Darawallo ku shaqo waayay dilal iyo afduub ka dhacay waddada u dhexeysa Hiiraan iyo Galgaduud

0
Keydka sawirrada Ergo

(ERGO) – Dilal iyo afduub ku saleysan aano qabiil oo ka dhacay waddada u dhaxeysa gobollada Galgaduud iyo Hiiraan ayaa shaqo la’aan ku riday darawallada gaadiidka xamuulka ah iyo dadkii khudaarta dhoofin jiray.

Arrintan ayaa sidoo kale sababtay hoos u dhac ku yimid qiimaha khudaarta oo saameysay beeralayda dalagyada yar ay uga soo bedbaadeen ayaxa iyo fatahaada markii ay yaraadeen gaaaridii geyn jiray gobollada.

Xasan Maxamed Axmed oo ah darawal labo iyo toban sano ka dhex shaqeynayay waddada isku xirta maagooyinka Muqdisho iyo Guriceel ayaa ka mid ah darawallada shaqo la’aanta ahaa tan iyo billowgii bishii Janaayo ee sanadkan.

Ninkan oo wadi jiray gaari laangaruusar ah ayaa sheegay in labo jeer uu ka bedbaaday kooxo soo wareraray isla markaana uu joojiyay marista waddada.

“Arrintaan saameyn ayay nagu yeelatay. Dadkii safrayay waxay noqdeen qof diyaarad raaca iyo qof gurigiisa iskaga nagaada. Dadku afduubka ayay ka baqayaan, baabuurtana ma aaminsana.”

Xasan saddex jeer oo uu safro ayuu bishii heli jiray lacag dhan $450. Wuxuu sheegay in waddo wareegsi ah ay iska sugaan oo darawalkiiba ay ku soo aadayso 45 berriba mar. Hal mar oo uu billowgii Janaayo ku safray wareegsiga ayuu ka helay lacag dhan $150. Lacag uu horay u keydsaday ayuu hadda ku maareeyaa nolosha qoyskiisa.

Wuxuu tilmaamay in qofka leh gaariga uu darawalka ka yahay uu u sheegay in uusan naftiisa iyo gaari qatar gelin inta afduubka iyo dilalka xal looga helayo. Sidaas oo ay tahay wuxuu weli isku dayaa in uu gaariga u helo rakaab balse dadkii raaci jiray gaadiidka oo yaraaday iyo baabuurta oo badan ayaa liiska bixitaanka meel dambe ka geysay.

“Dad badan ayaa ku hoos noolaa sida dad xamaali ah oo baabuurta rari jiray. Dadkii shaxaad ku noolka ahaa oo gaariga marka uu baxayo soo ag istaagi jiray, waxyaabo badan ayay saameysay lama tiro koobi karo”.

Hoos u dhaca ku yimid qiimaha khudaar lagu iibsado ee magaalada waxaa dadka ay saameysay ka mid ah Cabdisalaan Maxamed Ibraahim oo beer labo hiktar ah ku leh deegaanka Damaloow. Wuxuu sheegay inuu xaraashay khudaartii bishan uga soo go’day beerta markii uu waayay dadkii ka iibsan jiray ee khudaarta sii dhoofin jiray.

Cabdisalaan oo dalagyada u saarnaa beertiisa ay saameeyaan ayax iyo fatahaad, wuxuu ilaa bishii sagaalaad ee sanadkii hore xoog badan ku bixiyay sidii ay uga badbaadi lahaayeen dalagyada oo deyn ku soo qaatay lacagta uu ku soo gaday.

Isagoo gaari dameer uu khudaar ku wado keenay suuqa Dabageed ee Beledweyne ayuu nooga warramay sida hoos u dhacan uu u saameeyay.

”Waxaan suuqa keenay khudaar u badan banbarooni, yaanyo, bocor iyo basal. Wax iga gato ayaan waayay. Aad ayay ii saameysay sababtoo ah waxaan filayey wax fiican.”

Cabdisalaan oo ah aabbaha toban carruur ah shan ayaa u dhigata iskuulka hoose iyo dhexe ee Mujamac iyo toddobo dhigato dugsi qur’aan ayaa bishii laga rabaa $130.

Beerta oo u ah isha dhaqaale ee keliya ee uu ku tiirsan yahay ayuu sheegay in qasaarheeda uu kordhay sanadkii la soo dhaafay isla markaana uu quus ka joogo. Qarashkii Makiinnada, abuurka iyo shidaalka ayuu xusay in weli lagu leeyahay.

Khudaarta beeraha laga soo qaado, waxaa sii dhoofin jiray ganacsato geyn jiray deegaannada Galmudug, Puntland iyo Somaliland, kuwaas oo iyaguna dhaqaalo-xumo wajahaya.

Cadaawe Jimcaale Maxamed oo ka mid ah ganacsatada khudaarta dhoofiya iyo guddiga suuqa ayaa sheegay in muddo bil ka badan uusan gadin khudaartii ay gaadiidku qaadi jireen. Raadiyo Ergo ayuu ugu warramay saameynta colaadda ay ku yeelatay gaadiidkii qaadi jiray khudaarta Beledweyne.

”Saameynta aad u weyn ayay gobolka u keentay, waayo khudaarta nuucyadeeda kala duwan ayaa meeshan laga rari jiray. Shan baabuur, lix baabur ilaa toban baabur baa bixi jirtay maalin walba.”

Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo ka mid darawallada ka dhex shaqeeya gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ayaa isna ka walwalsan yahay sida uu ku maareeyn lahaa nolol maalmeedka qoyskiisa oo deggan magaalada Beledweyne.

Ninkan oo ah aabbaha shan carruur ah ayaa sheegay in muddo labo bil uusan ku safrin gaari candhabeedle ah oo uu waday.

Wuxuu sheegay in hoos u dhac uu ku yimid dhaqaalihii uu heli jiray isla markaana uu qoyska u geeyo raashin uu deyn ahaan ku soo qaatay.

”Waxaan safri jiray lix mar oo soo socod iyo sii socod ah. Hadda baaburkii Baladweyne inta ka wado ayaan deegaanka Bacda geeyaa oo darawal kale ka sii wadaa. Bishii lacagtii aan qaadanaayay $90 ayay ku ekaatay.”

Cabrisaaq oo sagaal sano ka shaqeynaayay waddada ayaa sheegay inay tahay markii ugu horreysay oo dagaallada qabiillada ay saameeyaan.

Wuxuu xusay in inta uu ogyahay toban qof oo darawallada iyo dad safrayay isugu jiray aano qabiil darteed loogu dilay waddada.

 

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here