Galgadud: Beeralay helay abuur, tababbar, qalabka waraabka beeraha iyo haamo lagu shubo sunta lagu buufiyo cayayaanka

0
Keydka/Ergo

(ERGO) – Boqol iyo toddobaatan iyo shan beeralay ah ayaa guddiga caalamiga ah ee IRC ka helay abuur, tababbar iyo qalabka waraabka beeraha iyo haamo lagu shubo sunta lagu buufiyo cayayaanka.

Beeralaydan oo deggan magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb iyo tuulooyinka hoos yimaada ee gobolka Galgaduud ayaa saddexdii roob ee la soo dhaafay ayax ka cunay dalagyadii ay abuurteen.

Cabdixakiin Dhuxul Xassan oo ka mid ah dadka mashuucan ka faa’iidaystay ayaa sheegay in shantii bishan uu dalagyada ku abuurtay beertiisa oo ku taalla duleedka Dhuusamareeb isla markaana uu caawiyay tababbarkii la siiyay. Wuxuu xusay in wax badan uu bartay oo uu wax ka beddelay habkii uu u mari jiray tabcashada beerta.

“Hadda cilmi badan ayaa noo kordhay oo barigii hore dadku tababbar fiican maysan haysan. Laakiin hadda wax badan ayaan ka faa’iidnay, sida tacbashada beeraha, diyaarintooda, dhulka sida jiilaalka loo habaynayo, wax yaabo badan ayaan ka fahamnay. Naqshadahaas abuurka beerashadiisu markii hore waxyaabo badan ayaa isku qalqaldanaa laakiin hadda waxaan kala fahamnay abuurka wax kasta oo beerta la saarayo, sida uu u kala habboon yahay, mid walba inta la isku jirsiinayo nuuca markaas saaran iyo sida loo kala dumo oo dhan.”

Reerka Cabdixakiin oo rajeynayay in dalagyadii u dambeeyay ee u saarnaa beertiisa uu goosto bishii Diseembar ayaa ayax ka cunay bishii Noveember ee sanadkii hore. Waxay raashinka ay cunaan ka qaataan dukaan ay macaamiil yihiin oo looga leeyahay $670. Wuxuu filayaa in wax-soosaarka beertay uu isaga gudo marka ay u soo baxdo.

Tababbarka la siiyay beeralayda oo socday muddo labo toddobaad ah ayaa lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb.Waxaa la siiyay abuurka raashinka diirka leh ee dalka ka soo go’a iyo khudaarta cagaaran. Cabdixakiin oo leh beer labo hiktar ah ayaa ka warramaya nuucyada qalabka ay heleen iyo waxyaabaha uu ka taray baahidooda.

“Wax badan buu ka tarayaa. Yaanbooyinka lagu falo beerta oo kale, kuwa geedaha lagu jaro, kuwa qashinka la iskaga aruuriyo, gaari gacanno beerta qashinkii haraadiya oo soo hara looga baxsho, haamihii buufinta cayayanka oo garabka la saaranayay iyo qalabkii biyaha beerta kaa soo galaya la isaga xiri lahaa oo lagu carra tuuri lahaa oo darbiga lagu sami lahaa oo kannaallo biyuhu ku leexdaan loogu samayn lahaa.”

Dadkan ayaa sidoo kale la baray sidii ay u beeqaamsan lahaayeen dalagga marka uu u soo go’o oo ay u kaydsan lahaayeen si ay ugu baxsadaan bilaha aysan waxba u soo go’in iyo sidii ay u iibgayn lahaayeen dalagga aan kaydka galin, sida uu noo sheegayAways Maxamuud Xassan oo kamid ah howl-wadeennada hay’addu howshaan u xil-saartay.

“Kaydkaas waxa kamid ah waxyaabaha gali kara galleyda iyo masasgada. Waxyaabahaas oo kale inay iyaguna ay kayd ka dhigtaan halka waxyaabaha aan kaydka gali karin ee khudaarta iyo in ay dib u gataan markay gataan oo suuqa geeyaanna lacagta ka soo bixi karta ay kayd sadaan si inta ay abaarta ku jiraan in ay ku sii noolaadaan ayay kayd uga dhiganaayaan marka ujeedku waxaa weeye in miraha uga soo baxaya berta in ay qaarna kayd sadaan.”

Buraale Aadan Caddaawe oo beer labo hektar iyo bar ah ku leh deegaanka Gidhays ee gobolka Galgaduud wuxuu si la mid ah beeralayda kale ku qasaaray ayaxii saameeyay gobollada Soomaaliya dhammaadkii sanadkii 2020.

Ninkan ayaa shantii bil ee la soo dhaafay nolasha qoyskiisa oo horay beerta ugu tiirsanaa ka maareynayaa lacag uu ka helo dhismaha guryaha oo uu ku qasbanaaday in uu ugu xamaal tago magaalada Cadaado oo 10 km u jirta deegaankiisa.

Buraale ayaa si la mid ah beeralayda kale la siiyay qalabka iyo abuur isugu jiray raashinka diirka leh iyo khudaar. Wuxuu rajeynayaa in beertiisu ay ugu filnaato noloshiisa oo suuq fiican helo marka ay dalagyadu u soo go’aan.

“Waxaan aamminsanahay wax wayn in ay ka imaanayaan oo haddii anigu aan khudaar beerto ay wax badan iiga soo ga’aan, marka ay ka soo go’aanna aan iibgeeyo, bacdigeed aan macaamiil samaysto wax iga gata. Waxna ganacsi aan ka sii sameeyo, waxna aan ka keydsado ama beertii aan dib ugu soo celiyo rajo wayn ayaan ka qabaa.”

Aways Maxamuud ayaa sheegay in ujeedka ay ka leeyihiin Mushruucaan ay tahay sidii kor loogu soo qaadi lahaa wax soo saarka beeraha ee gobolka. Dhanka kale waxa uu tilmaamay in ay jiraan 10 qof oo iyagana loo tababbaray tabcashada shinnida, kuwaas oo la baray sidii ay u xannaanaysan lahaayeen, dharka looga baahan yahay qofka shinnida ka shaqaynaya, sida loo soo qabto marka sunduuqa la galinayo iyo sida looga badbaadiyo qatarteeda dadka dariska la ah iyo xoolaha.

“Dadkaas shinnida dhaqaalaysta oo ku guda jira howshaas ayaan ka soo xulna deegaanka Balli-cad ooo hoostaga dagmada Dhuusamareeb. Muddo 14 bari ah ayaan iyagana tababbar aqoon kororsi ah siinnay. Sidoo kale waxaan siinnay qalab sanduuqyadii ay ka mid yihiin, dharkii looga hortagi lahaa qaniiyadeeda iyo wax yeelladeeda.”

Qoysaskan oo loo soo xushay inay yihiin kuwa ugu daran ee ayaxu saameeyay ayaa tababbar iyo abuurka la siiyay loogu talagalay inuu u noqdo billow fiican si il dhaqaale ay ugu noqoto.

 

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here