(ERGO) – Ayaxa soo noqnoqday ee cunay dooggi iyo dalagga beeraha iyo roobki dayrta oo yaraa ayaa keentay in xoolo dhaqatada lagu yeesho daymo badan, taasoo marki dambe sababtay in ganacsatada ay daymaha ka qaadan jireen ay u diidaan.
Xoolo dhaqatada ayaa xilliga jiilaalka ah oo xooluhu caatada yihiin raashin dayn ah ka sii qaata dukaamada iyo bakharraada, si marka ay doogsadaan oo xooluhu iibna yeeshaan ay asaga bixiyaan.
Faarax Maxamuud Ciise oo ku nool miyiga magaalada Cadaado ee goboolka Galgaduud, ayaa sheegay in lagu leeyahay lacag dhan 1800 oo doollar oo raashin dayn ah oo uu qaadanayay tan iyo bishi bishii Nofeembar 2019-kii. Bishi koobaad ee sanadkan ayuu bakhaarrkii uu ka qaadan jiray deynta ku wargaliyay in uu ka joojiyay.
“Inta badan daynta waxaan qaatay marki arigu aad u daciifay oo wax aan suuqa geeyo kawaayay,” ayuu yiri Faarax.
Qoyska Faarax oo ka kooban sagaal qof ayaa nolashoodu ku tirsan tahay ariga, afartan ka mid ah 170 oo uu lahaa waxay uga le’deen calaf iyo biyo la’aan darteed, 130-ka neef ee u haray maleh cad iyo caano toona.
Qoyskiisa ayaa bishan isticmaalaya raashin uu ku soo gatay 50 doollar oo uu walaalki uga soo diray magaalada Muqdisho. Faarax ayaa aada magaalada Cadaado si uu deyn iyo deeqba ugu soo helo carruurta kadib marki laga joojiyay daynti uu ka qaadan jiray goob ganacsi oo uu macmiil u ahaa.
“Arigayga kuma jiraan orgi waawayn oo hadda suuqa leh, guud ahaanna waaba caato, ma garan karo si aan daynta isaga bixin doono haddii xaalku sidan sii ahaado.”
Qoysaska qaar oo bakhaarrada ay daymaha ka qaadan jireen ay u diideen ayaa si ay raashin u helaan, waxay qaab dayn ah uga qaadan jireen dadka daymaha ka soo qaata bakhaarada si ay lacagta qaybtooda u bxiyaan.
Cabdishakuur Xuseen Warsame oo ah aabbaha qoys shan qof ka kooban ayaa tan iyo bishi Janawari raashinka la qaybsanayay qoys ay qaraabo yihiin oo ku xirnaa dukaan balse ayagiina loo diiday in dayn la siiyo. Cabdishakuur ayaa sheegay in lagu leeyahay 800 oo doollar.
“Waxaan ku noolayn raashinka ay soo qaataan qoyska aan qaraabada nahay, taas oo sii kordhisay deynti la igu lahaa,” sidaa waxaa yiri Cabdishakuur oo 80 neef oo ari ah uu lahaa 40 ka mid ah ku waayay abaarta laga soo billaabo bishi koobaad ee sanadkan.
Xilligan oo kale suuqa magaalada Cadaado waxaa la keeni jiray xoolo badan si soonka ay uga faa’ideystaan xoolo dhaqatada, kuwaas oo ku heli jiray iib wanaagsan.
Maxamed Cabdi Cumar oo bakhaar lagu iibiyo raashinka iyo alaabo kale ku leh magaalada Cadaado ayaa sheegay in laba boqol oo qoys oo xoolo dhaqato ah uu dayn siin jiray tan iyo sanadki 2019 balse hadda ka soo reebay 50 qoys oo kaliya.
“Laba qoys ayaan ku leeyahay min kun doollar, halka inta kale aan ku leeyahay lacag u dhexaysa $100 ilaa iyo $, 1000,” ayuu yiri Maxamed oo xusay in uu u cabsaday ganacsigiisa.