(ERGO) – Cabdiraxmaan Biixi Cismaan oo 38 jir ah ayaa dib ugu celiyay waxbarashada 8 carruurtiisa ah. Waxaa u suurto galiyay dhaqaale uu ka helo meherad uu ku iibiyo cabitaannada, taas oo uu ka hirgaliyay Cadaado bishii Oktoobar ee sanadkii hore
Carruurtan oo 6 ka mid ah uu adeer u yahay ayaa ka haray iskuulka dabayaaqadii sanadkii hore. Wuxuu sheegay in dhaqaale xumo ay sabab u ahayd, balse hadda uu ku naaloonayo lacagta soo gasha oo qoyskiisa u fududaysay helidda cunno joogto ah.
Ninkan oo 12 sano shaqaale ka ahaa maqaayad cunnada lagu kariyo ayaa tilmaamay in ku jiro waqtigii ugu wacnaa noloshiisa, maaddama uusan walwal ka qabin helidda nolol-maalmeedka qoyskiisa iyo waxbarashada carruurtiisa.
“Waxyaabo badan baa isbaddelay. Noloshu hadda waa mid fiican, waxaaga adigaa kala maamulanaya. Waxaad rabto ayaad ku samaysan kartaa. Laakiin haddii qof aad wax ka sugayso waxaa laga yaabaa in uu xitaa taleefoonka kaa dansado ama wuxuu ku leeyahay lacag mahayo caawa oo ciddii biil la’aan ku dhacdo.”
Ganacsigiisa ayuu joogta uga helaa maalintii faa’iido lacageed oo dhan $25 ama wax ka badan. Dhaqaalahan ayuu qayb ka mid ah ku bixiyaa nolol-maalmeedka qoyskiisa, halka inta kale uu dhigaal sado.
Carruurtiisa oo dhiganaya iskuulka hoose iyo dhexe ee Horseed ayuu bil walba waxbarashooda ku dabbaraa $80. Wuxuu sidoo kale u iibiyaa agabka ay wax ku bartaan sida qalimaanta, dharka iskuulka iyo buuggaagta.
Cabdiraxmaan oo ku faraxsan daboolidda baahiyaha qoyskiisa ayaa sheegay in hiraglinta meheraddiisa uu ku billaabay lacag dhan $300. Wuxuu ka amaahday nin ganacsada ah oo ay ehello yihiin.
“Nin baan iri fekraddaas baa igu jirtee idaymi shaqaale nimada in aan ka baxaan rabaa. In aan waxyeesho ayaan rabaa. Carruur baan leeyahay iyo xaas. Hadda meheradda way shaqaysaa. Waxaa ka shaqeeya aniga iyo saddex nin oo kale. Daynkii aan ku furay calaa kulli xaal saddex meelood meel baan bixiyay. Labo meelood baa igu harsan.”
Wuxuu sheegay in uu iska gudi doono lacagta ku hartay billowga sanadka cusub. Wuxuu qorshaynayaa in uu ballaariyo ganacsigiisa oo hadda ay ka shaqeeyaan saddex qof oo dhallinyaro ah, kuwaas oo uu siiyo min $5 maalin walba. Marka laga reebo jimcaha oo meheraddu xiran tahay.
“Dad waxay ahaayeen magaalada yimid oo shaqo raadinaya ayay ahaayeen. Anigana calafkooda ayaan siiyay. Marka waxaan is iri; dadka walaalahaa ah bal meeshan bariiskooda ha karaadsadaan. Waxaa ku jira xaaslayaal ciddooda ka biisha. Waa wiilal fiican oo ila shaqeeya oo aan ku kalsoonahay. Marka meeshu (ganacsigu) balaarto in mushaarku u sii bato waan rajaynayaa.”
Ka hor ganacsigiisa wuxuu ku tiirsanaa $5 oo uu ka helay maqaayad uu ka shaqayn jiray. Wuxuu sheegay in maalmaha qaar aan la siin jirin lacagta uu shaqaysto, taasi oo qoyskiisa u horseedi jirtay cunno xumo.
Miiska uu cabitaanka ku shiido ayaa ku dhinac yaalla waddo isticmaalka dadka uu ku badan yahay, taasi oo u fududaysay in uu helo macaamiil ku xirmay ganacsigiisa. Sida xoogsatada, ardayda, wadayaasha gaadiidka iyo dadka u soo adeeg doonta magaalada oo sharaabka ka iibsada.
Wuxuu sheegay in ka ganacsiga khudaarta la shiido ay ku riixday, markii uu arkay in dadka deggan degmada Cadaado iyo kuwa socotada ah ay u baahan yihiin, maaddama goobaha laga helo ay aad u kooban yihiin.
“Dad badan oo macaamiil ah way nala soo xariiraan oo taleefoonnada bay naga soo wacaan. Dadka waan u raqiisinay. 0.5 baan ka siinaa koobka furulaatada ah ee seekada ah. Meeshaan waan ballaarinaynaa si wax walba looga helo. Waxaan ka dhigaynaa sida kuwaa caasimadda Muqdisho oo kale.”
Cabdiraxmaan toddobaad ka hor wuxuu meheraddiisa ku kordhiyay qayb lagu kariyo malayga iyo sabaayada. Wuxuu sheegay in ujeedkiisu yahay dhamaystirka maqaayad noocyada kala duwan ee cunnada laga heli karo.
Wuxuu xusay in ganacsigiisa koraya uu caqabad kala kulmay bishii la soo dhaafay roobab xooggan ee da’ay, kuwaas oo gooyay waddooyinkii ay isticmaalayeen gaadiidka khudaarta ka keena gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.
Toddobaadkiiba hal gaari oo sida khudaar ayaa taga Cadaado. Wuxuu sheegay in ay adkaato heliddooda dalabka dadka doonayo oo badan. Arrintan ayaa ku riixday in uu u weecday dalagga ka soo go’a beeraha ku yaalla duleedyada Cadaado, kuwaas oo macamiishiisa uu shiido.
“Calaa kulli xaal khudaarta ay u baahan tahay Cadaado in aan keeno ayaan ugu talo galay oo 24 saacba laga helo khudaarta nooc kasta. Cadaado xitaa qaar baan ka gadanaa beeraha badan ee dadku abuurtaan. Meel kale kama doonano. Sida miraha batiiqa, babayga iyo saytuunka. Cadaado waxaan rabnaa beeraheeda miraha ka soo go’a in aan meel kale loo doonin.”
Cabdiraxmaan wuxuu u soo jeediyay dhallinyarada la mid ka ah in ay xoogga saaraan ka faa’iideysiga maal-gashiga ganacsiyada, kuwaas oo waxtar u yeelan kara noloshooda iyo tan qoysaskooda.
Caqabadaha ku horgudboon dad badan oo naawilaya in ay fursad ganacsi abuurtaan ayaa ah dhalinaca dhaqaalaha. Cabdiraxmaan ayaa aaminsan in ay muhiim tahay hoos ka soo billabidda ganacsiga sida uu sameeyay oo kale, taasi oo lacag badan aysan ku baxayn.