Gedo: Qoysas laga barakiciyay dhul ay deganaayeen oo ka cabanaya biyo iyo hoy la’aan

0
Kaydka sawirrada/Ergo

(ERGO) – Qoysas gaaraya 7,500 oo qoys oo bartamihii bishii May loo wareejiyay dhul magaalada Luuq ka durugsan ku dhowaad 2km ayaa ka cabanaya dhulka lagu qasbay iney degaan oo aan laheyn wax adeeg ah. Maamulka magaalada ayaa ujeedada barakicinta ku sheegay in dadka soo barakacay oo magaalada ku firirsan leyskugu geeyo xeryo cayiman oo kooban oo laga hirgalin karo mashaariic waxbarasho iyo caafimaad, lana tirakoobo.

Hasa yeeshee qoysaskan oo degganaa 12 xero oo yaryar oo magaalada ku dhex yaala oo ah dhul ay ku caawiyeen dad qaraabo la’ah ayaa sheegay in dhulkii ay degganaayeen ay ku haysteen biyo lacag la’aan ah iyo musqulo ay ka hirgalisay hay’adda UNICEF, balse aysan hadda intaasba ku haysan dhulka la dejiyay.

Maamulku kama uu caawin qorshaha guuritaanka. qoysaska qaar ayaana ku qasbanaadey iney garabka ku guuraan.

Xaliimo Cabdi Isaaq oo qoyskeedu uu ka mid yahay dadka la barakiciyay ayaa xustay in xaaladda ay wajahayaan ay u dheertahay dhibaato ay kala kulmeen guuritaanka oo qarash ay u weyday, sidoo kalana sababay in afar maalin aysan qaban shaqo xoogsi ah oo reerkeedu ku tiirsan yahay. Ineysan wali dhisan hoy ayey sheegtay oo ay  hadda ku howdaan qoyskeeda oo ka kooban lix ruux aqal qabyo ah oo kor ka bannaan.

“Gaadiid nama siinin qolyahaan maamulka. alaabta dhabar wax lagu soo daldalay iyo wax dameer aan soo barinay lagu soo qaaday ayaan ku soo guurnay.”

Maalmo geedi ah kadib waxa ay dib u bilowday Xaliimo shaqo ah xaabo ama qoryaha dabka lagu shito oo ay ku dhex iibiso xerada. maalinkii galinka hore ayeyna bannaanka magaalada ka soo gurtaa, galinka dambana reerka ayey u dhaamisaa biyaha ay cabaan oo ay ka soo arooraan wabiga Jubba oo ka fog masaafo ugu yaraan 1km ah. halka markii hore xerada ay deganeyd ay ka heli jirtay biyo galin ay u sameysay UNICEF.

“Halkaas iyo wabiga ayaa la’aadi oo dameer wax ku dhaansada iyo wax garabka ku dhaansada ayaa leyskugu jiraa. marka biyaha iyo musqushaa aad inoogu daran.”

Xilli ay wajahayeen xaalad dhaqaale xumo ayey Xaliimo sheegtay in guuritaanku uu ku soo beegmay. xerada laga raray oo la yiraahdo Busleey waxa ay ku nooleyd tan iyo 2013-kii, halkaas oo ay soo dageen isla sanadkaas kadib markii abaar ay ka leysay 162 neef oo ahaa ari ay ku dhaqanayeen deegaanka Dhanaawe ee gobolka Bakool.

Shaqada qoyskeedu uu hadda ku tiirsan yahay waxaa maalinta ay shaqeyso ka soo gala labaatan kun oo Shillin Soomaali ah, una dhiganta $0.80.  hase yeeshee ka hor bishii March ee sanadkan waxa ay shaqadeedu aheyd dhar-dhaqis, waxayna maalinkii ka heli jirtay lixdan kun oo shilin Soomaali ah, balse markii uu cudurka Coroona soo laba kacleeyay bishii saddexaad ee sanadkan ayey sheegtay in hilitaanka shaqadaas ay ku adkaatay kaddib markii qoysaskii loo shaqeynayay ay iska xadideen shaqaalaha.

“Wax dhar loo dhaqaayo maleh, wax weel loo dhaqaayo maleh, naag wax loo karinaayo maleh.”

Maamulka magaalada Luuq ayaa toddobadii bishii hore ee May waxa uu faray horjoogayaasha xeryaha laga barakiciyay qoysaskan iney ku war galiyaan in shan iyo toban cesho gudahood ay uga baxaan dhulka ay ku noolaayeen. Ma jirto cabasho iyo khilaaf u dhexeeyay dadka dhulka leh iyo qoysaska la barakiciyay sida ay noo xaqiijiyeen qoysaska la raray.

Maamulka ayaa qaba in ujeeddada ka dambeysa in la raro qoysaskan aysan aheyn in dhib loo horseedo dadka soo barakacay, balse qorshuhu uu yahay in loo helo dhul madax bannaan oo marka dano laga yeesho aan qasab looga rari karin. inkastoo dhulka  hadda la dajiyay uu yahay mid ay dad gaar u lee yihiin. waxa kaliya ee uu uga duwan yahay dhulkii horana ay tahay in dadkii lahaa ay ku bixiyeen codsi uga yimid maamulka oo masuuliyadda dhulka la wareegay.

Maamulku jawaab uma hayo sababta qoysas markii horaba soo barakacay loo dajiyay dhul aysan adeegyada aasaasiga ah ee biyuhu ugu horeeyaan ka heli karin. Hasa yeeshee guddoomiyaha arrimaha bulshada ee degmada Luuq Cabdicasiis Sugow ayaa sheegay in hadda uu socdo qorshe aan waqtiyeysneyn oo looga jawaabayo cabashada dadka soo barakacay, kaas oo ay iska kaashanayaan maamulka gobolka Gedo iyo hay’adaha samafalka.

”Markaan aragnay oo qiimeynay waxaa inoo soo baxday in dadkaan aysan sidaan ku noolaan Karin oo ay u baahan yiihiin dhul ku haboon oo lagu caawin karo.”

Jimcaale Cali Muxumad oo qoyskiisa iyo 120 qoys oo kale laga raray xerada Bohol-yaxaas oo uu ku noolaa ku dhowaad toban sano waxa uu tilmaamay in barakicinta lagu sameeyay ay ula mid tahay 2011-kii oo abaar uu uga soo barakacay miyiga degmada Xudur ee gobolka Bakool, kadib markii ay ka la’deen xoolo gaaraya 310 neef oo ari ah.

Jimcaale oo ah aabbaha 7 carruur ah waxa uu sheegay in qoyskiisa oo garabka ku guuray oo markii horaba ku tiirsanaa shaqo xamaal ah oo isagu uu qabto ay xaaladda guuritaanku uga sii dartay.

”Dadku awal isagoo barakac ahaa ayuu barakac labaad ku darsada. marka hoyaad maleh, gogol maleh, guri maleh, nolol iyo biyo maleh, boorkaas ayaan taaganahay.”

Saddex xero ayaa la kala dajiyay qoysaska la barakaciyay oo markii hore ahaa dad ku xoolo beelay abaaro iyo Ayax oo qaarkood ay in ka badan toban sano barakac yihiin.

 

 

 

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here