(ERGO) – Culimo Cabdullaahi macallin oo ah hooyada 6 carruur ah oo agoon ah ayaa ku guuleystay in ay Baydhabo ka hirgaliso ganacsi ka kooban dhar, raashin, bagaash iyo maacuun. Waxay ku aas-aastay lacag ay ka heshay shaqada dhagax-jabinta.
Dhaqaalaha ka soo gala meheraddeeda ayaa dabooshay baahida cunno, tan waxbarsho iyo arrad-tirka qoyskeeda. Ka hor inta aysan billaabin ganacsigan waxaa ku adkayd in carruurteeda ay u hesho cunno ku filan.
“Hadda maalinkii wixii nooga soo baxa ayaa korontada iyo biyaha ku bixiyaa cunnada ilmahana waa laga maareeyaa. Waqtigii hore dabka waxaan shidanaynay waqti ka waqti. Laakiin hadda saddexda waqti dukaanka ayaa ka maaraysanaa.”
Yagleelidda dukaankeeda waxaa u sahlay lacag ay dhigaal-satay, taas oo ka soo gashay shaqada dhismaha guryaha oo ay ku jirtay muddo toddobo sano ah.
Waxay maalintii ka shaqaysanaysay $5. Saddex doolar oo ka mid ah lacagtan ayay ku gali jirtay ayuuto, taas oo ka caawisay in ay aruursato dhaqaalaha ay ganacsiga ku billowday.
Ku dhawaad labo sano oo halgankan ay ku jirtay waxay sheegtay in ganacsiga u saran dukaanka uu gaaray $3,000, taasi oo ay xustay in ku timid dadaal maalin iyo habeen ah oo ay ku bixisay ka miro dhalinta kobcinta dhaqaalaheeda.
“Sanad iyo toddobo bil ayuu ii furan yahay dukaankan. Wax aan dhisme ka qaaday oo aan ka jaray noloshayda ayaa ku furtay. $900 baan ku billaabay, ka bacdi lafihii iyo faa’iido aan isku celceliyay hadda maashaa Allah bay ii maraysaa. Shaqo abuurka meeshaas ayaa ka soo billaabay. Meeshaas ayaa farcankeedu iiga yimid.”
Waxay sidoo kale dabartaa waxbarashada afar ka mid ah carruurteeda oo mid ay gabar tahay. Waxay ku jiraan dugsiga hoose, dhexe iyo sare ee Moodal oo ku yaalla Baydhabo, kaas oo hadda ardaydiisu ay fasax ku maqan yihiin, balse waxbarashadiisa dib loo amba qaadi doono bisha sagaalaad ee sanadkan.
Waxay ku jiraan fasalka afaraad, lixaad iyo fasalka ugu daneeyay dugsiga sare oo ay dhiganayso gabadha ugu wayn carruurta Culimo. Waxbarashada ayay ku dhigtaan wadar ahaan lacag dhan $60. Waxay ka dabbartaa faa’iido lacageed oo ay ka hesho dukaankeeda.
Waxay xustay in aysan culays kala kulmin bixinta qarashka waxbarashada carruurteeda tan iyo markii ay dhidibada u taagtay ganacsigeeda, Hase ahaate ka hor waxaa ka caawin jiray bilaha ay wayso lacagta iskuulka dad ay ehello yihiin.
Culimo oo 51 jir ah waxay ku faraxsan tahay ka gudbidda duruuf bidday in ay qabato shaqo dumarku ay ku yar yihiin, taasi oo ah qaadidda dhagax culus iyo guridda ciidda iyo shamiitada guryaha lagu dhiso. Inkastoo baddelka shaqadaas ay heshy ganacsi dhaqaalaha ka soo gala ay ku naaloonayso.
“Ganacsigaan hadda aad iigu timid waxaan ka abuuray shaqo dumar ku adag wax laga soo shaqeeyay iyadaana ilmahayga noloshooda iyo waxbarashooda ku kaalmaystaa. Maalintii waxaan ka helaa $200 ama $180 hadba suuqu siduu yahay. Faa’iidadu waa $50. Wax wayn baa noloshayda iska baddelay. Gacan bini’aadan wax kama raadinayo. Xooggayga waxaan ku shaqaystay baan wax ku maaraystaa.”
Waxay sheegtay in ay dhibaatooyin jireed kala kulmi jirtay shaqada dhagax-jabinta, taasi oo ku keeni jirtay xilliga habeenkii in ay seexan wayso lafo xanuun darted, balse howsha dukaankeeda ayay xustay in aysan culays ku qabin.
Duruuf dhaqaale xumo oo haysay carruurteeda ayay tilmaamtay in ay ku qasabtay ka shaqaynta dhismaha guryaha, maaddama lacagta ka soo galaysa oo kaliya ay ku tiirsanaayeen.
“Ninkii ladan kama shaqayn karo ninkii duruufaysanna wuu ka shaqaysan karaa. Dhibkaa ii geeyay maahane dumar wax uu ka shaqayn karo maahan. Fuundiga aad maanta la shaqayso haddii shaqadaadu firfircoontahay shaqo ayuu ku siinayaa. Haddii aadan waji lahayn (lagu aqoon) cid shaqo ku siinaysa malahan. Muddo ayaa ka shaqaynayay. Laakiin hadda waan ka fariistay alxamdulillaah.”
Haweenaydan ayaa ka soo barakacday sanadkii 2013 dagmada Tiyaglow ee gobolka Bakool, markii saygaygeeda oo daboolayay baahida qoyskeeda uu u dhintay xanuunka Cagaarshowga, kaddib muddo dheer oo uu bukaan socod la ahaa sida ay sheegtay Culimo.
Waxay soo maciin bidday qoys ay ehello yihiin oo deggan Baydhabo, kuwaas oo ay dulsaar ku ahayd tan iyo 2015. Waxay ka dabbarayeen cunnada iyo hoyga ay dagganayd, balse waxay go’aansatay Culimo in si madax-bannaan ay u soo dhacsato nolol-maalmeedka qoyskeeda.
Waxay billowday in subax walba ay u kalahdo magaalada iyadoo raadinaysa shaqo nadaafadeed oo ay ka qabato guryaha magaalada, balse heliddooda ayaa ku adkaatay. Waxaa se loo sheegay in ay jirto shaqo lacag maalinle ah ka helayso, balse qabashadeedu ay adag tahay.
Waxay ahayd ka shaqaynta dhismaha guryaha. Waxay xustay in aysan niyaddeeda galin culayskeeda howshaas, maaddama carruur baahan ay sugayaan. Waxay baratay farsamo yaqaanada guryaha dhisa, kuwaas oo siiyay shaqo lacagta ka soo galaysay ay u noqotay qoyskeeda il-dhaqaale, taasi oo ugu danbayn keentay in ka guurto qoyskii ay dulsaarka ku ahayd.
Waxay kula talisay haweenka kali ku noqda korinta carruurtooda in ay sameeyaan go’aan ay ugu bareeri karaan shaqo kasta oo culus si ay uga samata-baxaan duruufta dhaqaale.
“Maamooyinka waxaan leeyahay horay ha loo socd hana la shaqaysto. Guri fadhiga hala iskadaayo oo wax qabad sameysta. Horumar gaara oo shaqaysta.”
Waxay sheegtay Culimo in haweenka lagu furo carruurta iyo kuwa aabbayaashooda dhintaan ay maraan nolol adag oo qaarkood ku sababta xanuunno ay ka soo kaban waayaan. Inkastoo qaar kale ay ka qaadaan dhiiranaan keenta in ay maareeyaan noloshooda iyo tan u badkooda.










