaqaale oo ay kaga maarmeen ku tiirsanaan gargaarka la siiyo qoysaska barakaca ah oo uu xusay inay bilaha qaar aysan heli jirin.

“Noloshayda wax badan ayaa iska beddelay. Isbeddel muuqda ayaa jira. Isbeddelka waxaa ka mid ah carruurta iskuulkooda. Awal shaqo ma jirin. Baagamuudannimadii waan ka baxay.”

Ninkan ayaa sheegay in shaqadan ka hor cunno u helidda carruurtiisa uu ka fekeri jiray. Hadda wuxuu xusay inay kala doortaan nooca raashin ee ay karsanayaan qadada, cashada ama qureecda.

Maxamed waxay shaqo wadaag yihiin 14 kale oo rag ah kuwaas oo hawlaha maalinlaha ah ay iska qabtaan. Si gaara isaga wuxuu qaabilsan yahay waraabka iyo nadaafadda beerta.

Wuxuu sheegay inay u soo go’aan dallagyo kala duwan sida yaanyo, koosto, barbarooni, iyo cansalaato kuwaas oo uu maalinle uga helo biilkiisa.

Maxamed oo ah 47 jir korsada toddobo carruur ah ayay shaqadan u horseeday inuu waxbarasho iskuul hoose ah geeyo afar ka mid ah carruurtiisa.

Waxay shaqadan sidoo kale u rumaysay inuu labadiisa waalidkiisa oo da’ ah uu u dhismo guri jiingad ah oo ka kooban saddex qol. Waxaa uga baxay 3000 oo doollar oo uu dayn u qaaday balse wuxuu bil walba iska gooyaa $50.

“Waalidka awal hoy ma haysan. Hoy ayaan u dhisay. Meel lagu soo hoydo. Biil waan siiyaa. Isbeddelka aad u fiican ayaan helnay. Wax walba oo aad u baahnayd haddaad hesho isbeddel ayaad heshay. Beertan beer ka sii weyn inaan helo ayuu hammiyaga yahay. sidii aan u ballaarin lahaa ayaan hawsheeda ku jiraa.”

Maxamed iyo qoyskiisa waxay shaqadan ka caawiyay inay saddex sano kaddib ka baxaan nolosha barakacnimada. Bishii Abriil ayay ka guureen xerada Horseed oo ay ku noolaayeen afar sano.

Ninkan ayaa sheegay inuu rajaynayo in beeraha cabbirkooda loo ballaariyo maaddaama ay hadda 30 ilaa 40 mitir ay yihiin isla markaanna ay koox shaqo wadaag ku yihiin.

Qoyska ninkan ayaa 4 sano ka hor waxa uu ka yimid degaanka Derbi Biyoodle oo qiyaastii degmada Baydhabo u jira 70 km. Waxay deegaankaas ku lahaayeen beer 4 hektar ah.

Sanado abaar ah kaddib waxay go’aansadeen inay ku soo biiraan xeryaha barakaca ee magaalada Baydhabo.

Beeraha qoysaskan loo sameeyay ayaa ah kuwa loo yaqaanno Green House ka. Waxaa u qodan ceel matoor ah oo lagu waraabiyo. Qoysas waxaa beeraha loo kireeyay shan sano oo ka bilaabanaysay bishii 12aad sanadkii 2023.

Hay’adda SOS ayaa qoysaskan ka caawiysay maal-gelinta beeraha. Cali CabdullaAhi Suleymaan oo ah isku duwaha mashruuca ayaa ka hadlaya ujeedada ay ka leeyihiin.

“Muhiimadda ugu weyn ee aan ka leenahay waxa weeyaan dadka inay isku tiirsanaadaan oo isku filnaan ay gaaraan iyo inuu soo saarto dhaqaale oo dhaqaalihiisa uu kobciyo oo kor u qaado si carruurtiisa iyo nafaqadooda iyo waxbarshadooda meel sare uu u gaarsiiyo.”

Wuxuu sheegay in taageerada qoysaska barakaca ah la siiyo ay tahay mid joogsada bilo kaddib sidaas darteed ayuu xusay inay beeraha giriinka u arkeen shaqo abuur sii jiraya.

Cali ayaa tilmaamay inay beeraha dadan u baahan yihiin biyo yar marka laga barbar dhigo beeraha kale.

Qoysaskan oo horay ula daalaa dhacayay helidda quud maalmeedka ayay beeraha u abuureen rajo ah inay iyada oo barakac ah ay horumar ka gaari karaan nolosha si la mid ah dadka kale.

Exit mobile version