Qoysas ka barakacay daad ku dhiftay deegaanka Heegaale ee gobolka Doollo oo xaalad hoy la’aan iyo cunno-xumo wajahaya

0
Keydka sawirrada Ergo

(ERGO) – Cabdiqani Ibraahim Siciid iyo qoyskiisa oo toddobo qof ah waxay muddo toddobaad ah bannaan jiif u yihiin qoraxda iyo qabowga ka dhacaya buur dusheed oo ay badbaado u raadsadeen. Waxay ka soo barakaceen daad ka dhasay roob ma hiigaan ah oo galay hoygoodii oo ku yaallay deegaanka Heegaale oo 150 km u jira dagmada Wardheer ee xarunta gobolka Doollo. Waxay gabbaad ka dhigtaan geed hoostiis. Ma haystaan gogol iyo dhar la huwado toona.

Aaabbaha qoyskan wuxuu la halgamaya helidda cunnadii ay ku noolaan lahaayeen carruurtiisa, raashin bisil ayuu maalintii hal waqti u helaa, wuxuu sheegay in ay ku caawiyaan qoysaska la daggan ee raashinka ka soo badbaadsaday biyaha iyo kuwa xoolo-dhaqatada ah ee ku nool hareeraha tuulada, dadka waawayn ayuu xusay in ay marna helaan marna waayaan cunno ay ku afuraan ama ay ku saxuurtaan.

“Magaaladii oo dhan way biyaysan tahay gees-ka-gees meel la seexsan karo iyo meel la fariisan karo midna ma leh, hoygaygiina wuu burburay, cunnadeenii, dukaankeenii iyo arigayniina daadkey raaceen, cunno ba maanan helin biyo uun baan cabnaa ilaa shalay ilaa doraad biyihii aanu cabaynay ayaanu cabaynaa, qorraxdaas buurtaas ah baan taagannahay ee magaalada dhinaceeda ah.”

Cabdiqani wuxuu haleeli waayay in raashin u yiillay iyo weelashii uu wax ku karsan lahaa la soo baxo, Afartan neef oo ari ah oo deegaanka uu ku dhaqanayay ayuu xusay in uu daadka ku waayay, gurigiisa oo ka koobnaa afar qol oo mid ka mid ah uu dukaan ahaa ayaa sidoo kale ka mid noqday xaafadaha xuddunta u noqday goobaha ay biyuhu fariisteen.

Nolosha qoyskiisa ayuu ka soo saaran jiray nacfiga xoolaha oo uu marna maalayay ama uu gadanayay iyo sidoo kale dukaanka oo uu ku iibin jiray kiilooyin raashin iyo bagaashka ah, wuxuu sheegay in $4 ama wax ka badan oo faa’iido ah uu ka heli jiray maalintii ganacsigiisa, hadda oo barakac uu yahay waxba gacanta kuma hayo.

Ninkan oo uu ka qasaaray ganacsi u dhigma $3,000 hadda waa gargaar suge, wuxuu sheegay in uusan garanayn goorta uu dib ugu laaban doono hoygiisa oo biyo ceegaagaan.

“Xiligaan hadda waxaa inoo qorshaysan halkan in aan iska taagnaano wax aan hayn majirto, dhibaatadaas baa nahaysa waxaan doonaynaa hay’adaha in si dhaqo leh ay noo soo gaaraan oo wax noo qabtaan, walina ma hayno wax gargaar ah.”

Wuxuu ka mid yahay lix boqol oo qoys oo fatahaadda ka barakacay, kuwaas oo daadsan daafaha tuulada, maamulka Heegaale ayaanu ka ogaannay in xaruntii caafimaad iyo iskuulkii hoose dhexe ee tuulada oo ay dhiganayeen 250 arday ay xiranyihiin, markii daadku galay. Iyadoo sidoo kale ay biyuhu xireen waddooyinka soo gala deegaanka.

Siyaad Maxamed Cismaan oo ah guddoomiyaha Heegaale wuxuu ka walaacsan yahay saamayn cunno xumo ee ka dhalan karta xaaladda ay ku jiraan qoysaska barakacay iyo kuwa ay duldageen maaddama inta badan raashinkii yaallay deegaanka biyuhu ay la tageen midkale oo yimidna uusan jirin.

“Meherado boqol kor u dhaafaya meel ay mareen lama arag oo ay ka mid ahaayeen bakhaarradii waawaynaa kaalmihii shidaalka iyo meheradii raashinku yaallay daad baa qaaday, dadkii bannaanada ayay dhooban yihiin halkii reer ee meel daggan ee biyuhu aysan gaarin ilaa 10 reer dad kor u dhaafaya ayaa la jooga oo maato iyo carruur u badan oo aan wadanin wax ay karsadaan koombo bariis ah allaha ka dhigee.”

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in tuuladu ay ku taallo dhul godan oo dhinacyadu buuro ka xigaan, wuxuu tilmaamay  in biyaha cayrteeyay qoysaska ay dileen  in kabadan 800 oo neef oo ari ah oo dadka tuuladu dhaqanayeen, Aadan Maxamuud Ibraahim oo ka mid dadka dhibanaha u noqday daadka wuxuu dulsaar ku yahay qoys ehelkiisa ah oo miyiga tuulada xoolo ku haysta. Waxay la qaybsadaan cunnada ay karsadaan iyo dharka ay dhaxanta ka galaan. Aqal soomaaliga ay isticmaalan oo ku yar uma suuro galin in ay boos ka helaan.

Aadan oo ah aabbaha qoys siddeed qof ka kooban 60 ari ah iyo hoygiisii ayay biyuhu la tageen sida uu sheegay.

“Roobka waqtiga uu naqabtay ilaa sagaalkii fiidnimo ayay ahayd markii taraawiixda laga soo baxay bey ahayd, barqo dheerna wuu naga qaaday( naga kacay) waxyeelladiisana dadka way saamaysay, shaqsi ahaan haddaad I waydiisay labadaas guri ee midna gees uu ka dumay midna uu bannaanka yahay oo daadkuba qaatay weeye, haddii sariir ahayd haddey armaajo ahayd iyo haddii maacuun ahayd iyo haddii ay gogol ahayd qof la baxsaday oo xitaa raashin qaatay ma jiro. Qof walba naftiisa iyo carruurtiisa ayuu la baxay adduun iyo waxaas hadalkeeda waa ladaayay.”

Waxbarashada ayaa ka istaagtay shan ka tirsan carruurtiis oo ay labo gabdho yihiin. Waxay dhiganayeen dugsiga hoose dhexe ee deegaankooda, wuxuu ka dayriyay aabbaha carruurtan in ay dib ugu laaban karaan deegaanka maaddama biyaha roobku ay guri la’aan iyo dhaqaalo xumo badeen.

Maamulka deegaanka daadku harqiyay ee Heegaale ayaa sheegay in uu ku howlan sidii biyaha fadhiya tuulada looga saari lahaa ariga baqtiyay ee dulsabaynaya si aysan uga dhalan xaalad caafimaaddarro marka ay ku dillaacaan.

Roobka daadadka dhaliyay ayaa ka da’ay deegaanka 1 bishan May. Inkastoo uusan jirin roob xooggan oo ka danbeeyay hadana maamulka deegaan wuxuu muujiyay cabsida ah in roobab kale oo soo laabta ay kordhin karaan dhibaatada soo gaari karta dadka bannaan yaalka ah islamar kaana ay  dabadheerayn karto muddada biyuhu ay fadhiyaan deegaanka.

 

 

 

 

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here