Beeraleyda Mudug oo adeegsada maro kaneeco si ay ayaxa uga badbaadaan

0
Maro kaneeco beerta looga badbaadinayo ayaxa

(ERGO) – Beeralayda deegaan beereedka Salaam ee gobolka Mudug oo dhinaca waqooyi Gaalkacyo ka xiga 10 km ayaa la yimid qaab cusub oo ay iskaga difaacayaan ayax badan oo ku habsaday beerahooda horraantii bishan December. Waxa ay adeegsanayaan maro kaneecooyin ay dusha ka saareen geedaha u baxaya, iyagoo ayaxa u diiday fursad uu ku cuno dalagga ay beerteen.

Inkastoo Wasaaradda Deegaanka Puntland ay in muddo ahba waddo buufinta ayaxa weeraraya beeraha, balse qulqulkiisa oo aan joogsi lahayn ayaa ku qasbay beeralayda in ay adeegsadaan sinsiyeeriyada. Dadka ku guulaystay in qaabkan ay iskaga difaacaan ayaxa waxaa kamid ah Cabdiqaadir Yuusuf Diiriye oo beer labo-hectar ah ku leh deegaankaanka Salaam.

Raadiyow Ergo ayuu u sheegay in buufinta lagu sameeyay ayaxa ay wax badan oo dalag ah u badbaadisay, balse ay lagama maarmaan noqotay in ay la yimaadan beeralaydu feker cusub oo ay kaga hortagaan dhibaatada ayaxa soo noqnoqday.

“Hadda aniga liintayda oo kale inta badbaaday waa inta sinsiyeeriyada ugu badan aan ku xirnay… ciidaas ayuu ka batay kii dhulka yaacayay ayaa inta hoos ka soo raacay baa iyadoo sinsiyeerigu ku xiran yahay uu galay, laakiin kan duulaya sinsiyeeriga aan ku xirnay ayaa in badan naga badbaadiyay”

Waxaa beertiisa ka baxaya geed miroodyada sida liinta, cambaha iyo babaayga oo ay weheliyaan qudaarta cagaaran, qare iyo digirta. Cabdulqaadir ayaa tilmaamay in geedaha korriimadooda iyo waxtarkooda aysan waxba u dhimayn sinsiyeeriyada dusha laga saaray islamarkaana ay tijaabiyeen sida uu sheegay.

Horraantii bishii Oktoobar ayuu beertay dalagga uu weerarka ku hayo ayuxu, gaar ahaan kuwa ku baxa 4 ilaa 5-ta bil. Cabdulqaadir oo aabbe u ah qoys 12 qof ka kooban, waxa uu sheegay in 4 bil ka hor sidaan oo kale weerar uu ku ekeeyay beeraha deegaanka Salaam ayaxa uu ku waayay dalag uu galiyay lacag dhan $800. Waxa uu rajaynayaa in adeegsiga sinsiyeeriyada iyo buufinta lagu laynayo ay wiiqi doonto ayaxa duulaanka ah.

“Illaa Tarro-caddood oo Bacaadwayn agteeda ah illaa Jeexdin beerihii ku yaallay iyo dhulkii caadiga ahaaba way buufinayeen. Diyaarado iyo baabuur baa timid iyo tiimam wata, awal wuxuu nagu dhibayay tirada ugu badan dhulka banaanka ah buu ka soo xaroonayay, laakiin dhulka bannaanka ah wuu ka yaraaday beerihii buu ku siiharsan yahay, dhul badan oo wali uu daadsan yahay se wuu jiraa”

Xaliimo Jaamac Axmed oo beer hal-hectar ah ku leh duleedka Gaalkaacyo ayaa kamid ah beeralayda ayaxii u horreeyay ee ku dagay beerahooda uu dhibaatada u gaystay, waxa uu ka cunay qaybo kamid ah dalaggii u beernaa muddada ku dhow labada bil oo iskugu jiray qudaarta cagaaran iyo raashinka diirka leh sida galayda digirta iyo qaraha.

Waa hooyada 6 carruur ah oo nololshoodu ku tiirsan tahay dhaqaalaha laga helo beertaas. $650 ayay galisay dalagga u baxaya waxaana ay rajaynaysay in lacag ka badan intaas oo faa’iido ah ay ka hesho, balse hadda waxa ay ku fekeraysaa sidii ay uga soo celin lahayd lacagtii ka gashay. Adeegsiga maro kaneecooyinka ayay sheegtay in ay u aragtay sida ugu habboon ee dalagga u haray ay ku badbaadin karto.

“Waa qof biyo qaadeen xumbo cuskay. Fekerkaan dantaa noo gaysay markii uu wax walba qaribay, qofkii wax yar meel ugu hareen in uu sinsiyeeri ama wax kale saarto sidaas buu ku yimid. Bahalkanina maahan mid maalin iyo labo ku dhamaanaya, dhibaato ballaaran buu ii gaystay oo aan qorsoonayn”

Dhinaca kale Wasaaradda Deegaanka Puntland oo kaashanaysa hay’adda FOA waaxdeeda la dagaallanka cayayaanka ayaa wadda buufinta ayaxa, kooxaha howlgalka wada ayaa adeegsanaya diyaarado kor ka soo buufinaya beeraha sida uu sheegayo Maxamed Nuur Nageeye oo madax u ah waaxda badbaadada beeraha.

“Waxaa laga buufiyay dhulka iyo hawada. Wali report ma soo bxiin laakiin qiyaas ahaan 500 oo hectar oo dhul ah waa la buufiyay, kuwaas oo iskugu jira dhul beereed iyo dhul kale oo daaqsimeed ah oo ayuxu fadhiyay oo beeraha uu ka soo weerarayay, walina shaqado way socotaayoo ma dhamaanin”

Tan iyo bartamaha bishan Decembar ayuu xusay in ay wadi doonaan buufinta ayaxa tirada badan oo uu sheegay in ay adkaan doonto ka taqalusiddiisa. Maxamed ayaa tilmaamay boqolkiiba sagaashan beeralayda in dalagoodu uu u badbaaday, taasi oo ay ogaadeen kadib xog aruurin ay sameeyeen muddadii ay howlgalka buufinta ah ay wadeen.

Beeralayda deegaanka Salaam oo 150 ah ayaa markii hore adeegsan jiray biro garaacid, qiiq, iyo hoonka gawaarida si ay u kiciyaan ayaxa, balse taasi uma badbaadin dalaggoodii hore ee ayuxu baabi’iyay intii u dhaxaysay bilihii July iyo August ee sanadkan.

Beeralayda oo filaya in laga adkaan doono duulaanka cusub ee ayaxa ayaa dareemaya cabsida ah in ukumo iskubadala koronkaro uu ku reebo dhulka u dhow beeraha ee uu ku dagay, taasi oo mustaqbalka dalaggooda danbe saamaynkarta.

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here