Beeralayda deegaanka Camaara oo sanadkan aan rajo ka qabin in ay ka faa’iideystaan roobka gu’ga, markii ay abuur waayeen

0
Kaydka Sawirradda/Ergo

(ERGO) – Kun iyo shan boqol oo qoys oo ah beeralayda deegaanka Camaara ee koonfurta gobolka Mudug ayaan xili roobaadkan gu’ga rajo ka qabin tabcashada beerahooda. Ma haystaan abuur oo roob yarida deegaanka ka jirtay dayrtii u dambeysay ay sababtay in aysan waxba beeran isla markaana kayd miro oo ay tabcadaan aysan dhiggaalsan.

Cali Xuseen Yuusuf oo ka mid ah beeralaydaas, waxay beertiisa oo 3 hektar ah u baahan tahay abuur min 25 kiilo oo ah digir, masaggo, galley, qare iyo sisin. Wuxuu sheegay in isku daygiisii ahaa in uu dayn ku helo abuurkaas uu ku higoobay markii ganacsatada deegaanka ay ka diideen inay siiyaan. Wuxuu tilmaamay in hadda uusan ka faa’iideysan karin roobka tan iyo 19-kii April ka da’ayay deegaankiisa.

“Sanadyadii hore waxaan ka heli jiray raashinka iyada ka baxa ayaan qayb uga dhigi jiray. Raashinkaas ayaan ku abuuri jirnay, sanadkaan wax lagu abuuraa maba ka bixin ba oo loo dhigo, xoolihii wax suuq la geeyo maleh oo waa xoolo dhamaad ah, nolosheennu beerta ayay u badnayd 30 ari ah ayaa noo wehliyay. Isagiina jiilaalka ayaa majaha u fidiyay, hal neef oo suuq la geeyo malahan mid la qashana malahan.”

Ninkan ayaa wax-soo-saar la’aanta beertiisa waxay ka dhigtay qoyskiisa oo 13 qof ah kuwa ku tiirsan raashin uu marna soo daynto, marna ay ku caawiyaan dad ehelkiisa ah. Waxaa lagu leeyahay lacag dhan $457. Cali ayaa ka walwalsan sida ay noloshoodu ahaan doonto maaddaama uusan ku tashanaynin dalag beerta u saaran.

Wuxuu qorshaynayaa xoolaha uu haysto oo caato ah in uu uga faa’iideeyo daaqa ka dhasha roobka si ay qoyskiisu nacfi uga helaan taas oo ah fursadda kaliya ee uu haysto. Hase yeeshee wuxuu saluugay in aysan ku filnayn tirada kooban ee xoolaha uu haysto maaddaama uu qoyskiisu si wayn ugu tiirsanaa wax-soo-saarka beerta.

“Ilaahey ayaa xaalkan naga dabooli kara haddii aanan wax naga saacida aanan helin fasalkan sidaas ayuu nagu dhaafay, waa dareemi kartaa nin dalagii uu isticnaaji jirayna uu sidaas ka noqday xoolihiisiina ay sidaas ka yihiin nolol dhibbadan oo jadiid ah weeye.”

Cali ayaa intaas ku daray in arrintan ay sidoo kale saamayn ku yeelatay waxbarashada carruurtiisa oo labo wiil iyo gabar ah. Dugsiga hoose dhexe ee Camaara oo ay wax ka baranayeen ayay ka hareen bishii November ee sanadkii hore. Wuxuu sheegay in 6 bil ay si bilaash ah ku dhiganayeen waxbarashada markii uu maamulka iskuulka ka codsaday in fursaddaas la siiyo inta uu ka soo ka baxayo abaarta saamaysay beertiisa. Balse rajadaasi ma noqon mid hirgashay oo jiilaalka ayaa dheeraaday.

Beeralayda ayaa isticmaala ceel-gacmeeyo aan badnayn oo beeraha ay ku waraabiyaan. Waxaa qasaaro xooggan u gaystay ayax ku dagay dalaggii u soo go’i lahaa bishii October ee sanadkii hore. Maxamed Yuusuf Guuleed waxaa ka qasaartay $500 oo uu galiyay beertiisa oo $250 ka mid ah uu dayntay. Dalagga ayaxu ka cunay ayaa iskugu jiray qudaarta cagaaran iyo raashinka diirka leh.

Qasaaraha soo gaaray ninkan ayaa ka dhigay carruurtiisa oo siddeed ah in ay cunno la’aan ku dhacdo, hadda waxa ay labo waqti oo ka mid maalintii ay cunnada la cunaan qoys ehelkooda ah oo ku tiirsan maqaayad ay leeyihiin.  Maxamed ayaa tilmaamay in beertiisa oo 2 hiktar ah tahay isha dhaqaale ee qoyskiisu ku tiirsanaa.

“Dareenka ay igu haysaa waliba wax aad u wayn weeye, lacagtaas daynta ah oo dhan waxaa iiga daran oo walwal igu haya abuurka beerta sababtoo ah waxaas dhan waxa iga dabari lahaa waa beerta. Hase ahaatee waa ilaahay idankiis oo wax kasta oo aan sameeyaba in aan harjado waan ku qasbanahay oo aan abuur radiyo. Laakiin hadda meel iima saarna.”

Wuxuu sheegay in markii hore uusan iibsan jirin abuurka, balse uu kaydsan jiray miraha uga soo go’a beertiisa. Waxay taasi meesha ka baxday markii uu ku qasaaray dalagyadii u dambeeyay oo biyo yari uga qallalay si la mid ah beeralayda kale. Maxamed ayaa sheegay inuusan helin abuur uu soo deynsado isla markaana uusan rajeynaynin in caawin uu heli doono.

“In aan dayn raadsado oo Cadaado iyo Gaalkacyo aado waxaa iga hor istaagay aqoon la’aan in aanan aqoon cid aan aado, marka maaddama aanan aqoon cid aan aado oo wax ka soo dayn sado halkayga risiq iskaga suguna iyo wixii alle igu siiyo.”

Maamulka Camaara ayaan ka oggaannay in 30 qoys oo beeralay ahaa intii lagu guda jiray sanadkan ay u barakceen Cadaado markii nolol adag oo dhinaca cunnada ah ay la soo gudboonaatay. Waxay cabsi ka muujiyay wax soo saar la’aan ku dhacday beeraha deegaanka xili kale in ay keeni karto barakac hor leh.

Yuusuf Salaad Muxumuud guddoomiyaha Camaara ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in qiimaha raashinku uu meel sare gaaray 7 bil ee u dambeysay, maaddama dadkii ku tiirsanaa beerashada hadda ay ku qasbanaadeen dayn ama iib midkii ay heli karaan. Wuxuu ka codsaday Galmudug iyo hay’adaha samafalka in ka caawiyaan beeralayda dhinaca abuurka.

“Maamullada, ganacsatada iyo dadka samafalayaasha ah dhamaan codsigaas baan u jeed sanaynaa in dadkaas lagu soo taageero waxii lagu taageeri karo oo ah abuurka, daawooyinka iyo agabka kale dadku wax uun bey qabsan lahaayeen hadday wax helaan marka sidaas hadda ayaanba ku baaqayaa dadka na dhagayssanaya in ay soo caawiyaan.”

Saameynta ayaxa iyo biyo-yarida ayaa sanadihii u dambeeyay caqabad ku noqday wax-soo- saarka beeralayda gobollo badan oo Soomaaliya, waxaa taasi ay caqabad ku noqotay cunno helistooda.

 

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here