Somaliland: Xoolo dhaqato ka faa’iday calaf laga sameeyey miraha geedka cali garoobka iyo qamadi la isku shiiday

0
File Photo/Ergo

(ERGO)- Usaame Xasan Cabdillaahi oo tuullada Ceel-Xume oo 35KM u jirta magaalada Oodwayne ee gobolka Togdheere oo shan iyo toban neef oo lo’ah haysta ayaa daaq la’aanta ka jirta deegaankiisa ay xoolihiisa ka badbaadeen calaf  laga sameeyay geedka Cali Garoobka (Garanwaaga) iyo qamadi la isku shiiday. Wuxuu ka mid yahay 200 oo qoys oo bishi febrawari loogu deeqay calafkan si ay xoolaha u siistaan. Wuxuu siiyaa shan kilo labada galin. Usaame  Xasan ayaa sheegay in markii calafkan uu siiyay lo’diisa ay yeelatay hilib, taasi oo meesha ka saartay  welwelki ahaa in ay kaga dhimato jilaalka kulul ee xilligan jira.

Hay’dda beeraha iyo cuntada ee Qaramada Midobay ee FAO ayaa xoolo dhaqatada ku sugan deeganno kala duwan oo Soomaalilnad ah ugu deeqday.

“Isbedel fiican ayaan ku arkay lo’da oo dhogortii way soo celisay, way cunaysaa oo wax dhibaya maaha waa sida daqiiqda ama burka oo kale dhiig joojin ayay u noqotay neefafka aan haysto,” Ayuu yiri Usaame.

Tuullada Ceel-xume oo dadkii xoolo dhaqatada ahaa intooda badani ay u hayaameen dhinaca xuduudka Itoobiya ayaa waxaa ku soo haray qoysas kooban oo xoolo tiro yar haysta kuwaasi oo quudin uga dhiga boorash ay u soo gadaan iyo calafka loogu deeqay.

Xasan oo nolosha qoyskiisa ku dabara caanaha uu ka helo lo’dan iyo yaanyo uga baxda dhul laba hiktran  ayaa xusay in marki hore uusan ogayn in geedka Cali garoobka ah uu leeyahay faa’idadan, wax uu qorshaynayaa uu ku tume mooye kadibna uu cunto uga dhigo xoolihiisa.

“Xoolaha abaar daran ayaa haysay runtii meel aan u kaxeeyana waan waayay oo carruurta ayaa yaryar balse ilaahay idamkii way noolaanaysaa oo roobka ayaan sugeynaa bishan, biyaha waxaan ka helnaa ceel riig ah oo tuullada noogu yaala, runtii lo’du inay maalin walba cabto ayay rabtaa haddase shanti maalinba mar ayaan soo waraabiyaa oo wax duruuftu keentay.” Sidaa waxaa yiri Usaame.

Usaame waxaa abaartii 2017 kaga le’eday afar neef oo ahaa iyo sodon neef oo ari ah.

Shirkada Fooxle oo ay ku midoobeen dhakhaatiir xanaannaada xoolaha bartay ayaa markii u horeysay sameeyay boqol iyo sadex iyo sideetan kun oo tan oo calafka xoolaha ah, kaasi oo laga sameeyay  Qamadi iyo miraha geedka Cali Garoobka (Garanwaaga) oo ay shiideen (Ridqeen). Waxaana la aaminsan yahay in xilliga abaaraha ay xooluhu ku barbixi karaan.

Dr Xasan Cali Bulaale oo ah guddoomiyaha shirkadan ayaa sheegay ay arrintan ku dhalatay kadib marki abaaraha soo noqnoday ay ku le’edeen xoolo fara badan, ay ka fikireen in loo helo raashin ay cunaan xoolaha.

Dabayaaqadii 2018 ayay sameeyeen daraasad ay ku ogaanayaa waxyaabaha looga faa’ideysan karo geedka Cali Garoobka, waxayna heleen xog ururin caalami ah oo ay sameeyeen khuburo Tansaaniyaan ah oo soo bandhigay in geedkan looga faa’ideyn karo calafka xoolaha marka la shiido.

“Markaan ogaannay faa’idooyinka geedkan oo ah in caladka xoolaha laga samayn karo ayaannu isku shiidnay asaga iyo qamadiga si ay daaq uga dhigtaan xoolaha abaartana ay uga badbaadaan waana ku guuleysanay.”

Deegaanada miyiga ah ayay ka soo guraan dhallinyaro ka tirsan shirkadu miraha Caligaroobka halka qamadiga cad ay ka soo iibsadaan Itoobiya, marka ay isku shiidaan ayuu sheegeen in si fudud neefku u cuni karo, tijaabadii u horeysay ayay soo bandhigeen bishii January ee sanadkan.

Shirkadda fooxle ayaa waxaa taageeray hay’adda FOA iyo ururka dhaqaatiir xoolaha ee aan xuddudda lahayn ee Jarmalka. Xoolo dhaqatada ka faa’ideystay ayaa ku kala sugan gobollada Maroodijeex, Daadmadheedh, Hawd, Togdheer, Sanaag iyo Sool.

Dr Maxamed Xasan Maxamuud oo ka tirsan wasaarada xannaanada xoolaha Soomaaliland, ahna khabirka calafka xoolaha iyo beeraha ayaa sheegay in calafkan ay xoolaha ku yeeshaan awood badan, balse wuxuu ka digay ay xoolaha siiyaan geedkan oo aan la shiidin taasi oo uu tilmaamay inay halis ku tahay caafimaadka neefka.

“Cunada marka la diyaariyo ee la ridqo amma la shiido,garanwaagu marka ay timaado waxaa uu u baahanyahay in laga dhigo daqiiqda oo kale, burkii oo kale uu noqdo oo la baabiiyo sababtoo ah, iniintiisa amma midhihiisa ayaa mindhicirka u fadhiisanaya, sida dameeraha oo kale wuu dilaa haddii  miraha oo aan la shiidin  cunaanoo tijaabo ayaan ku sameynay, marka la shiido dux yar yar ayuu leeyahay oo neefka ayuu anfacayaa”

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here