Mudug: kalluumeysato qalab la siiyay uu kordhiyay wax-soo-saarkooda iyo dakhligooda

0
Sawir/Keyd/Ergo

(ERGO) – Muddo afar bil kaddib ah, isbeddel dhanka dhaqaalaha iyo shaqada ah ayaa ku yimid 60 Kalluumeysato ah oo ku nool deegaanka Labad oo 30 km u jira degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Qaar ka tirsan kalluumeysatada ayaa sheegay in qalab kalluumeysi oo ka kooban doonyo, matoorro, shabaago iyo qaboojiyaal ay siisay Wasaaradda kalluumeysiga Galmudug uu kordhiyay wax-soo- saarkooda iyo dakhligooda.

Mashruucan dadka uu noloshooda beddelay waxaa ka mid ah Cabdikariim Cabdullaahi Cali oo hadda ku kalluumeysta doon matoor ku shaqeysa, waxaana ka soo gala shaqada kalluumeysiga, dakhli gaaraya $300, illaa $400.

Isagoo aan haysan agab uu ku shaqo tago ayuu afar bil ka hor kamid noqday dadkii ugu horeeyay ee ka faa’ideystay, agab doonyo kalluumeysi ay ka mid yihiin oo deegaanka laga qeybiyay, halkaas ayuuna sheegay iney uga bilaabatay nolol cusub.

“Sidaan qalabka Cusub u helnay tabar yaridii waa kabis koonay, aad baan markii u horeysay aan indhaha u kala qaadnay oo wax noo Tareen.”

Cabdikariim oo ah aabaha 7 carruur ah ayaa markii uu kordhay dakhligiisu, waxa uu qoyskiisa ka saaray xero barakac oo ay deganaayeen, isagoo dajiyay guri kiro ah oo deegaanka ku yaalla , sidoo kale wuxuu boqol doolar u diraa bishii labo walaalihiis ah oo ah danyar xoolo aan badneyn ku dhaqda miyiga Mudug, sidoo kale saddex carruurtiisa ah oo gaaray da’da waxbarashada ayuu qorsheynayaa in uu iskuul geeyo.

Waxa uu markii hore ahaa xoolo dhaqato guura miyiga degmada Hobyo ee gobolka Mudug, balse horraantii 2020-kii ayuu soo degay xero dadka soo barakacay ku nool yihiin oo ku taalla deegaanka Labad, kadib markii, Ari 150 neef ah oo uu dhaqanayay ay abaar ka leysay.

“Waxaan ahayn dad sabool ah oo kunool bad, marka dad maana ahayn wax gadan kara, Habeenna cashaan heli jirnay, habeenna casho la’aan baa iska eheen.”

Sidoo kale, Cabdiraxiin Cabdulaahi Maxamed ayaa kamid ah kalluumeysatada ka faa’ideystay qalabkan, ka hor mashruucan waxa uu ahaa dabato hal xarig xeebta u rita, si xabad kalluun ah uu u helo, isagoo bishii ka heli jiray ugu badnaan $60, balse maanta oo uu ku kalluumeysto shabaag boqollaal kalluun ah qaadda iyo doon matoor leh oo koox kala dhaxeysa, waxa uu bishii helaa dhowr boqol oo doolar.

Waa aabaha sadex carruur ah oo kan ugu weyn 6 jir yahay, qoyskiisuna deggan yahay deegaanka Labad, waxa uu waxbarasho ka bixiyaa caruurtiisa oo qur’aanka dhigta iyo labo uu dhalay walaalkiis oo miyi deggan, kuwaas oo dugsi sare ka dhigta magaalada Muqdisho, bishiina uu ka bixiyo $40 oo isugu jirta lacagta dugsiga sare iyo machadyo kale oo ay ka dhigtaan luqadaha.

“Mar haddii maal galinteedii helnay,caruurtiina noloshoodii wanaagsanaatay,oo maanta loo soo shaqeynayo,kuwii waxbarashada ku maqnaana aan waxbarasho uga bixineyno,waxaan dareemeynaa in niyadeenu sidii hore dhaanto oo la soo kabanayo.”

Cabdiraxiin ayaa sheegay in 10 kii qofba ay ka dhaxeyso hal doon,hal qaboojiye, 3Matoor iyo ugu yaraan 15  shabaago, iyadoo kalluunka ay soo saaraan uu aad ugu baahay gobolada dhexe,waxaana ka iibsada dadka degan deegaan xeebeedka Labad iyo ganacsato jumblo ahaan uga qaata oo u sii iib geeya gobolada dhexe.

“Waxaa naga gata oo u mahdinaynaa dadka tuulada iyo Ganacsato leh gaadiid Talaajado waaweyn leh oo kabeec Mushtara kalluunka, kuwaas oo nooga yimaada magaaloyinka waa weyn, sida, Galkacyo,Dhuusamareeb , Guriceel iyo meelo kale oo cadaado ay ku jirto.”

Agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumeysiga Galmudug Abshir Xaashi Cali oo la hadlay Radio Ergo ayaa sheegay in daraasad ay sameeyeen ay ku ogaadeen in dadkii la siiyay qalabka oo danyar ahaa ay ku faa’ideen, sidaa darteedna ay sanadkan qeybin doonaan qalab kale oo ay ka faa’ideysan doonaan boqollaal kalluumeysato ah.

“Markii hore qofka kaluumaysatada ah waxa uu la soo bixi jiray maalinkii oo dhan Shan Kiilo, halka maanta uu la soo baxayo, maalinkii ku dhowaad Shan boqol, illa lix boqol oo Kiilo.”

Agaasime Abshir ayaa sheegay in wasaaradda kalluumeysiga Galmudug uu hadafkeedu yahay, in kalluumeysatadu gaaraan isku filnaasho wax- soo- saar iyo mid dhaqaale, isagoo sheegay in qorshaha wasaaradda ay ku jirto in dhanka kalluumeysiga ay u jiheyso, xoolo dhaqatada, beeraleyda iyo kooxaha dhirta shida.

Qalabka ay wasaaraddu u qeybisay kalluumeysatada waxaa ku taageertay hay’adda cunnada iyo beeraha Qaramada Midoobay ee FOA.

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here