(ERGO) – Xabiibo Cabdicasiis Shaawi iyo qoyskeeda oo 14 qof ah ayaa xaalad cunno yari ah ku wajahaya xerada Xagardheer ee qaxootiga Dhadhaab, markii laga joojiyay bishii Maarso raashin ay qaadanaysay muddo labo sano ah.
Reerkeeda ayaa ka mid ah 2,200 oo qoys oo arintan ay saameysay. Xabiibo ayaa xustay in waxa kaliya ee hadda dabka ku shitaan ay tahay lacag ay ka soo dawarsato dadka ku nool xerada. Mararka qaar ayay xustay inay gaajo ku seexdaan marka ay waydo waxay dabka ku shitaan.
“Wax i siiya soomaalida ayaa sidaa ku dhahaa. Waa la isoo siinayaa sidii ayaan ilmaha dabka wax ugu saaranayaa. Haddii la siin diido ilmaha waa iska seexanayaa anigu meel aan qaylo gaynayo ma jirto meel wax iga soo gelayaana ma jirto.”
Xabiibo ayaa sheegtay inay laheyd kaar qaxooti oo bil kasta ay ku qaadan jirtay raashiin 112 kiilo ah oo iskugu jiray galley, bariis iyo masago.
Kaarkaas ayaa ahaa mid kumeel gaar ah oo waqtigiisu ku ekaa bishii Febraayo ee sanadkan. Qoysaska ayaa lagu wargaliyay in diiwaan galin cusub loo sameynayo oo ay yimaadaan xarumaha tirakoobka.
Xabiibo ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in marar badan ay booqatay xarumahaas, balse dadka oo badnaa awgeed mar walba loo sheegayay inay soo noqoto. Illaa ugu dambeyn waqtigiisu dhacay kaarkii ay ku qaadaneysa kaalmada.
Wali kama quusan inay hesho diiwaan galin cusub, taas oo dib loo billaabayo bishan April, sida aan ka soo xiganay hay’adda RAS oo qaabilsan diiwaan galinta qaxootiga.
Xabiibo waxaa walaac ku haya nolosha hubanti la’aanta ah ee qoyskeedu wajahayo oo aysan ogeyn muddada ay ku sii jiri doonaaan.
“Hurdo la’aan iyo hargal la’aan ayaa i haysa. Meeshii aan tago na dayn ma ila soo siinayo qof baahanaa tahay. Kaar ma qabtid ayaa la i dhahaa. Gurigayga ayaan kusoo noqdaa.”
Xabiibo oo ah hooyada 8 carruur ah ayaa tilmaantay inaysan jirin cid u shaqeysa qoyskeeda. Seygeeda ayay sheegtay inuusan shaqeyn karin oo muddo labo sano ah dhabarka laga hayo.
Xaaladan ayay xustay inay ku soo beegantay xilli maciishaddu qaali tahay, sidoo kalana la dhimay boqolkiiba konton kaalmada qaxootiga la siin jiray, taas oo meesha ka saareysa awoodii ay dadku isku caawin lahaayeen.
“Bisha hadda soo socoto ma sheegi karo in la ii siinaayo in aan la i siinayn. Intaa oo dhib ah ayaa nagu qabsata qaxootiga dhexdiisa. Meel aan aado oo aan gaajadan uga baxayno ayaanu garan la’nahay.”
Xabiibo iyo qoyskeeda waxay bishii Abriil ee snaadkii 2022 ka soo qaxeen degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe. noloshoodu ayaa ku tiirsaneyd beer ay lee yihiin oo hal hektar iyo bar ah, balse abaaro is xig xigay oo ay wajaheen ayaa ku qasbay inay soo miciin bidaan xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.
Dadka raashin la’aanta noqday waxaa ku jira kuwo nugul sida waayeelo, dad xanuuunsan, haween keligood koriya carruur agoon ah iyo kuwo lagu furay.
Dadkaas waxaa ka mid ah Daynabo Cabdinuur Cabdi oo 75-jir ah. Waxay sheegtay in waxa kaliya ee qaxootiga ay ku haysatay uu ahaa kaar ay ku qaataan 4 liiter oo saliid ah iyo raashiin 38 kiilo ah oo iskugu jira bariis, qamadi, galey iyo misir.
Hoy malahan oo waxay dulsaar ku yihiin iyada iyo sadex caruur ah oo ay ayeeyo u tahay qoys ay qaraabo yihiin oo deggan bannaanka xerada. Carruurta ay koriso oo 3 jir ugu yar yahay.
Carruurta oo ay kala dhaleen wiil iyo gabar ay hooyo u tahay oo jooga Soomaaliya ayay sheegtay in sababta ay qaxootiga u la timid aheyd inay u hesho nolol, balse taas aysan hadda gacan ku hayn.
“Nolosha markii hore way fiicnayd bariisayga iyo galay dayda waa cuni jirey, laakiin maanta awood ma hayi.”
Daynabo ayaa sheegtay in nolosha hadda ay wajahayaan ay tahay tii ugu adkeyd ee soo marta tan iyo bishii ogoosto sanadii 2022 oo ay ku nooshahay xerada Xagardheer.
Waxaa halkan kula nool saygeeda oo ah 80-jir. Qoyskan cidna uma shaqeyso oo malahan il dhaqaale oo aan ka aheyn kaalmada la siin jiray oo ay ku darsan jireen reerka ay la nool yihiin, maadaama aysan heli karin iidaanka ama goosaarta.
Walaaca hadda ay qabto ayaa ah illaa iyo inta ay sii caawin karaan qoyskan oo tabartiisu yar tahay.
“Xayaato xumo iyo weji xumo ayaa lagu jooga. Cid i burisey oo iga tag i dhahday ma jirto, laakiin dhibbaa la igu qabaa. Baryo badan , baahi badan, bugto badan iyo sadexda ay dadku kugu nacaan.”
Cunno yarida iyo hoy xumada waxaa u dheer qoyska Daynabo biyo yari ay wajahayaan. Halka ay deggan tahay oo ah duleedka xerada waxay biyuhu ka fog yihiin illaa 2km. Waloow ay bilaash ku helaan, hadane waxay ku dhiban yihiin masaafada ay ka fog yihiin madaama dhabarka ay uga soo dhaansadaan.
Daynabo waxay ka soo qaxday tuulada Xaraawe oo hoos tagta degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe. Waxay ahayd beeralay tacbata beer ay leeyihiin qaraabadeeda. Waxaa saameeyay fatahaad uu sameeyay webiga Jubba dhammaadka sanadkii 2022.
Dadka ku nool xeryaha Qaxootiga ayaa u badan kuwo faro maran oo ku tiirsan kaalmada qaxootiga ee ay bixiyaan hay’adaha samafalka, taas oo iskugu jirta gunno lacageed iyo raashiin.
Ujeedada diiwaan galinta cusub loo sameynayo ayaa ah in kaarar aan waqtiyeysneyn la siiyo qoysaskan oo ah kuwo xeryaha soo gaaray sadexdii sano ee la soo dhaafay, islamarkaana haystay kaarar kumeel gaar ah.
Waxaa diiwaan galinta cusub maraya dad gaaraya 180 kun oo qof. Xeryaha Ifo iyo Dhagaxlay ayaa sanadkii hore lasoo gabagebeeyay tarakoobkooda, waxaana hadda haray Xerada Xagardheer oo qorshuhu yahay in horraanta sanadkan la dhameeyo.
Guddoomiyaha xerada Xagardheer Khaliif Dhuubow Jeelle ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in diiwaan galintan ay tahay mid loogu daneynayo dadka aan haysan kaararka rasmiga ah ee qaxootiga.
Wuxuu intaas ku daray in haddii uu raago qorshahan uu halis ku yahay nolosha dadkan, maadaama aysan laheyn keyd iyo ilo kale oo dhaqaale oo nolosha ay ku sii maareeyaan.
“Hay’adaha dhamaan waa lakunay waa u sheegnay in dadkaa raashinka laga joojiyay ay khatar ku jiraan, sababtoo ah dadka qaar aan anigu indhahayga ku soo arkay oo qoysaskooda aan tegay oo indhaha soo saarey xaalad khatar ah oo aan la saadaalin karin ayay ku jiraan.”
Xerada xaqootiga ee Xagardheer ayaa diiwaan galinta laga billaabay bishii Janaayo ee sanadkan, balse hakad ayay gashay bartamaha bishii hore ee Maarso.