(ERGO) – Saamaynta ka dhalata daawooyinka la isku caddeeyo ayaa kordhaysa sida lagu ogaaday daraasad la soo saaray bishii labaad ee sanadkaan oo ay sameeyeen dhaqaatiir jooga magaalada Qardho.
Dhaqtar Maxamed Cumar Hareeri oo ah madaxa dhakhaatiirta daraasaddaan sameeyay, kana ka howl-gala isbitaalka guud Qardho ayaa sheegay in shantii bil ee la soo dhaafay oo kaliya ay diiwaan geliyeen 487 bukaan oo dhibaato caafimaad ay ka soo gaartay is-caddeynta.
Daraasadda oo socotay toddobo bil ayaa lagu sheegay in horay sanad walba loo arki jiray bukaanno la dhibtoonaya cudurrada maqaarka oo ka dhashay kiimikada daawada ee ay sida qaldan u isticmaaleen, balse sanadkaan ay gaartay heer aad u sarreeya.
Waxaa lagu ogaaday in ay jiraan dad badan oo ay soo gaartay saamayn yar, laakiin aan ku jirin diiwaanka bukaanada la sheegay, maaddaama aysan tagin xarumaha caafimaadka.
Dhaqtar Maxamed oo ku takhakhusay cudurrada guud iyo kuwa maqaarka ayaa sheegay in bukaanada ku waxyeellooba daawooyinka ay adag tahay in wax laga qabto xaaladdooda. Wuxuu xusay in ay siiyaan daawooyin tacaal ah oo ay qaataan waqti dheer.
“ Cudurada ka dhashay is-cadaynta waxay ku xirantahay hadba xadka kiimikada ku jirta dawada iyo sidday u kala xoog-badan yihiin, cudurada ka dhalan kara waxaa ka mid ah cudurkada ku dhaca maqaarka, sidda maqaarka khafiifaya, xidida soo baxaya, cambaar, qawadka, xanuunka wejiga iyo qoortu waynaanto qofka, dhiig-kar, kansarka maqaarka ku dhaca, iyo in kelyaha iyo sambabada ay saamayso kiimikadu.dawada waxa weeye in qofka laga joojiyo daawada uu isku-cadeeyo, dawooyinka kale oo jirka lagu soo celinayo ayaa lagu dawayn karaa, laakiin haday kelyuhu fariistaan ama Cancer ku dhaco heerka dawadiisu waa yartahay.”
Dhaqtar Maxamed Cumar ayaa sheegay in daaraasadda oo ay dhaqaatiirtu iska kaashadeen ay ku ogaadeen in gabdhuhu markay daawooyinkaan gadanayaan aysan ku baraarugsanayn dhibaatadeeda, balse ay ogaadaan markay ku xanuunsadaan.
Dhanka kale dadka iibiya ayuu xusay in aysan aqoon u lahayn kiimikada ay isku darayaan, taas oo sababaysa dhibaatada aan la xakamayn karin.
Saciido oo aan qarinay magaceeda saxda ah waxay muddo labo sano iyo bar ah dhibane u tahay cudur uga dhacay maqaarka oo ay ka qaaday daawo ay iibsatay oo ay isku cadaynaysay. Cudurka ay qabto oo ay u tagtay dhaqaatiir badan ilaa hadda ma aysan heli daawadiisa mana taqaan magaciisa.
Waxay sheegtay in dhamaan jirkeedu uu googo’ay wax ka yar labo maalin markii ay marsatay. Dukaankii ka iibiyay ayaa u sheegay in uusan hayn wax xal ah, markii ay la wadaagtay dhibaatada gaartay. gabadhaan oo 25 sano jir ah kuna nool magaalada Qardho ayaa tan iyo markaas ka go’day in ay xitaa magaalada aaddo maddaama uu isbeddelay jirkeeda.
“Maskax ahaan waxaan kala kulmay dhibaato aad u fara badan waxaa ka mid ah in dadka ay i faquuqaan, in ay iga naxaan markii ay arkaan xidida jirkeyga qaarkood oo banaanka yaalla, dhowr mar ayaan xanuunsaday, markii aan dhaqaatiirta u tagay waxa ay igula taliyeen in aan daawadaan joojiyo, maadaama dhaawac mustaqbal ahaaneed ay ii geysanayso .”
Saciido waxay sheegtay in ay dareento welwel joogto ah oo ku dhashay markii dhaqaatiirtu u sheegeen in jirkeedu uu dhibaatada gaartay uga soo kabsan karo muddo saddex sano oo hadda ka dib ah. waxay markasta raadisaa dhaqtar ay ka hesho jawaab ka duwan middii ay horay ula kulantay, balse weli kuma guulaysan.
Waxay sheegtay in uu ka baxay qarash ay ku qiyaasayso kun iyo shan boqol oo doollar oo aysan ku helin wax daawo ah. waxaa intaas u dheer in ay hadda dareemayso in jirkeedu sii tabar daraynayo, taas oo ay tilmaantay in ay gelisay jiyad jab hor leh.
Waxay maalin kasta gocotaa shalay ku salaysan go’aankii qaldanaa ee ay qaadatay markay bilaabaysay daawadaan. Waxay sheegtay in ay ku qalqaaliyeen gabdho ay saaxiib ahaayeen oo isticmaali jiray daawooyinka. Waxay xustay in hadda awoodeedu ku soo aruurtay in ay ducaysato oo kali ah.
Waxay u tiirinaysaa dhibka daawada in ay u dheertahay isticmaalkeeda oo ay qaladday. Waxay dib ka ogaatay in la marsanayay hal mar maalinkii iyaduna ay qaadatay saddex mar.
“Dhibaatooyinka aan kala kulmay aad ayay u badan yihiin, waxa ka mid ah mid jir ahaaneed, waxaa kaloo ka mid ah in difaaca jirkeyga wuu yaraaday, in nabro ay iga soo baxaan oo aysan bogsan, in qoroxda ay i dhibto, in aan jikada gali waayo oo dabka aan ka cararo. Sidoo kale meeshii nabar yar iga gaaro in aysan bogsan.”
Saciido si dhibka gaaray uusan u saamayn gabdhaha magaalada waxay hadda si iskeed ah u billowday wacyigalin ku saabsan talo siin ay gabdhaha ku baraarujiso in aysan jirkooda cadayn si aysan u marin waddadii iyada mugdiga gelisay.
Waxay Online-ka kala xariirtaa dhamaan asxaabta ay qadka isla wadaagaan si ay ugu sheegto waxyeelada daawada. Dhaqaatiirta daraasadda soo saaray ayaa sheegay in kiimikooyinka oo ay isku qasaan dad aan baran ay keeni karto cuduro halis geliya nafta qofka. Waxaana ka mid ah kareemada la isku daro Doornaviido, Diana, Silvana oo loogu talagay in la qaato marka uu dhaqtar dadka u qoro.
Saciido oo kali ah maahan dadka la nool dhibaatada ka gaartay daawada. Faadumo oo aan qarinay magaceeda saxda ah waa 28 sano jir ku nool Qardho. Waxayna la dhibaatoonaysaa waxyeelo ka soo gaartay dhamaan jirkeeda daawo kuwa dumarka ay isku cadeeyaan ah oo ay isticmaashay bishii December ee sanadkii 2022.
Waxay ka iibsatay Internetka iyada oo la xayaysiinayo mana lahayn aqoon ku aaddan daawooyinkan oo waxay u ahayd markii ugu horraysay ee ay isticmaasho. Ujeedka ay u gadatay ayaa ahaa in wajigeeda ay ka saari doonto finan yar yar oo kaga yaalay sida ay ka ogaatay fariinta ay aragtay.
Waxay tilmaamtay in todobaad ka dib ay jirkeeda ka soo baxeen buulaal isku beddelay nabarro ilaa hadda ku yaalla. Waxay sheegtay in ay samaysay dedaal kasta oo ay ku heli karto daawo balse ay waysay.
“Kareenkaan caagad ayuu ku jiray, gabadha aan ka gatay aqoon uma lahayn, wattsappka saaran Tiktok ayaan ka dalbaday, lacag $46 dollar ayaan baxshay, ka dib markii lay keenay, hal subax ayaan soo kacay wejigaygii oo haaro waaweyn yeeshay, sidoo kalena kala midab noqday oo is-bedelay, cun cun joogto ahna waan yeeshay, welwel baa igu bilowday.”
Faadumo caafimaad darrada waxaa u dheer in ay la kulanto eed joogto ah oo kaga imaanaysa qoyska ay ka dhalatay oo u aanaynaya in ay gacanteeda ku samaysay wax dhibkaas gaarsiiyay.
Waxay sheegtay in xilli kasta la waydiiyo sababta ku kaliftay aysanna hayn jawaab ay ka bixiso.
Waxay kaloo xustay in Qoyskeedu ay isku howleen in ay geeyaan dhaqaatiirta ugu fiican ee cudurrada maqaarka balse, waxay ku wargaliyeen in qaar unugyada jirkeeda ay dawadu dishay oo ay adagtahay in uu sahal ku soo kabto.
Waxay sheegtay in marka laga yimaado nabarada ay sidoo kale daawadu ku sababtay xasaasiyad aysan horay u lahayn. Dhaqaatiirta ayaa u sheegay in sababtu ay tahay daawada iyo jirkeedu ay isdiidayaan.
“Waxaan xasuustaa in 6 bilood cuqdad darteed aanan magaalada u bixin shaqo, suuq iyo magaalo dhanba, mudo 6 bilood ah ka dib baan indha-shareer ah ku soo adaay anigoo ka naxsan wajigayga aragtidiisa, kaddib mararka qaar waxaa hdici jirtay inaan aroosna aadin, sawirna gelin, xataa mararka qaar aan dadka deriska ah marka guriga yimaadaan ka carari-jiray. Alxamdulilaah hada waan fiicanahay, qofkii si fiican ii fiiriya xoogaa meelo madaw-madaw ku jiro wejigayga kuu arkayaa, laakiin waan roonahay.”
Faadumo ayaa sheegtay in hadda ay soo roonaanayaan nabarada gaaray jirkeeda balse ilaa iyo hadda ay ku adag yihiin qubayska iyo waysada. Waxay tilmaantay in meesha ay biyuhu ay danqiyaan dhaawacyadii sii raysanayay.
Isticmaalka daawooyinka laysku cadeeyo ee dhibaatooyinka caafimaad gaysanaya oo horay magaalooyinka waaweyn ugu badnaa ayaa hadda gaaray bulshada miyiga. Ka sokow inay horseedaan in gabdhaha isticmaala ay u nugleeyaan in ay cuduro ku dhacaan, waxay dhaqaatiirtu sheegaan in sidoo kale ay saamayso caafimaadka dadka guryaha kula nool.