(ERGO) – Xoolo ari u badan oo ugu yaraan kun neef ah ayaa saddexdii todobaad ee lasoo dhaafay harraad ugu dhintay deegaanka Maarsamage oo hoostaga degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud sida ay Raadiyo Ergo u xaqiijiyeen dadka deegaankan oo ay ku nool yihiin 1,500 oo qoys oo xoolo-dhaqato ah.
Harraadka iyo biyo la’aanta daran ayaa yimid markii ay gureen toban beri ka hor shan ceel gacmeed oo deegaanku ku tiirsanaa. balse dhimashada xoolaha ayaa soo bilaabaatay horraantii bishii March, markaas oo ceelashu ay biyo yareeyeen kuna filnaan waayeen dadka iyo xoolaha.
Qoyska Bashiir Cismaan Maxamed ayaa ka mid ah xoola dhaqatada biyo la’aantu saameysay. Ari boqol ah oo uu dhaqanayay ayaa 60 ka mid ah ay harraad uga dhinteen tan iyo 25-kii March.
Bashiir oo qoyskiisu ka kooban yahay toban qof ayaa xusay in tan iyo shantii bishan oo kaliya ay ka dhinteen 15 neef oo ari ah. Xoolaha inta u hartay ayuu tilmaamay in aysan cad iyo caano laheyn oo xataa aysan iib galin, taasina ay hor istaagtay inuu u iibiyo biyo uu ku waraabiyo.
“Biyuhu ma sahlana, qarashku ma sahlana. xoolaha wixii soo baxaan arkaynaa iyo waxii noolaada, ileen biyo aan siino uma iibin karno.
Faa’ido la’aanta xoolaha ayuu sheegay in qoyskiisa ay saameysay oo ay hadda ku nool yihiin 20 kiilo oo basiis iyo sonkor ah iyo $50 oo ay dhammaadkii March ka heleen qof qaraabada ah oo deggan Baxdo.lacagtaas ayuu sheegay in hadda ay reerkiisu ku gataan biyaha.
Bashiir ayaa xusay in uusan haynin xal uu raashiin iyo biyo ugu helo reerkiisa haddii ay ka dhamaadaan raashinkan oo ay ku sii noolaan karaan oo kaliya muddo toddobaad ah.
Xoolaha u haray oo uusan u awoodin inuu waraabiyo islamarkaana sii la’anaya ayuu xusay in rajadoodu ay ku xirantahay guga oo da’a.
“Afartan neef ayaan la joogaa oo aan caafimaad laheyn, wax raboo kaagadanaya malahan marka noloshu aad ayay u hoosaysaa.”
Biyaha ay hadda helaan xoola dhaqatadu ayaa booyado looga keeno magaalada Baxdo oo Maarsamage u jirta 35km. Waxay isku darsadaan lacagtooda iyagoo u isticmaala cabidda dadka iyo cunnada. Xoola dhaqatada ayaana tilmaamay in aan badi la waraabin xoolaha, biyaha oo qiimahoodu sareeyo dartood.
Maxamed Cali Dalab oo ka mid ah odayaasha deegaanka Maarsamage oo uusan maamul ka jirin ayaa sheegay in ceelashu ay xilliga jiilaalka ku filnaan jireen xoola dhaqatada, balse in xilligan ay guraan sabab u tahay roobkii dayrta oo deegaanka ku yaraa.
Marxaladda hadda taagan oo ah in xoolihii loo awoodi waayo biyo ay cabaan islamarkaana muhiimadda la saaro dadka oo kaliya ayuu tilmaamay in ay sii kordhineyso dhimashada xoolaha oo aan biyo la’aan joogi karin wax ka badan lix beri.
Waxa uu intaas ku daray in harraad iyo cunno la’aan ay u dhiman karaan xoolo dhaqatadu haddii xaaladan ay sii jirto. Maadaama xoolihii ay ku tiirsanaayeen ay la’anayaan.
“Nolosha dadka meesha ayey ka baxeysaa haddaan roobka gugu soo dagdagin. qof waxii uu dhaqaalaha ka heli jiray ay dhimanaayaan oo xoolihii uu cadka iyo caanaha ka heli jiray ay dhimanaayaan oo meel kale oo uu ku tiirsanyahay aysan jirin in ay dhintaan waxba uma jiraan ama uu cararaan oo waxii socon karaa ay ka meesha kacararaan.”
Waxaa jira qoysas ay xaaladan dhaxal siisay in ay waayaan wax ay maalinkii hal mar karsadaan. Qoyska Axmed Cabdi Faarax ayaana ka mid ah qoysaska xaaladdaas ku jira. Aabahan oo qoyskiisu ka kooban yahay siddeed qof waxa uu tilmaahay in reerkiisu ay hadda ku nool yihiin raashin ay la cunaan qoysas daris la’ah iyo xoolaha oo marmar ay qashaan. Biyaha ay reerkiisu cabaan ayaana ah kuwo uu deyn uga qaato booyadaha. Isagoo tilmaamay in deynta biyaha ee lagu yeeshay ay gaartay $150.
Axmed ayaa sheegay in 120 neef oo ari ah ay uga hartay 75 neef oo uu sheegay in qarka ay u saaran in ay u dhintaan harraad. Labadii todobaad ee lasoo dhaafay ayuu xusay in deyn uu ku waraabiyay, hadana ay qadsan yihiin shan maalin oo xiriir ah. waxa uu tilmaamay in xoolaha u haray ay ku badbaadi karaan biyo joogta ah oo ay helaan balse uusan taas u awoodin.
“Maal xoolo ayaan ka leeyahay asaguna kaas aan kaaga soo warbixiyay la’anaya weeyaan marka xalka aan sugaynaa midka alle weeye.”
Axmed ayaa sheegay in arrintaan ay tahay nolol xumadii ugu adkeyd ee soo marta reerkiisa tan iyo abaartii 2017-kii ku dhufatay Soomaaliya oo qayskiisa ka galaafatay 400 oo neef oo ari ah iyo labo awr oo reerku ku guuri jiray.