Kumannaan neef oo xoolo ah oo cudurro ugu dhintay deegaanno ka tirsan gobolka Bakool

0
Photo | Keyd/Ergo

(ERGO) – In ka badan saddex kun oo neef oo xoolo ah oo iskugu jira geel, ari iyo lo’ ayaa saddexdii bil ee la soo dhaafay ku dhintay deegaano hoostago degmooyinka Ceelbarde, Yeed, iyo Rabdhuure oo ka wada tirsan gobolka Bakool.

Isu-duwaha wasaaradda xannaanada xoolaha maamulka Koonfur Galbeed ee degmada Ceelbarde Sulub Cali ayaa sheegay in degmooyinkan oo xudduud la leh Itoobiya ay sii badisay tirada xoolaha dhamaanayo maaddaama cudurradu ay faafeen.

Wareysi uu Raadiyo Ergo siayay ayuu ku sheegay waxa sababay xanuunadaan iyo dowrka ay wasaaraddu ka qaadaneyso bedbaadinta xoolaha soo haray.

Sulub Ali: Dadka halkaan ku nool boqolkiiba boqol waa xoolo dhaqato. Degaannadaan waxaa ku hareereysan xudduud ay la wadagaan Itoobiya iyo Kenya, kuwaas oo aan la ilaalin. Xoolo-dhaqatada ka soo hayaama abaarta ayaa iska soo galo degmooyinka, sidaa darteed is dhexgalka xoolaha ayaa keenay in cudurradaan ay ku faafaan degmooyinkaa.

Bishan Abriil waxaan ka tallaalnay xoolaha ku dhaqan degaannadan cudurka CPP. Hase yeeshee waxaa jira cudurro kale, sida babesiosis oo ay keento shillinta, cudur kale oo la yiraahdo HS iyo sidoo kale Black quarter cudurka la yiraahdo oo aan weli xoolaha laga tallaalin balse si weeyn u aafeeyey saddex bil ee la soo dhaafay xoolaha.

Sidaaa awgeed, waxaa si weyn loogu baahan yahay in deegaannadan laga fuliyo tallaallada xoolaha inta uusan, maaddaama ay roobabku halis u yihiin inay sii fiidiyaan cudduradan.

Radio Ergo: Cudurradan ma kuwo xilliyeysan baa oo dhaca keliya xilliyada jiilaalka?

Sulub Ali: Horta cudurradan badankooda waa kuwa horay u soo jiray, laakiin waqtiyada jiilaalka xoolo-dhaqatada waxay la hayaamaan xoolahooda. Isdhexgalka xoolaha ayaa keenay in cudurradan ay faafaan. Tusaale ahaan, xoolo-dhaqatada qaar waxay xoolahooda kala yimaadaan Beledweyne halka kuwa kale ay kala yimaadaan Itoobiya, Kenya iyo Gedo.

Sidoo kale jiilaalka awgiis, xoolaha way nacfi darreysteen oo waa baabb’a marka jirkooda iska ma difaaci karo cudurrada.

Waxaa sidoo kale deegaanadan ka jira tallaal la’aan. Markii ugu dambeysay ee tallaal weyn laga fuliyay waxay ahayd saddex sano ka hor. Waa laga ma maarmaan in tallaal lala soo gaaro deegaanadan waayo waa meel istaratiiji u ah xoolo-dhaqatada ka soo hayaamo Itoobiya, Kenya iyo Gedo.

Radio Ergo: Cudurradan oo ay xoolaha u dhinteen saddexdii bilood ee la soo dhaafay ma waxay ahaayeen cudurro faafa?

Sulub Ali: Cuduradaan badankooda waa kuwa ay xoolaha kala qaadi karaan. Hase yeshee waxaa jira kuwa ku faafa qaniinyada cayayaanka sida shillinta.

Radio Ergo: Wasaarad ahaan, maxaad ka qabanaysaan ka hortagga dhimashada xoolaha?

Sulub Ali: Waxaan wadnaa wacyigelinta, waxaana u sheegnaa inay na la soo wadaagaan xafiiskeena wixii xoolahooda ka mid ah oo ay ku arkaan astaamaha cudurradaan si aan ula wadaagno xogtooda madaxda sare ee wasaarrada, loona caawiyo dadkan oo ay xoolahooda saameeyeen cudurrada.

Tababbarro badan uma aanan qaban xoolo dhaqatada, laakiin waxaan ku wargelinnay inay karantiilaan xoolaha ay ku arkaan astaamaha cudurradan oo aysan isla daaqin kuwa kale ama ka cabin biyaha hal meel si loo yareeyo faafida cuduradaan.

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here