(ERGO) – Qoyska Xuseen Cabdi Jaamac oo siddeed ah waxaa ku adag inay helaan wax ay hal waqti cunaan muddo labo bil ah oo uu shaqo la’aan yahay, markii colaado qabiil darteed uu mari waayay wadada xariirisa magaalooyinka Balanbal iyo Guri-ceel ee gobolka Galgaduud.
Wuxuu ka mid yahay boqolaal gaadiidlay ah oo ku shaqo-beelay colaadaha u dhaxeeya qabaa’ilka ee ka taagan deegaanada Galmudug, kuwaas oo ay ku adkaatay inay iskaga kala gooshaan magaalooyinkii ay rarka kala gayn jireen, maaddama maleeshiyaadka hubaysan ay marar badan jidka u galaan.
Xasan ayaa gaariga iska xareeyay shantii bishii May ee sanadkan, markii uu dablay hab qabiil u abaabulan uu kala kulmay saddex mar weerar jid gal ah. wuxuu xusay inay u gaysteen jirdil iyo hanjabaad, taas oo ku qasabtay inuu joojiyo halkii shaqado ee uu ka maaraynayay nolosha reerkiisa.
“Qoysku waxay dabka shidan jireen saddex waqti haddana waa hal waqti, waxaana u sababaynayaa aanooyinkaas qabiil oo meeshii aan ka shaqaysan jiray aan ka shaqaysan waayay, taas ayaa igu qasabtay in qoyskaygu ay hal mar wax cunaan.”
Xasan oo qoyskiisu ku noolyihiin Guriceel wuxuu ka walaacsan yahay inuu ku fillaan waayey maaraynta noloshooda, taas oo sababtay in saddex guri laga saaro tan iyo bishii May markii uu iska bixin waayay kirada oo bishii ahayd $30.
Ninkan oo ku shaqaysan jiray gaari Probox ah oo uu dadka safarka ah uu ku qaadi jiray ayaa sheegay in toddobaadkii gaarigiisa uu ka heli jiray lacag dhan $150 ilaa $200. Tan iyo markii ay dhacdadan qabsatay, kuma laaban safar danbe cabsi uu ka qabo in waxyeello ay ka soo gaarta maleeshiyaadka darteed.
Ma lahan xirfad kale oo uu ku shaqeysto, sidoo kalena magaaladiisa kama jiraan fursado shaqo oo mar kasta la heli karo. Wuxuu intaas u dheer in uusan hayn qorshe uu ugu shaqaysan karo gaarigiisa.
“waddo waxay ahayd halbawle ah oo dad badan aan ka qaado, degmooyinka Balanbal, Cabudwaaq iyo Guriceel meelaha dadka ugu badan ee reer miyiga ah laga heli karo waaye. Aniga waddooyinka kale lama qabsan waxaana jira gaadiidlay kale oo ka shaqaysta, marka sababtaas ayaan meel kale uga shaqaysan waayay”.
Wuxuu xusay in hadda qoyskiisa oo 7 qof ka kooban ay dabka saartaan raashin min shan kiilo oo Bur, Bariis iyo Sonkor ah oo uu ku caawiyay nin ay qaraabo yihiin oo bakhaar ku leh magaalada Guriceel, kaas oo uu uga warramay xaaladdooda.
Wuxuu sheegay inuu wajahayo shaqo la’aantii ugu liidatay muddo lix sano ah oo uu shaqadaan hayay. Dhamaan gaadiidlayda ayuu sheegay in markasta oo colaaduhu soo cusboolaadaan ay saamayso shaqadooda madaama ay ka dhex shaqaynayaan qabiilada dirirtu u dhexayso.
Waxaa ka mid ah Maxamuud Cabdi oo ah aabbaha qoys ka kooban sagaal qof oo ku nool magaalada Cadaado wuxuu ka walwal sanyahay sidii uu ku maarayn lahaa nolosha qayskiisa oo ku tiirsanaad wax-soo-saarka gaari Laylo ah oo uu uga shaqaysan jiray wadada u dhaxaysa Cadaado iyo Dhuusamareeb.
Waxaa meesha ka baxday shaqo uu maalin kasta kaheli jiray lacag u dhaaysa $30-35. Ninkan oo isagu wade ka ahaa gaariga oo ay shirka u ahaayeen ganacsato reer Cadaado ah ayaa tan iyo billawgii juun wax shaqo ah qaban, markii gaarigii ay gateen nimankii lahaa, markii ay ka cabsadeen in laga dhaco.
Ninkan ayaa sheegay in bishii Nofeembar ee sanadkii hore uu uga dhaawacmay lugta midig rasaas ay ku fureen dablay hubaysan oo jidka u galay gaarigiisa, xilli habeen ah isaga oo ku safrayay wadada xariirisa Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb.
Sidoo kale waxaa meesha ka baxay qarashka ku baxayay labo wiil oo uu dhalay oo jaamacad ka dhiganayay magaalooyinka Mugdisho iyo Dhuusamareen, kuwaas oo bil kasta uu ku bixin jiray$300. Wuxuu ka cabsi qabaa in jaamacadda laga joojiyo saadkan haddii uusan bixin $600 oo lagu yeesha labada bil ee uu shaqo la’aanta yahay.
Wuxuu hadda nolosha qoyska ku dabbaraa dayn uu ka soo qaado ganacsato ay macaamiil yihiin oo ku yeeshay lacag dhan $480, taas oo uusan hayn qorshe uu iskaga gudo. Wuxuu rajaynayaa inuu mar uun dib u bilaabi doono shaqadiisi maadaama uusan xirfad kale lahayn.
“Reerka wax aan ku xalliyo ma jiraan oo aan ka ahayn lacagahaas daymaha ah iyagana aan is leeyahay maalin uun haddii waddadu furanto ku bixi wxii aad shaqayso”
Arrintaan masaamayn gaaadiidlayda kaliya ee sidoo kale waxay culays ku noqotay dadka iskaga kala safra magaalooyinka Gamudug. Xuseen Cabullaahi Ciise wuxuu ka mid yahay dadka sida joogtada ah ugu safra wadad xariirisa magaalooyinka Cadaado iyo dhuusamareen.
Ninkan oo ka tirsan shaqaalaha maamulka Galmudug oo ka shaqeeya magaalada Dhuusamareeb wuxuu ku dhib qabaa inuu tago xiliyada fasaxa xaafaddiisa oo deggan Cadaado.
Wuxuu xusay in dagaallo dhacay dhamaadkii Juun ay xaaladda ku si adkeeyeen. Waxaa isaga midda safarrayda kale ay la qabaan u dheer inay maleeshiyaadku wada garanayaan maadaama afar sano u wadada ku safrayay.
“Dhibaatooyin badan ayaan kala kulanaa gaari aan saarnaa xitaa xabad ayaa qabsatay oo jidgooyo ayaa naloo dhigo. Marka qaar waxaad ku imaanaysa dad mayd ama dhaawac ah oo wadada loo galay. Adiga oo safar ahaa waalidkaa iyo ehelkaa u socday in aad waxaas la kulantaa waa qaracan (Naxdin) waa arrin aad looga naxo laakiin aniga wax iga soo gaaray ma jiraan marka laga yimaad dhacdooyin qalbiga xauujinaya oo aan la kulmay.”
Wuxuu sheegay in marka ay safrayaan haddii ay qabtaan maleeshiyaadku ay mararka qaar ka qaataan lacago baad ah ama ay ka dhacaan alaabaha ay wataan. Taas ayuu xusay in safarayda ay u sii abuurto baqdin dheeri ah.
Rajada keliya ee ay ka qabaan Gaadiidlayda si ay shaqadooda ku laabtaan, waxay tahay in maleeshiyaadku ay ka baxaan waddooyinka ay ka shaqaysan jireen.