(ERGO) – Iqro Cabdi Faarax waxay cunno yari ku wajahaysaa xerada barakaca Raage-iidle ee duleedka magaalada Baladweyne tan iyo bishii Juun ee sannadkaan markaas oo ay soo maciin biday halkaan. Haweeneydaan iyo carruurteeda oo labo iyo toban ah waxay sheegtay inaysan awoodin in hal waqti ka badan ay wax karsadaan xiligaan la joogo.
Waxay ku tiirsan yihiin caawimaad ay ka helaan dad ehelkooda ah oo magaalada deggenaa iyo dadka xerada kula nool. Waxaa todobaadkii la siiyaa dhowr kilo oo raashiin ah. Balse, taas kama dhigna inay si toos ah qoyskeeda u baahi tirtay kaalmadaas kooban.
Waxay xustay in waxa ugu badan ee ay ka fikirto ay tahay sidii qoyskeeda uga bixi lahaayeen xaaladdaan hubanti la’aanta cunnada ah ee u horseeday welwelka joogtada ah.
“Wixii Muslim isoo siiyo ayaan karsadaa. Cunno kale meeshan kuma hasto. Odeygii waaba waalan yahay yaaba ii soo shaqeeynaa. Sidaas ayaan isaga noolnahay.”
Culeyska nolosha ee uu qoyska Iqra wajahayo waxaa ugu wacan markii ay meesha ka baxday kaalmo ay ka heli jireen Nasro daahir oo qaraabada qoyskeeda ka mid ah taas oo iyada iyo labo carruur ah oo ay dhashay ku geeriyoodeen qarax ka dhacay degmada Jalalaqsi bishii Febraayo ee sannadkaan.
Haweeneyda dhimatay waxay maqaayad ku lahayd Jalalaqsi. Waxay qoyska Iqra bishii ka heli jireen dhaqaallo ay noloshooda ay ku maareeyaan.
Ka sokow caawinaadda meesha ka baxday waxaa u dheer in qaar qoyska Iqra ka mid ah ay waxyeello dhanka dhimirka ah ka soo gaartay geerida ku timid haweeneydaas iyo labada carruur ee ay dhashay ee qaraxa ku dhintay.
“Gabar iyo hooyadeed aa qarax ku dhacay. Meel Jalalalaqsi la yiraahdo oo ugu dhacay. Marka sidaas ayey ku wada waasheyn. Mamada jawaan ayey wadataa waa iska socotaa odeyga ayaaba roon oo guriga iska fadhiyo.”
Qoyska Iqra waxaa hoy u ah aqal yar oo ku yaala ilinka hore ee laga soo galo xerada Raage iidle oo duleedka magaalada Baladweyne ku taala. Muuqaal ahaan marka aad xagga sare ka aragto buushkooda waxaad ogaanaysaa hab sameyskiisa inuu nugul yahay oo uusan u adkaysan karin roobka iyo dabeesha deegaanka jirta.
Waxay sheegtay in labadii sanno ee ugu dambeysay ay abaarta ka dhammeysay 90 neef oo ari ah oo ay ku tiirsaneed nolosha qoyskooda.
Qoyska iqro oo xoolo-dhaqato iyo beeraleey ahaa waxay ka soo barakaceen miyiga fog ee degmada Halgan ee gobolka Hiiraan bishii Juun ee sannadkaan. Halkaas oo ay ku lahayd beer saddex hiktar oo galley ay ugu beerneed.
Filashadeedii ahayd helitaanka nolol ka duwan tii ay ku sugaanaayeen kama aysan helin Beledweyne oo ay u soo barakaceen iyada iyo qoyskeeda. Tan iyo markii ay timid xeradaan ma ma jiro wax gargaar ah oo ay ka heshay hay’adaha samafalka ee ka shaqeeya gobolka.
Kaamilo Axmed Ibraahim waxay tan iyo bishii Juun ee sanadkan hoy la’aan iyo cunno yari ku wajahaysaa xerada barakaca Raage iidle ee duleedka magaalada Baladweyne.
Haweeneydan oo ah hoyada lix carruur ayaa ka soo barakacday colaadda iyo abaaraha saameynta ku reebay deegaanka luuqa jeeloow oo gobolka Hiiraan ka tirsan.
Waxay nolosha qoyskeeda ku maareeysaa saddex doollaar oo ay ka hesho cows ay ka soo gurto beeraha ku yaala bannaanka magaalada Beledweeyne. Cowska ayay xustay inuu san si joogto ah ugu gadmin oo ay mararka qaar guriga ku soo hooyato iyada oo faro maran.
“Wax aan gadan karo maleh. Anniga baahidaas ayaa i hayso. Bariis ma gadan kari. Baasto ma gadan kari Hilib ma gadan kari.”
Kaamila waxay ka mid tahay siddeed boqol oo qoys oo nolol adag ku wajahaya xerada Raage Iidle. Dhammaan qoysaskan ayaa ka soo barakacay dagaalada u dhaxeeya dowladda iyo Al-shabaab ee ka taagan deegaanno hoos taga Buulo-burde, Moqokori iyo Maxaas.
Haweeneydan ayaa xustay in raashinka ka sogoow ay ku adagtahay helidda biyaha. Xerada ay deggantahay ayay tilmaantay inaysan lahayn ceel biyood. Waxay sheegtay in masaafo dhan saddex kiilo mitir ay u arooraan. Biyaha ceelka ay ka soo dhaansadaan ayay sheegtay in labaatanlihii laga iibiyo afar kun oo shillin Soomaali oo ah wax ka yar nus doollar.
“Meeshaan biyo xumaa na hayso. Meel dheer baa loo doonaa. Baabuur maleh. Wax aad ku qaadanee maleh duudkaa ku soo qaadanee.”
Kaamilo iyo carruurteeda waxay ku qaadatay shan maalmood oo lug ah, si ay xeradaan u soo gaaraan. Xerada iyo deegaanka ay ka soo barakacday waxay u soo lugeyneysay masaafo dhan 24 km.
Dhaqaalle la’aan darteed ayay sheegtay inay u door bidday lugta. Balse inta aysan soo gaarin xeradaan oo uu bartilmaameedkeeda ahaa ayay xustay inay meel dhexe ka soo raaceen gaari dayn ku soo qaaday iyada iyo carruurteeda oo midkiiba $24 ay tahay lacagtiisa.
Qoyska Kaamila waxay abaartii 2021 ku waayeen 50 ari ah oo ay dhaqanayeen. Waxay xerada la timid labo neef oo aan cad iyo caano lahayn oo abaarta uga badbaaday. Markii ay ku adkaatay nolosha xerada waxay go’aansatay inay iibiso labadoodiiba. Waxay isku darkooda ku iibisay lacag dhan $48.
Kaamilo ka sokow nolosha adeg ee xerada ku haysata waxay ku faraxsan tahay in markii ugu horreysay qaar ka mid ah carruurteeda ay u hesho waxbarasho bilaash ah. Balse waxay u awoodi la’dahay inay u iibiso buugaagta iyo qalimaanta iskuulka.
Waxay tilmaantay inay ku qasban tahay aqbalidda noloshaan. Maaddaama aysan heli karin doorasho kale oo ka beddelan xaaladdaan. Balse, sidaas oo ay tahay xusuusteeda kama go’in waayo hore oo tagay sida ay ahayd nolosha qoyskeeda.
Qoyska haweeneydan oo xoolo-dhaqato ahaa waxay ka soo barakaceen miyiga deegaanka luuqa jeeloow oo Beledweyne u jira 68 km.
Maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in tobankii bil ee ugu dambeysay ay ku soo barakaceen xeryaha Beledweyne in ka badan shan kun oo qoys oo ay saameyn ku yeesheen colaadda gobolka ku dhex martay ciidamada dowladda iyo xooggaga deegaanka oo isku dhinac ah iyo kooxda Al-Shabaab.
Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee gobolka Hiiraan Cali Cismaan Cali ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in dadka soo barakacay ay isugu jiraan kuwa colaado iyo abaar ay soo barakicisay.
Wuxuu sheegay in qoysaskii horay u degganaa xeryaha iyo kuwa dhowaan ku soo biiray aysan waxba is dhaamin nolol ahaan xiligaan la joogo marka loo eego duruufaha haysta.
“Dadkaasi ka soo abarakacay colaadaha iyo dagaallada waan la soconaa, ka maamul ahaan waan la soconnaa xaaladdooda. Ee wax badan ayaana kala soconnaa. Deegaameyn iyo qaabkii noloshooda ahayd loo kormeero ma ahane wax hadda gaar ah oo laga qabtay noloshooda ma jirto.”
Sidookale maamulka wuxuu sheegay in dadkaan ay dajiyeen ku dhawaad 10 xeryo oo cusub kuwaas oo ay ka sameeyen duleedka Beledweyne.
Dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha samafalka ayuu maamulka gobolka Hiiraan ka codsaday inay gargaar gaarsiiyaan qoyaskaan ku dhibaateysan xeryaha magaalada.
Dadka ku soo barakacay halkaan oo intooda badan ay saameyn ku yeesheen dagaallada iyo abaaraha gobolka waxay ka siman yihiin duruufaha nolosha ee ku haysta xeryaha ay ku soo barakaceen.