Kaluumaystada Xaafuun oo ka soo kabanaya shaqo la’aanta ka dhalatay duufaantii Gati

0
Keydka sawirrada/Ergo

(ERGO) – Kaluumaystada deegaanka Xaafuun ee gobolka Bari ayaa ka soo ka banaya shaqo la’aantii ka dhalatay burburka duufaanti Gati ay u gaystay qalabkii ay ku jillaaban jireen bishii December ee sanadkii hore, boqol afartan iyo shan xoogsataas ah ayaa helay dabayaaqadii bishii hore agab iskugu jira matoorro, shabaago iyo tallaagado ay ka caawisay hay’adda cunnada iyo beeraha qaramada midoobay ee FAO.

Kaluumaystada ka faa’iideystay qalabkan waxaa ka mid ah Muuse Cali Qaal oo helay Matoor uu ku xirtay hal saxiimad oo duufaanta uga badbaadday, shabaag uu ku kaluumaysto iyo tallaagad.

Muuse oo horraantii toddobaadkan dib u billaabay shaqdiisa wuxuu sheegay in uu la soo baxo nolol-maalmeedka qoyskiisa, Kadib labo bil oo hakad ay ku jirtay shaqadiisa, waxa uu ka waramaya sida qalabka la siiyay uu u caawiyay.

“Markii hore waannu fadhinay dad aanan shaqaynaynin baan ahayn, laakiin hadda intii tallaagadaha iyo matoorada naloo keenay waan ku soo ka banay haddana waan ku shaqaynaa, Inkastoo aan u baahannahay in wax kale naloogu soo daro, haddeer qoyska waan ku la soo baxaa kaluunkuu cuni lahaa iyo adeeggiisii, ninka maalintii $3 iyo $2.5 wuu soo helaya waa nolol-maalmeedka uun.”

Muuse ayaa ka hor duufaantii Gati waxa uu ka helayay shaqdiisa wax ka badan $70 oo faa’iido ah toddobaadkii, qoyskiisa oo 10 qof ah ayaa 2 bil kadib ka maarmay raashinkii ay ka heli jireen qoysas ehelkooda ah.

Muuse ayaa sheegay in matoorka lagu caawiyay uu qiimihiiu yahay $2,800, taasi ku adkayd in uu iibsado haddii aysan hay’addu siin lahayn, labo kamid ah carruurtiisa ayaa ku laabtay iskuulka hoose ee deegaanka Xaafuun oo toddobaadkii hore dib loo howl-galiyay, markii duufaantu burburisay dhismahiisa.

Muuse ayaa dadaal ugu jira ka soo kabashada dhibaatadii duufaanta oo wali saamaynteeda uu dareemayo.

“Matoorrada nuucii aan ku shaqaysan jirnay baan u baahannahay oo ahaa matoorro waawayn oo shan iyo labaatanle ilaa afartanle ah oo  badda Hindiya looga shaqaynayay oo wax soo saarka reerka kaabayay oo waxbarashada aan ku bixinaynay, matoorradii aan haysan jirnay 30 ilaa 40 mayl baan ku tagi jirnay, laakiin hadda  5 mayl ilaa 7 mayl ma dhaafi karno.”

Kaluumaystada qaar ayaa koox koox isku kaashaday si qalabka la siiyay uu u noqdo mid ay badda ku gali karaan, Abshir Maxamuud Sheekh oo helay shabaag iyo tallaagad wuxuu saxiimad dib loo hagaajiyay kula midoobay ku dhawaad 10 rag ah, kuwaas oo wax soo saarka ay helaan si toddobaadle ah u qaybsada.

Qoyskiisa ayaa ku tiirsanaa muddadii uu shaqo la’aanta ahaa $100 oo bishii ba mar ay ka helayeen gabar walaashiis ah oo dibadda ku nool. Wuxuu sheegay in lacagtaas aysan soo dhaafi jirin raashinka qoyska.

Abshir ayaa tilmaamay in culayska ugu wayn uu ka haystay qarashka waxbarasho ee labo wiil oo dugsiga sare iyo jaamacad u dhiganaya. Waxaa lagu leeyahay $30 oo ah lacagta waxbarashada dugsiga sare oo uusan bixin labadii bil ee u danbeysay. Iyadoo afar bil kadib laga rabo lacagta simistarka jaamacadda oo hadda uu qorshaynayo sidii uu ku bixin lahaa.

Daqliga ka soo gala shaqadiisa ayuu sheegay in aad u yaryahay inkastoo nolol-maalmeedka qoyska uu ka soo saarto, waxa uu in ay ugu wacantahay qalabka badda looga jillaabanayo gaarhaan doomaha iyo saxiimadaha oo aad u yar.

“Walaalle waagii hore saxiimadda 4 qof ama 3 qof baa ku shaqo tagi jiray. Hadda 8 qof iyo 7 qof ayaa ku shaqo taga. Runtii waa la isgacan qabtaa oo waa la iscaawiyaa, aniga aad bey ii saamaysay horta wax dhimasho ah ilaahey naguma keenin qoys ahaan, laakiin guriga aan dagganahay wax alwaax ah iyo wax qori ah kuma aysan harin, saxiimad way iga burburtay matoorkiina isaga lamaba arag.”

Wasaaradda kauulmaysiga Puntland ayaa u xilsaartay guddiga kaluumaystada Xaafuun soo xulista dadka qalabkooda waayay. Kamaal Cabdi Maxamed oo guddoomiye u ah guddigaas ayaa xusay in 600 oo kaluumaysta ah ay duufaantu saamaysay, balse ku dhawaad 400 oo ka tirsan ay ugu darnaayeen, kuwaas oo qaarkood ay ka faa’iideysanayaan qalabkan.

“Way iska yartahay sidii ay u soo kabtaan oo meeshoodii ugu noqon lahaayeen haddii aan hanta badan la galin oo caawinaad badan aysan helin, nin aan waxba haysan ninkii wax taraa wax wayn bey u tahay waana anfacaysaayoo nin cidlo joogay, laakiin waxbadan oo loo qabto way u baahan yihiin.”

Qoysaska deegaanka Xeebeedka Xaafuun oo intooda badan ku tiirsan wax soo saarka badda ayaa dareemay culays dhaqaale oo ay sababtay duufaantii Gati sida uu sheegay guddoomiyaha iskaashatada, wuxuu xusay in dadaalada lagu taageerayo kaluumaysta ay door muhiim ka qaadan karaan  dib u soo kabasho dhaqaale oo ay helaan qoysaska deegaanka.

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here