Kalkaaliso soo bandhigtay dhibaatooyinka aan jirin ee bulshadu ka aaminsan tahay caafimaadka

0
File Photo/ERGO

(ERGO) : Samsam Jaamac oo ah kalkaaliso ka shaqeysa isbitaalka Adna iyo isbitaalka guud ee Hargeysa ayaa qortay buug Soomaali ah oo ay uga hadlayso waxyaabaha aan jirin ee bulshadu ka sheegto arrimaha caafimaadka iyo talooyin guud.

Buugga oo ay u bixisay Faraadin ayay kaga warramaysaa fikiradda ay bulshadu ka aaminsan tahay caafimaadka ee ‘ku tiri ku teenka caafimaadka’. Waxa ay sheegtay in dhib badan kala kulantay dadka ay isbitaallada ku qaabbisho ee aan fikradda ka haysan cudurrada.

Samsam ayaa wareysi ay siisay weriyaha Raadiyo Ergo Hargaysa Ilyaas Cabdi ayaa marka sharraxaysa waxa buuggu ku saabsan yahay.

Samsam: Guud ahaan buugga Faraadin wuxuu ku saabsan yahay waxyaabaha aan jirin oo ay Soomaalida ka aaminsan yihiin arrimaha caafimaadka kuwaas oo aan wax tix raac ah ku laheen maaddada sayniska.

Qaar ka mid ah waxyaabahan khuraafadka ah ayaa ah sida la isaga daaweeyo xanuunada marka uu qof xanuunsan yahay, daawooyinka la isticmaalo, sida la isaga qaado cudurrada iyo khaladaadka laga aaminsan yahay naas-nuujinta iyo tallaalka caruurta.

Ka kaaliso ahaan, waxaan la kulmay dhowr khuraafaad caafimaad oo ay aaminsan yihiin dadku. Maanan awoodin in aan dhammaan waxyaabahaas soo qaato buuggayga, waxaan keliya ku soo qaatay qaar ka mid ah, sida Ilko-Dacawo.

Radio Ergo: Waa maxay Ilko-Dacawuhu?

Samsam: Ilko-Dacawuhu waa arrin aad ugu baahsan bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda. Bulshada ayaa aaminsan in ka saaridda ilkaha ugu horreeya carruurta ay ka hortagayso cudurrada carruurta. Fikraddan ayaa laga aaminsan yahay dalal badan oo Afrikaan ah oo ay ka mid yihiin Soomaaliya iyo Tansaaniya.

Waxyaabaha kale aan buugga ku soo qaatay ayaa ka mid ah daawooyinka dhalmada lagu kala fogeeyo, kuwaasi oo wax weyn u tarro haweenka qalliinka ku dhala. Daawadan ayaa la qaataa lix bil, si loo kala fogeeyo dhalmada inta hooyada cunugga lagu qalo ay ka bogsaneyso, balse bulshada Soomaaliyeed ayaa badankooda aaminsan in daawooyinkaan ay sababaan dhalmo la’aan.

Hooyo dhallaanka lagu soo qalay ayaad arkaysaa in ay uur qaaddo iyadoo weli aan bogsanin tani ayaa khatar galinayso nolosha hooyada iyo midda dhalaankeeda.  Dhowr daraasadood oo laga sameeyay arrintan oo aan qaar ka mid ah qaatay buugga ayaa lagu sheegay in daawooyinkan aysan wax dhib ah u ku keenin hooyada balse ay un kala fogaynayso dhalista.

Radio Ergo: Bal noo faahfaahi haweenka aan cuntada la siin markay yar-yihiin iyadoo laga cabsi qabo makaan dheelli in uu ku dhaco?

Samsam: Taasi waa wax aan waxbo ka jirin. Makaan dheelliu waxuu dhacaa kaliyaha markay haweenka ay ka dhaliso qof aan cilmiga aqoon. Waxaa dhacda in dhallaanka si xun loogu soo jiido. Taasina waxaa looga badbaadi karaa in haweenka ay aadaan isbitaallada oo aysan u aadin umuliso-dhaqameedka.

Radio Ergo: Maxaa ka mid ah faa’iidooyinka ay nuujinta ka helaan dhalaanka, oo aad wax ka qortay buggaaga?

Samsam: Hooyooyinka Soomaaliyeed ayaa aaminsan in naas-nuujinta badan ay waxyeello u leedahay ilmaha yar. Si kastaba ha noqotee, naas-nuujintu waxay muhiim u tahay ilmaha. Waxaa jira nafaqooyin badan oo u cunugga ka helo naas-nuujinta. Xitaa waxaa Qu’raanka kariimka ah naloogu sheegay inaan carruurta quudinno muddo labo sano ah. Haddii hooyadu ay joojiso naas-nuujinta ilmaha yar, waxay cunugga u horseedi kartaa arrimo caafimaad maaddaama aysan haysan nafaqadii ay ka heli lahaayeen naas-nuujinta.

Radio Ergo: Waxaad buugga ku sheegtay in aad la kulantay waalidiin si qaldan u fahamsan tallaalka carruurta, bal inoo faahfaahi arrintaas?

Samsam: Haa, waxaan la kulmay hoyooyin aaminsan in tallaalka uu yahay cuddur carruurtooda lagu durayo iyadoo lagala dagaalamayo koritaankooda, taasi oo keentay in aysan caruurtooda tallalka siin.

Fikradahaan qaldan ee caafimaad ee hooyooyinka qabaan ayaa laga sii dhaadhiciya gabdhahooda oo aan u maleynayo aniga ahaan inay dhibaato ku keeni karto bulshadeena. Waxaan buuggan ku qoray Af-Soomaali si aan u saxo fikradahaas qaldan, waana rajadayda inuu buuggan wax badan ka beddeli doono bulshadayda dhexdeeda.

Dhallinyarada wax akhrisa waxaan ku boorinayaa in ay u akhriyaan ama u sheegaan dadka aan wax akhrin oo hooyooyinka u badan qodobbada buugga aan ku soo koobay.

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here