Qoysas lix maalin u soo lugeeyay inay Beledweyne tagaan oo nolol adag wajahaya

0
Nastexo Shafici oo lagu wareysanaayo daashkeeda/Ergo

(ERGO) – Labo boqol iyo lix qoys ayaa bishii hore ee Maarso ku soo biiray dadka barkaca ku ah magaalada Bededweyne kuwaas oo wajahaya xaalado dhanka nolosha ah.

Qoysaskan oo intooda badan xoolihii ay lahaayeen ku waayay biyo yari iyo daaq xumo tan iyo sanadkii hore jirtay ayaa ka soo barakacay deegaanno ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Waxaa kamid ah qoyska Nasteexo Shaafici Xerow oo 10 qof ah. Waxay ka soo barakaceen deegaanka Afduub oo ka tirsan gobolka Shabeelle. Waxaa xerada Qaxarre ee duleedka Baladweyne oo ay soo gaareen 13-kii Maarso ku haysta dhibaatooyin ay cunno xumo ugu horreyso.

“Aniga qoyskeyga ka cawo ka cawo ayaan wax cunnaa. Maalintii oo dhan sidaan isaga joogno ayaa shaah dabka iska saarannaa. Canug walba dhinac ayuu iiga dhacaa, markaas ayaan shaaxa u qaboojinnaa. Naf ayay u cabayaan ileen wax kale ma haysataane. Dhibaatadaas ayaa na haysata.”

Nasteexo ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in xaalad cunno la’aan oo la soo daristay darteed ay uga soo tageen deegaankooda. Waxay carruurta ku soo qaadday gaari-dameer iyo gaari ay dayn ku soo raacday, iyadoo saddex maalin waddada ku soo jirtay. Waxay rajeynayeen in magaalada Beledweyne ay ka helaan shaqooyin iyo gargaar.

Nasteexo ayaa tilmaamtay in saddeetan neef oo ari ah ay ka dhammaadeen saddexdii bil ee la soo dhaafay . Waxay labadii bil ee la soo dhaafay cunaysay raashin ay dayn ku soo qaadatay, iyadoo hadda lagu leeyahay dayn lacag ah oo dhan $250 oo raashinka iyo gaarigii ay soo raacayn ah. Biyo yarida iyo daaq la’aanta ayay ku waysay 190 neef oo ari ah tan iyo sanadkii hore 2020. Qoyskeeda ayaa helay qol buush ah oo dhinacyada ka furan kaas oo har iyo hoy u ah.

Waxay sheegtay in dhibka ugu daran ee haysta uu yahay musqul la’aan. Waxay nooga warrantay walwalka ay qabto marka ay musqul u baahato oo ay duurka aaddo.

“Aniga Markii aan baNnaanka u baxo anigoo Cabsanaya oo is leh amaa lagu fadhiistaa adiga oo waahel ah oo nin kaa xoog badan ku soo weeraraa ayaan duurka aadaa. Haweenka in la kufsado ayay halis u yihiin. Marka musqulo ha nala la soo gaaro walaalayalow.’’

Labo kamid ah sagaal carruur ah oo aabbahood ayaa nolosha qoyskeeda hadda ka maareeya shaqada Baalashka oo ay ka helaan maalintii $1 ilaa 2$ oo aanjoogta ahayn. Saamaynta ka dhalatay abaaraha iyo biyo yarida ka jirta deegaannada Soomaalida ayaa gaajo u horseeday qoysaskii ku tiirsanaa xoolaha iyo wax-soo-saarka beeraha.

Xerada Qaxarre oo aan lahayn adeegyada aasaasiga ah ayaa loo abuuray dadka ka soo baracaya dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Maamulka magaalada Baladwayne ayaa ka caawiyay in ay helaan dhul ay degaan iyo baco ay biyaha ku shubtaan bartamhii bashii Maarso. Cabdi Xuseen oo ah ku xigeenka duqa Baladweyne ayaa sheegay in xerada ay ka jirto ciriiri dhanka hoyga, cunnada iyo musqulaha ah isla markaana qoysas badan oo soo barakacay ay is-dul-dageen.

Wuxuu tilmaamay in barakaca uu kordhay labadii bil ee u dambeeyay taas oo sii xumaysay xaaladda nololeed ee dadka oo gargaarka ay helaan uu yar yahay. Cabdi ayaa ka dayriyay dadka xerada Qaxarre soo degay oo Baladweyne u soo raadsaday nolol dhaanta middii ay markii hore ku jireen.

“Xeryaha aan tagay waxaan ku soo arkay dad noloshooda aad u leedato. Dadkaas haddii aan wax lala soo gaarin xitaa biyo la’an ayaa loo dhamaanayaa. Taasi oo ugu wacan in webigii uu biyo yareeyay. Biyaha yar oo hadda socda waxay iska yahiin biyo aan dhaqaaq laheyn oo aanan la isticmaali karin. Nolol aad u liidato ayay ku jiraan, waxna ma haystaan.”

Dadka ugu badan ee xerada yimid ayaa ka soo tagay Qallaafe, Mastaxiil, Afduub iyo Shamow oo dowlad deegaanka ah.

Mataan Bare Aadan oo ka mid ah dadka ka soo baracakay Qallaafe ee xerada yimid, waxaa deegaankiisa ka soo barakiciyay markii uu waayay 50 neef oo ari ah. Beledweyne ayuu u soo raadsaday nolol ka duwan middii uu ku noolaa.

Xerada Qaxarre ayuu reerka uga dhisay aqal cooshad ka samaysan oo harsi ma ahan e aan roob ka celin karin maaddaama aysan haysan bac ama teenno uu korka ka saarto. Waxaan waydiinnay waxaa uu ka rajeynayay Baladweyne in uu ka helo.

“Waxaan ka rajeynayay walaalaheyga Soomaaliyed inaan wax ka helo. Nolosha halkaan aniga waa iska dhibaateysannahay, magaaladiina cid aan ka naqaanno malaha. Bakarac ayaan iska noqonnay.  hoy ma haysano waqti roobaad ayaa la galayaa. Dhibaatadeenna waa culus tahay.  Wax hoy ah oo Bac inoo saaran Malaha. Dhibaatadas ayaa meesha ka jirta.”

Ninkan oo ahaa xoolo-dhaqato beeraley, wuxuu sidoo kale saameyn ka dhalatay ayax iyo fatahaad uga qasaaray beer shan hiktar ah oo uu dalagyo saaray bishii Sabteembar ee sanadkii hore. Wuxuu sheegay mataan in lagu leeyahay 209 doollar oo uu ka haray lacagtii uu dalagyada ka soo bixiyay. Qoyskiisa oo ka kooban siddeed qof ayuu Mataan sheegay inay lug iyo gaari ku yimaadeen duleedka magaaalda.

“Markaan soo baxayay lugteenna ayaan kusoo baxay. Aniga, dhalaankeyga iyo hooyadood ayaa nala socotay. Markaan soo mareynay meel la yiraahdo Shuubo ayaan helnay gaari Soomaaliya u soo socdo oo soo fuulnay. Waxaan soo lugeynaynay lix habeen iyo lix maalin. Markii aan xoogaa soconnaba geed ayaan iska fadhiisanaynay cidaha ayaan la sii waheshaneynay sidaas ayaan ku nimid.”

Mataan ayaa sheegay in qoyskiisa uu hadda ku tiirsan yahay labo ilaa saddex doollar oo xaaskiisu ay maalintii shaqo dhar-dhaqis ah ka hesho xaaskiisa oo ay magaalada aadda. Maaddaama isaga shaqadiisa ay ahayd oo kaliya tacabka beeraha iyo dhaqashada xoolaha oo hadda meesha ka baxay.

 

 

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here