Boqollaal qoys oo dulsaar ku ahaa dad barakacay oo guryo looga dhisay xeryo ku yaalla Muqdisho

0
Farxiyo oo ka mid ah dadka guryaha loo dhisay/Axmed Maxamed/Ergo

Shan boqol iyo lixdan iyo lix qoys oo deggan xeryaha ku yaalla degmada Kaxda ayaa Feberaayo iyo Janaayo lagu wareejiyay guryo dhisan oo ka sameysan alwaax, baco iyo maryo. Waxaa u weheliyay maacuunta wax lagu karsado, bustooyin iyo soolarro yar-yar. Qoyaskan ayaa isugu jira kuwo dhawaan yimid xeryaha, kuwo horay u degganaa oo ay hoy xumo haysay, halka qaarna ay  dulsaar ku ahaayeen qoysas kale. 

Naciimo Caydaruus Jaamac waxay  ka mid ah 290 qoys oo ku nool xerada Awbaalle ee degmada Kaxda kuwaas oo la siiyay guryaha horaantii bishii Janaayo ee sanadkan. Tan iyo markii ay timid xerada saddex sano kor hoy xumo ayaa dhibaato kuhaysay iyada iyo carruurteeda.  

Waxaa gababad u ahaa buush yar oo marooyin laysku geeyay ka sameysnaa kaas oo aan ka celin jirin roobka, qabowga, qorraxda iyo dabeylaha. Waxay hadda ku hoyataa guri uga wanaagsan kii hore oo ay siisay hay’adda HINNA oo ka shaqeysa caawinta dadka barakacay iyo haweenka. 

“Dhanka hoyga dad meel haysta maanan ahayn, buushash yaryar ayaan iska seexanaynay, haddana dad guri ka soo kacaaya baa nahay. Waxaa naloo dhisay guri Filibiin la dhaho oo alwaax ah dermihii ayaan isaga seexanaa. 

Dhibaatooyin hore u soo maray ayay dib u gocataa Naciimo. Saygeeda oo uu qoysku ku tiirsanaa ayaa ka mid noqday dadkii ku dhintay qaraxii ka dhacay Ex-kontoroolka Afgooye 28 Diseembar  2019. Hooyadeed iyo wiil la dhashay oo reerka ugu yaraa ayay sidoo kale ku wayday fatahaaddii webiga Shabeelle uu ka sameeyay magaalada Beledweyne sanadkii 2018. 

Shan carruur oo ka ugu weyn uu jiro siddeed sano ayay Naciimo masuul ka tahay. Labo carruurteeda ka mid ah ayaa laga soo saaray dugsi ay dhiganeen markii saddex billood laga bixin waayay lacagtii laga rabay. Waxay sheegtay inaysan hadda wax baranin oo ay guriga u joogaan. 

Shaqada dhar-dhaqidda ayay u aragtay inay biilka reer ka raadin karto kaddib geeridii odaygeeda. Subixii ayay u kabo qaadataa inay soo hesho wixii dabka carruurta oo loogu shidi lahaa. Naciimo oo isku keeni waysay inay wax barto carruurta,iyo  inay dabarto noloshooda. muddo bil ku dhow waxay wajahaysaa shaqo la’aan. 

“Nolol maalmeedkii ayaan la’ ahay meel aan ka keeno. Sidii hadda Koroona loo soo celiyay dhar dhaqow ayaan aadi jiray, xaafadihii meel la aadayo ma laha, rafaad baa la taagan yahay. Hadda xalay wax ma siinin dab xitaa carruurtayda uma shidin. Dukaamadii dayn lagama soo qaadi karo. Dayn sidaan u soo qaadaayay dukaamadii dayn ayay igu wada leeyihiin. Inta ii xiran hadda $200 ayaa la igu leeyahay oo raashin iyo waxaas aan carruurta ugu soo qaaday. dukaamadii waxay i dhaheen buuggaagii wuu xirmay dayn kuma siin karo. Xitaa shaah uma karin, waana agoon wax igu garab siinaya malaha.” 

Xerada Naciimo ay deggan tahay oo ay ku nool yihiin qoysas kun lagu qiyaasay ayaa dadka guryaha iyo maacuunta siiyay looga xushay in ay yihiin kuwa ugu liita oo haysta dad naafo ah, carruur badan ama agoon ah iyo dad waayeel ah. 

Muumino Xassan Cabdi waxay ka mid tahay qoysaska hoy la’aanta ahaa ee hadda laga caawiyay. Geedkii guriga u ahaa ayaan ku dhinac wareysannay. Waxay sheegtay in guriga loo dhisay uu wax weyn uga dhigan yahay iyada iyo carruurteeda oo siddeed ah.  

Muumino Xassan Cabdi waxay  ka soo barakacday deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha hoose halkaas oo beer ay ku lahaayeen uu baa’iyay ayax ku degay xilli ay filanayeen inay goostaan, wixii u badbaadayna daad ayaa ka qaaday. Sagaal bil ka hor ayay timid xerada Awballe. Nolosha barakacnimada oo ku cusbayd darteed waxaa ku adkaatay inay la qabsato. Walwalka ugu weyn ee ay la deristay ayaa ahaa helidda hoyga.  

Qoysaskan ayaa ka mid ah 2,318 qoys oo guryo looga dhisay xeryaha ay degganaayeen tan iyo bishii May ee sanadkii hore. Mashruuca oo hadda gabo-gabo ah ayaa 379 qoys oo kale guryo loogu dhisi doonaa ilaa bisha afaraad ee sanadkan. 

Farxiya Xasan Cumar oo haysatada 8 carruur ah iyo labadeeda waalid oo midi aragga la’ yahay waxay labo bil ku dhawaad dul-saar ku ahaayeen qoys kale, hadda waxay ka mid yihiin qoysaska dhanka hoyga laga caawiyay, noloshaas dul-saarnimada ayay inoo sawirtay iyo waxa iska beddelay hadda

“Dhanka hoyga markaan dadka dul-saarka ku ahayn ilmaheenna rafaad meel la kala seexanayo ma leh, qof waayeel ah ayaa ii jooga. Aabbahay Ayaan galinaynay guriga qofka walaalka ah uu na siiyay annagana bannaanka ayaan iska seexanaynay.”  

Marka laga tago in hoyga laga caawiyay qoysaskan, waxaa xeryaha ka jira duruufo kale saddex haweey ah oo ka mid ahaa dadka deggan ayaa naloo sheegay inay umul raaceen saddex toddobaad ka hor markii ay waayeen gargaar caafimaad. Farxiya oo saddex berri umul ah ayaa sheegtay in ay awoodi waysay in isbitaal ku dhasho.

Abuukar Maxamed ayaa sheegay inay suuragal tahay inuu mashruucan oo kale uu dib u billowdo mustaqbalka. balse uu garowsan yahay in baahida dadka barakacay aysan ku ekeyn helidda guryo loo dhiso. 

“Baahi badan way jirtaa guryo keliya uma baahna. waxaan taariikhda ku haynaa dad guryo loo dhisay oo aan helin biyo, oo aan helin cunto, oo aan caafimaadna helin inay meeshii guryha looga dhisay ay uga kala tageen.”

Macluumaad ay sanadkii 2020 soo saareen hay’adaha arrimaha barakaca ka shaqeeya ayaa lagu sheegay in magaalada Muqdisho ay ku nool yihiin barakacayaal gaaraya 500,000 oo qoys kuwaas oo deggan 700 oo xero oo degmooyinka gobolka Banaadir ku yaalla, sida uu noo xaqiijiyay Abuukar. 

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here