Site icon Radio Ergo – Somali Humanitarian News and Information

Sanaag: Beeraley ku qasaaray dalag ay dayn ku beerteen markii biyo la’aan ay ku dhacday

Nin beeraley ah oo dhex-taagan beertiisa oo dalaggu ka qasaaray/kaydka Ergo sawir hore

(ERGO) – Saleebaan Xasan Cali oo ku nool deegaanka Middigale oo 60 KM dhinaca bari uga beegan degmada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa ka rajo dhigay in uu hello dalag uu beertay, markii ay biyo la’aan darteed ay u qalashay beertiisa oo labo hiktar ah.

Saleebaan ayaa sheegay inuu beertiisa ku kharash gareeyey bishii hore $2000 oo dayn ah. Wuxuu xusay in biyo la’aantu ay ku timid, markii ay gureen 16 ceel oo ah ceelasha qodaalka ah oo ay ku tiirsanaayeen beeralayda uu ka mid yahay.

Wuxuu xusay in bishii Maarso uu biyo ka waayay ceelal uu beerta  ka waraabsan jiray. Beeraleyda qaar ayaa biyo ay booyado soo dhaamiyaan ku waraabsada beerta, balse isagu taas wuu awoodi waayay dhaqaale la’aan awgeed.

Wuxuu sheegay in muddo labo sano ah uusan roob ka da’in deegaanka uu ku nool yahay, taasina ay keentay inay guraan labo ceel gacmeed oo uu lee yahay.

“Meesha aan hadda joogno geedku hadduu ugu bato saddex maalmood ayuu oomi jiray, haddana fuustadii waxaa lagaa siinayaa 5 dollar, sababtaas ayaa keenaysa in geedkii aad toban maalin qadisid, qalaylka un aad ka ilaalisid. Sidaas awgeed, tabar aan u weynay ayaa daruufahaas nagu sababtay.”

Saleebaan oo afartan jir ah waxaa biyo la’aanta darteed uga  qalalay dalagyo u beernaa oo kala ah Yaanyo, basal, barbarooni, kabsar caleen iyo batiiq. Geed miroodyo kala ah saytuun iyo liin macaan oo qudaarta yaryar ka adkeysi badan ayuu xusay inay iyaguna qalali doonaan hadeysan waqti dhow biyo helin.

Ninkaan oo wax soosaarka beertiisa ay ku tiirsanaayeen qoyskiisa oo ka kooban 11 qof iyo qoyska aabbiisa 17 qof ah ayaa sheegay inay soo foodsaartay walwal la xiriira sidii ay ku heli lahaayeen cunno ku filan.

Hal waqti ayuu reerku dabka ku shitaa raashiin uu deyn ku soo qaatay bishan, kaas oo ah 75 kiilo oo iskugu jira bur, bariis iyo sonkor, waxaa u wehliya saliidda cuntada lagu karsado oo ah 25 liiter.

Ma hubo in la siin doono deyn kale isagoo aan bixin lacagta hadda lagu leeyahay oo ah $120, taas ayuu xusay inay ku qasbeyso inaysan sadex waqti dabka ka shidan raashiinka u yaalla.

“Waxaan ku xisaabtami jirnay sanadkan oo kale inaan labo kun illaa saddex kun ka faa’iidno. Hadda waxaan nahay 60 qoys oo beeralay ah oo ay xaalad macluul ah ay soo food saaratay. Waxaan ka codsanaynaa hay’adaha xuquuqul insaanka iyo wakaaladda biyaha Puntland inay noo soo jawaabaan.”

Saleeban ayaa ka warwaraya inay waxbarashada ka haraan afar carruur ah oo u dhigta iskuulka hoose, dhexe iyo sare ee Middigale. Maarso iyo Apriil ayuu tilmaamay inuusan bixin lacagta iskuulka oo ah $80. Maamulka iskuulka ayaa ku war galiyay inaysan carruurtiisa gali doonin imtixaanka sanad dugsiyeedka oo la qaadi doono haduusan waqtigaas ka hor bixin lacagta.

In ka badan 200 qoys oo ku tiirsanaa wax soosaarka beeraha deegaankaan ayaa xiligan wajahaya cunto yari ka dhalatay dhaqaale xumo. qoysaska qaar ayay xaaladan ku qasabtay inay taakulo weydiistaan dadka degaanka oo aan iyaguba wax badan dhaamin nolol ahaan.

Dadkaas waxaa ka mid ah Axmed Faarax Cali oo hadda qoyskiisu ay hal waqti dabka ku shitaan raashiin ay ku caawiyaan dariskiisa. Wuxuu tilmaamay in beertii uu nolosha qoyska ka maareyn jiray uu ka rajo dhigay markii uu xal u waayay biyo la’aanta soo wajahday.

Xaaladan ayaa sidoo kale dhaxal siisay in tan iyo bishii Febraayo uusan bixin lacagta iskuulka saddex carruur ah  oo dhigta fasalada saddexaad iyo shanaad  ee dugsiga dhexe. Wuxuu tilmaamay inuusan xal u hayn lacagta iskuulka oo isku darkeedu gaaray $90.

“Waxay noqonaysaa quutul daruurigii in dayn lagu qaato, in aan iyadii biyo badan u raadino oo qofkii ku qarash garoobo.”

Axmed oo ah aabbaha toddobo carruur ah ayaa sheegay inay ka qalaleen dalagyo kala ah Yaanyo, basal, barbarooni, kabsar caleen iyo batiiq. Beertiisa oo hal hektar iyo bar ah ayuu xusay in sanadkiiba labo jeer uu beeran jiray, halkii marna $500 uu ka faa’idi jiray.

Axmed  oo ah 37 jir ayaa tilmaamay in hadda lagu lee yahay $600 oo ah qarash beerta ka galay oo iskugu jira abuur iyo hagaajin.

“Xilliyada biyaha fiican la haysto saddex nin oo shaqaale ah baa ka shaqeyn jiray. Geed miroodkaa laguma deyn jirene waxaa la beeri jiray khudaarta noocyadeeda kala duwan. Marka waxbaa la gelin jiray faa’iido boqolkiiba boqol ahna waa laga heli jiray. Sannadahaan ugu dambeyay baan biyo la’aanta wajahaynay waliba saddexdii sano ee ugu dambeysay. Laakiin marba mar buu dhaamay.”

Muddo 10 sano ah ayuu Axmed ku tiirsanaa beerta. Wali kama quusan in waayihiisii wanaagsanaa uu ku noqdo, balse waa rajo ku xiran in beertiisu hesho biyo waraab ugu filan.

Ilaa 150 beerood oo ku yaalla deegaanka Middigale ayay saameysay biyo la’aanta ka jirta deegaanka, taas oo horseeday inay qallalaan.

Agaasimaha wakaaladda horumarinta biyaha ee Puntland Maxamed Cabdulqadir Maxamed ayaa sheegay in sanadkan ay wadaan qorshe kor loogu qaadayo biyo siinta degaanada gobolka Sanaag oo ay ka mid tahay tuulada Middigale.

Wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay inay ka wasaarad ahaan ku baraarugsan yihiin duruufaha haysta beeraleyda gobollada Puntland oo sida ugu dhaqsiyaha badan ay u diyaareen tallaabooyin hoos u dhigaya khasaaraha ay mar walba la kulmaan.

“Waxaan ballan-qaadaynaa in aan si dhow uga la shaqeyn doono beeraha in biyo ku filan loo helo. Xalkeedu waxaa weeye in la kordhiyo tirada ceelasha oo dhulka fog fog in ceelal loo helo. Sidookale in la kordhiyo waraha iyo biyo-xireennada.”

Dadka ku nool deegaannadaan intooda badan wali si buuxda ugama soo kaban raadadkii abaarta ay ku reebtay noloshooda, inkasta oo qoysaska qaar ay ku dedaalayaan helitaanka fursado ay wax uga beddelaan duruufta dhaqaale xumo ee ay la daalaa-dhacayaan.

Exit mobile version