Mudug: Bacaadka guur-guura oo ka barakiciyay guryahoodii 300 oo qoys

0
Keydka sawirrada Ergo

(ERGO) – Sacdiyo Qaasim Maxamuud  iyo Qoyskeeda oo shan qof ah, waxay muddo shan iyo toban cisho ah bannaan-jiif u yihiin qabowga dabeylaha ka dhacaya magaalo xeebeedka Dhinowda ee gobolka Mudug. waxa ay ka soo barakaceen bacaadka guur-guura oo ku habsaday gurigooda oo ka koobna labo qol, dukaan iyo dayr.

Dhinowda oo Gaalkacyo u jirta 265 ayaa qoysaska ka barakacay ay tageen dhul-taag ah oo 5 km u jira deegaanka, Sacdiyo waxaa ku wehliya barakaca in ka badan 300 qoys oo saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay bacaadka dartiis uga cararay guryahoodii, nolosha qoyskeeda ayay ka soo saran jirtay dukaan ay raashin iyo bagaashka ku iibin jirtay oo bacaadku uu xiray.

Waxa ay ka warramaysaa sida bacaadka dabeyluhu dhaqaajinayaan uu u saameeyay hoygeeda iyo nolosha qoyskeeda.

“Dariishadda iyo guriga oo dhan wuu qariyay. caadi baa looga guuray, alaabtii iyo ciyaalka ayaan kala baxnay, gurigii iyo meheraddii dukaanka ahayd wixii dhamaa isagaa iga soo barakacshay, walina bacaadku wuu nawadaa oo bacaad naga haray maaha, buush yar oo shamaago aan ku xirxirtay ayaan dhistay. wax dhaxan naga celiyana maahan, boqoliiba boqol biyuhu way naga fogyihiin, ilaa 10 bari biyo la’aan baa la ahaa oo mar mar dhif ah ayaa wax dhabaq ah la helayay.”

Bacaadka oo tan iyo bishii Nofeembar ee sanadkii hore dhibaato ku hayay Dhinowda iyo hareereheeda qoysaska ugu badan ee u nuglaaday waxa ay ahaayeen kuwii dagganaa dhulka gudan ama jooggiisu hooseeyo, kuwaas oo ku qasbanaaday in guryahooda ay iskaga baxaan.

Xaalada bini’adannimo ee ay dadkani wajahayaan ayaa ka sii dartay markii ay xabaalmeen ceelashii ay biyaha ka helayeen, Sacdiyo oo hadda dhabarka ku aroorta waxa ay sheegtay in ceel-gacmeedyadii biyaha laga helayay qaarna ay duugmeen kuwana la dhuro.

Waxa ay walaac ka muujisay xitaa in ay xirmeen waddooyinkii muhiimka ahaa ee tuulada soo galayay.

“Waagii hore waddooyin baan la hayn oo baabuurtu ku imaan jirtay, hadda waddooyinkii safarka ama Gaalkacyo ha ahaato ama Boosaaso horta way naga xirmeen oo baabuur meel uu noo soomaro hadda malahan, meelo baabuurta yar yar ay ka soo gasho maahane baabuurta waawayn ma hawaysan karaan.”

Ganacsiga dukaankeeda ayay ka helaysay maalintii lacag ka badan $3 doller oo faa’iido ah. hadda se taasi meesha way ka baxday, raashinka ay ku iibin jirtay dukaankeeda ayuu hadda qoyskeedu isticmaalaa.

Maamulka tuulada Dhinowda ayaa sheegay in dadka barakacay ay qayb ka ahaayeen ku dhawaad 800 oo qoys oo tuulada ku noolaa, tiiyoo ay wali jirto cabsi ah in dad kale ay guryahooda ka baxaan maaddama dabeyluhu si xoog leh ay u dhacayaan.

Cabdirixiin Cali Rooraaye oo ah guddoomiyaha arrimaha bulshada Dhinowda ayaa Raadiyow Ergo ayuu u sheegay in dadka guryahoodu ka badbaadeen bacaadka ee wali daggan deegaanka ay ka soo aruuriyaan raashin kiilooyin ah oo ay ku caawiyaan kuwa aan dabka shidan Karin ee bannaanka tuulada u baxay.

“Dadku saddex qeybood ayay iskugu jireen. dad kaluumaysata ah oo shaqaysanayay. Dad dukaamo ganacsi magaalada ku leh iyo dad xoolo-dhaqato ah oo xoolaha wax ka hela ayay ahaayeen, hadde dabeyshii badda iyo qalabkii oo ka aasmay ayaa ku dhacday, dadkii kale ee ganacsan jirayna dad isku dhex nool bey ahaayeene qof wax gata waa la waayay, dabeyshii oo badatay, roobkii oo yaraaday iyo dhirtii oo go’day intaas baa iskugu darsan tahay, saas baa keentay in bacaadka.”

Gudoomiyhu wuxuu sheegay in saamaynta dabaysha, qabowga iyo bacaadku ay magaalada oo dhan si guud u saamaysay oo xitaa dadka waayeelka ah iyo carruurta ayba adag tahay in ay mararka qaar bannaanka uga baxaan tuulada.

Qoysaska ka barakacay tuulada ayaa culayska kale uu la soo darsay. markii dabeyluhu sii xoogaysteen, Sayid Cabdullaahi Xasan buushkii yaraa ee duleedka Dhinowda uu ka dhistay horraantii bishaan waxa uu qarka u saran yahay in dumo, dabeylaha ka soo dhacaya dhinaca badda ayaa halakeeyay, Waxa uu la daala dhacaya maaraynta nolosha qoyskiisa oo 7 qof ah.

“Aad iyo aad baan udareemayaa culeys farabadan, qabow daran baa jira oo habeenkii soo dhacaya. dadkuna dhagax kuma jiro ee buushash Buu ku jiraa, aad baa qabowgu u badan yahay, marar waxaa jirta ilmaha yar yar iyo dadka waayeelka ah aanu habeenkaas oo dhan dhaxanta ka ilaalinayno, oo wax saar saareyno oo maryo ku duubeyno, bustooyin saareyno, halkaas Baa arrintu mareysaa.”

Siddeedii bishan Febraayo ayuu helay gargaar raashin ah oo la siiyay dadka barakacay oo iskugu jira kiilooyin bur bariis iyo sonkor leh, balse culayska ugu daran waxa uu ka haystaa biyaha oo si adag uu ku helo maaddama ceelasha intooda badan ay xabaalmeen.

Intaas waxa uu ku daray in gurigiisa oo ciiddu dhinac walba ka qabsatay uu muddo saddex sano ah bacaadka ka gurayo, inkastoo toddobaadyadii la soo dhaafay dabeylaha oo xooggaystay ay keeneen in bacaad ka badan kii hore uu aaso gurigiisa.

 

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here