(ERGO) – Maariin Cabdi Isxaaq iyo afar ka mid ah carruurteeda oo barakac ku ah xerada Daryeel ee duleedka magaalada Baydhabo ayaa si wada jir ah uga faa’iideysta fursad waxbarasho oo bilssh ah. Waxay ka helaan dhallinyaro isxilqaamay.
Waxay ka mid yihiin 315 arday oo iskugu jira carruur iyo dad waawayn, kuwaas oo ka soo jeeda qoysas dhawaan tagay xeryaha Daawo, Daryeel iyo Buulo-muumin. Dadkan ayaa ka soo barakacay colaado iyo Abaar saameysay noloshooda.
Maariin iyo carruurteeda waxay waxbarashada ku biireen shantii bishii Ogoosto ee sanadkan. Waxay qaataan maadooyinka, xisaabta, Soomaaliga iyo Ingiriiska. Haweenaydan oo 38 jir ah waxay ku faraxsan tahay in si wadajir ah ay wax u bartaan iyada iyo carruurteeda.
“Waxaa iska keen beddelay awal wax aan naqaanay ma jirinba taleefanka waxba kalama soo bixin jarin. Lacagta tirinteeda maanan aqoon xarfaha maanan kala aqoon haddana annaga ayaa kala baxsanna waxbarashadeena aad ayay u fiicantahay”
Waxay xustay Maariin in aysan waxna qori jirin waxna akhrin jirin ka hor inta aysan iskuulka gelin. Dhanka kale waxay tilmaantay in aysan jirin wax kharash ah oo uga baxa waxbarashada iyada iyo carruurteeda.
Haweenaydan oo wax la barata 90 arday oo ah dad waawayn oo ka daahay waxbarashada, waxay fursaddaan ka faa’iideysataan gelinka dambe maalinta. Si ay casharka u soo qaadato, waxay carruurteeda uga tagtaa guriga, deriskana waxay ka codsataa inay dusha uga sii eegaan.
Mararka qaar ma hurto inay ilmaha u yar oo hal sano jir ah u qaadato iskuulka. Maariin oo qoyskeedu uu xeradan soo gaaray bishii Juun ayaa arrintan u noqotay fursaddii ugu horraysay ee ay wax ku bartaan iyada iyo carruurteeda.
In dadka xeryaha ku nool ay waxbarasho helaan waxay markii hore ku xirnayd in qoyskii awooda uu u guuro meel waxbarasho uu uga heli karo carruurtiisa, ama uu ku qasbanaado inuu u dirsado iskuulada Baydhabo oo ardaygii laga qaado lacag u dhaxaysa $8 ilaa $10, taas oo culays ku ahayd dadkan soo barakacay.
Inkasta oo qoyskan ay carruurtooda heleen waxbarasho haddana waxay xustay in ay haysato cunno yari iyo hoy la’aaan.Waxay dabadyaal u yihiin roobabka dayrta oo todobaadyadaan si xawli ah uga da’ayay magaalada Baydhabo. Arrintaas waa mid ay ka siman yihiin dadka ku jira xeryaha sida ay sheegtay Maariin.
“Roobku markii uu da’o wax ma karsanno markii uusan di’in ayaan wax karsannaa. Subaxdii iyo duhurkii ayaan wax karsannaa inta badan habeenkii wax lama karsado waagii hore wax ayaan heli jirnay, laakiin waayahaan danbe wax nolol ah ma jiraan”
Qoyska Maariin oo ka kooban 8 qof waxay ka soo barakaceen deegaanka Shan-qalow ee gobolka Bakool markii ay abaar saamaysay beer shan hektar ah oo ay halkaas ku lahaayeen. Xerada oo ay soo miciin bideen ayaa markay yimaadeen laga siiyay dhul shan mitir ah oo ay ka dhisteen aqal coosh ah.
Waxay intaas ku dartay in aysan helin wax gargaar ah, balse waxay ku tiirsan yihiin ay tahay wuxuu soo helo aabbaha reerka oo shaqo xamaal ah u aada magaalada, taas oo markii uu soo helo uu ka soo galo dhaqaale u dhexeeya $2-3 oo aan ku filnayn noloshooda.
Si kasta oo ay ugu adkaato nolosha xerada waxay xustay in ay u dulqaadan doonaan inta carruurteedu ay waxbaranayaan.
Muniira Samow Maxamed oo 19 jir ah waa aas-aasaha iskuulkan ay waxka bartaan dadka soo barakacay. Waxay sheegtay in iskuulka oo ku eg dugsi hoose ay dhigtaan in ka badan saddex boqol oo arday oo ka kala yimaad xeyaha.
Iskuulkan ay hirgalisay oo lagu magacaabo Daryeel ayaa noqday iskuulkii ugu horreeyay ee xeryaha laga furo. Waxay xustay in dadka ay markii hore kaligeed u samaysay wacyi-galin ah in ay waxbartaan, taas oo horseeday in ay ku baraarugaan waxbarashada.
“Markaan wacyigelin u sameeyay waalidiinta iyo ardayda oo waxaan u sheegay inay muhiim u tahay waxbarashadu qof walba noloshiisa waxay ii oggolaadeen inaan waxbarashadii u billaabo oo ay ardaydii dadkii iyo waalidiintii noo imaadaan waana fahmeen, markaas aniguna waxaan ugu dhigayaa si bilaash ah oo aanan lacag ka qaadanayn lacag aan aqoontan ugu dhigaayo way I aqbaleen.”
Muniira waxay sheegtay in iyadu ay dadka ku taageertay aqoonteeda, balse lacag ay iska aruuriyeen ay ku gateen qalimaanta Buugaagta iyo sabuurada. Waxay xustay in dadku ay casharrada ku qaataan geed hoostiis oo ay sabuuradda ku dhagsadeen. Ku dhawaad saddex bil oo ay waxbarashada u waddo ayay tilmaantay in ay waxbadan iska beddeleen fahan kooda.
Gabadhan oo qoyskeedu ay deggan yihiin xerada Daawo ayaa dhigata fasalka 12 ee dugsiga sare ee iskuula Sahal oo ku yaalla magaalada Baydhabo. Waxay xustay in eedadeed ay ka caawiso lacagta waxbarashada oo bishii ah 15, taas oo u suuragalisay in ay soo gaarto sanadkii ugu danbeeyay ee dugsiga sare.
Muniiro maadaama ay ka warhayso baahida waxbarasho ee haysata dadka barakacay, waxay go’aansatay in ay keento qaab ay carruurta xeryahan ay uga baaqsadaan waxbarasho la’aan, maadaama qoysaskoodu aysan wax bari karin.
“Waxyaabaha igu dhaliyay waxaa ka mid ah dadkani waa dad barakacyaaal ah aniguna sidoo kale barakac ayaan ahay, fursad waxbarasho ama qarash ay iskuul iskaga dhiibaan ma hayaan oo noloshay la daalaa dhacayaan lacagihii iyo kharashkii iskuulaadka laga bixin lahaana ma haystaam. sidaas darteed markaan arkay inay aqoontayda u baahanyihiin oo aanay haysan fursad iyo wax kale ayay aniga igu dhalatay inaan caawiyo oo waxbaro maadaama ay yihiin walaalahaay aniguna aan ka mid ahay.”
Muniira waxay ardayda u kala qaybisay afar fasal oo ay kala dhigtaan labada galin ee maalinta. Xasan Cali maxamed oo ay Muniiro isku iskuul yihiin wuxuu ka caawiyaa in uu galinka hore ardayda u sii dhigo casharrada inta ay ku maqantahay iskuulka, halka isaguna uu galabkii aado.
Xasan ayaa sheegay in uu caawintan billaabay markii ay Muniiro ku soo wargalisay horraantii bishii Sebtember xiligaas oo ay ardaydu soo bateen. Dayarkan oo isagu xitaa ka mid ah dadka deggan xerada Daawo wuxuu ku faraxsan yahay in uu waxbaro dadka ay meesha wada deggan yihiin sida uu u sheegay Radio Ergo.
“Qofka in wax la baro waa hawl aad u fiican sababta ugu wayn ee aan ardaydaan u caawinayno waxaa ka mid ah, sida la ogyahay waxbarashada deegaanka hormar wayn kama jiro gaar ahaanna xeryaha lagu barakacay waxbarasho kama jirto sidaas dareedeed si carruurtaan iyo waalidiin tooda ay berri noloshooda ugu filnaadaan oo bariiskooda u raadsadaan (u shaqaystaan) aanaga ayaa waajib naga saaranyahay inaan waxbarno oo jahliga ay ku jiraan aan ka saarno.”
Dhallinyaradan waxay sheegeen in ay qorshaynayaan in markii ardaydu ay dhameeyaan dugsiga hoose sidii ay dugsi dhexe ugu billaabi lahaayeen. Waxay aaminsan yihiin in ay iagu u dhigi karaan casharrada digsiga dhexe balse halka arrin ee ay ka walaacsan yihiin ayaa ah in aysan hayn dhul iyo dhisme ay ku shaqeeyaan oo uu iskuul koodu yeesho.