Site icon Radio Ergo – Somali Humanitarian News and Information

Berdaale: Qoysas ay fatahaad iskugu dartay hanti la’aan iyo barakac oo ku nool dawarsi

Kaydka Ergo/sawir hore

(ERGO) – Maxamed Maxamuud Aadan qoyskiisa waxaa ku adag in hal waqti maalinkii dabka ay shitaan. Dawarsi ayuu nolosha ka reerka ka maareeyaa. Dadka ayaa ku caawiya raashiin bisil iyo mid ceyriin hadba waxay u awoodaan.

Wuxuu tilmaamay in waligiis uusan dawarsan oo uu ku filnaa maareynta nolosha qoyska. Reer kiisa ayaa ka mid ah saddex kun oo qoys oo barakac ku ah degmada Berdaale ee gobolka Baay, kuwaas oo ilihii dhaqaale ee ay ku tiirsanaayeen ku waayay daadad ku dhuftay bishii October ee sanadkii hore.

“Raashiinka horta lamaba helo hal maalin oo kaliya ayaa rafaad lagu helaa. Meel shaqo lagu hayo oo laga soo shaqeynayo majirto, nolol xumadaas ayaan ku nool nahay. Waxaan wajahaynaa xaalad nololeed oo aad u daran.”

Maxamed ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in qoyskiisu aysan haysan hu, hoy iyo gogol. Hadda waxay deggan yihiin aqal ka sameysan maryo iyo geedo leysku xiray, kaas oo uga dhisan xerada uu ku nool yahay ee Teesow. Waa mid nugul oo aan ka xajin Karin qoraxda, roobka iyo qabowga habeenkii.

Ma helin taageero cunto iyo hoy ah. Hadda wuu faro maran yahay, xilli roobaadka oo muhiim u ahaa halkii uu ka faa’ideysan lahaana wuxuu ku waayay dalagyo uga baxayay beer noloshoodu ay ku tiirsaneyd, kuwaas oo kala ahaa galay, digir iyo masago uga baxayay beer uu lee yahay oo 4 hiktar ah, taas oo ku taalla tuulada Ooflow oo 27km u jirta Berdaale.

Wuxuu intaas ku daray in biyaha uu ku waayay masago keyd u aheyd oo beerta uga soo go’day bishii july ee sanadkii hore. Wuxuu qorsheynayay in reerku ku baxsadaan xilliyada abaarta ee tacab uusan jirin.

‘’Masagada mid sanadadaan dhamaaneyso ma ahayn. Daadkii ayaa qaadey. Qasaaraha aniga iga soo gaarey daadadkan masagada iga qaadey waxaan ku qiyaasayaa lacag ahaan 10 milyan illaa 20 lacag gaareysa oo u dhiganta ($400-$450).”

Ninkan oo ah aabbaha lix carruur ah ayaa tilmaamay in hadda uusan tacban karin beerta dhulka oo qalalay darteed, maaddaama ay ku tiirsan tahay biyaha roobka oo kaliya.

Maxamed oo ah 47 jir ayaa xusay in noloshan ay tahay tii ugu adkeyd ee soo marta. Deegaanka Ooflow oo uu ka soo barakacay horraantii bishii Oktoober ayuu xusay inuusan dib ugu noqon Karin xilligan. Wuxuu u sababeeyay hoygii ay degganaayeen iyo beertii isha dhaqaale u aheyd oo daadka ku burburay.

Sadiiq Madey Ibraahim oo ka mid ah dadka barakacay qoyskiisu helin cunto ku filan muddo labo bil ah. Waa xaalad ka dhalatay daadad labo mar ku dhuftay bishii October.

Siddiiq ayaa xusay in deegaanka uu ka waayay shaqo xoogsi ah oo nolosha uu ka maareeyo. Qoyskiisa ayaa hal waqti dabka ku shita raashiin ay ku caawiyaan qoys qaraabadiisa ah oo deegaan ah.

Wuxuu sheegay in cunno yarida ay u dheer tahay hoy xumo. Aqal cooshad ah ayaa uga dhisan xerada uu deggan yahay ee Laan Tugeer. Malahan bac roobka ka celisa. daad ku dhuftay xerada ayaa ka qaaday agabkii guriga iyo weelkii cuntada.

“Magaalada xageeda maalinkii aan u baxo waxa laga yaabaa qof aad taqaanid inaad aragto oo meelo kale ka imaadey oo Baydhabo oo kale ka imaadey oo aad ku dhahdo xaaladey ogow oo labo DoolLar ama sedex Doollar uu ku siiyo. Marka kiilooyinkoo aad ku soo gadato inaad markaas dabka aad shidatid waa macquul.”

Siddiiq oo ah 51 jir ayaa tilmaamay in daadku ka qaaday raashiin 50 kiilo ah oo bur, bariis iyo sonkor iskugu jiray iyo masago u keyd saneyd oo uu ka soo badbaadsaday daad ka soo barakiciyay bishii October tuulada uu ku noolaa oo ah Sey-dheelow oo 20km u jirta degmada Berdaale.

Waxa uu sheegay inuu ahaa nin ladan oo reerkiisu helaan cunto ku filan oo saddex waqti ah, balse musiibadu ay ka dhigtay ceyr faro maran.

“Annaga oo faraman ayaan imaaney hadana meeshii aan gar gaar u imaaney xaaladeena ayaa noqotey bariga dhexe, haddana ilaah xagiisa ayaa gar gaar laga rabaa, xaaladaana dad aad gar gaar ugu baahan ayaan nahay.”

Siddiiq ayaa sheegay in halka uu joogo uusan nolol ku haysan, deegaankii uu ka soo barakacayna ku noqon Karin, maadama waxba aysan uga horeyn.

Ninkan oo ah aabbaha shan carruur ah waxa kale oo daadku ka qaaday ari sagaal ah oo xerada uu ku dhaqanayay. Wuxuu nolosha reerka ka maareyn jiray beer saddex hiktar ah. Digir iyo masago ayaa uga baxayay inta uusan daadku ka burburin sagaalka bishii October.

Wuxuu xusay in deyrtan oo roobab badan da’een uu qorsheynayay inuu uga faa’ideysto tacabka, balse uu la kulmay caqabad dhaafisay xilli roobaadka oo ku ekaa bishii hore ee December.

Guddoomiyaha degmada Berdaale Cabdi Sheekh Mad-dooyow ayaa Radio Ergo u sheegay in maamul ahaan aysan ka jawaabi karin baahida ay qabaan qoysaskan, balse ay ku war galiyeen maamulka Koonfur Galbeed oo wali aan u gurman.

Wuxuu sheegay inay u baahan yihiin gargaar cunto iyo taageero dhanka hoyga ah illaa inta laga gaarayo xilli roobaadka guga, markaas oo laga yaabo inay dib ugu noqdaan deegaanadii ay ka yimaadeen si ay u tacbadaan beeraha oo ah kuwo ku tiirsan biyaha roobka.

‘Dadka samafayaasha ah meel walba oo ay joogaan dadka degmadan ka soo jeeda iyo kuwa aan ka soo jeedinba waxan lee nahay iney garab is taagan dadkan masaakiinta ah.”

Roobabkii deyrta ee El-nino waxaa ka dhashay daadad xoogan oo dad badan barakiciyay, sidoo kalana burburiyay ilihii dhaqaale ee ay ku tiir sanaayeen.

Exit mobile version