Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • Somali
  • English
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • Somali
  • English
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Sanaag: Dhismaha waddo ay baabuurtu isticmaalaan oo kobac dhaqaale u horseedday ganacsato danyar ah

Radio Ergo by Radio Ergo
January 15, 2024
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Sanaag: Dhismaha waddo ay baabuurtu isticmaalaan oo kobac dhaqaale u horseedday ganacsato danyar ah

Kaydka Ergo/ Mid ka mid ah ganacsatada danyarta ah oo dhex-taagan dukaankeeda/ Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Axmed Maxamuud Barre oo ah aabbaha qoys 14 qof ah ayaa markii ugu horraysay ku guulaystay in afar ka ka mid ah carruurtiisa uu ku daro dugsiga hoose dabayaaqadii sanadkii hore. Waxaa u sahashay in uu faa’iido wax ku ool ah ka helay dukaan uu ku iibiyo bagaashka iyo raashinka oo uu ku leeyahay degmada Dhahar ee gobolka Sanaag.

Waddo jeey ah oo isku xiraysa degmada Dhahar iyo tuulooyinka Xingalool iyo Sheerbi ayaa u suuragalisay in  uu helo macaamiil badan oo uga yimaada miyiga, kuwaas oo horay u la’aa waddo ay soo maraan. Wuxuu maalintii ka helaa ganacsigiisa lacag u dhexeeysa $10 ilaa  $13 oo faa’iido ah. Wuxuu sheegay in dhaqaalaha soo gala ay qoyskiisu uga baxeen nolol-xumo ay wajahayeen.

“Reerkayga waddadan nolol ahaan aad iyo aad ayay wax uga beddeshay, sababtoo ah wax badan oo muhiin ah oo ah isku socodkii magaalada iyo miyiga ayay fududaysay oo ganacsigii wax kasta si sahal ah ayay noogu imanayaan.”

Qoyska Axmed ayaa deggan yihiin deegaanka Baraagaha-qol oo Dhahar u jirta 16 km. Wuxuu carruurta wax u barta keenay magaalada isaga oo dulsaar ugu dhigay reero ay qaraabo yihiin oo deggan Dhahar. Wuxuu ka bixiyaa lacag isku gayn dhan $48.

Ninkan in uu carruurtiisa waxbarasho u helay waxaa u dheer in ay qoyska intiisa kale uu awood u yeeshay in uu gaarsiiyo raashin iyo biyo ku filan, maaddaama uu helay waddo uu wax u marsiiyo.

Wuxuu ka baaqsaday lacagtii uga  bixi jirtay gawaarida deegaankiisa rarka geeya oo halkii kiish oo raashin ah ku qaadi jiray lacag gaaraysa $6, taas oo ku adkeed in uu dhiibo.

Xilliyada roobaku ay da’ayadaan ayuu xusay in ay ugu darneed oo ay go’i jirtay waddada. Wuxuu timaamay in bilooyinka ay waddadu dhisan tahay in ay waxbadan ka beddeshay isku socodka deegaanka.

“Magaaladu yacni si yar oo fudud baa looga imaanaya miyi iyo magaalaba. Waddada tan fududeen ayay u tahay. Faa’iido badan ayaan ku qabnaa boqolkii boqol.”

Axmed wuxuu sheeegay in intaan la dhisin waddadan uu qorshaynayay in uu iska xiro dukaanka, maaddaama ay yaraayeen macaamiisha waxka iinsan jiray. Wuxuu u sababeeyay in dadka reer miyiga ah aysan imaan karin. Badeecada uu keeno ayuu sheegay in ay tukaankiisa ka baari jireen oo aan laga iibsan jirin.

Koboca uu sameeyeya ganacsigiisa awgeed wuxuu hadda naawilayaa in uu iska gudo dayn dhan $1,200  oo reerkiisa lagu yeeshay sanadihii la soo dhaafay ee ay isku biirsadeen suuq yaridii iyo abaarihii soo maray dalka.

Xoolo-dhaqatada hadda macaamiisha u ah ayaa qudhoodu helay fursad ay magaaladu ugu xirmi karaan. Waxay ka bexeen dhibaato ay kala kulmi jireen in ay magaalooyinka gaaraan. Waxaa ku adkeed in ay soo dhaafaan dhulka oo ah howd ay adagtahay in la maro waddo la’aan.

Xuseen Cabdi Ciise oo labo tiro ari ah ku dhaqanaya deegaanka Sheerbiya wuxuu ka mid yahay dadka ka faa’iidaysanaya waddada cusub. Wuxuu u sahashay in uu suuq geeyo 10 neef oo ka mid ah arigiisa isaga oo isticmaalaya tariiqan.

Shan boqol iyo todobaatan dollar oo uu ka helay xoolahaas ayuu hadda ku maaraynayaa nolosha labo qoys oo kuwiisa ah oo ka kooban 18 qof.

Wuxuu sheegay in ay ka bexeen culays ay ku qabeen in ay xoolahooda u iib-geeyaan magaalooyinka Qardho, Boosaaso iyo Garoowe, taas qaadan jirtay  wax ka badan labo maalin.

‘Isku socodku aad ayuu u sahlanaaday xataa abaarihii iyo geediyaashii iyo markii la guuraayo cid kasta waxay yiraahdeen wadada jeeyga waxay noqotay wax lagu xisaabtamo. ‘’

Xuseen si uu uga faa’iidaysto isku socodka waddada iyo sara u kaca ganacsiga, wuxuu billaabay in uu gaadlaynta xoolaha uu uga shaqaysto sayladda tuuladiisa. Wuxuu maalintii kala iibiyaa xoolo gaaraya 10 ilaa 15neef oo ari ah. Halkii neef wuxuu ka helaa faa’iido dhan $1.

Dhaqalaha soo gala wuxuu u kala qaybiyaa maaraynta nololsha qoysaskiisa iyo in uu wax ku baro siddeed ka mid ah carruurtiisa. Waxay bartaan Af-Soomaaliga Xisaabta iyo luuqadda Carabiga. Wuxuu ka dhiibaa bil kasta $12.

Marka laga soo tago in waddadaan ay sara u qaadday ganacsiga deegaano badan oo dhaca gobolka haddana waxaa dadkan oo intooda badan ah reer guuraa uga bexeen dhibaato ay kala kulmi jireen waddo la’aanta markay dadku ka naxuunsadaan.

Dadka nugul ee u baahan caafimaadka degdegga ah sida haweenka uurka leh ayuu sheegay in ay ku dhib qabeen in ay gaadiid u helaan oo ay ku qaadan jirtay qaxti dheer, balse ay hadda meesha ka baxday.

“Qofkii xanuunsan ama hooyada umulaysa ee aadaysa MCH-da ama isbitaal qaliimada ee Qardho iyo Dhahar loo qaadayay, wadadaas baa aminkaba la qaadayaa, si sahlan baa hooyadii loo gaarsiinayaa oo loo kala badbaadinayaa iyada iyo ilmaha.”

Waddadan ayaa qeyb ka ahayd  mashruuca u adkaysiga abaaraha iyo hab-nololeedka waara ee oo uu maalgelinayo bangiga horumarinta Afrika oo ay hirgelisay hay’adda Save the Children ee Soomaaliya.

Daahir Cabdi Maxamed oo ah madaxa mashruuca ayaa sheegay in ujeedka laga lahaa uu ahaa in xoolo-dhaqatadan ay helaan waddo ay u soo maraan sahayda ay u baahan yihiin, balse laga helay faa’iido dhaafsan oo ah in ay xitaa wax wayn ka beddeshay ganacsiga gobolka.

”Dariiqaan markii hore waxaa loogu talagalay meel xooluhu maraan, marka maadaama aan dadka Soomaali ah aan nahay baahidii bulshadana aragnay, masuuliyiintii dawlada waxaan isla garanay inaan jidkii balaarino, marka runtii waxa uu ku yimi wada-tashi iyo wada-shaqayn aad u wanaagsan, mashruucaan qayb waxa uu ka yahay Soomaaliya oo dhan in la helo dariiq ay markii ay abaaruhu ay dhacaan biyo dhaamiska, xoolaha, baadka iyo miraha beeraha in la iib-gayn karo.”

Daahir wuxuu sheegay in waddadaan ay laga helay faa’iidadii ay qiyaasayeen mid dhaafsan. Wuxuu xusay in ay qorshaynayaan in ay sii wadaan barnaamijyada nuucaan ah maaddaama ay muujisay waxtar muuqda.

Dadka deggan deegaanada ay marto wadadan ayaa haddadaan kaga maarmi doona dhamaan dhibaatooyinkii ay ku qabeen waddo la’’aanta. Xiliyada abaaraha ah ayay ku adkaan jirtay deegaanada miyiga ah in xitaa biyo la gaarsiiyo walow ay hadda meesha ka baxday.

Previous Post

Cadaado: Nin danyar ah oo maareeyay nolosha qoyskiisa markii lacag dayn ah uu ku furtay miis uu ku shiido khudaar

Next Post

Bari: Kalluumeysato u xoogsi taga suuqyada Boosaaso markii ay ku dhacday qalab la’aan

Related Posts

Baydhabo: Daad saameeyay gododka laga qodo carada oo nolol xumo biday qoysas ku tiirsanaa
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Baydhabo: Daad saameeyay gododka laga qodo carada oo nolol xumo biday qoysas ku tiirsanaa

June 23, 2025
Gedo: Colaad hubanti la’aan cunno galisay boqollaal qoys oo barakac ka fursan waayay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Colaad hubanti la’aan cunno galisay boqollaal qoys oo barakac ka fursan waayay

June 20, 2025
Nolol xumo ka dhalatay shaqo la’aan soo wajahday dhallinyada ku nool Puntland
Cunto-Yaraanta

Nolol xumo ka dhalatay shaqo la’aan soo wajahday dhallinyada ku nool Puntland

June 19, 2025
Mudug: Qoysas ku tiirsanaa iibinta biraha oo wajahaya nolol xumo suuq la’aan awgeed
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Qoysas ku tiirsanaa iibinta biraha oo wajahaya nolol xumo suuq la’aan awgeed

June 17, 2025
Shabeellaha hoose: Haweenay ku guuleysatay yaraynta umul-raaca iyo gudniinka fircooniga ah
Caafimaadka

Shabeellaha hoose: Haweenay ku guuleysatay yaraynta umul-raaca iyo gudniinka fircooniga ah

June 16, 2025
Wararkii u Danbeeyay

Muqdisho: Dhalinyaro ka baxay shaqo xumo haysay markii la siiyay mootooyin

June 15, 2025
Next Post

Bari: Kalluumeysato u xoogsi taga suuqyada Boosaaso markii ay ku dhacday qalab la'aan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 23-JUN-2025

IDAACADDA 23-JUN-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 23-JUN-2025
Episode play icon
IDAACADDA 23-JUN-2025
June 23, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 22-JUN-2025
June 22, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 21-JUN-2025
June 21, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 20-JUN-2025
June 20, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 19-JUN-2025
June 19, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • Somali
  • English

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo