Awdal: Xoolo-dhaqato biyo iyo daaq raadsaday oo qalleyl kala kulmay deegaannadii ay u hayaameen

0
Keydka sawirrada/Ergo

(ERGO) – Boqollaal xoolo-dhaqato ah ayaa u hayaamay deegaanno fogfog oo ka tirsan degmooyinka Lughaya iyo Boorama oo ay naq iyo biyo u raadsadeen.

Maxamed Sahal Loodoon oo 26-kii bishii hore ka tagay deegaanka Ruqi oo hoostaga degamada Baki ayaa sheegay in hayaanka ay ku kalliftay markii baad iyo biyo uu u waayeen xoolaha oo caato daran ah.

Ninkan oo ah 78 jir ayaa tilmaamay in hadda uu joogo deegaanka Osoli ee gobolka Awdal oo socod tobon maalin ah ku qaatay inuu gaaro. Maxamed ayaa intaas ku daray in intii ay hayaanka ku jireen ay xoolo badan jidka uga dhinteen. 15 neef oo ari ah ayaa harraad iyo baahi uga dhintay intii uu waddada ku sii jiray sida uu sheegay. 

“Dadkii iyo duunyadii isku mid ayay ka dhigtay abaartan heshay deegaanka Baki. Xoolihii aan wadaneyna madaxiisii ugu horreeyey ayaa dhintay, ilaa boqol neef oo adhiya inta aan ogahayy oo reerada aan dhex joogo ah ayaa la’day. Waxaa ugu wacan itaal darro. Hadduu gaajoodana ma soconayo, dadkuna waxaasi ayuu duunyo leeyahey oo uu ku dabo jiraa. Noloshu dadkan waxay ku tiirsan tahay habeen wax la soo waayo iyo habeen wax la helo iyo habeen mid karsanya la yidhaado caawa ayaan qadayaayee ii dar iyo meel tuulo ah oo aan tagno oo aan dhahno na aamhiya ama helno ama aan wayno.”

Maxamed Loodoon tilmaamay in reerkiisa oo uu uga tagay deegaanka ay wajahayaan cunno yari markii xooluhu ay u iibsami waayeen inta aysan hayaanka aadin. Waxay hadda quutaan raashin aan badnayn oo ay ka helaan ehlada iyo dadka dariska la ah.

Masuuliyiinta degmada Baki ayaa xaqiijiyay in abaar ay ka dhalatay roob-yarida iyo daaq la’aanta deegaannadaas ka jirta. Gudoomiye ku xxigeenka duqa degamada Dayib Cudad ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in kala bar xool-dhaqatada deegaanka ay hayaameen. 

“Sidaan ognahay roobkii jilaalka la odhan jiray wuu ku yaraaa degmada. Roob kalena dadkii may helin, iminkana geedi bay ku jiraan. Markaa waxaan odhan karnaa abaar baahsan baa ka jirta degmada Baki oo dhinacyo badan taabaneysa, sida  xaggii biyaha iyo daaqii xoolaha. Dadka degmada Baki marka laba loo qaybiyo qayb iyo dhamaan xoolo-dhaqatadii ayaa quluqushay.”

Inkastoo uusan jirin gurmad ay xoolo-dhaqtada helayaa, haddana waxay u guurguurayaan meelaha naqa iyo biyaha laga sheego si xoolahooda ay ugu bedbaadaan.

Xasan Aw Muxumed Cumar Madar oo ka mid ah xool-dhaqada siddeeddii bishan u hayaantay deegaannada u dhow degmada Lughaya ayaa ka dayriyay xaaladda xoolaha ay wataan oo maalin walba ay wax ka sii dhimanayaan. 

Waxaa isaga gaajo iyo harraad uga dhintay13 neef oo ari ah intii uu jidka ku sii jiray. Xasan ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in daaqa la helay uu yahay mid aan roob fiican helin oo maalinba maalinta ka dambaysa gabaabsi sii noqonaya. 

Biyo yari ayuu xusay inay halkaas ka jirto isla markaana xoolo -dhaqato badan oo xoolahooda la hayaantay oo isagu uu ku jiro ay noqdeen kuwo safarka ay galeen uusan wax badan ku soo kordhin.

“Horta xooluhu hadday xaaladdoodu fiican tahay dadkuna way fiicnaadaan. Hadday xoolihiisa iyo wuxuba iska wada liitaan oo nafaqo darro, itaal darro iyo basaarad oo dhan way ku dhacdaa. Kolkaa anigu dadka xaaladdiisa aad baan uga dayriyay xaaladiis.”

Ma aha daaq xumada iyo biyo yaraanta oo kaliya waxa saameeyay xoolo-dhaqatadii hayaantay, balse waxaa dhib kale oo aanay hore ugu xisaabtamin ku noqday kulaylka ee deegaannada Lughaya hoostaga oo aad u daran.

Cimillada degmada Baki ee ay xoolo dhaqatadu ka hayaantay ayaa ah mid qabow xigta, halka degmada Lughaya deegaannada hoostaga ay yihiin kuwo ay cimiladoodu kulushahay. 

Kala duwanaashahaas cimilada iyo kulaylka ku cusub ee ay u hayaameen ayaa sababay in qoysas badan oo hayaamay ay mar kale noloshu ku adkaato sida uu sheegay Maxamed Loodoon.

“Markay 8:30 gaarto, shimbiruhu xitaa ma duulaan. dadka geedaha ayay hoos-galaan. Duunyadana meeshii geed leh ayaa lagu tukubiyaa oo la geeyaa. Marka xaaladdu way adag tahay.”

Culays ayaa fuulay daaqii deegaannada loo hayaamay oo hadda gabaabsi ah markii xoolo badan la isugu keenay deegaannada. Meelaha sida wayn loogu kulmay waxa ka mid ah deegaanka Carawayne ee degmada Lughaya oo masaafo dhan 70 km u jira degmada Baki, sida uu noo sheega Saciid Rayaale Warsame oo ka mid ah xoolo-dhaqatadii ugu horreysay ee halkaas tagtay.

 “Xoolo-dhaqatadu waxay iskaga yimaadeen galbeedka ilaa Quljeed, Boon iyo ilaa xagga Itoobiya qaab baa ka yimid. Abaar baa na heshay xoolihiina calaf baan u soo doonaynay. Baad aan xoolaha siisanno meesha kuma hayno oo waa waxa noogu daran ah hadda. Dadkuna waxba ma hayo, xoolo lagama iibsado, xooluhuna way tamar daran yihiin. Marka gurmad baan u baahan nahay.”

Rajada ay qabaan xoolo-dhaqatadu ayaa sii fogaaanaysa, iyadoo roobabkii la filayay dib u sii dhacayaan. Suuq la’aanta xoolahooda caatada ahna waxay si gaar ah u taabatay duruufta nololeed ee xool-dhaqatada hayaantay. 

Waxay qaarkood ka dayriyeen nolosha cusub ee ay ka billaabeen degaannada ay u soo hayaameen.

Xasan Aw Muxumed Madar oo ku sugan Lughaya ayaa ka dareen celiyay sida uu xaalka xoola-dhaqata iyo xolahooduba yihiin, waxana uu is-barbar-dhig ku sameeyay nolosha meeshii ay ka yimaadeen iyo midda deegannada joogaan.

“Halkan aan hadda kaala soo hadlayana waxa la yidhaahdaa Osoli. Waxa ugu badan ee naga soo barakicyay deegaankaygiina waa baad la’aan. Halkaa aan tageyna biyihii oo qadhaadh ah iyo cadceeddii oo kulul iyo la qabsi la’aan iyo xoolihii oo aan garaneyn baan kula kulanay.  kolkaa soo noqodkii guryihii lagu soo noqonayay iyo wixii lagu soo gaadhayay iyo itaalkii lagu imaanayay lama hayo.“

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here