Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • Somali
  • English
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • Somali
  • English
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Dabeysha xooggan ee xagaaga oo hoy la’aan ka dhigtay kumanaan qoys oo barakac ah

Jibril Osman by Jibril Osman
August 18, 2023
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Jubbada hoose: Dabeysha xooggan ee xagaaga oo hoy la’aan ka dhigtay kumanaan qoys oo barakac ah

Kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Sagaal kun oo qoys oo ku nool deegaanka Luglow oo Kismaayo u jira 25 km ayaa wajahaya xaalad hoy la’aan, markii dabeysha xagaaga ay ka dumisay guryo u badnaa cooshado bishii toddobaad ee sanadkan.

Dadkaas waxaa ka mid ah qoyska Aamina Isaaq oo sagaal ah. Tan iyo 22 bishii July waxaa hoy u ah geed hoostiis. Dushiisa waxaa u saaran bac ay maalintii qorraxda ka galaan habeenkiina ay huwadaan.

Waxay sheegtay in dhibaato xooggan ay ku qabto cidda ay waddo dabesha. Aamino oo umul ah waxay haysataa wiil 37 maalin jira. Waxay xamili la’yihiin saameynta ka dhalatay dabeysha oo ku heshay hoy la’aanta.

“Dabeyl xun oo aad umalaynayso duufaan oo kale ayaa nagu socota. Carro gaduudan ayay wadataa. Aniga iyo caruurta xitaa waan is-arki waynay. Gurigayga wuxuu ahaa alwaax iyo bac. Guri fiican ma’ahayn. Sidii buu ku dumay. Wax hooy ah oo aan hadda haysanno oo Illaahy uumay majirto. Waliba maalinkii uu igu dumay wax iiga xumaa ma jirin. Qof umul ah baan ahaa waxbana awoodin. Waxba haysanin. Guri dhisan Karin. Wakaas hadda bannaan cidlo ah baan deggannahay.”

Guriga ka dumay qoyska Aamino oo hal qol ahaa waxaa u dhistay hay’adda UNHCR bishii Jannaayo ee sanadkan. Wuxuu ka mid ahaa 700 oo guri, kuwaas oo loo dhisay qoysaska soo barakacay ee ku nool deegaanka Luglow. Dhamaantood ayay dabeyshu la tagtay sida uu sheegay guddiga barakaca iyo qaxootiga Jubbaland.

Labo ka mid ah carruurta Aamino waxaa saameyn caafimaad darro ku yeeshay dabeysha iyo qabowga habeenkii oo gabaad xumo ku helay. Toddobaadkii u danbeeyay waxay ku noqnoqotay xarun caafimaad oo ku taalla Goobwayn, markii xumad daran ay wajaheen.

“Midka ugu daran waa midka ugu yar iyo kan ku xiga oo sanad iyo todobo bilood dhallan. Shalay goobwayn baan kala imid. Maalin dhexdaas ah sidaas oo kale goobweyn ayaan u qaaday. Wax cafimaad ah oo aan ku haysanano halkan ma jirto.”

Sharoobooyin loo qoray carruurta si burikiitada loo gala tacaallo ayay sheegtay in aysan weli wax ka baddelin xaaladddooda caafimaad.

Dhakhaatiirta ay u gaysay carruurta ayaa kula taliyay in ay ka ilaaliso qabowga ay wadato dabeysha dhacaysa, taas oo ku adag, maaddama aysan u hayn guri ay gabaadsadaan.

Qoyska Aamino iyo dadka soo barakacay ee la mid ka ah dhibaatada dabeysha waxaa u dheer xaalad cunno xumo oo ay wajahayaan muddo siddeed bil ah. Waxaa istaagay raashin gargaar oo bishii mar ay ka heli jireen hay’adda WFP.

Waxuu ka koobnaa min 25 kiilo oo bur, bariis iyo sonkor ah. Waxaa wehlin jiray caagad saliida ah. Cunnadan oo loo billaabay ayay tilmaamtay Aamino in aan loo sheegin sababta loo joojiyay.

Waxay xustay in saygeeda oo u xoogsi tagay Kismaayo uusan helin shaqo uu ku dabbaro noloshooda. Carruurteeda ayaa hela 24 saacba hal waqti raashin dabka loo saaro.

Siyaabo kala duwan ayay ku hesha cunnada ay quutaan. Waxay sheegtay in ay soo bariso marna ay ka soo dayn sato bakhaarro ku yaalla deegaanka Luglow.

Qoyskeeda ayay kala soo barakacday billowgii sanadkii 2020 deegaanka Hargeysa yarey oo hoostagta degmada Jilib ee gobolka Jubbada hoose, halkaas oo ay ku leeyihiin beer 10 hiktar ah. Beertan oo abaarro is xig-xiga ay saameeyeen waxay ku beeran jireen dalag iskugu jira galley, digir iyo noocyada kala duwan ee khudaarta.

Waxaa la mid ah Saynab Mahad Muumin oo qoyskeeda oo barakac ah uu ka kooban yahay Sagaal qof. Toddobo ka mid ah waa carruur. Waxay hoy la’aan yihiin mudo 16 maalin ah. Aqal cooshad ah oo uga dhisnaa deegaanka Luglow ayay dabeyshu dumisay.

Waxay isku daydaa maalin walba dib u dhiska aqalkeeda oo ka sameysnaa baco, kartoomo iyo maryo la isku xiray, hase ahaatee waxay bidaan marka ay dabeyl xoog leh tilmaaddo.

Saynab oo xaalad quus ah ay galisay dabeysha waxay ku dadaashaa in xilliga habeenkii ay u hesho carruurteeda hu’ si qabowgu uusan saameyn ugu yeelan.

“Bac uun baan korka iska saarnaa iyadaan ku hoos jirnaa. haddii aad aragto waad la yaabaysaa. Dadkan sidee bay ku nool yihiin baad isleedahay. Dadka waddada maraya ee na arka way nala yaabaan. Qurac hoostiis ayaa inta waabanay baa hoy noo ah, halkaas baan iska fadhinaa.” ayay tiri.

Nolosha qoyskeeda wuxuu ku tiirsan yahay lacag ay ka hesho xaabo ay ka soo gurto miyi xeradeeda Ceeljaale u jirta 10 km. Waxay sheegtay in ay ku soo qaaddo dhabarkeeda. Guridda qoryaha ayay ku bixisaa kala bar maalintii.

Waxay ka heshaa maalintii $1.5. Lacagtan ayay sheegtay in hal waqti ay dabka ku saartaan raashin ay ku iibsadaa. Waxay ka darisay xaaladdan ay ku jiraan qoyskeeda oo ay u dheertay dabeysha nolosha ku sii adkaysay.

“Buushash yar yar baa markii hore noo dhisnaa oo roobka iyo qabowga habeenkii aan ka gali jirnay. Buushahkii way dumeen oo dabeyshaa qaadday. Bacdii saarnayd qorax iyo dabeyl baa baa sidaas yeelaysa. Marka walaallow hoy xumo way jirtaa iyo musqul la’aan.”

Waxay sheegtay Saynab in saygeeda oo da’ ah uusan qaban wax shaqo ah, sidaas darteed ay ku qasbanaatay in ay qoyskeeda daryeesho una soo dhiciso nolol-maalmeedka.

Sanadkii 2021 ayay kala soo barakacday qoyskeeda baadiyaha deegaanka Janaay Cabdulle oo Kismaayo u jira 60 km. Abaar ka dhacday deegaankeeda intii u dhaxeysay sanadihii 2019 ilaa 2020 ayaa ka dishay 120 oo ari ah oo ay dhaqanayeen.

Arrinta ayaa keentay in ay soo miciin biddo xeryaha lagu barakacay si ay u xoogsato ama ay u hesho gargaarka ay bixiyaan hay’adaha samafalka.

Dabeysha saameynta ku haysa qoyskeeda ayaa ka soo dhacaysa dhinaca xeebta oo Luglow u jirta 8 km. Waxaa xoojinaya badda oo kacsan iyo xerada ay ku jirto oo ku yaalla dhul taag ah oo u nugul dabeysha.

Guddoomiyaha Gudiga Barakaca iyo qaxootiga Jubbaland Cali Aadan Cali ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in dabeysha badda ka imaanaysa saddexdii toddobaad ee u danbeeyay ay ka xoog badan tahay kuwii ay arki jireen. Wuxuu tilmaamay in ay sababeen barakac hor leh oo ay galeen dadka ay saameeyeen.

Wuxuu xusay in dadka hoy la’aanta noqday ay u baahan yihiin gargaar hoy iyo mid cunno.

“Udoodi  farabadan ayaan samaynay. Waxaan rabnaa in aan hooy deg-deg ah hay’adaha u waydiino waana na loogu maqan yahay. Waxaan filaynaa in mar dhow la helli doono. Hay’adaha qaar in ay wax uun keeni doonaan baan rajaynaynaa.”

Deegaanka Luglow oo ay deegaameysteen dadka soo barakacay waxaa ku yaalla labo xero oo ay ku jiraan kumanaan qoys. Dadkii degganaa dhamaantooda waxaa bannaan yaal ka dhigay dabeysha dhacaysa.

 

Previous Post

Jowhar: Ganacsato iyo beeraley dhaqaale xumo wajahaya markii uu hoos u dhac ku yimid qiimaha khudaarta

Next Post

Bari: Dadka deegaanka Bareeda oo wajahaya nolol xumo markii ay jabtay buundo gaadiidka badeecadaha geeya ay isticmaali jireen

Related Posts

Qoysas maciin bidday Muqdisho markii uu saameeyay dagaalka Al-shabaab iyo dowladda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas maciin bidday Muqdisho markii uu saameeyay dagaalka Al-shabaab iyo dowladda

May 15, 2025
Muqdisho: Haween iyo carruur ka barakacay colaad oo wajahaya xaalad hubanti la’aan ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Muqdisho: Haween iyo carruur ka barakacay colaad oo wajahaya xaalad hubanti la’aan ah

May 14, 2025
Nugaal: Kalluumeysto ka soo kabtay nolol xumo markii ay heleen shirkad u iib-gaysa malayga
Wararkii u Danbeeyay

Nugaal: Kalluumeysto ka soo kabtay nolol xumo markii ay heleen shirkad u iib-gaysa malayga

May 13, 2025
Baydhabo: Barakicin qasab ah oo nolol xumo gelisay qoysas laga raray dhul ay deganaayeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Baydhabo: Barakicin qasab ah oo nolol xumo gelisay qoysas laga raray dhul ay deganaayeen

May 12, 2025
Shabeellaha hoose: Beeraley ka cabayanaya raashinka dibadda laga keeno oo suuq xumo bidday
Beeraha Iyo Xoolaha

Shabeellaha hoose: Beeraley ka cabayanaya raashinka dibadda laga keeno oo suuq xumo bidday

May 10, 2025
Galgaduud: Saameynta abaarta oo waxbarasho la’aan dhigtay carruurta qoysas danyar ah
Wararkii u Danbeeyay

Galgaduud: Saameynta abaarta oo waxbarasho la’aan dhigtay carruurta qoysas danyar ah

May 9, 2025
Next Post
Bari: Dadka deegaanka Bareeda oo wajahaya nolol xumo markii ay jabtay buundo gaadiidka badeecadaha geeya ay isticmaali jireen

Bari: Dadka deegaanka Bareeda oo wajahaya nolol xumo markii ay jabtay buundo gaadiidka badeecadaha geeya ay isticmaali jireen

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-MAY-2025

IDAACADDA 15-MAY-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-MAY-2025
Episode play icon
IDAACADDA 15-MAY-2025
May 15, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 14-MAY-2025
May 14, 2025
Episode play icon
IDAACADA 13-MAY-2025
May 13, 2025
Episode play icon
IDAACADA 12-MAY-2025
May 12, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2025
May 11, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • Somali
  • English

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo