Mudug: Qoysas xoolihii ka dhammaadeen oo deegaanka Gawaan u yimid si ay carruurtooda gaajada uga bedbaadiyaan

0
Kaydka/ERGO

(ERGO) – Boqol iyo labaatan qoys oo xoolahoodii ku waayay biyo yari, daaq la’aan iyo cudurro ayaa tan bishii dhammaadkii bishii hore soo gaaray deegaanka Gawaan ee gobolka Mudug oo ay baaddiyaheeda degganaayeen.

Dadka oo qaar loo sameeyay xero barakac, qaarna ay dulsaar ku noqdeen ehladooda waxaa ka mid ah Caasho Maxamed Cabdi oo ah hooyada toddobo carruur ah. 

Qoyskeeda oo lahaa 150 neef oo ari ah waxaa uga haray 15 neef oo ari ah bilihii Janaayo iyo Feberaayo jillaalka adag ee deegaanka jira awgiis kaas oo sababay in xitaa baraagihii ay qallalaan.

Caasho oo kowdii Maarso ay qoskeedu soo dageen hal qol ah oo adeerkeed uu siiyay ayaa sheegtay in ay wajahayaan cunni xumo iyo biyo yari.

Waxay sheegtay in magaalada ay ugu kallahdo shaqada dhar-dhaqista si ay ilmaha wax ay cunaan ugu hesho sida ay Raadiyo Ergo u sheegtay. Dadka u shaqeyso ayay sheegtay inay siiyaan raashin ay karsato. 

Subax walba ayaan tagaa oo qofkii daah ii keensada iyo qofkii dhar ii keensata u dhaqaa. Waxaas baan naf ka doonaa. Nus kiilo baasta ah oo ayay i soo siinayaan oo aan ilmaha kugu filneyn. Marna labo koombo oo bariis ah baan helaa.”

Caasho oo saygeedu gacmaha naafo ka yahay waxaa carruurteeda kan ugu wayn uu jiraa 13 sano. Waxay xustay in hal mar ay maalintii wax karsadaan, inta kalana ay qadaan maaddaama aysan heli karin cunno ay siiso.

Waxay tilmaamtay inay helaan biyo aan ku filnayn oo maamulka deegaanka uu siiyo dadka barakaca ah kuwaas oo booyado looga keeno magaalada Hobyo oo Gawaan u jirta 31 km walow ay ka cabsi qabto in ay ka joogsadaan.

Caasho ayaa sheegtay in ay u go’aansatay in qoyskeedu ay yimaadaan magaalo ay dad joogaan si ay u bedbaadiso nolosha carruurteeda. Waxay ka soo lugeeyeen baaddiyaha oo 25 km u jira Gawaan. Dadka deegaanka oo ay jidka kula kulmeen ayay sheegtay hooyadan inay ka caawiyeen alaab yar iyo labo carruur ah ay ugu qaadaan rati ay wateen.

”Meeshii aan deganeyn labo maalmood ayaan ka soo soconay.  Maalinkii saddexaad ayaan soo degnay sidaan habeenba meel ugu ku hoyanaynay. Toddobo cunug oo isma qaaddo ah ayaan wataa.”

Caasho xustay in labo carruur ah ay ka xanuunsadeen markii ay deegaankan yimaadeen biyaha ay haystaan oo qaraar ku ah iyo cimillada awgood.

Maamulka deegaanka Gawaan ayaa sheeshay in dadka oo maalinba maalinta ka dambeysay ay tiradoodu kordhayso ay u kala qeybiyo kuwa ay xero u sameeyeen oo hoy uga dhiseen iyo kuwo ay la dejiyeen qoysas ay qaraabo yihiin, isla markaana ay xaaaladdooda la socdaan.

Wuxuu sidoo kale 23 Maarso 80 qoys oo dadka ugu daran ahaa u qeybiyay min 10 kiilo oo sonkor iyo 15 bariis ah qoyskiiba markii ay iska kaashadeen ganacsatada magaalada iyo qurba-joogta deegaanka ka soo jeedda..

Guddoomiyaha Gawaan Shariif Cali Wehliye ayaa sheegay in cunto yarida haysata dadka soo barakacay ay uga daran tahay biyo la’aanta ka jirta deegaanka oo baraagihii lagu tiirsanaa qallaleen.

“Magaalada biyo hala la soo gaaro. Dhibka ugu weyn ee dadka haysata waa biyaha. Deegaanku ceel ma laha. Kuleyl iyo qalleyl daran ayaa meesha ka jira.”

Cali Maxamed Faarax oo haystay ari saddex boqol oo neef ah, waxaa hadda u soo haray soddon neef markii xoolihiisa ay wajaheen gaajo iyo harraad dilay.

Ninkan oo ah aabbaha siddeed carruur ah ayaa sheegay in qoyskiisa iyo dhowr qoys oo la degganaa oo ay xoolihii dhaafeen ay maamulka ka heleen gaari ay ilmaha ku soo qaartaan. 

“Waxaan gaariga ka soo raacnay meel 40 km deegaanka aan nimid u jirta. Waxaan maamulka u sheegnay in meesha ay tabar nagu hayso oo wax aan ku iyo hanti midna aynaan haysan. Waxaan ka codsannay inay magaalada na geeyaan.”

Cali ayaa tilmaamay inay la degeen qoys ay qaraabo yihiin oo deegaanka deggan. Qoyskiisu ayuu xusay inuu wajahayo xaalad cunto iyo biyo yari ah hada ayuu sheegay in qoyskiisu  ay cunaan raashin iskugu jirah sideed koonbo oo  ganley ah iyo shan koonbo oo masago ah oo  ay ugu deeqeen qoys ay walaalo yihiin oo dagan tuulada gawaan. Rashinkaas oo uu helay 26 bishaan  marso,

Waxa uu xusay in sadexda waqti caruurtiisa waqti kamid ah dabka loo shido kaas oo ah habeenkii ayna maantii oo dhan kuqadaan cuntada habeenkii lasiiyo. 

Wuxuu intaas ku daray in ganacsatada magaalada uu ka qaadan jiray raashinka ay hadda u diideen maaddaama ay ceyr ku dhow yihiin. 

Dadkii aan wax ka qaadan jirnay markaan u tagnay waxay leeyihiin lacagta noo tuura aan raashin idin siinnee. Anaguna waxba ma haysanno marka sidaas baan isaga daynay.

Mamulka Galmudug ayaa billowgii sanadkan sheegay in kumannaan xoolo-dhaqato ah ay wajahayaan nolol adag markii ay xoolaha u waayeen daaq iyo biyo. 

Gobolka Mudug ayaa ka mid ah gobollada xoolo-dhaqato ay ku tiirsan yihiin waraha iyo baraagaha biyaha roobka ay u galaan, waxaa sanadkii hore ee  2020 yaraa roobka ay heleen. Daaq aan badnayn oo deegaannadu heleen ayaa waxaa saameyn ku yeeshay ayax xaalufiyay kaas oo baad la’aan ka dhigay xoolaha.

 

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here