Xoolo-dhaqato uu saamaysay jiilaalka oo shaqada liin-qalajinta dhaqaalaha ay ka helaan ku badbaadiya nolosha qoysaskooda

0
Ali Xassan Maxamed (midig) oo kala guraaya liinta/Maxamuud Cabdirashid/Ergo

(ERGO) – Cali Xasan Maxamed, waa 28 jir qabta shaqada liin-qalajinta si uu u badbaadiyo nolosha qoyskiisa oo 6 qof ah, dagmada Luuq ayuu yimid bishii labaad ee sanadkan, markii xoolihii uu dhaqanayay ay qaarna dhinteen kuwana ay iib iyo caano midna u yeelan waayeen, shaqadan xoogsiga ah oo uu helay isla-bishaas ayaa ka caawisay in carruurtiisu helaan raashin ay cunaan xiligan adag.

Raadiyow Ergo ayuu u sheegay in dabayaaqadii sanadkii hore 60 ari ah oo uu lahaa 45 ka tirsanaa ay haraad ugu dhinteen miyiga deegaanka Yurkud oo 30 km u jira Luuq, taasi oo xaalad hubanti la’aan ah galisay nolosha qoyskiisa, wuxuu go’aansaday in uu u shaqo raadsado Luuq.

Liinta-laqalajiyo oo la dhoofiyo ayaa laga sameeyaa cadarka la isku udgiyo, wuxuu qaabilsan yahay beer ka soo guridda, qalajinta iyo raridda liinta. Isagoo saddexdii bil ba ku qaadanaya $200, waxaa ku garabsiiyay helidda shaqadan nin saaxiibkiis oo kaga horreeyay.

Qoyskiisa ayuu hadda ku sii dabbaraa lacaggo dayn ah oo labadii toddobaadba mar ay ku iibsadaan 5 kiilo oo min bur, bariis iyo saliid ah. Wuxuu sheegay in uu iska gudi doono marka uu mushaharka qaato.

“Ninka aan anigu Liinta u qalajinayo lacag dayn ah oo aan ka qaato ayaan u diraa reerka, noloshooda wax yar abaarta ayay ka soo ka banayaan, markii aan lacagta u diro raashin ayay ku gataan oo noloshooda ku maareeyaan. Rafaadkii horana hada wey ka baxeen.”

Ka hor go’aankiisa ahaa raadsashada shaqo xoogsi ah qoyskiisa ayuu u soo dhaweeyay tuulada Yurkud. Isagoo mararka qaar heli jiray raashin ay ku caawiyaan qoysas ehelkiisa ah oo daggan deegaanka.

Jiifka iyo cunnada wuxuu ka helaa Cali iyo xoogsatada la midka ah goobta ay ka shaqeeyaan oo ganacsatada loo shaqeeyo ay ka hirgaliyeen, wuxuu xusay in helidda shaqadan ay muhiim u ahayd nolosha qoyskiisa.

“Shaqada waxaa igu kalifay in reerkeennii ay xoolihii ka dhinteen anigana aan halkaan u soo aado si aan ugu shaqeeyo, saas darteed ayaan aniga inaan shaqadan qabto igu kaliftay.”

Wuxuu kamid yahay in ka badan boqol rag ah, kuwaas tan iyo billowgii sanadkan imaanayay luuq, intooda badan waxa ay ka shaqeeyaan goobaha liinta lagu beerro laguna qalajiyo oo 14 km u jira dagmada luuq, waxay ka kala yimaadeen deegaannada Qooney, Tuulo-bannaan, Warmo-liibaan iyo Washaaqo oo ka kala tirsan gobollada Bakool iyo Gado.

Qaasim Guuleed Axmed oo bishii koobaad ee sanadkan miyiga tuulada Washaaqo ee gobolka Bakool ka yimid wuxu shaqada liin-qalajinta ka shaqaynayaa muddo labo bil ah.

Sagaashan neef oo ari ah ayuu ku waayay daaq iyo biyo la’aantii ka jirtay galbeedka gobolka Bakool, waxaa se wali reerkiisa u haray 20 lo’ah oo caato ah.

Xoogsatada qaar ayaa si maalinle ah shaqadooda uga hela lacag joornaati ah, Qaasim wuxuu ku shaqeeya maalintii labo dollar iyo bar, taasi oo isagu uu doortay, wuxuu xusay lacagtaan qoyskiisa ay kaga filnaatay dhanka cunnada, balse wali ay ay haysto duruuf dhaqaale.

“Waa dareemi kartaa qoys dhan oo biyihii lacag yihiin oo arrad-bax iyo raashin raba oo wax walbo u baahan. Laakiin markii hore oo aan ka soo tagayay gobolka Bakool iyo hadda isku mid maaha, waayo inta aan shaqadaas ku jiro lacag baan qaata, lacagtaas ilmaha iyo reerka way sii celcelisaa.”

Wuxuu sheegay in fursad xiliga jiilaalka ay kaga bixiyaan qoysaskooda ay u noqotay shaqadan. Qaasim ayaa shaqeeya maalintii sagaal saac oo xariir ah. Wuxuu ka warramaya shaqada ay ka qabtaan goobaha liinta ay ku qalajiyaan.

“Liintu waxaa loo qalajiyaa marka hore, geedkaa laga soo gurayaa bannaan baa loo oodayaa halkaas baa lagu soo daadinayaa, bil bey taallaysaa, waa la aruurinayaa misna waxaa loo samaynayaa god bacna waa loo dhigayaa. Hadana waxaa loo samaynayaa bac kale oo korka laga saaro oo roobka looga celiyo, markay qalasho loorar ayaa lagu cabbaynayaa, markaas kadib ayay sidaas ku baxaysaa.”

Sanadkii ba lix bil oo ka mid ah ayay socotaa shaqada liin-qalajinta, Cabdifitaax Cabdulaahi wuxuu 7 sano ku jiira ganacsiiga dhoofinta liinta-laqalajiyo oo la geeyo dalka iskutagga imaaraadka carabta, 86 qof oo u shaqaysa 22 ka tirsan oo dhalinyaro u badan waa xoolo-dhaqto uu shaqaalaysiiyay sanadkan.

“Waxaa nasoo gaaray dhalinyaro aad u tiro badan oo ka yimid miyiga oo magaalada u u soo doontay  nolol, waxay ka mid yihiin dadka aan kambaniga ku soo dhawaynay ee nala shaqeeya, kambanigu waxa uu lahaa shaqaalo hore oo yaqaanna farsamada liinta loo qalajiyo, kuwaas baan ku kala darnay dadkaas bey la shaqeyaan.”

Beeraha liinta oo ku yaalla wabiga jubba dhinaciisa ayaa lagu waraabiya biyaha wabiga iyo ceelal marka wabigu hoos u dhaco loo isticmaalo, ayaxii ku dagay beeraha Luuq sanadkii hore ayay iska caabiyeen beeralayda liinta beerta oo adeegsaday shaqaale badan oo si joogta u kicin jiray.

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here