Site icon Radio Ergo – Somali Humanitarian News and Information

Muqdisho: Dad abaar ay cayrtaysay oo fursad shaqo ka helay shirkad nadaafadda ka shaqaysa

Mid ka mid ah haweenka laga shaqaaleysiiyay howlaha nadaafada/Maxamad-khadar/Ergo

(ERGO) – Kun iyo saddex boqol oo qof oo u badan dad abaarta ku xoolo-beelay ayaa awoodday in ay il-dhaqaale u helaan qoysaskooda, markii ay fursad shaqo ka heleen shirkadda Deegaan-dhowr oo Muqdisho ka qabata howlo nadaafadeed.

Safiyo Cabdi Xaamud oo 40 jir ah waxay ka mid tahay 850 haween ah oo qayb ka ah dadka shaqo abuurka helay. Waxay ku filnaatay nolosha carruurteeda oo saddex ah isla markaana ay kaligeed korsato, markii aabbahooda ay kala tageen.

Haweenaydan oo dhinaca nadaafadda ay u qaabilsan shirkadda waxay bishii mushaar ahaan u qaadataa $250. Lacagtan ayaa ka caawisay in ay u hesho ubadkeeda cunno ku filan iyo arrad-tirkooda.

“Mushaar fiican oo igu filan waan qaataa oo aan ku dhiibto kirada, biilka iyo waxbarashada carruurtayda. Shaqada markaan helay way isku toostay xaaladdeena. Shaqada aan qabto waxa la isiiyo way u qalantaa.”

Shaqadan oo ay ku biirtay bartamihii sanadkii hore ayaa u sahashay in ay ka guurto xero lagu barakacay oo ay degtay sanadkii 2016. Waxay u soo wareegtay 5 bil ka hor guri labo qol ka kooban oo ay ku kiraysatay $70.

Labo ka mid ah carruurteeda ayay ku dartay iskuulka Imaamu-shaafici oo ku yaalla dagmada Dharkeenlay. Waxbarashadooda ayay ku bixisaa bil walba $30. Waxay ku faraxsan tahay in ay dabooshay baahiyaha carruurteeda oo xaalad barakac ah ku barbaaray.

Hammiga safiyo waxaa sii bilay, markii madaxda shirkadda deegaan-dhowr ay u magacaabeen jagada kormeere bil ka hor. Shaqaalaha ay madaxda u tahay oo haween u badan ayaa qaybta nadaafadda u qaabilsan isbitaalka Shaafi oo ku yaalla Muqdisho.

“Gacanta ayaan ka shaqayn jiray awal haddana supervisor baan ahay. Shaqaalo badan baan maamulaa ilaa 30 qof ah. Waxaa laygu doortay shaqada oo aan toosinayay iyo daacad u shaqaysiga. Sababahaas haddii aad la timaadid waad noqonaysaa supervisor. Fursado fiican oo aan carruurteena ku korsanno wax ku barno ayaan helnay Maashaa’Allah. Maamooyin haddii aan nahay fursad fiican baan ka helnay.”

Ka hor shaqadan waxay muddo shan sano ah la halgamaysay nolol-maalmeedka qoyskeeda. Waxay ka soo saaraysay shaqo aan joogto ahayn.

Dhar-dhaqista oo ay u aadi jirtay xaafadaha magaalada ayay ka heli jirtay mararka qaar lacag hal waqti ay dabka ugu shidi jirtay carruurteeda.

Waxay sheegtay Safiyo in haweenka xerada ku la noolaa ay ka oggaatay fursadda shaqo ee ka bannaanayd shirka Deegaan-dhowr.

Wuxay xustay in ay tagtay xarunta shirkadda isla markaana ay la wadaagtay maamulayaasheeda duruufteeda nololeed iyo xirfadda ay u leedahay howlaha nadaafadda.

Waxaa shuruud looga dhigay in ay tagto isbitaal si ay u hubiso caafimaadkeeda. Lacag ay daymatay ayay isku soo baartay waxaana warqadihii cadaynayay badqabkeeda caafimaad iyo qof damiin ka ah ay u la tagtay shirkadda, taas oo u fududaysay helidda shaqada.

Waxaa la baray sida loogu shaqeeyo qalabka nadaafadda iyo qaabka ay uga howl gali lahayd xarumaha loo qabto adeegga nadaafadda. Sida isbitaallada, xafiisyada dowladda iyo qaar kale.

Qayb ka mid ah lacagta ay ka hesho shaqadeeda ayay sheegtay Safiyo in ay dhigaal sato si mustaqbalka ay u anfacdo.

“Inshaa’Allah mustaqbalka ganacsi haddii Ilaahey ii sahlo ganacsi ayaa ku fekeraa in aan sameeyo.”

Sannadkii 2016 ayay ka la soo barakcday qoyskeeda degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose, halkaas oo abaar ka dhacday ay ku waysay 35 ari ah. Guri saddex qol ka kooban iyo beer labo hiktar ah ayay ka soo hayaantay.

Salmo Cabdullaahi Xasan oo 18 jir ah waxay ka mid tahay dadka fursadda shaqo ka helay shirkadda Deegaan-dhowr. Duruufta dhaqaale ee haysta qoyskeeda ayaa ku riixay shaqadan oo ay ku biirtay bishii shanaad ee sanadkan.

Waxay la korisaa hooyadeed oo danyar ah 4 ilmood oo la dhashay. Mushaharkeeda oo bishii ah $150 ayay ugu iibisaa raashinka ay quutaan. Waxay sidoo kale ka caawisa waxbarashada saddex ka mid ah carruurta oo ku jira fasallada hoose iyo dhexe ee iskuulkooda.

Waxay ku bixisaa $25 oo ay wax ku bartaan. Waxay sheegtay in meesha ay ka baxday baahidii cunno ee qoyskeeda tan iyo markii ay heshay shaqada nadaafadda oo ay u qabato shirkadda.

“Raashinka hadda anigaa u soo dhiga, awal qof wax isiiya ma haysan. Laakiin hadda lacagta aan shaqaysto ayaan ku tashanayaa. Qofkii aan rabo ayaan wax kasiin karaa. Hooyaday baan wax u qabanayaa alxamdulillaah. Horumar baan sameeyay. Hooyo anigaa hadda kirada guriga iyo waxa dhan ka qaabila. Abaal-marintaana waxaan u celinayaa Deegaan-dhowr haatanna in aan horay u sii socdo ayaan rajaynayaa.”

Salmo oo ku faraxsan shaqadan oo baddeshay nolosha qoyskeeda waxay sheegtay in ay dhib badan ka martay heliddeeda. Markii codsiga shaqada laga aqbalay waxaa shuruud looga dhigay in ay marto baaritaan lagu hubinayo badqabkeeda caafimaad iyo helidda warqadda damiinta.

Waxay u baahatay lacag dhan $60 oo caafimaadkeeda lagu baaro. Waxay ku qasbanaatay in ay iibiso taleefoonkeeda gacanta. Waxay ka bixisay $90. Waxay sheegtay in ay xal u aragtay si aysan u dayicin fursaddan shaqo.

“Wax la’aanta darteed ayaan moobeelka iskaga gaday. Warbixinta la iga rabo iyo warqadaha si aan u dhameysto qof lacag isiiya waan waayay. Hooyaday iyo aabbahay way kala tageen wayna iska duruufaysan yihiin. Moobeelkayga ayaa ii fududaa waan gaday. Warqadaha iyo wixii ii dhimanaa waan iska dhameystiray. Shaqada markii aan helayna bishii ugu horraysay moobeel baan gatay oo ah celis $60 ah.”

Salmo waxay sanad ka hor waxbarashada uga hartay dhaqaale xumo. Waxay dhameysay dugsiga dhexe. Hadda waxay rajaynaysaa in ay dib waxbarashada ugu laabato inkastoo toddobo saac oo ka mid ah maalintii ay ku fooggan tahay howlaheeda shaqo.

“Waxbarashada bishan ugu horraysa in aan galaan rabaa. Waxbarashada anigay i anfacaysaa iyo carruurtayda mustaqbalka. Haddii shaqada aad ku dhex-waddina aday kuu fiican tahay. Toban saac camal marka aan shaqada ka soo baxo waxaan rabaa in aan galo private oo waxbarashadayda halkaas ka sii wato.”

Shirkadda Deegaan-dhowr ee shaqada siisay Salmo waxay Muqdisho ka howl galaysay tan iyo 2015.  Cabdinajiib Salaad Muuse oo ah madaxa shaqada iyo shaqaalaha shirkaddan ayaa Raadiyow u sheegay in fursadaha ay bixiyaan ay uga faa’iideeyaan dadka kartida u leh howlaha nadaafadda.

Wuxuu xusay in dumarku ay kaga firfircoon yihiin ragga howshan, sidaas darteedna shaqaalahu ay u badan yihiin haween. Wuxuu tilmaamay in ay siiyaan mushahar u qalma xoogga ay ku bixiyaan nadaafadda.

“Mushahar ahaan way ku kala duwan yihiin shaqo ahaana way ku kala duwan yihiin. Supervisor ha ahaado. Shaqaale nadaafadeed ha ahaado. Marka mushaharku isku mid ma noqdo. Inta badan waa dad iska nugul. Uma badna dad wax soo bartay waana danyar. Waxay haysaan ilmo aabbahood ka dhintay ama aabbahood ay kala tageen, sidaas awgeed bay noogu imaadaan.”

Dadka u shaqeeya ayuu xusay in ay baraan la macaamilka dadka, xirafadaha shaqada iyo ku shaqaynta qalabka. Wuxuu xusay in badankood abaar ay soo barakicisay isla markaana ay ka yimaadeen gobollada shabeellooyinka, Hiiraan, Bay iyo Bakool.

Exit mobile version