Soomaliland: Xoolo dhaqatada oo meel fog fog u hayaamaya si ay biyo iyo daaq ugu helaan xoolaha

0
keyd/Ergo

(ERGO) – Hay’adda u diyaargaroowga masiibooyinka iyo kaydka cuntada ee Soomaaliland ayaa sheegtay in  konton iyo shan kun oo qoys ay saamaysay biyo yaraanta ka dhalatay roobki dayrta oo ku yaraa gobollada Soomaaliland qaarkooda sida gobollada Hawdka, Maroodijeex, Sanaag, Sool iyo Togdheer.

In ka badan 30 kun oo tiradaasi ka mid ah waxay ku sugan yihiin gobolka Togdheer oo ah meesha ugu daran ee ay ka jirto biyo yarida, taasi oo keentay inay adkaato nolal maalmeedka caadiga ah ee dadka iyo duunyada sida  uu sheegay gudoomiyaha hay’adda Faysal Cali Sheekh oo wareysi siiyay idaacdda Ergo.

Waxaa aad u badan qoysaska xoolo dhaqatada ah, ee hayaamaya, qaarkood ayaa dhawr jeer u hayaamay deeganno kala duwan si xoolaha ay ugu helaan biyo iyo baad. Dadkaasi waxaa ka mid ah Jaamac Maxamuud Xasan oo laba toddobaad ka hor hayaan ku tagay buurta gacan libaax oo Hargeysa u jirta 120 kiilo mitir oo ka xigta dhanka waqooyi bari, halkaas oo uu labaatan neef oo geel ah uga helay iyo daaq.

Jaamac oo marki hore ku noolaa tuulada Kaam Abokar oo 160 kiilo mitir u jirta magaalada Hargeysa dhanka koonfureed, Balse hoostagta degmada Gaashaamo ee dowlad deegaanka Soomaalida, ayaa sheegay in uu dhawr jeer u hayaamay deegaanno kala duwan si uu neefafka geela ah, ugu helo biyo iyo daaq.

“Dhibka jiraa wuxuu yahay biyo la’aan  xun ayaa dhacday, xaalku wuxuu noqday in xoolihii  la raro, si caws iyo biyo u helaan, haddii kale way dhammaanayaan, tan iyo bishi sagaalaad ee sanadki hore waan guurayay oo hadba meesha biyo iyo daaq la igu sheego ayaan aadaa”

Ninkan oo lug ku guurayay deegaanada bilowgii bishii sagaalaad hayaamay kaddib markii roobka gu’ga ku yaraaday deegaankiisa waxaa uu tagay Xaaxi, Go’da yar, Salaxley, Daroor iyo Waabariyaale oo ka kala tirsan Somaliland iyo Itoobiya.

Deegaanka uu hadda joogo ee Gacan libaax ayuu qorshaynayaa in uu mar kale ka hayaamo maadaama dad badan ay isugu yimaadeen oo daaqi uu gabaabsi yahay, wuxuu doonaya in uu guuro dhanka gubanka ee waqooyiga xeebaha Berbera oo loogu sheegay biyo iyo daaq.

“Markii hore waxaan ahaa nin xaafadiisa iyo reerkiisa ku barwaaqaysan oo wax la is barbar dhigaba maaha, nin barakacay oo baradiisii iyo dadkiisiiba kala lumeen ayaan hadda ahay, xaaladdii qoyska meeshi hore ee aan uga soo tagay ayay joogaan.

Qoyskiisa ayaa ku tiirsan raashin deyn ah oo ay ka qaataan dukaan ku yaalla deegaanka Kaam Abokor oo uu doonayo in uu bixiyo marka roobku do’o. Xoolo dhaqatada ayaa ka cabanaya biyo yaraan iyo xoolaha oo aan iib lahayn taasi oo ka dhalatay jiilaalka kulul ee jira oo ay sabab u tahay roobki dayrta oo meelaha qaar aad ugu yaraa.

Faysal Cali Sheekh oo ah, gudoomiyaha hay’adda u diyaargarowga masiibooyinka iyo kaydka raashinka, ayaa sheegay in wax ugu badan ee hadda dadka haysata ay tahay biyo la’aan iyo cunto yaraan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in deegaannada qaar ay ka sameeyene biyo dhaamin iyo raashin qaybin naf badbaadin ah.

“Nolosha dadku aad bay u daciiftay waayo, biyo la’aan ayaa ugu sii daran haddii biyo la waayay dadkii wax ay wax ku karsadaan ayay waayeen. Meelaha qaar baad wuu jiraa, meelaha qaarna waa la iskugu guuray oo baadkii wuu ku yaraaday, marka runtii culeys badan ayaa jira.”

Deegaanada ugu daran ayaa ah kala tuulooyin badan oo ka tirsan gobolkaTogdheer,  deegaannada Garadag, Ceel-afweyn, Fiqifuliye oo ka tirsan gobolka Sanaag ah,  degmooyinka Xudun, Saaxdheer iyo Taleex oo ka tirsan gobolka Sool iyo gobolka Maroodijeex oo ay ugu liitaan tuulooyinka Farowayne, Balligubadle, Salaxley iyo Sabawanaag sidaa waxaa radio Ergo u sheegay Faysal Cali Sheekh.

Xamse Cabdi Aw Aadan oo teleefoon ugu warramay wariyaha radio Ergo ee magaalada Hargeysa xilli u ku jiray hayaan uu ugu socday gubanka xeebaha waqooyi ee magaalada Berbera, ayaa sheegay in marki sideed jeer uu biyo u shubay 30 neef oo geel ah iyo 50 neef oo ari ah, kana dhammaatay lacagti uu haystay uu go’aansday in uu hayaamo si biyo iyo daaq uu ugu helo xoolaha. Kow iyo toban habeen isagoo socda ayuu xusay inaanu wali gaadhin goobtii loo soo sahamiyay.

“Waxaa na wadaa waa kulyl iyo biyo la’aan waxaa dhulka ka dhacay oo wakhtigan la joogo cadceeddii oo kululaatay kaliilna lagu jiro, oo biyo la haynin, baad la haynin, markaas sidaas ayay reeruhu u hayaamayaan”

Xamse oo ah aabbaha qoys ka kooban lix qof, ayaa qoyskiisa iyo lix qoys oo kale oo ay isku deegaan yihiin ku wada jiraan safarka ay calafka iyo biyaha ku raadinayaan. Dadkan oo ku guuraya gaadiid ayaa waxaa kaga baxaya lacag dhan 180 doollar oo lagu soo kireeyay gaariga.

 

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here