Site icon Radio Ergo – Somali Humanitarian News and Information

Haween ku sugan Awdal oo isku taageera iskaashi dhaqaale-wadaag ah

Somalia latest news, Somali live news, Mogadishu live news, Somali news

Kaydka sawirada/Ergo

(ERGO) – Shan sano ay la daalaa-dhacaysay inay qoyskeeda u hesho raashin hal waqti ah kaddib, Aamina Cabdi Muuse waxaa hadda u suurtagashay inay carruurteed dabka u shiddo saddexda waqti, sidoo kalena ay iska bixiso lacagta kirada guriga iyo waxbarashada saddex ka tirsan lixdeeda carruurta ah.

Haweeneydaan ayuu nolosha qoyskeeda isbeddel ku yimid saddex bil ka hor, markaas oo $60 oo ay ka daynsatay haweenka tuulada Jarahoroto ee gobolka Awdal, oo lacag iska uruuriya, ay ku billowday ganacsi yar oo ay uga dhex shaqeysato tuuladeeda. Waxay iibisaa uunsiga iyo dharka dumarka.

“Noloshu aad bay isku beddeshay, qof gacantiisa ku ciil baxay ayaan noqday. Lacagtii dhigaalkii ee bishii aad soo awoodi kari la’ayd aad soo awoodayso,” ayay tiri.

Aamina ayaa ah qofka keliya ee uu qoyskeeda ku tiirsan yahay, maaddaama seygeeda oo wadi jiray cagaf cagafta uu hadda yahay shaqo-la’aan. Waxay ganacsigeeda ka heshaa $7 oo faa’iido ah maalinkii, waxayna rajeyneysaa in marka ay lacag badan u aruurto ay dayn kale ka soo qaadato haweenka tuulada si ay u iibsato dhul una dhisato.

Waxay Raadiyow Ergo u sheegtay in isbeddelka ku yimid nolosheeda ay ku dhiirigaliso kallahida subax walbo ay u kallahdo shaqada. Waxay rajeyneysaa inay ganacsigeeda uga bixiso waxbarashada carruurteeda ilaa heer jaamacadeed.

Haween ay tiradoodu tahay 25 qof oo kula nool tuulada ayay sheegtay inay bishii iska ururiyaan min $7 kaddibna ay siiyaan qofka ugu hooseeya nolol ahaan ee kolba fikir ganacsi la yimaada.

Haweenka lacagta la siiyay ayaa dib isaga soo celiya iyagoo iska bixiya bishiiba inta ay awoodaan. Haweenka qaar ee awooda lacag ka badan $7 ee bishii la iska uruuriyo ayaa bixiya lacag dheeri ah, taasi oo waqti walbo ee ay u baahdaan ay dib u codsan karaan in loo soo celiyo. Muddo afar bilood iyo bar ah oo ay haweenkan iskaashanayaan waxay lacag ay ganacsiyo ku samaystaan ku caawiyeen toddobo ka tirsan haweenka ku nool tuulada, oo ay ku jirto Aamina.

Deegaannada Cadmadooni, Geed-diqsi iyo Qabri-dhaweed oo dhamaan hoostaga degmada Baki ee gobolka Awdal ayaa iyaguna sidaan oo kale haweenku ay isku maalgaliyaan lacago ay iska ururiyaan. Fikirkaan ayaa wax weyn ka beddelay nolosha qoysas badan oo ku nool deegaannadaan.

Guddoomiyaha ururka haweenka ee tuulada Geed-diqsi, Xaawo Cabdi Liibaan ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in sababta ay isu kaashadaan ay tahay inay is gacan-qabtaan oo ay isku caawiyaan sidii ay ganacsiyo u furan lahayeen. Waxay sheegtay in siddeed haween ah oo ku nool deegaanka Geed-diqsi ay ganacsiyo u maal-geliyeen.

Ifraax Xasan Cabdi oo ah hooyada toban carruur oo ku nool tuulada Geed-diqsi waxay $60 oo ay haweenka ka heshay ku furatay dukaan ay khudaarta ku iibiso bishii May ee sanadkaan.

Haweeneydaan ayaa mar kale haweenka ka deynsatay $230 bishii Luulyo ee isla sanadkaan si ay u beddelato ganacsigeeda oo ahaa iibinta khudaarta. Lacagtii ay deynsatay ayay ku furatay dukaan dharka lagu iibiyo.

Ifraax waxay qoyskeeda ku biili jirtay mushaar ay ka soo hesho meherad oo ay nadiifiso ka ahayd. Waxay carruurteeda dabka u shidi jirtay labo waqti maalinkii, balse hadda waxay dabka u shidaa saddexda waqti. Afar ka tirsan carruurteeda oo sanad ka hor iskuulka uga haray dhaqaale-la’aan awgeed ayay dib ugu celisay waxbarashada.

Ifraax oo ay seygeeda kala tageen ayaa sheegtay in aysan taageero dhaqaale ka helin. Waxay ka soo guurtay aqal-caws ay deggeneyd waxayna kireysatay guri labo qol ah.

Exit mobile version