Galgaduud: Qoysas colaad ka barakacay oo wajahaya cunno yari, hoy la’aan iyo biyo yari

0
Keydka Ergo

(ERGO) – Dad lagu qiyaasay 2,500 oo qoys oo deegaanka Xananbuure oo labo bil ka hor dagaal dhexmaray labo qabiil halkaas uga barakacay ayaa xaalad cunno yari, hoy la’aan biyo yari ku ku wajahay deegaanno hoostaga dagmada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Faadumo Maxamed Cawaale oo haysata lix carruur ah, wuxuu qoyskeedu ka mid yahay 250 qoys oo shan iyo labaatankii bishii hore degay deegaanka Balli-laasoole.

Waxay sheegtay in nafaqo-xumo ka dhalatay cunno yarida haysata ay ka muuqato carruurteeda. Faadumo ayaa tilmaamtay in subaxdii ay u dawarsi tagto dadka deegaanka horay u degganaa. Waxay soo hesho ayay xustay in 24-kii saac ay hal dabka u saartaa carruurta.

“Fiidkii ayaan wax u karsadaa ciyaalka, waa iska joogaan ilaa maantii oo dhan habeenkii waxaan helan ku cashaysiiyaa. Maacuunta cuntada lagu cuno waaba ka soo cararnayba, halkirli labo saxan koobab afar xabaa ah ayaan wadanaa oo aan garabka ku qaadan karo haddii xabaddu sii cuslaato wax aan qaadan karo ayaan haysanaa.”

Faadumo ayaa sheegtay in geedaha hoostooda ay hoy u yihiin isla markaana aysan haysan wax ay ka galaan qoraxda iyo qabowga habeenkii. Biyaha ay helaan oo qaraar ah ayay tilmaamtay in maalin dhaaf looga keeno deegaanka Bowda-dhogorre oo iyagoo toban qoys ah ayay isku dardarsadaan $7 oo hal fuusto la gado.

Faadumo ayaa barakacan ka hor nolosha qoyskeeda ka maarayn jirtay caanaha toban riyood iyo 40 xabbo oo ukun ah kuwaas oo ay ka heli jirtay lacag dhan $5.5. Waxay intaas ku dartay in carruurta aabbahood oo isna ka shaqeyn jiray dhismaha guryaha isla markaana ay isku kabi jireen dhaqaalaha ay helaan inkastoo hadda uu ka mid yahay dadka isku horfadhiya deegaanka.

Waxay nooga warrantay dhibaatada xoolaheeda ka soo gaartay dagaalka oo ay ku waysay 150 digaag ah iyo ku dhowaad 10 neef oo ari ah.

“Aniga afar Riyood ayaan hadda haystaa, 15 neef oo shantu waxaro tahay ayaa ii joogtay. Dooradii midna bahalbaaa cunay, midna xabadbaa laysay. Arigii inta raadshay ayaa waxarihiina xeradii ay ku jireen xabado ugu soo galeen, waa baabe’een.”

Faadumo ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in marka soo barakacaysay ay la soo lugaysay carruurta oo ay waysay gaadiid ay alaabta iyo ilmaha ay ku qaadato.

Dadka xaaladda nololeed ay haysato ee ka barakacay Xananbuure ayaa deegaannada kale ee ay gaareen waxaa ka mid ah deegannada Olol, Laama-dhaayeed iyo Hanta-dheer oo kan ugu dhow uu 20 km u jiro.

Xaawo Maxamuud Cosoble oo ka mid ah 278 qoys oo u barakacday deegaanka Olol oo Xananbuue u jira 24 km waxay sagaal carruur ah oo ay dhashay la lugaysay muddo saddex saac ah si ay deegaan nabdoon u tagaan.

Qoyska Xaawo waxay ka tageen guri labo qol ah iyo agabkii yaallay. Hadda dadka deegaanka ayaa siiyay kirli, digsi iyo labo koob, iyadoo habeenba qoys ay ka soo qaataan raashinka ay karsadaan.

“Lugtaydaan soo adeegsaday. Anigoo galab ari biyo iyo badar siinaaya oo siibad dhexdeed ay ku jiraan ayaa meel ii dhow ayaa rag lagu laayay. Toddobo saac anigoo neefna wadan, calalna wadan ayaan lug uga soo baxay, markaasna dadkii ayaan iska soo dhex galnay. Sida aan ku jirno marka jeerin hoostiis ayaan seexannaa, geed qurac ahna maalinkii ayaan harsannaa dadku waa ila wada mid oo adigu markii dhibaatadu ay ku qabato waad iska jiitamaysaa.”

Xaawo wuxuu nolosha qoyskeedu ku tiirsanaa shaah ay ku karin jirtay deegaanka Xananbuure oo maalinkii ay ka heli jirtay lacag dhan $5 ilaa $8. Balse waxa ay tilmaamtay in dagaalka oo hadba si goos-goos ah uga dhacayay deeegaanka ilaa bartamihii sanadkii hore uu culeys ku noqday ganacsigeedii.

“Si deggan uma ganacsan markii xabaddu bilaabato waan cararijirnay. Markaan toddobaad meelahaas duurkaa ku jirno ee ciidanka Galmudug uu ku soo kala dhex galo ayaan ku soo laaban jiran. Ganacsi baan ku haysannay oo ku barwaaqo ayay noo ahayd.”

Xaawo waxay rajeynaysaa in ay ganacsigeedii ay dib u yagleesho haddii uu deegaanku nabad noqdo, maaddaama karinta shaahu ay u ahayd isha kaliya ee reerkeedu dhaqaalaha ka helo 12-kii sano ee u dambeeyay.

Aadan Cabdulle Cismaan oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee deegaanka oo hadda ku sugan deegaanka Balli-laasoole oo la hadlay Raadiyo Ergo ayaa tilmaamay in adeegyadii aasaasiga ahaa deegaanka istaageen.

Labo iskuul oo ay dhiganayeen 874 arday ayaa xirmay maaddaama ardaydii ay la barakeceen qoysaskii ay ka soo jeedeen.

Wuxuu sheegay in dadka ka barakacay deegaanka ay wajahayaan xaalado kala duwan isla markaana ay gurmad u baahan yihin.

Odayaasha dhaqanka qabiillada dirirtu dhexmartay iyo masuuliyiin ka socda dowladda Soomaaliya iyo maamulka Galmudug ayaa wada waanwaan colaadda xal loogu raadinayo, welina ma aysan ku guulaysan in heshiis rasmiya laga gaaro walow xabbad joojin la sameeyay oo kooxihii ay weli is hor fadhiyaan.

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here