Dugsi sare oo markii ugu horraysay laga hirgaliyay degaanka Dhabad ee Galmudug

0
Macalin sabbuur cashir ku sharaxaya. Sawir/Khadar Cawl/Ergo

(ERGO) – Ardayda ka baxday dugsiga dhexe ee deegaanka Dhabad oo 40km u jirta magalaada Caabudwaaq ee waqooyiga Galmudug ayaa saddexdii bilood ee la soo dhaafay bilaash ku dhiganaya dugsi sare oo markii ugu horraysay deegaanka laga hirgeliyay bishii siddeedaad ee sanadkan.

Iskuulkan ayaa dadka uga baaqsadeen in ay carruurtooda u diraan magaalooyin aad uga fogfog oo ay waxbarasho ugu diri jireen markay ka baxaan dugsiga dhexe.

Dadka carruurtooda ay fursaddan ka faa’iidaysteen waxaa ka mid ah Nuuro Cismaan Shire oo ah hooyada toban carruur ah. Labo wiil oo ay dhashay oo dugsiga dhexe dhameeyay ayay 2019 magaalada Boosaaso oo gabar ay qaraabo yihiin ay daggan tahay ugu dirtay si ay waxbarashada u sii wataan.

Nuuro oo nolosha reerkeeda ay ku tiirsan tahay shaax ay suuqa ku kariso ayaa sheegtay in ay dhibaato badan ay ku qabtay $50 oo bil kasta looga qaadi jiray iskuulka, buugaagta iyo qalimiintooda iyo biilkooda oo marba waxa ay awooddo ay uga qeyb qaadan jirtay.

“Wallaahi xoogayga waxaan ku keenaan ku bixinjiray kuna biilijiray … shan bari marka la joogto ama 10 bari waxaa lagu leeyahay waxaan ayaa dhiman markaasaan meel walba uga raadin jiray oo aan u dayman jiray ama dadka uga qaadan jiray walwalka aan ka qabay meesha shishe oo ay iga joogaan dartii.”

Wiilasha ayay sheegtay inay ku laabteen fasalka koowaad ee dugsiga sare oo horay ay u soo dhigteen maaddaama ardayada deegaanka sanadkan loo billaabay dugsiga sare. Waxaa sidoo kale dugsiga dhexe u dhigta labo gabdhood oo ay tilmaamtay in marka ay dhameystaan aysan walwal ka qabin inay meel kale u dirto.

Nuuro ayaa xustay inay ka nasatay lacagtii dheeraadka ahayd ee ay ku bixin jirtay wiilasha isla markaana hadda keliya dhiibto dharka, buugaagta iyo qalimaanta.

“Awal xagaa walwal iyo dhibaatay igu haysay…ilaahay ayaa nagasoo furtay, oo boqolkiiba boqol niyadeenii waxa ay noqotay kaalay iska arag oo ilmaheena waan ka warqabnaa, iskuulkeena waan ka warqabnaa, kabtooda iyo karintoodaan ka warqabnaa oo qaf nala joogay noqdeen walwalkiina ilaahay sidaas ayuu nooga saaray.”

Waxaa jira dad ay carruurtoodu xilli hore ka baxeen dugsiga dhexe balse aan u dirin waxbarasho kale oo iska ciidansan jiray. Xaawo Xasan Maxamed oo ah hooyada 8 carruur ah waxa uu qoyskeedu deggan yahay miyiga deegaanka. Labo gabdhood oo ay dhashay ayaa ka mid ah aradayda sanadkan fadhiya dugsiga sare.

Xaawo oo gabdhaheedu dugsiga dhexe dhameeyeen 2019 ayaa sheegtay in ay ku aamini waysay in ay u dhiibto dad kale iyo magaalo aysan ka war qabi karin xaaladdooda.

“Igama suura gasho sababtoo ah wuxu waa gabar isma xadidi karto ismana xafidi karto oo jeebyarina waa iska jirtaa, in iskuul naloo furana rajaan ka qabnay. Ilaahaybaa mahad leh oo deegaankii waxbarasho noo keenay.”

Jaaliyad ka soo jeedda Dhabbad ayaa iskuulkan oo horay u ahaa saddex qol ka hirgeligay deegaanka, waxaana hadda ay ku dareen labo qol oo dugsiga sare ah iyagoo bixiya qarashka macalimiinta si ay dadka deegaanka ugu fududeeyaan in carruurtooda ay waxbarasho u helaan.

Maamulaha iskuuka Madiino Cabdi Maxamed ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in intaan iskuulka sare deegaanka laga furin ardayda aan loo dirin waxbarashada ay bilo kaddib ay ku biiri jireen dadka isticmaala maandooriska balse waxa ay sameeyeen wacyigalin ku aaddan sidii arrintaas looga baaqsan lahaa.

Axmed Mahdi Isxaaq oo 18 jir ah waxa uu ka mid yahay ardayda dugsiga sare markaan fadhisa ee dugsi dhexe dhameeyay 2018. Axmed oo kasoo jeeda qoys danyar ah oo dhaqda 5 neef oo ari ah, waxa ay waalidkiisu waxbarasho Mugdisho ugu direen labo gabdhood iyo saddex wiil oo la dhalatay. Waa ay awoodi waayeen qarashka oo ku yar dartiis inay isagana u diraan dugsiga sare.

“Haddii iskuulkaan uusan furmi lahayn labaan mid noqon lahaa; in aan sagseeg noqdoo dadkaas muqayiliintaa aan ku darsamoo iyo in aan naftayda ku caymiyo ganacsi iyo waxyaabo yaryar maadaama iskuul aan horay wax ugu sii barto aanan haysan.”

Ardayda iskuulka oo guud ahaan 480 qof ah ayaa barkood waxa ay ka yimaadaan nawaaxiga miyiga ee deegaanka ku hareeraysan sida ay sheegtay maamulaha iskuulka. Waxa ay tilmaantay in mararka qaar ay guuraan qoysaska ay carruurtu wax u bartaan oo xoolaha ay roob raacsadaan isla markaana ay waxbarashada uga dabageeyaan meelaha ay tagaan si aysan waxbarashadu u joogsan.

“Hadday imaan waayaan waalidiintu waa nala soo xariiraan, reer guuraagu marar ay guuraan ayaa jirta. Hadda dad badan ayaa naga guuray roob la’aan darteed, marka waxaan samaynay geedo waababa, macallin ayaan ka daba dirnay oo sabuurado yaryar ayaan siinay…si kastoo waxbarashada loo maaraynkaro waan u samaynaa run ahaantii.”

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here