Qoysas uu daad ka barakiciyay guryahooda oo helay gargaar raashin, maacuun iyo teendhooyin iskugu jira

0
Keyd Ergo/Dad raashin gargaar ah loo qeybiyey.

(ERGO) – Qoyska Shamis Cabdullaahi Yuusuf oo ka kooban toddobo qof ayaa gargaarkii ugu horreeyay ku helay duleedka deegaanka Guna-gado ee gobolka Jarar oo barakac ay ku yihiin muddo bil ah, qoyskan oo daad ka dhashay roob xooggan oo dabeylo watay uu ka dumiyay gurigoodii ayaa helay saddex kiish oo bur, bariis iyo sonkor ah oo ay wehlisay afar liitar oo saliid ah.

Waxay wajahayeen xaalad hoy-xumo iyo mid cunno yari ka hor gargaarkan oo saddex iyo labaatankii bishan May ay ka heleen xafiiska maaraynta musiibooyinka ee dowlad deegaanka soomaalida. Shamis ayaa sheegtay in ay ku noolaayeen raashin ay dabka saaranayeen hal waqti maalintii, taasi oo ay ka helayeen qoys ehelkeeda ah oo ka dhaqaale roonaa maaddama daadku uusan saamayn. Waxay ka warramaysaa raashinkan iyo agab kale ee ay heleen waxa uu uga dhigan yahay qoyskeeda.

“Deeqda uu na soo gaarsiiyay xafiisku faa’iido badan bay noo tartay waayo annaga oo dhibaataysan, dhaxamaysan oo gaajaysan ayay nasoo gaartay, teendhooyinkiina waan dhisannay oo hoy bay inoo noqdeen maaddama hoygeenii biyihii ay inagala tageen cuntadiina waan ku noolaanay, gogoshii iyo bustayaashii dhaxanta naga celinayay iyo waacuun ahaa digsiyaal faa’iido wayn bey noo tareen.”

Waxay ka walwalsan tahay saamaynta uu ku reebay daadka oo guri labo qol ka kooban ka dumiyay islamar kaana qoyskeeda ka dhigay mid ku hoyda meel ka baxsan magaalada, waxay tilmaantay in aysan dib ugu laaban magaalada maaddama dib u dhis iyo in biyaha ka guraan uu u baahan yahay.

Shamis ayaa ku dadaalaysa sidii ay u beeqaamin lahayd raashinka la siiyay oo maalintii kiilo iyo bar ka mid ah ay isticmaalaan, hooyadan oo aan la hayn xirfad ay ku shaqaysato waxay ku tiirsanayd caanaha xoolo ay lahayd oo ay iibin jirtay, hadda se meesha ka baxay.

“Ma shaqeeyo oo shaqo ma haysto oo wax shaqo ah oo aan qabto ma jirto hantina markii hore wax saas u badan maanan lahayn 20 neef oo ari ah ayaa ii joogtay 20 kii neef-na roobkii baa laayay, qorshahayaga xiga waxaa weeye in aan qaylino oo aan codsano in nala soo gaarsiiyo gurmad deg-deg ah haddii kale waxaa weeye nolosheenii ayaa ciriiri ku jirta oo baahidii halkeedii bey ka sii socotaa.”

Saddex carruurteeda ka tirsan oo dhiganayay dugsiga hoose iyo dhexe ee deegaanka Guna-gado ayaa wali waxbarashada ku laaban. Iyadoo ay jirto in aan wali dib loo howl galin iskuulka, qoyska Shamis ayaa ka mid ahaa 400 qoys oo helay gargaarka. Waxay ahaayeen kuwii ugu liitay ee aan haysan hoy iyo cunno ku filan, deegaanka Guna-gado oo daadku ku dhiftay 27 bishii April waxaa ka barakacay 824 qoys.

Maxamuud Cabdinuur Sayid agaasimaha xafiiska maaraynta khataraha musiibooyinka dowlad deegaanka Soomaalida ayaa Ergo u sheegay in raashinka, maacuunta iyo teendhooyinka ay u qaybiyay qoysaska wali baaqiga ku ah halkii ay ku barakceen.

“Ka xafiis ahaan xogo laga aruurinay baa jirta gobollada iyo dagmooyinka qaabka ay dhibaatadu u gaartay. Iyadoo taas laga duulayo ayaa waxaa la sameeyay in laga jawaabo baahiyaha hadba sida dadku ay u kala daran yihiin, hadda waxaanu wax gaarsiinay shan dagmo oo ka mid ah kuwii ugu dardarnaa ee dhibaatadu gaartay waxaana gaarsiinnay dad lagu qiyaasay 3,000 qoys, intaasna kuma istaagayso dagmooyinka kale ee dhibaatadu ay gaartana haddii ay noqoto qaybta raashinka iyo qaybta kale ee gargaarka ee aan raashinka ahayn waan u diyaarinaynaa, iyaga barnaamijkoodu waa lagu jiraa waa laga jawaabayaa hadii ilaahey yiraahdo.”

Roobabka gu’ga ee ka curtay dowlad deegaanka daadadkii ka dhashay ayuu sheegay in ay ku barakaceen in ka badan 38,000 oo qoys, kuwaas qayb ka tirsan ay bannaanada ku dayacan yihiin, wuxuu sheegay in gargaarka xiga ay qaybin doonaan billowga ilaa bartamaha bisha Juun ee soo socota.

Dadka aan gargaarka helin waxaa ka mid ah qoys Cabdiwali Xuseen Fadal oo 10 qof ah, waxay la daala dhacayaan dhibaatadii ka soo gaartay roobka daadka watay ee ka da’ay billowgii bishan May deegaanka Heegaale, wuxuu sheegay in uusan ka mid ahayn dadkii la soo xulay si ay u helaan raashinka iyo agabka kale.

“Raashinku 160 qoys buu gaarayay marka nasiibku naguma darin kuwaas, markii intaas ay keeneen waxay inoo sheegeen in intani ay dhiig-joojin uun ay tahay bal dadka sii daran la siinayo xafiiskuna gurmadkiisa uu soo wado, laakiin waxaan dowladda ka sugaynay iyo wixii ay noo ballan qaadeen waxba kama hayno,  xukuumaddu horay farriimaheenna way u heshay wayna u arkeen ballan qaadna way sameeyeen dadku sidii bey idiin sugayaan ayaan leenahay wax kale ku dari maayo, hadda aniga dulsaar waxaan ku ahay guriga gabar walaashay ay leedahay oo dhulka biyuhu gaaray aan ahayn baan aniga iyo saddex qoys oo kale dulsaar ku nahay.”

Boqol iyo labaatan neef oo ari ah ayay biyuhu ka dileen iyadoo guri saddex qol ka kooban qaybo ka mid ah uu ka dumay, wuxuu sheegay in hoyga iyo cunnada hadda ay la wadaagan qoys ehelkooda ah oo ay la daggan yihiin, waxaan waydiiyay waxa ka hortaagan in uu gurigiisa dib u dayactirto.

“Wax allaale iyo wax guryihii ku laabtay ma jiraan, gurikasta bullaacad baa ku furatay oo wixii dhan baa iskuqoyay guryahana qayb baa duntay farsamo loogu noqdaa ilaa iyo hadda waqti roobaad baa lagu jiraa marka farsamo loogu noqdaa ma jirto.”

Wuxuu sheegay in gargaarka gaaray Heegaale uu aad u yaraa marka loo eego dadka u baahnaa kuwaas oo wali daadsan daafaha tuuladaas oo ka tirsan gobolka Doollo.

 

 

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here