Arday dhagool ah oo kaalinta labaad ka galay iskuulkiisa

0

(ERGO) – Xareed Aadan Isaaq oo 17 jir maqalka naafo ka ah, wuxuu ardayga labaad ee ugu dhibcaha sarreeya ka yahay iskuul uu dhigto oo aan laheyn nidaamka waxbarasho ee dadka maqalka la’, kaas oo ku dhex yaalla xerada barakaca Kabaaso ee degmada Doolow ee gobolka Gedo oo qoyskiisa ay deggan yihiin.

Macallimiintiisu waxay noo sheegeen in saddexdii sano ee la soo dhaafay uu kaalmaha labaad ama saddexaad u galayay arday ka badan 500 oo dhigata iskuulka oo lacag-la’aan wax looga barto, looguna talagalay dadka gudaha ku barakacay. Waxaa dugsiga gacanta ku haysa hay’adda maxalliga ah ee HIRDA oo kaalmo dhaqaale ka hesha UNICEF.

Xareed oo aan qoraal kula sheekeysanay ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in maalin kasta in ka badan saddex saacadood uu dib u akhriyo casharrada uu soo qaato, isagoo maaddooyin ay ku jiraan afafka Ingiriiska iyo Carabiga oo ku adkaada la kaashada internet-ka, halkaas oo uu ka baarto sawirro ama muuqaallo iyo qoraallo wada socda oo u sahla inuu fahmo erayada iyo macneyaashooda.

Wuxuu xusay in nidaamka uu wax ku barto uu kala kulmo culeys, uuna og yahay in ay xaaladdu sii aad kaan karto marka uu dugsi sare gaaro, taas oo ay u sii dheer tahay in ardayda qaar ay ku yiraahdaan waxba ma baran kartid, hase yeeshee ay ka go’an tahay inuu ka gudbo caqabadahaas oo uu waxbarashada ka gaaro heerka labaad ee jaamacadda, isagoo jecel inuu diyaariyo kulliyadda xuquuqda aadanaha iyo horumarinta, taas oo uu u doortay sida uu sheegay inuu noqdo nin u dooda xuquuqda iyo waxbarashada dadka naafada ah.

Xareed wuxuu ka soo jeedaa qoys ka kooban 12 qof oo afar uu ku jiro ay dhegaha naafo ka yihiin. Waxaa iskuulka la dhigta afar walaalihiis ah oo kala ah Daahir oo 12 jir ah iyo Abshir oo 10 jir ah oo labaduba maqalka-la’, Maxamed oo 13 jir ah laakiin maqalka ka culus iyo Sahra oo ah 15 jir, waxayna dhamaantood dhigtaan fasallo kala duwan oo dugsiga hoose ah.

Xareed oo aad uga dhex muuqda iskuulkiisa, wuxuu fasalka la fariistaa 30 arday oo maqalkoodu uu caadi yahay, hase yeeshee waxaa waxbarashada ku caawiya macallimiintiisa oo ficil ahaan ugu sharraxa casharrada qaar sida xisaabta iyo seyniska, sida uu noo sharraxayo Cabdiwali Maxamed Gaas oo ah macalinka hormuudka u ah fasalkiisa.

“Waxaan juhdi badan ku galinay in uu ardayda la jaanqaado, waxyaalaha ugu badan ama wadooyinka ugu badan oo u marnana waxaa kamida, in si practicala wax loo baro, tusaale markii laga hadlayo habdhiska wareegga dhiigga oo kale … kawaanada xoolaha lagu qalo oo kale ayaan la aadaa si aan u tuso hab dhiska wareegga dhiigga iyo xibnaha ka qeyb qaata ama inta uu u qeybsamo, markaan practicalkaas aan wax ku tuso [ayaan] si leyliya intaan ugu dhigo [ayuu] isagana markaa ka jawaabaa. Aad iyo aad ayey ii dhiiri galisaa, waxyaabaha aan practicalka ku bixiyo markii qof cuuryaana aan siiyo, hadane boqolkiiba uu 80 ama 90 ama 60 ama 50 aan dhaho uu ka keeno, waxaan ku sii dhiiranaadaa inaan ka daalin oo marxalad kasta oo wax ku fahansiin karo aan u maro”.

Cabdiwali waxuu ka dayriyay in dugsiyada dalkeena aysan inta badan laheyn agabka loo adeegsado waxbaridda dadka aragga ama maqalka naafada ka ah. Waxuu sheegay inuu aaminsan yahay in Xareed uu leeyahay hadaf iyo karti uu yoolkiisa uga dhabeeyo, balse uusan ka fursan doonin inuu taageero helo.

“Qofku markuu hanka lee yahay, haduu caawimaadii ku aadaneyd ama loo baahnaa helo waqtiga saxda ah, waxaa suurta gala inuu hankiisaas ka miro dhaliyo, laakiin han aan taageero helin, waa su’aalaha inta badan aan is weydiiyo, macquulkana ah in qofkaasi dib u dhac ku keeni karto.”

Qoyska Xareed wuxuu sanadkii 2013 arrimo amni uga barakacay degmada Diinsoor ee Gobolka Baay, wuxuuna degay xero qaxooti oo lagu magacaabo Buur-aaminow oo ku taalla gobolka Liibaan ee DDS ee Itoobiya, halkaas oo muddo saddex sano ah oo ay deggenaayeen xisaabta, Soomaaliga iyo Ingiriiska lagu baray Xareed. Kadib waxay u soo guureen xerada barakacayaasha Kabaaso ee Doolow, Soomaaliya.

Qoyska oo aan lahayn beer iyo xoolo toona ayaa ku tiirsanaa shaqo dallaalnimo ah oo aabbaha uu ka qaban jiray seyladda xoolaha ee Diinsoor.

Aadan Isxaaq oo ah aabbaha qoyska oo aan horay wax u soo baran ayaa Radio Ergo u sheegay inuu aaminsan yahay in waxbarashada ay tahay waddada kaliya ee ay carruurtiisa ku heli karaan isbeddel iyo mustaqbal wanaagsan oo dhanka nolosha ah.

“Ciyaalka aniga ayaa waxbarashadooda isaga dhabar adeegayay, waxaa igu kalifay aniga ayaa waxbarasha la’aan soo koray, marka in ciyaalkeyga sii dhumaan, oo anigoo kale sii noqdaan ayaa igu kaliftay. Mustaqbalka waxaan ka raadinayaa in haddii ilaahey cimriga u daayo ey kuwii aayahooda dambe wax ii qabta ay noqdaan.”

Qoyskan waxa ay ku nool yihiin guri 2 qol ah oo ka sameysan baco iyo kartoon, kaasoo ku dhex yaalla xerada Kabaaso oo ay ku nool yihiin 10 kun oo qoys, Reerku waxay ku tiirsan yihiin raashin laga bixiyo xerada iyo aabaha oo shaqooyin uu qabto oo ay kamid yihiin beero falis iyo dhagax qaadis ka hela $3 maalinkii.

Degmada Doolow ee Gobolka Gedo waxaa ku nool in ka badan afar boqol oo ah caruur qaba baahiyaha gaarka ah, kuwaas oo badankood aan wax baran, nidaam waxbarasho oo gaar u ah oo aysan helin awgeed, sida uu noo sheegay ururka naafada ee Doolow.

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here