Dhaqaale xumada haysata qoysaska barakacay oo ku qasabta inay marba xero degaan si ay gargaar u helaan

0
Keydka sawirrada/Ergo

(ERGO) – Xaliimo Caalin Diinle oo iyada iyo carruurteeda oo siddeed ah ay in ka badan shan iyo toban sano barakac iyo guur-guur ku soo qaateen waxay saddex bil ka hor soo degtay xerada Webi-yarow ee degmada Kaxda markii loo sheegay in gargaar ay ku helayso. 

Waxay sheegtay inay isku mareen xeryo dhowr ah oo ku yaalla magaalada Muqdisho si ay u hehaan nolol wanaagsanXeryaha qaar ayay xustay in awood looga saaray, iyagoo wajahay nolol adag. 

Markii ugu horreysay ayay ka mid noqotay lix boqol oo qoys oo deggan xerada Webi-yarow oo lixdii bishan helay gargaar raashin oo ay u keeneen Midowga Yurub iyo hay’adda Hasene oo Turki ah. 

“Waxaa nala siiyay shan kiilo oo bur ah, shan kilo bariis ah, shan kilo oo baasto ah, shan kilo oo sonkor ah, iyo saliid liitar iyo bar ah. Waa mahadsan yihiin ciddii noo keentay. Waa markii ugu horreysay ee aan wax helo muddada saddaxda bil ah ee aan degganahay halkan.” 

Xaliimo qoyskeeda iyada ayaa u ah xoog u dhaqdhaqaaqa. Waxay sheegtay inay awoodi waysay inay caruurteeda waxbarasho wada geyso. Hal gabar ayaa u dhigata fasalka siddeeddaad oo bil walba laga qaado 15 doollar oo ay sheegtay inay aad ugu culus tahay bixinteeda. Waxay masruufka reerka ka soo saartaa shaqooyin xamaal ah oo ay ka hesho 50 kun ilaa 100 kun oo shillin Soomaali ah. 

“Marna dhar baan u soo dhaqaa, marna xaaqino baan intaan caw soo raadsado markaan labo kun helo iska sameystaa oo aan iska soo wareegsadaa. Kuwaas ayaan nolol uga raadiyaa. Marna waan iska soo wareegaa cidaha ayaan u tagaa oo aan dhahaa dharaan idiin dhaqaa. Marna dadka idhaama ayaan u tagaa oo wax i siiya.” 

Marka laga tago Xaliimo, waxaa jira qoysas dhowaan xerada yimid oo gargaarka wax ka helay. Waxaa ka mid ah Aadan Rooble Gacal waa 72 jir barakac noqday markii ugu horreysay Sabteembar 2020.  

Waxay qoyskiisu beer 16 hektar ah oo ku baxda webiga iyo waraabka ku lahaayeen deegaanka Jannaalle ee gobolka Shabeelada Hoose balse sagaal bil ka hor ayaa ayax ka diirtay taas oo ku qasabtay inay barakac noqdaan. Noloshoodu waxay ahayd mid walwal la’ balse hadda helidda quud maalmeedka ayay ka fekerayaan 

Aadan ayaa sheegay inuusan laheyd awood uu shaqo ku qabto maaddaama da’ ay ka dabo timid. Nolosha reerka waxay ku tiirsan dhaqaale yar oo u dhaxeeya $2-4 oo saddax wiil oo u dhalay ay ka soo helaan shaqada god-qodista oo ay si maalinle ah uga raadsadaan degmooyinka gobolka. 

Lix carruurtiisa ah ayaa dugsi qur’aan u dhiganayay, haddase wuxuu sheegay inay waxbarasho la’aan yihiin. Aadan oo qoyskiisu ka kooban yahay 16 qof ayaa sheegtay in raashinka la siiyay uusan muddo dheer hayn karin madadaama ay yihiin qoys ballaaran. Wuxuu ka sheekeeyay dhibaatooyinka nololeed ee ka jira xerada ay deggan yihiin. 

Baahiyaha halkan ka jira wax badan waaye. Baahida halka ka jirta musqul waa loo baahan yahay oo bani’aadamku ku dhaqmo. Hadda duurkaas baan iska aadnaa oo lagu soo bursanayo haddi la rabo goofafka dhexdooda. Bac iyo hoy fiican waa loo baahan yahay, in wax la cuno la helana waa loo baahan yahay. Cid hadda wax noogu maqan oo aan ogahay ma laha. Meel ciyaalka wax lagu baro oo iskuul ah waan u baahan nahay. Biyo toos ah oo uu kaamku leeyahay malaha.” 

Waa isma dhaanto qoysaska xerada ku nool oo intooda badan aan is toos ah u helin maalinlaha. Xabiibo Taran waa ayeeyo deggan Xerada Webi-yarow. Waxay la nooshahay gabadheeda, saddex wiil oo ay ayeeyo u tahay ayay nolosha reerka qeyb ahaan ku tiirsan tahay, kuwaas oo magaalada u aada casaynta kabaha. 

 Waxay la soo guryo noqdaan haweenkii lacag u dhaxaysa $3 ilaa $4. Qoyska Xabiibo waxay ka soo barakaceen Bariire gobolka Shalada hoose sanadkii 2017 markii ay dagaalo ka dhaceen. Mudadaas waxay sheegtay inaysan wax gargaar ah helin marka laga reebo deeq raashinka ay hadda heleen. 

Adeegyada aasaasiga ah ee ay tabayaan dadka xerada waxaa ka mid ah caafimaadka. Qaar ka mid ah dadka deggan ayaa noo sheegay inay dadka qaar xannuunsan yihiin oo aysan jirin xarun caafimaad oo la geeyo. Biyaha sidoo kale helidooda waxaa ka haysta culeys sida ay nala wadaageen hooyooyin biyo dhaamin ku jiray. Roobka gu’ga oo la filayo inuu da’o dhammaadka bishan ayay ka cabsi qabaan inuu saameyn ku yeesho maaddaama aysan haysan gabaad ay ka galaan.  

Buushashka wayn naga dunsan yihiin, bacna ma haysano, biyo ma haysano. Badarka Allaah baan u qabnaa, halahaas yar ayaa na loo keenay, kistiina markan way sii dabo yar yihiin. Marka waxaan u baahannahay bac inay hay’adaha na siiyaan. Dadka ah inay noo gurmadaan. In hoy qofkiii sadaqeysan kara uu nagu sadaqeysto. Bac qofkii heli kara uu na siiyo oo roobkan soo socda ee guga aan ka galno.” 

Gargaarkan oo aan ahayn mid ku filan dadkan ayaa sheegeen in maalmo ay ku seexanayaan iyagoon ka walwalayn wax ay dadba ku shitaan inkastoo aan la wada siin dadka xerada deggan oo sagaal boqol ah sida uu maamulkeedu noo sheegay 

 

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here