Site icon Radio Ergo – Somali Humanitarian News and Information

Carruur Gowracato ugu dhimanaya Garowe, iyadoo qaarna ay isbitaallada ku jiraan

Puntland health workers/Mohamud Nadif/Ergo file photo

(ERGO) – Saddexdii bilood ee la soo dhaafey, waxaa xanuunka Gowracatada u geeriyooday 300 oo carruur ah, magaalada Garoowe. Ururka dhaqaatiirta Garoowe ayaa sheegay in tiro kale oo badan ay isbitaalka u jiifaan cudurka.

Isbitaalada Gootaale, Qaran, Arafat iyo isbitaalka guud ee Garoowe ayaa qaabilaaya carruurta uu cudurka soo ridanaayo.

Agaasimaha Isbitaalk Gootaale, Dr Axmed Gutaale ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in carruurta u dhimanaysa xanuunka ay u badanyihiin kuwa aan tallaalka qaadan ee ka soo jeeda miyiga magaalada ka fog. Wasaaradda caafimaadka ee Puntland ayuu ka codsaday in isbitaalada gaarka loo leeyahay ay geeyaan daawooyinka Gowracatada, si ay uga qeyb qaataan daaweeynteeda, maaddaama aysan hadda haysan.

Wariyaha Raadiyow Ergo Cabdiweli Maxamed Sheikh ayaa waydiyay Dr Gutaale inuu sharaxaad ka bixiyo xaaladda dadka la soo gaarsiiyay iyo astaamaha lagu arko.

Dr Gutaale: Sida hargabka oo kale baa ilmaha loo qabanayaa marka hore. Cabbur iyo diif ayuu yeelanayaa. Waxaa intaa ku xiga in lagu arko dhammaan calaamadihii kale ee xanuunka sida bararka suurka iyo naqaska oo ku xirma.

Isbitaalkan Gootaalee carruur badan ayaan ku qaabilnay. Qaar waa ay ka kaceen xanuunka, kuwa na waa ay u geeriyoodeen. Xanuunkan sun bakteeriya ah ayuu leeyahay oo carruurta ka saameeynaya kiliyaha ama wadnaha. Carruurta laga tallaalay xanuunka ayaa ah kuwa ugu badan ee ka caafimaada. Waa xanuun qatartiisa leh oo aan waayadaan aad u arkaynay. Bishii ugu dambeeysay tirada carruurta u geeriyoonaysa aad ayay u korortey. Tan iyo bishii Diseembar waxaan diiwaan gelinnay ilaa lix dhimasho. Isbitaalada kale, sida kuwa hooyada iyo dhalaanka qudhooda waa ay jiraan kiisas laga soo diiwaan geliyay. Isbitaalka weeyn waa la mid.

Raadiyow Ergo: Markaa meelaha u badan ee carruurta laga keenayo ma magaalada gudaheeda mise waa tuulooyinka?

Dr Gutaale: Carruurta ugu badan ee aan diiwaan gelinnay tuulooyinka ayaa laga keenay. Waxaan sidoo kale aragnay kuwa magaalada ka tagay oo xilligii roobka baadiyaha u aaday inay soo caaneeystaan oo uu xanuunka ku dhacay. Waalidiinta marka aan waydinnay, waxaan ogaannay in kuwa ugu badan ee uu xanuunka ku dhacay ay yihiin kuwa aan la tallaalin.

Raadiyow Ergo: Carruurta la idiin keeno marka halkan la keno xaalad noocee ah bay ku suganyihiin?

Dr Gutaale: Runtii, carruurta marka la keeno xanuunkaan waa uu ka muuqdaa. Calaamadihii hargabku ayaad ku arkaysaa. Waalidkii waxaa laga yabaa inuu iska sahlado. Haasee ahaatee, afar iyo labaatan saac gudahooda ayuu aad ugu faafayaa oo naqaskii ayaa ku xirmaya cunugga, surkana waa uu bararayaa. Sidoo kale, cuntada ayuu ka harayaa.

Ilmaha inta badan marka lagu keeno, xaaladooda aad ayay u liidataa. Waa ay jiraan waalidiin wacyigooda sareeya oo xilli hore carruurta keena isbitaalka. Lakiin inta badan carruurta na loo keena waa kuwa, xubnaha qaar uu xanuunka ka saameeyay.

Raadiyow Ergo: Saddexdii bilood ee ugu dambeeysay imisa carruur ah ayaa xanuunka loo soo dhigay isbitaalka Gootaale?

Dr Gutaale: Maalinkii hal ilaa iyo saddex carruur ah ayaa na loo keenaa. Celcelis ahaan, hal cunug oo uu cudurka soo ritay ayaan maalinkii qaabilnaa.

Raadiyow Ergo: Daawo idiin ku filan miyaa idiin taalo?

Dr Gutaale: Daawo waa ay taalaa, lakiin xanuunka Gowracatada waa mid dilaa ah. Wuxuu saameeyaa neef mareenka, bukaan wuxuu ka go’aya raashinka. Sidoo kale, wuxuu saameeyaa unugyada jirka oo dhan. Marka waa muhiim in qofka laga tallaalo, intii daawo la isku haleeyn lahaa.

Daawada loo isticmaalo xanuunka waa labo nooc, mid waxay la dagaalamaysaa sunta ay wadato Gowracatada (antitoxins). Midda kale, waa daawo disha jeermisyada (antibiotics). Waxaan haysanna midda disha geermisyada oo aan carruurta siinno. Ma haysanno midda disha sunta uu xanuunka wato, waana midda ugu muhiimsan. Carruurta noo timaada, waxaan u dirnaa isbitaalka dadweynaha.

Waxaan rajeynayaa in marka uu codkaanaga gaaro maamulka inay daawooyinkan soo gaarsiin doonaan isbitaalka sida gaarka ah loo leeyahay, maaddaama ay bukaanada badankooda ay halkan imaanayaan. Inta aan aniga ogahay, isbitaalada sida gaarka ah loo leeyahay ma haystaan daawada la dagaalamaysa sunta xanuunkan.

Raadiyow Ergo: Saameeyn intee la eg ayay carruurta ka caafimaada ku reebi kartaa? Dr Gutale: Carruurta tallaalka horay u qaatay waa ay ka bogsadaan xanuunka marka la siiyo daawadii ku habboonayd. Kuwa aan la tallaalin waxaa jira kuwa nasiib badan oo ka caafimaada. Haasee ahaatee, kuwa aan nasiibka u yeelan inay ka caafimaadaan waxaa fariisanaaya unugyada ama waxay muujinayaan caalamado keeni kara inay wadnaha istaagaan. Sidoo kale, kiliyaha iyo muruqaha ayaa joojinaya dhaq-dhaqaaq.

Exit mobile version