Site icon Radio Ergo – Somali Humanitarian News and Information

Bay: Dad ku cayroobay abaarta oo fursad shaqo ka hellay beero ku yaalla Baydhabo

Kaydka Ergo/sawir hore

(ERGO) – Ibraahim lugbuur Aadan wuxuu ku filnaaday maaraynta nolosha qoyskiisa oo ka kooban 9 qof. Wuxuu ka shaqo billaabay beer ku taalla magaalada Baydhabo bishii Oktoobar ee sanadkii hore.

Wuxuu ka mid yahay 110 rag ah oo loo qaatay tacbidda beero ku yalla duleedka magaalada. Raggan oo ka soo jeeda qoysas ku nool xeryaha lagu barakacay ayaa arrintan u noqotay fursad ay nololshooda ku beddeleen.

Ibraahim oo beer saddex hektar ah u qaabilsan abuurista dalagga, falista iyo ka ilaalinta xoolaha ayaa sheegay in dhaqaalaha uu ka helo uu meesha ka saaray cunno-xumo ay reerkiisu wajahayeen muddo labo sano ah oo ay barakac yihiin.

Shan dollar ayaan maalinti ku shaqeeya way igu filantahay. Shaqada aan haayo aad ayaan ugu faraxsanahay, maaddama seddexda waqti aan wax ka helaayo. Shaqo kale xataa kuma doorsanaayo.’’

Ibraahim ka hor shaqadan wuxuu tilmaamay in qoyskiisa ku tiirsanaayeen raashin bisil oo ay ka soo dawarsan jireen dadka xerada kula nool iyo caawinaad aan joogto ahayn oo laga bixin jiray xeryaha barakaca.

Qoyska ninkan ayaa  xerada Buula-dooy ee duleedka Baydhabo soo gaaray sanadkii 202, xilligaas oo ay abaar uga dhamaadeen 200 oo ari ah iyo soddon geel ah oo ay ku dhaqanayeen miyiga deegaanka Awdhiigle ee gobolka Baay.

Wuxuu sheegay in shaqadaan ay noqotay wixii ugu horreeyay ee uu qabtay muddada uu xerada joogay. Waxaa ku adkaatay in uu  magaalada uu shaqo ka helo maaddaama uusan lahayn wax xirfad ah.

Ibraahim beer falista oo uu yaraantiisii aqoon jiray ayuu tilmaamay in markii uu ogaaday in dad loo qaadanayo uu codsaday. Waxaa lagu qaatay markii la qiimeeyay aqoonta uu u leeyahay beeraha shaqada laga rabay.

Ninkan oo shaqeeya  maalin kasta toban saacadood oo xiriir ah ayaa xusay in ay kala badan tahay shaqada uu qanto iyo lacagta uu qaato, balse uu uga qanco markuu arko waxa iska beddelay nololsha reerka.

Nolol ahaan wax badan ayaan kororsaday ciyaalkayga. Baahi wajigooda kama muuqato sidii hore hadda ayay ka fiican yihiin.’’

Ninkan lacagta uu ka helo shaqadan wuxuu u kala qaybiyaa in uu ku maareeyo qoyska iyo in uu meel u dhigto kayd ahaan. Wuxuu iska guday dayn gaaraysay $50 oo ay ku lahaayeen dad suuq leey ah, kuwaas oo uu raashin uga qaatay intuu shaqo la’aanta ahaa.

Axmed Yuusuf Maxamed waxay qoykiisa oo  siddeeed qof ah ka soo kabsadeen xaalad nolol-xumo ah, markii uu ka shaqo billaabay beeraha bishii Diseembar ee sanadkii hore. Tan iyo waqtigaas waxay awood u yeesheen in ay saddex waqti dabka shitaan.

Ninkan oo horay qoyskiisu uusan u haysan il dhaqaale ayaa hadda ka maareeya lacagta uu ka helo beer uu waraabiyo oo maalintii u dhaxaysa $4 ilaa $5. Wuxuu sheegay in ay meesha ka baxday welwelkii uu ka qabay cunno helidda carruurtiida.

‘‘Nolosheyda way fiicantahay hadda biil ayaan helay. Waxaan la hoydo ayaa la i kariyaa nolosha way ii fiicnaatay. Shaqada aad ayeey u fiicantahay in la ii kordhiyo ayaan rajeynayaa shaqada beerta waa mid aad u fiican.’’

Axmed oo kaligiis uu ku tiirsanaa reerku ayaa xusay in shaqadan cusub uu kaga maarmay xoogsi uu u aadi jiray magaalada Baydhabo. Wuxuu maalinkii ka heli jiray lacag u shaxaysa $2 ilaa 3 halka maalmaha qaarna uu soo laaban jiray isaga oo faro maran. maalmaha uu soo waayo ayuu xusay in ay ku qasbanaayeen in ay qadaan maaddaama aysan kayd lahayn.

Axmed ayaa qoyskiisa la soo miciin biday xeradan Deg-umurku ee duleedka Baydhabo sanadkii 2017 markaas oo daaq la’aan ay ku dhaafeen 96 neef oo lo’ ah oo ay ku dhaqanayeen degmada Diinsoor. Sidoo kale abaartii sanadkaas waxaa  uga wax soo sar beeshay beer saddex hektar ah oo uu tacban jiray.

Ninkan wuxuu qorshaynayaa in sanadkaan cusub inta lagu jiro uu iskuul ku daro labo ka mid ah carruurtiisa oo gaaray da’da waxbarashada iyo in uu iska gudo dayn gaaraysa $460 oo uu ku leeyahay bakhaar uu ka adeegan jiray,

Mustaf Maxamed Isxaaq wuxuu ka mid yahay dadka leh beeraha laga shaqeeyo. Wuxuu sheegay in labo beerood oo min 4 hektar ah oo uu ku leeyahay duleedka magaalada uu ka hawl galiyay 8 shaqaale ah. Wuxuu xusay in beerihiisa oo daadku ay ka qaaday dhamaan wixii uu saaray uu go’aan saday in  uu shaqaale ka howl galiyo si mar labaad uu degdeg ugu saaro abuurka.

Dhanka kale wuxuu xusay in raggan shaqaalaha ay u qaateen ay  yihiin dad ku sugnaa xeryaha lagu barakacay. Wuxuu sheegay in sababta ugu wayn ee ay ku doorteen ay ahayd in ay shaqa abuur u sameeyaan maaddaama ay ka war hayeen xaalkooda.

“Dadkan maadaama abaaro iyo colaado galeen xoolihiina ku dhamaadeen markaas ayaan in aan shaqo u samayno oo beero samayno oo aan ka shaqaalaysiino si ay noloshooda u maareeyaan ayaan ku talo galnay, waana ku guulaysannay inkasta oo  sanadkan qasaare jiray oo dallaggii naga go’ay haddana roobka ayaa da’au anaguna sidii umaddaas u noolaan lahayd ayaan ku talo galnay. ”

Dadka barakacay ayaa fursadaha noocan ah u yihiin mid ay nololshooda waxbadan uga beddelaan. waxay awood u yeeshaan in ay hellaan cunno ku filan iyo in ay carruurtooda waxbarasho u heleen.

Exit mobile version