Sahro Abuukar Maadey iyo carruurteeda oo toddobo ah oo si qasab ah looga saaray gurigooda 12 bishan Luulyo ayaa wajahaya hoy la’aan ah. Haweeneydan oo umul ah tan iyo 2 bishan ayaa sheegtay inaysan hadda haysan wax dugaal ah.
Qoyska Sahro Maadeey wuxuu 150 qoys oo todobaadkii hore mar labaad laga barakiciyay xero ay degnaayeen oo ku taalla magaalada Garowe, markii dadkii lahaa ay ku wargaliyeen in ay si deg deg ah uga guuraan.
Sababta qoyska Sahro loo soo barakiciyay ayaa ah inay bixin wayday kirada hoyga ay degganaaayeen oo lagu yeeshay 20 doollar oo is gaartay.
Sahro oo 37 jir ah, iyada iyo carruurteedu waxay dulsaar ku yihiin qoys ku caawiyay inay si ku-meel-gaar ah u degaan waab yar oo gurigooda oo jiingad ah ku dhexyaalla.
Hoy la’aanta waxaa u sii dheer cunto yari, dhaxanta habeenkii iyo dabeysha maalintii. Waxay Raadiyow Ergo u sheegtay in xilliga la barakiciyay ay ku ku jirtay xaalad adag.
“Anigoo xanuunsan oo umul ah oo dhiig baxaya ayaa la igasoo bixiyay gurigaas, oo awood la iigu sheegtay. Waligey meeshaan ka hor ma arkin. Guri la iska duminaayo haddii kiro la bixin waayo. Waxaan dareemayaa ilmihiiyoo dabeysha iga dishay, guriga xitaa naguma filna. Meel balanbalo ahoo dabeysha ruxaysa ayaa ilmahaas ummushe kula seexdaa,” ayay tiri.
Haweeneydan oo markii hore hoyga ay degnayd ay ka caawisay dhismihiisa hay’adda NRC hadda. Ma awooddo inay guri dhisato ama ay kiraysato, maaddaama ay la daalaadhacayso nolol maalmeedka.
Welwelka ugu weyn wuxuu ka haystaa caanaha carruurteeda oo ka sii dhamaanaya.
Ka hor inta aysan dhalin waxay nolosha qoyska ka kabi jirtay shaqo inay qashinka qaaddo guryaha iyo dhar dhaqid.
Hadda ma awood inay shaqadaas qabato inay umul tahay darteed iyo deegaanka oo aan lahayn fursadaha muruq-maalka ah, maaddaama ay ku nool yihiin dad danyar ah.
“Busaarad ayaa iska ka jirta, barakacaa nagu dhacay. Gurigii wax lagu dhiso malahan. Dadkaa sidaas u kor saaranahay. Awalkii hore hore qashin ayaa la qaad qaad jiray. Hadda qashin ma qaadi kartid, meel aad ku shubtid malahan. Dhar dhaqid baa awal la heli jiray, haddana maba lahan,” ayay tiri.
Haweeneydan ayaa sheegtay in seygeeda uusan hadda hayn wax shaqo ah. Intii aan la soo rarin ayuu ka caawin jiray cunno labo waqti ah. Wuxxuu ka xamaalli raashinka gawaarida xamuulka ah ka dejiya.
Rabshadihii ka dhacay magaalada Garowe ayay sheegtay Sahro inay saameeyay shaqadiisa. Wuxuu toddobaadkii shaqayn jiray saddex beri. Maalinle ayuu heli jiray shan doolar.
Qoysaska la soo barakiciyay ayaa maciinbiday inay ku dul noolaadaan barakac kale. Qoyska Sahro ayaa dulsaar ku ah Maryan Cali iyo carruurrteeda ooo shan ah. Labada qoys ayaa hal xilli dabka shita.
Maryan ayaa maalintii u shaqo tagtaa magaalada oo u jirta 3 km si u soo dhacsato nolol maalmeedka.
Waxay leedahay macaamiil joogto ah oo ay dharka u dhaqdo oo ay ka hesho maalintii 3 doollar. Wax taageero ah kama hesho seygeeda oo ay kala tageen labo sano ka hor.
Haweenaydna waxay ka sheekanaysaa nolosha ay ku nool yihiin iyaga iyo qoyska dulsaarka ku ah.
“Waxba isma dhaamno. Nolol maalmeedkeenna ayaa dhacsanaa oo magaaladaa iska galnaa. Mar aan dhar dhaqis soo helno iyo mar aan xaaqid soo helno, ayaa lagu nool yahay. Wax walboo qof ku noolaan karaa u baahannahay,” ayay tiri.
Dhulka laga soo raray qoysaskan waxaa horay u dejisay Puntland waxay 10 sano ku degganaayeen si bilaash ah. Heshiiskii loogu ogolaaday ayaa ku ekaa bishii Febraayo ee sanadkan.
Dadka guryahooda laga soo guuriyay waxaa sidoo kale ka mid ah Cabdirashiid Gaabow Cali. Waa 67 jir leh 12 carruur ah.
Isaga iyo carruurtiisa waxay dulsaar ku yihiin qoys kale oo deggen xerada Siligga. Cabdirashiid iyo qoyskiisa waxay ku jiraan xaalad labaad oo barakac ah. Wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in hoygiisa laga dumiyay, oo si qasab ah loo barakaciyay.
Wuxuu intaas ku daray in muddo todobaad ku dhow inuu carruurtiisa u waayay gabaad isagoo ay danta ku qasabtay inuu hoy ka dhigto masaajid ku yaalla mid ka mid ah xeryaha dadka soo barakacay.
Wuxuu nooga warramay sida looga saaray hoygiisa.
“Dhulka waxaan ku degnayn heshiis ay wada galeen Dowladda iyo dadka dhulka iska leh. Waxaa dhacday anagoo nidaam ku deganayn waqtigii naloo qabtayna uu dhamaaday, ayaa qoladii dhulka waxay dadki kusoo rogeen kiro. Qofkii aan kirada bixiyana waa degenaanayaa, qofkii aan bixina waa laga saaray. Marka waxaan dareemayaa in la i barakiciyay,” ayuu yiri.
Cabdirashiid Gaabow wuxuu la daaladhacayaa shaqo la’aan iyo saamaynta ka dhalatay isticmaal la’aanta Shilling Soomaaliga, waxaa u dheer wewelka hoy la’aanta oo ku cusub. Waxa uu sheegay inuu muddo 10 sano ah si lacag la’aan ku degenaa hoy ay u dhistay hay’ad maxalli ah.
Haddda ma haysto cunno uu carruurtiisa siiyo. Qoys ay la nool yihiin ayaa maalintii ku caawiya inay hal mar dabka shitaan. Xaaskiisa oo da’a ah oo xannuunsan ayuu sheegay inay guriga u joogto isla markaanna ay u baahan tahay daryeel.
Cabdirashiid oo ku jira waqtiga howlgabka, wuxuu qoyskiisa ku maareyn jiray lacag u dhaxeeya 4-8-doollar oo uu ka soo heli jiray shaqooyinka dhismaha guryaha. Haddase wuxuu walaac ka muujinayaa shaqooyinkaas oo ay hadda la wareegeen dad ajaanib ah.
“Cid shaqo kuu dirsan arki maysid. Meel walba waa laga shaqeynayaa. Xataa dhardhaqiiyaa la sku haystaa. Qashinkii ay dumarka nooga shaqeyn jireen waala qabsaday. Gidaaradaa 24-ka saac iska fadhinaa.”
Inkastoo ay dadkani haatan yihiin hoy la’aan, haddana Dowladda hoose ee degmada Garowe ayaa gacanta ku mashruuc xal waara loogu raadinayo shan kun oo ka mid ah dadka soo barakacay.
Qoysaskii ugu horreeya ayaa dhowaan loo diyaariyay dhulkii ay degi lahaayeen, iyadoo dowladda iyo hay’adaha ay iska kaashanayaan in guryo loo dhiso, si uga baxaan xaaladda barakaca.
Axmed Xasan Aw Muuse oo ah agaasimaha arrimaha bulshada dowladda hoose ee degmada Garowe ayaa Raadiyow Ergo uga warramay qorshaha ay u hayaan qoysaska aan hoyga haysan oo ay ka mid yihiin kuwa laga barakakiciyay guryaha ay deganaayeen.
“Meeshii laga dhisayay waa ku qanceen oo adeeg walba la rabo in loo sameeyo. In ay noqdaan xaafado xalka waara u gudba. Hal waxbarasho hela, caafimaad hela, hal biyo hela, hal koronto hela, hal amni hela. Dad xirfadlayaal ah weeyaan oo nolashooda lasoo bixi kara, waxay u baahan yihiin in adeegyada bulshada laga hagaajiyo.”
Inta badan qoysaska ayaa hadda dulsaar ku ah xerada Shabeelle ee duleedka Garowe. Hase yeeshee dedaalka dib-u-dejinta loogu samaynayo ayaa rajo billow ah geliyay dadka deegaankii ay deggnaayeen sida qasabka ah looga soo saaray.










